Ihsan Media HD

Ihsan Media HD Kusoo Dhawaw Ihsan Media HD . Ihsan Media waxa la aas-aasay bilawgii sanadka 2021.

Adeegyada aan qabano: •Duubida Xafladaha & barnaamijta kala duwan •Duubida barnaamijta diiniga ah •Qaadida sawirada munaasibadaha kala duwan Ihsan Media waa warbaahin aan siyaasi ahayn kana shaqaysa arimaha Dacwada, Diinta, Waxbarashada, arimaha bulshada, samafalka & dhamaan barnaamijta khayriga ah. Waxay ay jirtaa mudo kooban, alxamdulilah hadana waxa ay gaadhay bulsho badan sidii aan qorshaynay

. Ihsan Media waxa ay kutimid, markii xanuun-ka carona Virus ka dilaacay dunida waxa badatay in nidaamyadii waxbarashada lagu tabiyo Online maadaama ay dunidu kala xidhantay. Xiligaa Macalin Cali Nabadoon oo ah aas-aasaha Ihsan Media waxa uu soo iibsaday qalab-ka media-ha ee wax lagu duubo si uu casharada Online ugu gudbiyo. Markii ay soo baxday xiliyo firaaq ah oo aan qalabka wax lagu qabanayn, Cali waxa uu ka firkiray in qalabka loogu adeego bulshada kale si mutadawacnimo ah sida in loogu shaqeeyo wixii diini ah, waxbarashada, dhalinta hal abuurka leh & barnaamijta kaleee khayriga ah halkaas oo ahayd halka uu kayimid magaca Ihsan oo ah (ixsaan) in si samafal ah dadka loogu shaqeeyo. Ihsan Media ahaan hadafkayagu waa in lahelo warbaahin aan siyaasi ahayn kana shaqaysa danta, horumarka & arimaha bulshada sida wacyigalinta, arimaha diinta, waxbarshada, dhiirigalinta da,ayarta. Waxa aan u taaganahay inaan buuxino booska warbahin islaami ah madaama wakhtigan Casriga ah warbaahintu muhiim tahay. Ihsan Media waxa ay warbaahinta kale kaga duwantahay waxa ugu wayn 3 arimood:
1. Ihsan Media sida magacaba ku xusan waa (ixsaan) ama samafal taas oo macnaheedu yahay inaan hadafkayagu ahayn uun lacag hel ee aan ka shaqayno wixii umada & bulshadaba u dan ah si mutadawacnimo ah.
2. Ihsan Media waa warbaahin uu qof walba awoodo inuu adeegsado sida ardayga, macalinka, Sheekha & qof wal oo u baahda inuu warbaahin isticmaalo haday tahay Muuqaal labaahiyo ama sawiro looga qaado barnaamij uu leeyahay & in qofka loogu adeego qiimaha uu qorshaystay.
3. Ihsan Media ahaan balankayagu waxa uu yahay in qofka hawl loo qabanayo loo ilaaliyo wakhtiga oo aan laga habsaamin, iyo in loogu adeego sida uu rabo. Adeegyada Ihsan Media ahaan aan bixino maaha kuwa aan kaliya ku ganacsano, waxa aan uga danleenahay kaliya si aan isku dabarno si hawsha aan usii wadi karno. Waxa aan bulshada kala duwan ka codsanaynaa inay nala taageeraan barnaamijkaa khayriga oo u baahan In lagarab istaago si loosii xoojiyo Barnaamijteena Dacwada. Adeegyada aan qabano waxa kamid ah:
• Duubida muuqaalada Xafladaha & barnaamijta kala duwan
• Duubida muxaadarooyinka & barnaamijta diiniga ah
• Qaadida sawirada munaasibadaha kala duwan ee Diiniga ah, barnaamijta waxbarashada, arimaha bulshada iwm. Labadii sano ee u danbeeyay, Ihsan Media waxa ay abaalmarino kala duwan ka heshay qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo kudhiirigaliyay Ihsan Media inay sii wado u adeegida bulshada.

