Ihsan Media HD

Ihsan Media HD Kusoo Dhawaw Ihsan Media HD . Ihsan Media waxa la aas-aasay bilawgii sanadka 2021.

Adeegyada aan qabano: •Duubida Xafladaha & barnaamijta kala duwan •Duubida barnaamijta diiniga ah •Qaadida sawirada munaasibadaha kala duwan Ihsan Media waa warbaahin aan siyaasi ahayn kana shaqaysa arimaha Dacwada, Diinta, Waxbarashada, arimaha bulshada, samafalka & dhamaan barnaamijta khayriga ah. Waxay ay jirtaa mudo kooban, alxamdulilah hadana waxa ay gaadhay bulsho badan sidii aan qorshaynay

. Ihsan Media waxa ay kutimid, markii xanuun-ka carona Virus ka dilaacay dunida waxa badatay in nidaamyadii waxbarashada lagu tabiyo Online maadaama ay dunidu kala xidhantay. Xiligaa Macalin Cali Nabadoon oo ah aas-aasaha Ihsan Media waxa uu soo iibsaday qalab-ka media-ha ee wax lagu duubo si uu casharada Online ugu gudbiyo. Markii ay soo baxday xiliyo firaaq ah oo aan qalabka wax lagu qabanayn, Cali waxa uu ka firkiray in qalabka loogu adeego bulshada kale si mutadawacnimo ah sida in loogu shaqeeyo wixii diini ah, waxbarashada, dhalinta hal abuurka leh & barnaamijta kaleee khayriga ah halkaas oo ahayd halka uu kayimid magaca Ihsan oo ah (ixsaan) in si samafal ah dadka loogu shaqeeyo. Ihsan Media ahaan hadafkayagu waa in lahelo warbaahin aan siyaasi ahayn kana shaqaysa danta, horumarka & arimaha bulshada sida wacyigalinta, arimaha diinta, waxbarshada, dhiirigalinta da,ayarta. Waxa aan u taaganahay inaan buuxino booska warbahin islaami ah madaama wakhtigan Casriga ah warbaahintu muhiim tahay. Ihsan Media waxa ay warbaahinta kale kaga duwantahay waxa ugu wayn 3 arimood:
1. Ihsan Media sida magacaba ku xusan waa (ixsaan) ama samafal taas oo macnaheedu yahay inaan hadafkayagu ahayn uun lacag hel ee aan ka shaqayno wixii umada & bulshadaba u dan ah si mutadawacnimo ah.
2. Ihsan Media waa warbaahin uu qof walba awoodo inuu adeegsado sida ardayga, macalinka, Sheekha & qof wal oo u baahda inuu warbaahin isticmaalo haday tahay Muuqaal labaahiyo ama sawiro looga qaado barnaamij uu leeyahay & in qofka loogu adeego qiimaha uu qorshaystay.
3. Ihsan Media ahaan balankayagu waxa uu yahay in qofka hawl loo qabanayo loo ilaaliyo wakhtiga oo aan laga habsaamin, iyo in loogu adeego sida uu rabo. Adeegyada Ihsan Media ahaan aan bixino maaha kuwa aan kaliya ku ganacsano, waxa aan uga danleenahay kaliya si aan isku dabarno si hawsha aan usii wadi karno. Waxa aan bulshada kala duwan ka codsanaynaa inay nala taageeraan barnaamijkaa khayriga oo u baahan In lagarab istaago si loosii xoojiyo Barnaamijteena Dacwada. Adeegyada aan qabano waxa kamid ah:
• Duubida muuqaalada Xafladaha & barnaamijta kala duwan
• Duubida muxaadarooyinka & barnaamijta diiniga ah
• Qaadida sawirada munaasibadaha kala duwan ee Diiniga ah, barnaamijta waxbarashada, arimaha bulshada iwm. Labadii sano ee u danbeeyay, Ihsan Media waxa ay abaalmarino kala duwan ka heshay qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo kudhiirigaliyay Ihsan Media inay sii wado u adeegida bulshada.

Tabobare sare 𝐏𝐫𝐨𝐟𝐞𝐬𝐬𝐨𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐬𝐚𝐚𝐪 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 iyo Tabobare sare 𝐃𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐜𝐢 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐜𝐚𝐬𝐢𝐢𝐬 oo ay wehelinayaan Bahda Al-ibdac ...
08/11/2025

Tabobare sare 𝐏𝐫𝐨𝐟𝐞𝐬𝐬𝐨𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐬𝐚𝐚𝐪 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 iyo Tabobare sare 𝐃𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐜𝐢 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐜𝐚𝐬𝐢𝐢𝐬 oo ay wehelinayaan Bahda Al-ibdac Foundation ayaa Booqasho ku yimid Magaalada Gabiley shalay Jimcihii.

