Daljir News

Daljir News Wararka Iyo waxqabadka halkan kala soco

Xog aadan ogeyn, Dal Taariikhdiisa uu kujiro Qof Soomaali ah.Halkan waa Jamhuuriyadda Nauru, waa dal la aqoonsanyahay, w...
12/03/2026

Xog aadan ogeyn, Dal Taariikhdiisa uu kujiro Qof Soomaali ah.

Halkan waa Jamhuuriyadda Nauru, waa dal la aqoonsanyahay, waa dalka Saddexaad ee dunida ugu yar sidoo kale waa Dalka Saddexaad ee dunida ugu dadka yar.

Nauru waxay dhacdaa Badweynta Baasifigga waxayna daris latahay Dalweynaha Australia.

- Dalkaan waxaa kunool qiyaastii 11k oo qof.

- Bedka dhulka Dalkaasi waa 21 km².

- Talada dalku waxay ka go'daa Haweenka oo meesha aad ayaa looga qaddariyaa Inkastoo Madaxweynuhu Nin yahay.

- Dhulka waxaa yeelan kara kaliya Haweenka, Ninku hanti maguurto ah oo dhul ah mayeelan karo.

- Dadku waxay ku abtirsadaan Hooyada, halka dunida kale Aabbaha lagu abtirsado.

- Lacagta dalkaas waa Australian Dollar- dalku Lacag dhan malaha.

- Calanka dalkaasi wuxuu leeyahay 12 Xariijin oo utaagan 12 ka qabiil ee Jasiiradda degan.

- Qofkii ugu horreeyey ee dalkaan Taxi kuwada wuxuu ahaa Nin Soomaali ah, Manhajka dalka ayaana lageliyey oo waxay u arkaan wax taariikhi ah maadaama uu baray wax aysan aqoon.

- Madaxweynaya dalku wuxuu inta badan kunoolyahay Australia oo daris la ah, Australia ayaana kaabta oo Waxbarashada iyo caafimaadka dalkaan ka caawisa.

- Caasimadda dalka waxay uyaqaanaan Xaafad Jasiiradda kamid ah waana aagga Madaxtooyada iyo Maxk**addu kutaal ayagoo ugu yeera Yaren.

- Dalka dhan Hal Laami ayaa mara waxaana Laamigaas udhisay Jabaaneeska oo mar soo gumeystay.

Nin Soomaali ah oo waraysi siiyey Abdisalam Hereri dalkaasna kunoolaan jiray wuxuu sheegay in dalka dhan halmar cagta lasoo marin karo isaga dhan waa 21 km², daqiiqado ayaad dalka dhan kusoo lugeyn kartaa.

Dalkan waa la aqoonsanyahay oo waa xubin kamid ah United Nations ka ama Qarammada Midoobey.

Abdifatah Haaji Dirir.

11/03/2026

Shirkadaha waaweyn ee AI waxay bilaabeen inay soo saaraan koorsooyin iyo shahaadooyin bilaash ah oo qof walba heli karo.🚀

1. Anthropic hadda waxay leedahay akadeemi buuxda oo loogu talagalay Claude,

2. OpenAI waxay soo bandhigtay barnaamijyo waxbarasho oo kuu diyaarinaya shaqo

3.Google waxay soo saartay Shahaadada Xirfadlaha AI (AI Professional Certificate).

Dhamaan xirfadahan Waa Free 😮

Halkan Hoose ka raac Lifaaqa oo bilow imika 👇

Sawirradani waxay Iiraan u horseedeen masiibo nukliyeer ah waxayna noqdeen mid ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan ee kh...
11/03/2026

Sawirradani waxay Iiraan u horseedeen masiibo nukliyeer ah waxayna noqdeen mid ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan ee khataraha sirdoonka isha furan (OSINT), kaas oo hadda ay darsaan hay'adaha sirdoonka adduunka oo dhan.

Sawirradan waxaa sii daayay xafiiska Madaxweynihii Iiraan ee xilligaas, Mahmoud Ahmadinejad, sanadkii 2008 intii uu booqanayay xarunta nukliyeerka ee Natanz.

Waxay qayb ka ahaayeen daabacaad xayaysiis ah oo lagu xusayay Maalinta Tiknoolajiyadda Nukliyeerka, sawir qaadayaasha iyo kooxda warbaahintuna k**a warqabin masiibada ay abuureen.

Sawirrada ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin iyo macluumaad aan loo baahnayn in la shaaciyo.

Khubaro ka socda hay'adaha sirdoonka Mareykanka iyo Mossad-ka Israa'iil ayaa bartay oo falanqeeyay, iyagoo soo saaray macluumaad u oggolaanaya inay go'aamiyaan tirada iyo habaynta centrifuges-ka, qiimeeyaan horumarka barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyo inay aqoonsadaan saynisyahannada iyo shaqaalaha xarunta, kuwaas oo wejiyadoodu si cad uga muuqdaan sawirrada.

