Ebyan News Agency

Ebyan News Agency ENA is an Independent news agency based in Garowe, ENA Covers all latest news headlines in Somalia; Politics, Social and Humanity.

Our Journalists and editors follow the Code of Ethics of the Somali Press and the international press standards.

10/02/2025

Haayadda NRC ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay kaalmadii iyo gargaarkii ay siin jirtay soddon dal oo ku yaalla daafaha Adduunka gaar ahaanna waddamada ay colaadaha iyo abaaruhu ka jiraan.

NRC ayaa sheegtay in ay saamayn ku yeelatay dhaqaalihii ay goostay dawladda Maraykanku sidaa darteedna aanay suurtagal ka ahayn in ay sii waddo hawleheedii shaqo iyada oo fasaxna siisay shaqaalihii ka hawl geli jirey.

Meelaha ay joojinta gargaarka NRC saamaynta ku yeelan doonto waxa ka mida Soomaaliya, Suudaan, Afgaanistaan iyo Ukriane.

10/02/2025

Abwaan/Sarkaal Taano oo ka mid ah ciidanka difaaca Puntland, ayaa Tiriyey Gabay dhiirigelin ah.

10/02/2025

Saraakiil amni ayaa xaqiijinaya ina Baabuurta Dumarka Daacish u geyn jirtay ay Bosaaso To Tuurmasaale ay qaadan jireen 700 dollar.

Saraakiisha amniga ayaa gacanta ku dhigay Warqadihii lacagta Shirkaddaha waxaana ugu Dambaysay bishii November shirkad yar aan diiday inaan magaceeda sheego Sababo amni in loo ugaarsado in laga qaaday 90kun baad ah hadde shrikadaas lacag intaas le'eg masoo gasho

Warqadaha cadaymaha saraakiisha amniga markay fasaxaaan ayaa la baahin karaa maadama baaris ku socoto agabkii laga keenay deegaanadda Daacish ka baxeen.

10/02/2025

LIIBIYA: Meydadka 28 tahriibayaal ah ayaa laga heley xabaal-wadareedyo; sannadkii tegey ilaa 2.5K oo tahriibayaal ah ayaa ku le'day Badda Mediterranean'ka - QM.

Argagaxisadda Daacish ayaa bilowday inay isticmaalaan (drone-ka Silent] Diyaaradaha qaraxa qaada oo aan yeertooda la maq...
09/02/2025

Argagaxisadda Daacish ayaa bilowday inay isticmaalaan (drone-ka Silent] Diyaaradaha qaraxa qaada oo aan yeertooda la maqlayn Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan furimaha h**e goob-joogna ka ahaa caawa 7-dii Ciidamaddu soo rideen deegaanka Haraaryo-2.

Ciidamada Difaaca Puntland ee hormuudku u ah hawgalka Hilaac Ee lagu ciribtirayo Kooxaha Argagaxisada Daacish ayaa u diyaarsan inay ka hortagaan falkasta oo Argagaxisaddu soo maleegto.

09/02/2025

Godobjiraan: Haweenka oo taageero iyo garab istaag u muujiyey ciidamada difaaca dawladda Puntland ee cadawga kula dagaalamaya buuraha calmiskaad ee bariga Puntland.

Sidoo kale haweenka Degmada Godobjiraan waxay ku hawlanyihiin diyaarinta taakulo ay ku garab istaagayaan ciidamada difaaca ee Puntland.

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay ku soo rogtay canshuur dhan 10-15% badeecadaha ka imanaya Mareykanka. taasoo j...
09/02/2025

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay ku soo rogtay canshuur dhan 10-15% badeecadaha ka imanaya Mareykanka.

taasoo jawaab u ah cashuuraha dheeraadka ah ee uu Mareykanku saaray alaabaha Shiinaha.

Cashuurtan waxay saameyn doontaa qeybaha tamarta iyo baabuurta, iyadoo la filayo inay dhaqan gasho Isniinta.

Waa fariin ka Timi Taliyaha Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire oo ku sugan Furimaha H**e ee Dagaalka aragaxisada lag...
09/02/2025

Waa fariin ka Timi Taliyaha Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire oo ku sugan Furimaha H**e ee Dagaalka aragaxisada lagula jira

"Waxaan ugu baaqayaa shacabka Puntland in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan. Haddii aad aragto ama maqasho dhaqdhaqaaq laga shakiyo, si degdeg ah ula xiriir booliska adigoo wacaya 999 (24/7 diyaar ah)" Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire.

Wararka laga helayo Xubnaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa tilmaamaya in ay ka socdaan dood adag iyo mooshino ku saabsan...
09/02/2025

Wararka laga helayo Xubnaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa tilmaamaya in ay ka socdaan dood adag iyo mooshino ku saabsan qorista Dastuurka cusub. Aragtiyo kala duwan ayaa ka jira, oo Xubnaha u dhexeeya, waxaana la filayaa in berri ay dhacdo dood adag oo ka dhici doona Baarlamaanka, iyo mooshinnada ka jira Baarlamaanka

Trump: "Qasa waan qaadan doonaa, waxaana laga yabaa in aan wax ka siiyo dalal Bariga dhexe ah... Falastiiniyiinta waan d...
09/02/2025

Trump: "Qasa waan qaadan doonaa, waxaana laga yabaa in aan wax ka siiyo dalal Bariga dhexe ah... Falastiiniyiinta waan daryeeli doonaa, lama layn doono, xataa Mareykanka in ay galaan qaar ayaan eegi doonaa."

Wafdi ka kooban labada golle ee dowladda Puntland ayaa maanta gaaray deegaanka Gebi-guduud ee degmada Iskushuban, halkaa...
09/02/2025

Wafdi ka kooban labada golle ee dowladda Puntland ayaa maanta gaaray deegaanka Gebi-guduud ee degmada Iskushuban, halkaas oo ay kulan kula qaateen dadka deegaanka sida Odayaasha iyo Waxgaradka.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa bulshada deegaanka Gebi-guduud uga warbixiyey guulaha laga gaaray hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland, iyagoo ku wacyigeliyey inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amaanka oo soo sheegaan firxadka argagixisada Daac*sh.

Wafdigan ayaa ka kooban Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Cabdirisaaq Cabdulaahi Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga, Maxamuud Maxamed Gabax, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Maxamed Jaamac, Xildhibaan Cabdikhaaliq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamuud Shire Faatax.

Saraakiisha Liibiya ayaa soo saaray ku dhawaad 50 meyd oo laga helay laba xabaal wadareeed saxaraha koonfur bari ee dalk...
09/02/2025

Saraakiisha Liibiya ayaa soo saaray ku dhawaad 50 meyd oo laga helay laba xabaal wadareeed saxaraha koonfur bari ee dalkaas, taasoo ah masiibo kale oo ku dhacday muhaajiriinta doonaya inay u safraan Yurub iyagoo maraya Liibiya iyo Tunisia, Waqooyiga Afrika.

Address

Sh. Abdulkadir Road, Hdn
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ebyan News Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ebyan News Agency:

Share