Nadiif Media Network

Nadiif Media Network waa bogga rasmigga ah ee shabakad warbaahineed oo uu hoggaamiyo wariye Maxamuud Nadif Shire.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.1: Maamulka gobolka Bari ayaa soo saaray amar in dhamaan gaadiidku ay iska fii...
16/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.

1: Maamulka gobolka Bari ayaa soo saaray amar in dhamaan gaadiidku ay iska fiiqaan bacaha madoow, iyadda oo looga gol-leeyahay xaqiijinta iyo sugidda Amnigga.

2: Ciidamadda Puntland ayaa si hordhac ah usii sheegay inay gacanta ku dhigeen saldhigyo kooxda Daacish ay kulahayd buuraha Calmiskaad ee Puntland, kaas oo ay ku jiraan kaydad cunto, shidaal iyo deegaan.

3: Ismaan dhaaf iyo isku buuq dhex-maray gudoomiyaha gobolka Mudug iyo kan degmada Garacad ayaa gaaray in laysku gacan-qaado. Sidda warbaahinta gobolka Mudug ay ku warantay.

Ma cadda waxa khilaafka dhaliyay iyo faahfaahin dheeri ahba.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.1: In ku dhaw 20 qof ayaa ku dhimatay, tiro kale oo dad ahna waa ku dhaawacmee...
15/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.

1: In ku dhaw 20 qof ayaa ku dhimatay, tiro kale oo dad ahna waa ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay miyigga hoos yimaada deegaanadda Saaxmaygaag iyo Saaxqurun ee gobolka Mudug.

2: Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Raysal-wasaaraha DFS Xamse Cabdi Barre ku xujeeyay inuu soo bandhiggo nooca taageero ee uu Puntland la garab-taaganyahay ee ka dhanka ah dagaalka lagula la jiro kooxda Daacish ee ka socda buuraha Cal-miskaad ee barigga fog ee Puntland.

3: Ciidamadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xarumo ay deganaayeen madaxda sare ee kooxda Daacish, Saldhigyo ciidan iyo xarun maxkamadeed.

Sidoo kale ciidamadda difaaca Puntland ayaa soo bandhigay diyaarado iyo saanad hub ah oo kooxda Daacish ay ka carartay.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.1: Maamulka gobolka Bari iyo hay'adaha amaanka ee gobolka Bari ayaa amaro kaso...
15/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.

1: Maamulka gobolka Bari iyo hay'adaha amaanka ee gobolka Bari ayaa amaro kasoo saaray xaaladda Amni ee gobolka Bari.

Masuuliyiinta dowladda ayaa mamnuucay isticmaalka bacaha madoow iyo hubka sharcidaradda ah.

2: Dagaal ayaa dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug, gaar ahaan Meygaagta, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dagaalka saaka ayaa yimid xilli ay socdeen dadaalo nabadeed oo lagu heshiisiinayo dhinacyada dagaalamaya.

Wasiirro ka socday Puntland iyo Galmudug oo loo soo diray howlaha nabadeynta gobalka Mudug ayaa dib ugu kala laabtay Garoowe iyo Dhuusamareeb.

3: Puntland iyo hay'adaha caalamigga ah ayaa Boosaaso ku yeeshay kulan looga hadlayo sidii loogu qareemi lahaa, sidoo kalena gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ku barakacay dagaaladda u dhaxeeya dawladda Puntland iyo Kooxda daacish.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.1: Raysal-wasaaraha DFS Xamse Cabdi Barre ayaa u hambalyeeyey ciidamadda Puntl...
14/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.

1: Raysal-wasaaraha DFS Xamse Cabdi Barre ayaa u hambalyeeyey ciidamadda Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish. waxa uu tacsi u direy eheladda ciidamadda geesiyaaasha ah ee dagaalkaan ku shahiiday.

RW Xamse waxa uu sheegay in DFS ay garab-taagan tahay ciidanka Puntland, wasaaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga DFS ayuu xusay in waxkasta oo garab istaag ah ay u diyaarsan yihiin.

