FactZone Media

FactZone Media Ujeedkeennu waa wacyigelin, xog la hubo, iyo aragti sal leh

FactZone Media waa madal xog ogaal ah oo si qoto dheer u falanqeysa arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo wararka ugu dambeeya ee ka dhacaya guud ahaan geyiga Soomaalida.

DEG-DEG:-Puntland oo ka hadashay Markabka hubka lagu qabtay ee Sea World.Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska...
20/07/2025

DEG-DEG:-Puntland oo ka hadashay Markabka hubka lagu qabtay ee Sea World.

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in xogta hordhaca ah ee la helay ay muujineyso in markab lagu magacaabo SEA WORLD uu muddo laba maalmood ah si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda ee Puntland, isaga oo aan wax dalab caawimaad oo khatar iyo cillad ah soo gaarsiin dowladda Puntland, sida waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee xuduudaha badda (Maritime Territorial International Agreements), gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (π”ππ‚π‹πŽπ’ πŸπŸ—πŸ–πŸ).

Markabkan SEA WORLD waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo laga yaabo inuu halis amni abuuro, isaga oo ku xadgudbay qodobka 19aad (2) (b) iyo (g)ee π”ππ‚π‹πŽπ’ Waxaa xusid mudan in uu ku sugnaa meel ka mid ah zone-ka dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada Caalamiga ah, taas oo khatar dheeraad ah gelinaysa xasilloonida iyo nabadgelyada Puntland.

Heshiisyada caalamiga ah iyo hanaanka diblomaasiyadeed (𝐃𝐒𝐩π₯𝐨𝐦𝐚𝐭𝐒𝐜 𝐏𝐫𝐨𝐭𝐨𝐜𝐨π₯ 𝐟𝐨𝐫 π‚π¨π§π―πžπ²π’π§π  𝐂𝐨𝐦𝐩π₯𝐚𝐒𝐧𝐭𝐬) waxay si cad u dhigayaan in wixii markab ah ee si toos ah u soo gala xuduudaha badda ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu yahay mid leh khatar ciidan ama sharci-darro ah, looga baahanyahay in si rasmi ah loo wargeliyo dowladdaasi. Balse markabkan SEA WORLD waxa uu jabiyay xeerarkaas isagoo aan wax sharaxaad ah bixin.

Tallaabada Puntland:
Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay baaridda iyo hubinta iyo tallaabo ka qaadidda maraakiibta maraya biyeheeda sida ay qabaan qodobbada 25aad (1) iyo 27aad (1) ee xeerka badana π”ππ‚π‹πŽπ’ waxayna Dowladda Puntland hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu xaqiijinayo ujeeddada dhabta ah ee markabkan, cida iska leh, iyo waxyaabaha uu xambaarsanyahay. Intaas ka hor, Puntland waxa ay si cad u xusaysa in markabkan jebiyay xeerarka caalamiga ah iyo nidaamka badda ee ay qeyb ka tahay Puntland.

π†πšπ πšπ πšπ›π¨::
Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland iyadoo ka war dhawraysa baaritaannada socday, waxa ay shacabka Puntland iyo beesha caalamka si horudhac ah ula socodsiinaysaa in markabkan uu halis weyn ku yahay ammaanka, iyo xasiloonida Puntland, isagoo muddo 2 maalmood ah si dhuumasho ah ku joogay xeeb ku began aagga ay bilihii u dambeeyey dowladda Puntland kala dagaallamaysay argagixisada Caalamiga ah ee Daac1sh (πˆπ’πˆπ’), waxayna Dowladda Puntland ay si waafaqsan sharciga badda iyo xeerarka caalamiga ah ula xisaabtami doonto marka ay baariddu dhammaato cid kasta oo ay ku caddaato inay qayb ka tahay xadgudub. Dowladda Puntland waxa ka go’an difaaca baddeeda, ammaankeeda, iyo ilaalinta xuduudaheeda biyaha sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.

β€”β€”πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒβ€”β€”-

Alaabtaan waaba wax kalee midkii loo soo waday armuu is deldelaa
19/07/2025

Alaabtaan waaba wax kalee midkii loo soo waday armuu is deldelaa

19/07/2025

Saacaddu waa 6:45
Mana jirto warar sheegaya in markabkii la sii daayay

Marnaba ma dhacayso gaadiid baadeed oo Badda Puntland ku mari kara sifo sharci darro ah.Faallo ka dhiibo markabkan halka...
19/07/2025

Marnaba ma dhacayso gaadiid baadeed oo Badda Puntland ku mari kara sifo sharci darro ah.

Faallo ka dhiibo markabkan halkaad isleedahay wuu ku sii wajahnaa?

18/07/2025

Warar ka soo baxaya markabkii

Qaar ka mid ah saraakiil PMPF ah oo aan waraystay ayaa ii sheegay marka in uu san turki lahayn ee uu leeyahay Talyaanigu

Waxaa hada la iisheegay in madaxtooyada Puntland lagu diyaarinayo war saxaafadeed kusaabsan arinka markabka kaasoo faah ...
18/07/2025

Waxaa hada la iisheegay in madaxtooyada Puntland lagu diyaarinayo war saxaafadeed kusaabsan arinka markabka kaasoo faah faahin kabixin doona wixi dhacay.

