Ugbaad Media

Ugbaad Media Ugbaad Media The Voice of Voiceless
Codka dadka aan codka Lahayn Ugbaad Media

Ugbaad Media is a prominent Somali outreach radio station , news website based in Puntland state of Somalia , proudly owned by Ugbaad Media Group, Established on February 5, 2022 by a dynamic and intellectual group of Somali veteran journalists based in Bosaso, Garowe and Qardho , and it advocates for environmental issues and human rights. Those journalists felt by the importance of an independe

nt radio station that speaks public needs, so that public services can be carried out without pressure. Since its launch, for the first time the displaced community has had the opportunity to regularly participate in the programs we broadcast. We are ready to take your suggestions, and we are ready to work with you to achieve our basic goals. Dont hesitate to reach out our Email : [email protected]
WhatsApp Number
0025 2 90 7676234

10/08/2026

Xildhibaan Cabduwali Yuusuf (Indhaceel) oo ka tirsan Xildhibaannada Puntland ayaa sheegay in ciidanka tabashada qaba ay yihiin kuwii ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalkii Calmiskaad, isagoo hadalkiisa ku daray: “Xasan reer abtigiis wax ha u qabto.”

10/08/2026

RW Xamse oo la kulmay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Kulanka ayaa ku soo beegmaya kaddib doorashadii maanta ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo Jaamac uu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha.

Kulankan ayaa muujinaya xiriirka iyo wada-shaqaynta u dhexeysa Xukuumadda Federaalka iyo Golaha Shacabka, xilli siyaasadda dalka ay marayso marxalad xasaasi ah oo la xiriirta arrimaha baarlamaanka, doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

WAR-SAXAAFADEEDGaalkacyo, Agoosto 10, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaa...
10/08/2026

WAR-SAXAAFADEED

Gaalkacyo, Agoosto 10, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee Gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amniga ee hoos timaadda hay’adaha dawladda.

Intii uu socday hawlgalku, maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa Gaalkacyo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland. Waxaa hadda lagu biirinayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana la gelinayaa tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska.

Soo afjaridda wejigan koowaad waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta awoodda hay’adaha amniga, mideynta taliska iyo xaqiijinta in awoodda hubaysan ay ku hoos shaqeyso hay’adaha dowliga ah ee sharciga ah.

Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu adkeynayaa in hawlgallada amni loo fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shacabka, ilaalinta hantida iyo xasilloonida guud.

Dowladda Puntland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka Gobolka Mudug wada-shaqeyntooda iyo taageerada ay u fidiyeen hay’adaha amniga, waxayna ku boorrinaysaa inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo kala dambeynta.

— DHAMMAAD —

10/08/2026

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Dhagaysiga Kiiska Marxuun Cumar Saciid Warsame {Ina Hongore}

BOOSAASO: Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga kiiska dilka Marxuun Cumar Saciid Warsame.

Kiiska ayaa waxaa ku eedaysan lix eedaysane, kuwaas oo kala ah: Cabdiqadir Xasan Aadan, Maxamed Cabdinaasir Aadan, Saciid Jaamac Cali, Warsame Maxamed Axmed, Daahir Saleeman Aadan iyo Cabdullahi Aadan Axmed.

10/08/2026

Bangiga Amal waxa uu wareejinayaa 40 markasta waxaan diyaar uu dhahay inaan ka qayab qadano waxkasta oo ariimo Bulsho ah

10/08/2026

DEGDEG: Taliyihii ciidanka beesha Leelkase ee sheegay in ay sugayaan Amniga xuduudaha Puntland

MADAXWEYNAHA  OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA HORUMARINTA NABADDA GOBOLKA MUDUG EE PUNTLAND IYO GALMUDUG.Gaalkacyo: 10 August...
10/08/2026

MADAXWEYNAHA OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA HORUMARINTA NABADDA GOBOLKA MUDUG EE PUNTLAND IYO GALMUDUG.

Gaalkacyo: 10 August 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay Guddiga Isku dhafka ah ee Horumarinta Nabadda Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

Kulanka, oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug, Taliyayaal boolis iyo Guddoomiyeyaasha Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac, ayaa looga hadlay xaaladda nabadgelyada, xoojinta wada-shaqaynta iyo dadaallada lagu adkaynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland.

10/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarshada Puntland Mohamed Cali Nuur oo hadal ka jeediyay daahfurka Manhajka Puntland

PDRC oo Kulan Muhiim ah la Yeelatay Wafdi ka Socday Refugees InternationalGaroowe: Hawl-wadeennada Xarunta Horumarinta i...
10/08/2026

PDRC oo Kulan Muhiim ah la Yeelatay Wafdi ka Socday Refugees International

Garoowe: Hawl-wadeennada Xarunta Horumarinta iyo Cilmi-baarista Puntland (PDRC) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi sare oo ka socday hay’adda Refugees International, oo xarunteedu tahay Washington, D.C., dalka Maraykanka.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Madaxa Hay’adda, Mr. Jeremy Konyndyk, waxaana la socday Mr. Abdullahi Boru Halakhe iyo Maxamed Nuur.

Kulanka oo ka dhacay maktabadda xarunta PDRC ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay xaaladaha bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan saameynta abaaraha soo noqnoqda, xaaladda qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay, iyo caqabadaha haysta dadka nugul.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu lafaguray mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka iyo dadaallada ku dhisan isku-tashi bulsho, kuwaas oo looga gol leeyahay in bulshada Soomaaliyeed ay si waarta xal ugu hesho baahideeda gudaha.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada PDRC ay ku xoojinayso wada-shaqaynta iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, si loo taageero nabadda, horumarka iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Warbixin: Shir lagu xallinayo khilaafka dhul-daaqsimeedka MadhaCarmo, 10 Agoosto 2026 — Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deega...
10/08/2026

Warbixin: Shir lagu xallinayo khilaafka dhul-daaqsimeedka Madha

Carmo, 10 Agoosto 2026 — Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka Puntland, Muqtaar Axmed O'Day, ayaa degmada Carmo kaga qayb galay shir looga hadlayay xal u helidda khilaafka ka dhashay dhul-daaqsimeedka Madha.

Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha ay khusayso arrimaha deegaanka, beeraha iyo waraabka, kalluumaysiga, xannaanada xoolaha, arrimaha gudaha iyo Booliska Ilaalinta Deegaanka, iyo sidoo kale maamulka gobolka iyo kan degmada.

Waxaa sidoo kale kulanka qayb weyn ka qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Carmo, iyadoo diiradda lagu saaray sidii khilaafka loogu dhamayn lahaa wada-hadal, nabadayn iyo is-afgarad.

Masuuliyiinta iyo waxgaradka ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo xal waara oo soo afjara khilaafka, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo deegaanka, dhulka-daaqsimeedka iyo danaha bulshada deegaanka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafaadka la xiriira dhul-daaqsimeedka iyo isticmaalka kheyraadka dabiiciga ahi ay saamayn ku yeelan karaan nabadgelyada, xoolaha iyo wada-noolaanshaha bulshada, taas oo ka dhigaysa wada-hadalka iyo xalinta khilaafaadka mid muhiim u ah xasilloonida deegaanka.

Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ahayd in dhinacyada ay khusayso ay isku fahmaan arrinta Madha, lana abuuro hannaan lagu gaari karo heshiis iyo xal bulshada u horseeda nabad iyo wada-noolaansho.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ugbaad Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ugbaad Media:

Shortcuts

Share