2: Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Ilyas Osman Lugatoor iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa kulan la yeeshay Duqa Magaalada Dรผsseldorf Mss Klaudia Zupentke oo ay weheliso Wakiilka u qaabilsan xiriirka Caalamiga ah.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo mideyn lahaa labada magaalo ee Garowe iyo Dรผsseldorf iyada oo si wanaagsan laysula meel dhigay.

3: Ciidamadda difaaca Puntland ayaa shaaciyay in 24 saac ee lasoo dhaafay ay ciidamadu ay soo rideen 12 Drone ah oo argagixisadu doonaysay in ay adeegsadaan. Ciidamada ayaa sidoo kale qarxiyay labo qarax oo ay doonaysay in ay ku dhibaateyso dadka deegaanka.

"Ciidanku 24-kii saac ee u danbeeyay waxay soo rideen 12 Drone oo ay Argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho, sidoo kale waxaa la qarxiyey Labo qarax oo Argagixisadu ugu talagashay in ay ku dhibaatayso dadka deegaanka'' ayaa lagu yiri warsaxafadeed soo baxay.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.1: Wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa si rasmi ah u joojisay fadhiyadda g...
14/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.

1: Wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa si rasmi ah u joojisay fadhiyadda golayaasha deegaanka Puntland ee qabsoomi lahaa kaas oo lagu soo bandhigayo waxqabadka iyo caqabadaha degmooyinka ka jira.

Wasaaradda ayaa arinkaan u sababaysay dagaaladda Puntland ku jirto ee ka socda Calmiskaad kaas oo lagula dagaalamayo kooxda ISIS ama Daacish.

2: Diyaaradda Air Arabia ayaa maanta duulimaadyo rasmi ah ka bilawday Boosaaso, kaas oo ay ku tagayso dalka Imaaraatka Carabta sidda la shaaciyay.

3: Haweenka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay ciidamadda difaaca Puntland.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.1: Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal  u dhaxeeyay ciidamadda difa...
13/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.

1: Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal u dhaxeeyay ciidamadda difaaca dawladda Puntland iyo kooxda Daacish, kaas oo maanta duhurkiisa ka dhacay buuralayda calmiskaad ee barigga fog ee Puntland.

Ciidanka ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan haween Itoobiyaan ah sidda afhayeenka hawlgalka ciidanka Puntland uu u sheegay idaacadda VOA.

Sidoo kale ciidanku waxay soo rideen 9 drone oo noooca is qarxiya ah kuwaas oo ay kooxda daacish isticmaalaysay, ciidamdda ayaa sheegay inay dhankooda ay sameeyay duqaymo kala duwan oo lala eegtay saldhigyo ay kooxdu deganayd.

Khasaaraha dhanka ciidanka Puntland ayaa gaaraya 3 qof, iyo dhaawac ilaa 4 ah sidda ay xaqiijiyeen laamaha caafimaadka Puntland.

2: Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in maalinkasta caasimadda Garoowe ay ka dhoofaan 55 qof oo raadinaya adeeg caafimaad oo dalka dibadiisa ah, sidda ay baahisay shabakadda Milgo Media.

Dadka Puntland ayaan 25sano helin cusbitaal iyo adeeg caafimaad oo laysku halayn karo kaas oo muwaadiniinta siiya adeegyadda caafimaad ee ay u baahan-yihiin.

Madaxweynaha Puntland Said Deni ayaa dhawaan dhagax-dhiggay cusbitaal weyn oo si gaar ah loo leeyahay kaas oo ganacsade reer Puntland dhismihiisa hormuud u yahay, waxa uuna shacabka geliyay rajo-sare ah.

3: Kooxda Elman ee ka dhisan degmadda Boosaaso ayaa walaac ka muujisay habsami u socodka tartanka horyaalka heerka 1aad ee gobolka Bari, kooxdu waxay sheegtay in tiradii kooxaha in ka badan in la doonayo in tartanka loo furo taas oo sharcigga baalmarsan.

