18/08/2025
Aragtida siyaasadeed ee Puntland taal muddo dheer bay ahayd sidii dukaan hal nooc oo kabaha ah misana isku wada lanbar ah iibiya, bulshaduna ay dookh-la’aantaa ku jireen, mar haddii ay kuwa siyaayiinta u sheegta wax isku mid ah u sheegayeenna ay ku jireen xaaladdaa fadhiidhnimo ee wax-is-waydiintooda yaxoobisay.
Taasi waa ay soo dhammaatay. Ummadda Budlaandiyeed maanta waxa ay la soo kaceen hanqalka, waxayna isku miisaamayaan waayaha la joogo iyo dantooda ummadnimo—-Keliya maxaa idiin dan ah idinka?
30kii gu’ ee la soo dhaafay cidda kali ah ee Soomaalida dantooda seegganayd, kana shaqaynaysay wax aan cidi u xilsaaran oo luggooyo ku ah waa iyaga. Dedaalkaa xoogga doofaarka lagu eryay noqday waxa ay dadka Budlaandiyeed ku khasaariyeen waxii ugu weynaa ee ay haysteen oo ahaa waqtigii ay dhulkooda, arrimahooda, nabadgalyadooda, aqoontooda, dhaqaalahooda iyo tayaynta dawladnimadooda kaga shaqayn lahaayeen.
Aad baan u bogaadinayaa kumannaanka iyo kumannaanka ka midka ah bulshada ballaaran ee Puntland ee ku baraarugtay waayaha ay joogaan iyo mustaqbalka ayan hubin ee isa soo ag taagay maanta, kuwaa oo garowsaday in jihada uu siyaasigooda ‘macalbaradka’ ah 28ka gu’ ku waday ay tahay mid si walba u gefsan dantooda iyo hormarkooda.
Waxa la joogaa goortii wax walba oo kale meel la iska dhigi lahaa ee lagu qummi lahaa keliya waxa quseeya Puntland.
Garaadkeennu waa in uu u darbanaadaa oo u diyaarsanaadaa in uu ka warceliyo: maxaa u dan ah Puntland? Maxaa mudnaan u ah Puntland? Maxaa u aayatiin u ah Puntland?
Waa waydiimahaa kuwa ina quseeya. Waxii kale waa inoo dandarro, waana waxii u sababta noqday dildillaaca maamulkeenna, caddaalad-darrada nagu wada dhacday ee qoloba gaar ugu sii darnayd iyo wax walba oo dhibaato ah oo wadajirkeenna iyo wax-wada-lahaanshaheenna xumeeyay.
Puntlandta cusub.
Puntland First.
Guulaysta.
WQ : afhayeen ahmed maxamed nuur