Masuuliyiintan ayaa intii ay Gabiley ku sugnaayeen soo booqday Xarunta Gabiley (Kuwait), halkaasi oo ay si dhow u soo indha-indheeyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee xarunta.

Intii ay booqashadoodu socotay, waxa ay masuuliyiintu warbixin ka dhageysteen Maamulka xarunta, iyaga oo si gaar ah u ammaanay adeegyada kala duwan ee waxbarasho ee lagu bixiyo goobtan kuwaas oo door muuqda ka qaata horumarinta Tacliinta iyo Xirfadaha dhalinyarada Deegaanka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay la shaqeeyaan xarunta Gabiley si loo xoojiyo adeegyada Waxbarasho, Tababarada Xirfadeed iyo Horumarinta Tayada macalimiinta.

08/11/2025

[ Highlights]

Xafladda Madarasada Umul Qur'aan

Tabobare sare 𝐏𝐫𝐨𝐟𝐞𝐬𝐬𝐨𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐬𝐚𝐚𝐪 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 iyo Tabobare sare 𝐃𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐜𝐢 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐜𝐚𝐬𝐢𝐢𝐬 oo ay wehelinayaan Bahda Al-ibdac ...
08/11/2025

Tabobare sare 𝐏𝐫𝐨𝐟𝐞𝐬𝐬𝐨𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐬𝐚𝐚𝐪 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 iyo Tabobare sare 𝐃𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐜𝐢 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐜𝐚𝐬𝐢𝐢𝐬 oo ay wehelinayaan Bahda Al-ibdac Foundation ayaa Booqasho ku yimid Magaalada Gabiley shalay Jimcihii.

Qaar kamid ah Haldoolka Gabiley ee Bahda Waxbarashada ayaa kulan la yeeshay Masuuliyiintan kuna soo dhaweeyey magaalada . Tabobarayaashan Khuburada ah ayaa Qorshaynayey Tabobaro ay dhawaan ka qabandoonaan Gobolka.

08/11/2025

Soo Dhawayntii Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi ee Magalada Muqdisho

08/11/2025

Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Gabiley ayaa maanta booqday Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sh.M.Warsame halkaas oo ay ardayda ku siiyeen Wacyigalin Diini ah

Thank You for Following Us Ihsan Media HD Hadii aad kamid tahay asxaabta nasoo booqda laakiin aan Follow nasaarin, fadla...
07/11/2025

Thank You for Following Us Ihsan Media HD

Hadii aad kamid tahay asxaabta nasoo booqda laakiin aan Follow nasaarin, fadlan follow na dhe. Mahadsanid

Khadiibka Masjidka Mucaad Binu Jabal, Gabiley ayaa Bulshada la wadaagay inay Diyaarinayaan adeeg u gaar ah dadka maqalka...
07/11/2025

Khadiibka Masjidka Mucaad Binu Jabal, Gabiley ayaa Bulshada la wadaagay inay Diyaarinayaan adeeg u gaar ah dadka maqalka nafada ah si ay u fahmaan Khudbada Jimcaha iyo Casharada Diiniga ah ee Masjidka.

Masaajidka ayaa lagu rikibayaa TV Screens waawayn iyo Camera ay dadku kala socdaan Khudbada iyo Casharada Diiniga ah si Toos ah (Live).

Waxa sidoo kale Masjidka loo samaynayaa Turjumaa yaqaan luuqada Suul dhabaalaha (Sign Language) kaas oo Khudbadaha iyo Duruusta si ah ugu turjuma dadka maqalka naafada ka ah ee ku sugan Masjidka.

Tani waxa ay dadka maqalka Naafada ka ah u fududaynaysaa inay Diinta bartaan helaana adeegyada Masjidka si lamid ah dadka kale. Barmaamijkan ayaa la daahfurayaa Jimcaha soo socda Insha Allah.

Kalasoco Ihsan Media HD

07/11/2025

Xafladda Abaalmarinta Ardayda Madarasada Daarul Qur'aan

07/11/2025

Xafladda Qalinjabinta Madarasada Salaaxudiin AL-Ayuubi

Dib u furka Masjid Ar-rashiid, Hargeisa
07/11/2025

Dib u furka Masjid Ar-rashiid, Hargeisa

07/11/2025

[Highlights]

Xafladda Qalinjabinta Madarasada Salaaxudiin AL-Ayuubi

[Sawiro] Q. 6 aadXafladda Qalinjabinta Madarasada Salaaxudiin AL-Ayuubi
07/11/2025

[Sawiro] Q. 6 aad

Xafladda Qalinjabinta Madarasada Salaaxudiin AL-Ayuubi

Address

Gebiley

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ihsan Media HD posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ihsan Media HD:

Share