Cabdilaahi Quluuxiye oo ka mid ah maamulka kooxda Elman oo shir jaraaid qabtay ayaa xusay in gudoomiyaha ciyaaraha uu ku jebiyay habsami u socodka tartankaas.

4: Beeralayda gobolka Bari ayaa soo bandhiggay cuntooyinka iyo wax-soosaarka maxaligga ah ee ay soosaaraan. in ka badan 100 qof oo ka mid ah beeralayda deegaanka ayaa munaasabad ka dhacday Boosaaso keenay dalagyo kala duwan oo dhamaantood beeraha laga soo geeyay.

Masuuliyiinta dawladda ayaa dhiirigeliyay beeralayda, waxay sheegeen in loo baahanyahay xoojinta waxsoosaarka maxaligga ah si bulshada Puntland u gaarto isku-filaansho xagga cunadda ah.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.1: Dagaal adag oo u dhaxeeyay ciidamadda difaaca Puntland iyo Kooxda Daacish a...
13/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.

1: Dagaal adag oo u dhaxeeyay ciidamadda difaaca Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa maanta ka socda barigga fog ee Puntland, kaas oo ah midkii ugu adkaa tan iyo markii Puntland bilawday dagaalka ka dhanka ah kooxahaan. dagaalkaan waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ciidanka ayaa noo xaqiijiyay in ciidamadu ay qabsadeen saldhigyo ay kooxahani lahaayeen kuwaas oo kala ah talisyadda Conqore, Digaale iyo Kaadiley oo dhamaantood ku yaala dusha sare ee buuraha.

Ciidamada ayaa soo bandhigay maydka xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish.

2: Ciidamadda Booliska Puntland qaybtooda gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday in ay soo qabteen xisaabiyihii kooxdii burcad badeeda ahayd ee qafaalatay markabkii MV ABDALLA kaas oo lagu magacaabo Cali Axmed Cali Shirwac kaas oo 39sano jir ah.

ciidamadu booliska oo qoraalka boggooda Facebook ku baahiyay waxay sheegeen inay ku dabajiraan cidkasta oo qayb ka noqota falalka burcad badeeda.

3: Madaxweyne ku xigeenka h**e ee Puntland Axmed Karaash ayaa shacabka SSC kula dardaarmay inaysan cayda baraha bulshada loo marinayo ka daayaan Puntland, waxa uu xusay in SSC ay u baahantahay weli.

''Dhulbahantoow fudaydka joojiya, oo cayda joojiya, anaggaa og Puntland waxay tartay iyo waxa laysku yahay'' ayuu yiri Karaash.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.1: Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa beeniyay in Puntl...
12/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐๐Ÿ‘‡.

1: Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa beeniyay in Puntland ay joojisay munaasabad loogu dabaal-deggayo xuska aasaaska SSC, kaas oo ka dhici lahaaa caasimadda Garoowe.

2: Wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa magaaladda Gaalkacayo ka furtay shirka dib u eegista xeerka maamuladda degmooyinka iyo goboladda kaas oo dib u eegis lagu samaynayo.

3: Maamulka degmadda Carmo ayaa shaaca ka qaaday in xaalad bini'aadanimo ay wajahayaan dhamaan dadkii kasoo barakacay deegaanadda ay ka socdaan dagaalka u dhaxeeya dawladda Puntland iyo kooxda argagixisada ah ee Daacish.

4: Ciidamadda difaaca Puntland ayaa dillay xubno ajaaniib ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo maalmahan ay ciidamadda difaaca Puntland ku baacsanayeen barigga fog ee Puntland sidda ilo-wadeeyo kala duwan sheegayaan.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.1: Shacab kasoo jeeda deegaanadda SSC oo xallay xaflad dabaal-deg oo sanad-guur...
12/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.

1: Shacab kasoo jeeda deegaanadda SSC oo xallay xaflad dabaal-deg oo sanad-guuradda SSC kulahaa caasimadda Garoowe ayaa sheegay in lagga joojiyay, waxay ku eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan dawladda Puntland inay ka danbeeyeen.