Sheekh Dr. Maxamed Sheekh CabdiKariim Xasan Xoosh oo Gabiley booqasho ku jooga ayaa Duruus ka bilaabay Masaajidka Tawxii...
01/06/2026

Sheekh Dr. Maxamed Sheekh CabdiKariim Xasan Xoosh oo Gabiley booqasho ku jooga ayaa Duruus ka bilaabay Masaajidka Tawxiid ee Magaalada Gabiley.

01/06/2026

Sheekh Dr. Maxamed Sheekh CabdiKariim Xasan Xoosh ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Gabiley.

Sheekha ayaa Galabta ilaa Caawa Duruus ka biixindoona Masaajidka Tawxiid ee Magalaada Gabiley. See less

[Sawiro] Q. 2 aad Sheekh Dr. Maxamed Sheekh CabdiKariim Xasan Xoosh ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Gabiley.Sheekha ay...
01/06/2026

[Sawiro] Q. 2 aad

Sheekh Dr. Maxamed Sheekh CabdiKariim Xasan Xoosh ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Gabiley.

Sheekha ayaa Galabta ilaa Caawa Duruus ka biixindoona Masaajidka Tawxiid ee Magalaada Gabiley.

[Sawiro] Q. 1 aad Sheekh Dr. Maxamed Sheekh CabdiKariim Xasan Xoosh ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Gabiley.
01/06/2026

[Sawiro] Q. 1 aad

Sheekh Dr. Maxamed Sheekh CabdiKariim Xasan Xoosh ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Gabiley.

01/06/2026

Nuxurka Khudbadii Jimcaha Masjid Mucaad Binu Jabal, Gabiley

Sh. Mustafe Boos

📢 OGAYSIIS MUHIIM AHWaxa loogu Bushaaraynayaa dhammaan Bulshada ku dhaqan Magaalada Gabilay in la qabanayo barnaamij cil...
01/06/2026

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH

Waxa loogu Bushaaraynayaa dhammaan Bulshada ku dhaqan Magaalada Gabilay in la qabanayo barnaamij cilmi ah oo lagu sharaxayo kitaabka (Arbaciinka).

📅 Maanta oo Isniin ah 🗓️ 01/06/2026
🕌 Goobta: Masjidka Tawxiid 🕋 Waqtiga: Salaadda Casar kadib

🎙️ Sheekha: Dr. Maxamed Sheekh Cabdi Kariim Xasan Xoosh

Ku soo dhawaada Barnaamijkan kheyrka badan, kana faa’iidaysta cilmiga iyo faa’iidada ku jirta.

01/06/2026

Nagula Waabariiso aayaad Qur'aan ah || Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi

" Hadaanu nahay ardayda caafimaadka, Dawlada waxa aanu waydiinaynaa; ma Xanuuno aad idinku sobab ka tihiin ayaan daawayn...
31/05/2026

" Hadaanu nahay ardayda caafimaadka, Dawlada waxa aanu waydiinaynaa; ma Xanuuno aad idinku sobab ka tihiin ayaan daawaynaa, mise kuwii Dabiciiga ahaa (Nature)?

imika markii aan soo socday ayaan dhawr tukaan eegay, sigaarka ayaa meel walba yaala, Dhakhtaradii waxa ay ku odhanayaan cancer kii cunaha ayaa ku haya oo sigaarkaa kugu keenay. Dawladu sidee ayay wadanka ugusoo daysay sigaarka?

Dakhaatiirtii Dhimirka ayaa waxa ay ka cabanayaan jaadka oo sobab u ah badi xanuunada dhimirka, caawadaana jaadkii ayaa wadanka ku socda oo imanaya, dawladaana xadhiga kasoo furaysa. " Xuseen ilyaas Daauud (Ardayda Caafimaadka)

Suaasha uu wiilkaa yari soo dhigay runtii waa suaal u baahan inaan xal u keeno Bulsho ahaan, hadii ay tahay Dawlad iyo shacaba. Qaad iyo Sigaar; waa laba aafo oo dhibaato wayn ku haya Bulshadeena.

31/05/2026

Maxaad ka taqaanaa Geedka Marti-Soor ee Beerta Ihsan Media HD

Mee Asxaabtii halkan lagu martiqaaday, ismuujiya👍

Address

Gebiley

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ihsan Media HD posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ihsan Media HD:

Share