01/11/2025
๐๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฎ: ๐๐ข๐ฅ๐๐๐ ๐ ๐๐๐
๐จ๐จ ๐๐๐-๐๐ฎ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐๐ฅ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐๐ซ๐ฑ๐๐ง-๐๐๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐ก.
Dagaalyahanno la yidhaahdo RSF oo ka dagaallama Suudaan ayaa laayey dad aan hubaysnayn kaddib markii ay qabsadeen magaalada El-Fasher, sida ay muujiyeen muuqaallo cusub oo ay sheegtay in BBC-du heshay.
RSF, muddo laba sano ah ayey dagaal dhiig badan ku daatay kula jirta ciidammada qalabka sida ee Suudaan, waxaana ay toddobaadkan dabayaaqadiisii qabsadeen saldhig millatari oo muhiim ah, kaddib go'doon dheer oo ay ku jirtay magaaladaasi.
Muuqaallo dhowr ah oo la baahiyay ayaa muujinaya rag xiran dhar ciidan, kuwaas oo falal xadgudub ah oo aad looga naxo ka gaysanaya magaalada El-Fasher. Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Suudaan ayaa sheegay in ay heleen warbixinno la isku halleyn karo oo ku saabsan dilal aan maxkamad loo marin oo ka dhacay magaalada, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da, Arbacadii.
BBC-da ayaa la xiriirtay RSF si ay u hesho jawaab. Sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da Isniintii, Imran Cabdalla oo lataliye u ah kooxdan hubeysan ayaa beeniyay in dagaalyahannada kooxdu ay beegsanayeen dad rayidka ah oo caruur iyo haween ku jiraan.
source:- BBC-da