Mid ka mid ah haweenka ka qayb-galayay munaasabadda oo hadlaysay ayaa tiri " Jareer, Ogaadeen iyo Dagoodi ayaa Puntland ku qabsaday xuskooda, Anagana waa naloo diiday".

Puntland ayaan si rasmi ah weli uga jawaabin eedaas.

2: Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in talo harti lagu xoreyn doono degmadda Ceeri-gaabo, kaas oo waayadii danbe uu ka jiray khilaaf u dhaxeeyay Somaliland iyo dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay in dagaalku uusan iskagal ahayn, cid walba waxay oggoshahay ayaa lagu wada-noolaan karaa oo keli ah, dagaalkaan ayuu tilmaamey inuu qaadan-karo intii Laascaanood lagu xoreeyay oo kale.

11/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.

1: Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa DFS ku eedeeyay inay taageerayso kooxaha kasoo horjeedda Puntland, sidoo kalena madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku tilmaamey in uu ku fashilmay hoggaaminta dalka.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir shirkiisa jaraa'id sidoo kale waxa uu u jawaabay wasiirka arimaha gudaha DFS Cali Xoosh oo dhawaan war-saxafadeed soosaaray, isagga oo sheegay in wasiirku fulinayo fariin loosoo dhiibay oo ahayd in Puntland uu taabtaabto.

2: Ciidamadda Difaaca Puntland ayaa horay u socod wanaagsan sameeyay saacadihii ugu danbeeyay ee maanta ka dib markii ay gacanta ku dhigeen saldhigyo iyi xarumaha saadadka raashinku u yaaleen kooxda Argagixisadda ee Daacish.

Sidoo kale waxa ay ciidamaddu fashiliyeen qaraxyo meelo kala duwan loo geliyay ciidanka, kuwaas oo la doonayay in ciidanka laggu dhibaateeyo.

3; Suldaan Saciid Cabdisalaan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Boosaaso kulamo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah qabaa'ilka deegaanka, kulamadaas ayaa diiradda lagu saarayay sidii loogala qaybqaadan lahaa difaaca degmada Ceerigaabo oo ay sheegeen in dadkii deggaanka ahaa lagga soo barakiciyay.

4: Maamulka gobolka Karkaar, Kan degmadda Qardho iyo bulshadda oo is-kaashanaysa ayaa deeq raashin ah maanta gaarsiisay ciidamadda difaaca dawladda Puntland ee ku suggan furimaha h**e, kuwaas oo dagaal kula jira kooxaha argagixisadda.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.1: Ciidamadda Puntland ayaa lagu waramayaa inay kusii dhawyihiin saldhigyadii u...
11/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.

1: Ciidamadda Puntland ayaa lagu waramayaa inay kusii dhawyihiin saldhigyadii ugu dameeyay ee kooxda Daacish ay kulahayd buuraha Cal-miskaad, ilaa hadda ciidamada oo jaray masaafo dheer ma jirto dagaal toos ah oo kooxdaas ay kala kulmeen.

Ciidamada ayaa samaynaya horusocod xoog leh, inkastoo meelaha ay sii mareen dhamaan laggu arkay raadadka kooxda, meelo saldhigyo deegaan u ah iyo saadkooda. khubaradda amnigga ayaa sheegay in buuraha ay h**ey usii galeen kooxahaan oo tiro ahaan aan badnay.

Dawladu marka lagga yimaado dagaal inay ku jirto ma bixin faahfaahin dheeri oo xigga qorshahaan.

2: Hay'adda laga leeyahay dalka Imaaraatka ee DPWORLD ee maamusha dekedda Boosaaso ayaa sheegtay in ay la wareegtay kooxda Bari FC, oo ka mid ah kooxaha ka qayb-gelaya horyaalka kubada cagta Puntland.

Dpworld waxay sheegtay inay hab farsamo iyo dhaqaale kooxdaan ku caawinayso, sidoo kalena iyagana loogga baahanyahay in magaca shirkadda ay ilaaliyaaan.