Gacan culusaa laakiin 😁😁

18/07/2025

Reer Puntlandoow si fiican u dhagaysta waa la idiin bareree

Soo kabashada dhaqaale ee Soomaaliya oo weli tabar yar ayaa wajahaysa khatar weyn, kaddib markii deeqihii dibadda oo si ...
18/07/2025

Soo kabashada dhaqaale ee Soomaaliya oo weli tabar yar ayaa wajahaysa khatar weyn, kaddib markii deeqihii dibadda oo si weyn loo dhimay ay keentay in hoos loo dhigo saadaasha kobaca dhaqaalaha dalka.

Tan ayaa halis gelinaysa guulihii dhowaan laga gaaray la-dagaallanka saboolnimada iyo xasiloonida, sida ay ka digtay hay'adda lacagta adduunka (IMF).

Warbixin faah-faahsan oo ay soo saartay Luulyo 2025, ayay IMF ku sawirtay sawir muujinaya in dalku marayo marxalad kala guur ah oo xasaasi ah. Iyadoo carabka ku adkeysay in hoos u dhac deg-deg ah oo ku yimid kaalmada caalamiga ah uu "mugdi gelinayo mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya."

Guddiga Fulinta ee IMF ayaa soo gaba-gabeeyay dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka deyn-dhaafka ee la kordhiyey (ECF) ee Soomaaliya, waxayna ansixiyeen in si deg-deg ah loo siiyo lacag dhan $10 milyan oo doollar. Si kastaba, taageeradan ayaa aad uga yar baaxadda farqiga kaalmada ee hadda Soomaaliya horyaalla, kaasoo IMF ay ku qiyaastay inuu u dhexeeyo $400 milyan iyo $600 milyan sannadka 2025.

18/07/2025

Dadka reer SSC kulahaa Deni iyo ciro oo qorshe halis ah u degey Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Bowayaal belo ma jidho
πŸ˜‚πŸ˜‚

17/07/2025

: " Hadaanu Nahay dhalinyarada reer maakhir go,aankayaga iyo rabitankayaga anaa leh, puntland k**a mid nihin, intii aanu ka mid ahaayn lugooyo iyo dub u dhac bay nagu haysay, dhulkayaga iyo goboladayada deni ma iman karo"

Dhalinyarada reer maakhir oo si adag u dhaliilay puntland. Sidee u aragtaa.

17/07/2025

Wasiirada Haweenka SSC-Khaatumo oo Puntland u jawaabayaa. Ilahay ha caafiyo wasiirada 😁

17/07/2025

Hawlgalka Calmiskaad ee Hillaac wuxuu marayaa gabagabadii ugu dambeeyey, waxaa lasoo bandhigi doonaa maalmaha soo socda natiijadii ugu dambeysay,
warbaahinta caalamka badankeed ayaana marqaati ahaan doonta, Waxaa dagdag Garoowe uga soo tagay Madaxweyne Deni, Caawana boosaso ayuu jooga, waxaa berri safaro caafimaad ay ku maqnaayeen ka imaan doona saraakiil kamid ah kuwii hawlgalka laf dhabarta u ahaa, Madaxweyne Deni ayaa dhamaan saraakiishii ciidamada Intoodii fasaxyada gobolada ugu maqnayd u yeeray, sidoo kale waxaa amar lagu bixiyey wixii ciidan fasax ku maqan inay furinta deg deg u tagaan,Sidoo kale xirfad layaasha caafimaadka iyo kuwa hagista daroonada ayaa ayagana lagu amray inay furimaha tagaan,

Hawlgalka ayaa waxaa dhoola tuskii ugu danbeeyey lagu samayn doonaa goobo muddo isku aruursanayeen argagixisadu dowladuna Lasocotay isla markaana lasugayay inay isugu tagaan, Sidoo kale waxaa kamid ah meelaha hawlgalku kusoo idlaan doono God wayn oo ay mudooyinkaan danbe gaysanayeen haweenka iyo caruuraha isla markaana sirdoonka dowladdu dusha kala socday guud ahaan goobahaas waxaa ka hawlgeli doona ciidamada dowladda oo iskugu jira cirka iyo dhulka.

Maalmaha soo wajahan Waxay ahaan doontaa mid hawl badan oo baaxad leh lagu talaabsado, ..Guud ahaan Goobaha Ay isku aruursadeen argagixisadu iyo kuwa ay maatadooda iyo caruurahooda ku qariyeen intaba Dowladdu way ogayd, maalmahaana dhulka iyo cirkaba Waa laga joogay go'doon ayayna Kujiraan waxa keliya ee hadda ka sugayana waa in Dunidu goob jooge ka ahaato gaba gabada hawlgalka.

Reer Puntland iyo inta Caafimaadka qabta ee caloosha ka caafimaad qabta waa u farxad inta jiran ee cunfiga iyo cuqdadu naafaysayna waa u geeri iyo baroor, Horaa loosoconayaa....Share βœ…οΈβœ…οΈβœ…οΈ

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when FactZone Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share