Dpworld waa shirkad Puntland heshiis kula jirta, kaas oo la xariira dayacatirka iyo balaarinta dekedda Boosaaso oo hadda shaqadeedu ay meel-wanaagsan marayso. inkastoo lagu dhaliilayo inay gaabis ku socoto h**ey u socodka shaqadda.

3: Tiradda dhalinyaradda Puntland ee dalka ka teggaya ee tahriibka ku maraya dalalka galbeedka Afrika ilaa ay ka gaaraan dalalka Maroco, algeria iyo Libia si ay u gaaraan yurub ayaa sii kordhay tan bishii June ee 2024.

Dhalinyarada ayaa hellay kooxo mukhalasiin ah oo dhaqaalaha ku baxaya safarkooda ka bixinaya ilaa dalka Benin ay ka gaarayaan. iyaggoo halkaas ka bilaabaya safaro ay ku tagayaan dalalka Marroco, Algeria iyo Libia si ay u gaaraan yurub.

Ma jirto ilaa hadda cilmibaaris rasmi ah oo sheegaysa tirada dhalinyarada tahriibtay, sababaha tahriibkaaan cusub dhiirigelinaysa iyo dhaqaalaha ka baxaya dalka ee safaradaas dheer gelaya.

Laakiin shaqo la'aanta baaxada leh ee dalka jirta, dhaqaale xumadda, fursadaha soo baxa oo aan loo sinayn, musuq-maasuqa xargaha goostay ee hantidii dadka Soomaaliyeed ay dad gaar ah ku taajireen iyo niyadjabka dhalinyarada kaga dhacay horumar la'aanta siyaasadeed ee dalka ayaa laysla qirsan yahay inay tahay waxyaabaha shidaalka ku shubaya.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.1: Wasiirka arimaha gudaha DFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa taageeray hawlgaladda...
10/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.

1: Wasiirka arimaha gudaha DFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa taageeray hawlgaladda ciidan ee dawlada Puntland kula dirirayso kooxaha argagixisadda.

Dhanka kale waxa uu sheegay in DFS ay hawlgaladda lagula dirirayo argagixisadda waddo, isla markaana ay ka go'antahay ciribtirkeedda, inkastoo uusan cadayn hawlgalkaan iyo waxa ay ku taageerayaan. Iyadoo ay jirto in dawlada Puntland aysan taageero dhaqaale iyo farsamo midna ka hellin DFS marka laga hadlayo la dagaalanka argagixisadda iyo amnigga.

Ugu danbayn qoraalkaan uu soosaaray Xoosh oo 5 bog ka koobnaa ayuu dhaliilo ugu jeediyay Madaxweynaha dawladda Puntland Said Deni, isagoo ku eedeeyay in dawladiisu ay fursad siisay kooxahaan si ay u xoogaystaan.

2: Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay ilaa dhawr saldhig oo ay lahaayeen kooxda Daacish kuwaas oo ku yaala buuralayda Calmiskaad.

Ciidamada ayaa soo bandhiggay agab isgaarsiineed, deegaan, sahay iyo agabyo kale oo ay sheegeen in kooxdu isticmaalaysay.

Duqaymo ay sameeyeen diyaarado Imaaraatku farsameeyo ayaa xallay ilaa saaka ka dhacay Calmiskaad, taas oo dhibaato xoog leh u gaysatay kooxahaan, Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah khasaaraha lagga hayn.

3: Somaliland ayaa xabsigga u taxaabtay ilaa 3 ciyaaryahan oo ka taggay Puntland una socday inay ka qaybqaataan tartanka horyaalka magaalada Berbera, sida ay inoo xaqiijiyeen macallimiinta.

Ciyaartoydaan la xiray ayaa kala ah Xasaasi, Cabdimaalik Leo & Xasan Yare.

4: Wasaaradda gargaarka Dawladda Puntland ayaa degmada Carmo ku qabatay shir loogu qareemayo sidii wax loogu qaban-lahaa dadka kasoo barakacay dagaaladda ka socda barigga fog ee Puntland ee u dhaxeeya dawladda iyo kooxaha argagixisadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Axmed Naxar ayaa sheegay in wasaaradu sidoo kale ay bilawday qiimeynta tirada qoysaska soo barakacay.

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.1: Kooxo dablay hubaysan ah ayaa weeraray xabsigga dhexe ee Gaalkacayo si ay ug...
10/01/2025

๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.

1: Kooxo dablay hubaysan ah ayaa weeraray xabsigga dhexe ee Gaalkacayo si ay ugala baxaan rag lagu xukumay dil toosho oo xabsigaaas ku jira sidda warfidiyeenka Gaalkacayo ay sheegeen.

Ciidamadda Ilaalidda xabsigga ayaa iska caabiyay kooxahaan, waxaana dagaalkaas ka dhashay dhimashadda 1 qof ah iyo dhaawac tiro kale oo dad ah sidda ilo-wareedyaddu xaqiijiyeen.

Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo ayaan faahfaahin rasmi ah weli ka bixin sidda ay wax u dhaceen.

2: Eebe haw raxmado Maryan Maxamed Xasan Gaduudo gudoomiyihii ururka haweenka ee gobolka Bari, ayaa goordhawayn ku geeriyootay.

Maryan AUN waxay ka mid ahayd aasaasayaashii Puntland, waxayna kaalin-weyn ku lahayd ka shaqaynta nabadda, horumarka iyo wadajirka Puntland.

3: Garoowe waxaa xallay ka furmay shirka 1aad ee horumarinta wadooyinka Puntland, kaas oo looga hadlayo sidii loo horumarin lahaa dhismaha wadooyinka Puntland.

Agaasimaha hay'adda wadooyinka Puntland PHA ayaa sheegay in khubaro gudaha dalka iyo dibadda iskaga timi ay casumeen si talo-bixin iyo aragtidooda la xariirta horumarinta wadooyinka Puntland ay usoo bandhigaan.

4: Muniiro Saciid Diiriye ayaa Magaalada Garoowe kusoo bandhigtay buug ay ugu magacdartay Nuurka Qalbigga.

Buggaan ayay uga sheekaynaysaaa caqabadaha ku hareeraysan dadka aragga naafada ka ah iyo fursadaha kale ee ay haystaan.

5: Maamulka degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay gudigga taakuladda ciidamadda difaaca Puntland, ee hawl-galadda lagula dagaalamayo aragagixisada ka wadda barigga fog ee Puntland.

6: Haweenka degmada Qardho oo gacan ka hellay maamulka degmadda ayaa bilaabay diyaarinta taakulo isugu jirta cunno bisil oo fudud, biyo iyo cabitaano, kuwaas oo lagu taageerayo ciidamada difaaca Puntland.

Gudoomiyaha degmada Qardho Cabdiqaadir Saciid Qaal ayaa kormeeray habsami u socodka hawlaha taakuladda ah ee haweenku ay diyaarinayeen, waxa uu xusay in degmadu h**ey xoolo u gaysay, haddana ay diyaarinayso cunooyinkaan fudud, welina ay sii wadayaan garab istaaga ciidanka.

Salaam saaxiibayaal. Laga bilaabo 10-January-2025 IA maalinkasta 14:00 PM saacada geeska afrika iyo 11:00 PM oo habeenim...
08/01/2025

Salaam saaxiibayaal. Laga bilaabo 10-January-2025 IA maalinkasta 14:00 PM saacada geeska afrika iyo 11:00 PM oo habeenimo, waxaan boggaan idin kula wadaagayaa wararka ugu waaweyn ee ka dhaca deegaanadda Puntland oo lasoo koobay.

16/12/2024

Daawo: Shacabka gobolka Karkaar oo ka hadlay kulanka Bari Vs Hayland. sidoo kalena dhaliilo usoo jeediyay xulka gobolka Karkaar iyo maamulkooda.

11/12/2024

DAAWO: Shacabka Qardho oo ka hadlay kulanka dhexmaraya goboladda Sool Iyo karkaar ee tartanka kubada cagta ee goboladda Puntland.

11/12/2024

WARCUSUB: Jubaland ayaa ka hadashay dagaalka ka socda Raaskabooni.

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nadiif Media Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category