Macluumaadkan ayaa sidoo kale fududeeyay qorista qaar ka mid ah. Mid ka mid ah sawirrada, oo muujinaya qayb ka mid ah shaashadaha, ayaa shaaca ka qaaday isticmaalka nidaamka xak**aynta warshadaha ee SCADA ee xarunta.

Khubarada amniga internetka ayaa awooday inay falanqeeyaan qaabka iftiinka ee sawirka si ay u go'aamiyaan qaab-dhismeedka nidaamka maamula centrifuges-ka Iiraan.

Macluumaadkani wuxuu si fiican u fahmay barnaamijka nukliyeerka Iiraan, ka dibna wuxuu gacan ka geystay horumarinta fayraska Stuxnet.

Fayraskan, oo bartilmaameedsaday nidaamyada SCADA, ayaa si casri ah loogu dhex geliyay xarunta wuxuuna keenay mid ka mid ah weerarrada internetka ee ugu caansan taariikhda.

Wuxuu curyaamiyay centrifuges-ka xarunta Natanz sanadkii 2010. Sida laga soo xigtay khubaradu, dhacdadu waxay dib u dhigtay barnaamijka nukliyeerka Iiraan qiyaastii saddex sano.

Hay'adda Tamarta Atomiga Caalamiga ah (IAEA) ayaa sidoo kale sheegtay in qiyaastii 1,000 centrifuges oo ku yaal Natanz la curyaamiyay intii u dhaxaysay 2009 iyo 2010.

Dhammaan tani waxay ka timid sawirro si aan ula kac ahayn loo daabacay ujeeddooyin dacaayad!

Sawirradani waxay na siinayaan fikrad ku saabsan baaxadda khatarta ay leedahay sirdoonka isha furan iyo baahida loo qabo in la sifeeyo waxyaabaha ku jira dacaayadda iyada oo loo marayo khabiiro; haddii kale, waxaan agab bilaash ah u gudbinaynaa sirdoonka cadowga annaga.

Markabka basaas ee ugu weyn caalamka Liaowang-1 SPY  ee uu leeyahay shiinaha ayaa ku sugan biyaha caalamiga ah ee badda ...
09/03/2026

Markabka basaas ee ugu weyn caalamka Liaowang-1 SPY ee uu leeyahay shiinaha ayaa ku sugan biyaha caalamiga ah ee badda Oman. wuxuu si joogto ah u siinaya iiraan xog u saabsan halka ay joogaan ciidanka maraykanka, maraaakiibtiisa dagaal, diyaaradaha F-35, iyo dhamaan xog kasta oo khatar ah oo ku soo socota iiraan, maraykanku waxay ka warqabaan hawsha uu hayo markabkani laakiin far ma saari karaan oo waxa leh quwad aan lala kaftami karin. Sidoo kale radarada Ruushka ayaa si joogta ah xog u siinaya Iiraan wuuna og yahay.
Maraykanka wuxuu la kulmaya wixii uu ku hayay Ruushka markuu la dagaalamayay Ukrain.

Booraan hadimobha qodin k*k

Ninkaasu wa magafe wayn dad badan dhiigooda daadiyey qaar badan laayay qaarna si xun u garaaci jiray. Hadda wuxuuu ku su...
20/02/2026

Ninkaasu wa magafe wayn dad badan dhiigooda daadiyey qaar badan laayay qaarna si xun u garaaci jiray. Hadda wuxuuu ku sugan yahay UK. Magaciisa waxa la idhaa Sakariye. Please share gareeya si caddaalada lo maroyo

01/07/2025
Habeen Axad ah, 18 Febraayo 2024, waxaa gurigii uu deganaa laga dhex heley meydka AUN Cabdinaasir Muuse Dahable, oo ahaa...
17/06/2025

Habeen Axad ah, 18 Febraayo 2024, waxaa gurigii uu deganaa laga dhex heley meydka AUN Cabdinaasir Muuse Dahable, oo ahaa 32 jir kasoo jeeda degma , ee Somaliland, una dhashay beesha Isaaq.

Cabdinaasir wuxuu ka mid ahaa ardaydii deeqda waxbarasho ka heshey , wuxuuna bartay culuumta maamulka duulimaadyada. Wuxuuna ka shaqeynayay Muqdisho.

Meydkiisa baaritaankii lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in la ceejiyay oo xarigga lagu dabeeyo telefoonka (charger) lagu marjiyay illaa uu si daran u naf baxay. waxaa loo geystay garaacitaan wajiga, indhaha, iyo xiniinyaha.

Falkaasi waxaa amray Mahad Salaad, waxaana, sida aan ku helnay warbixinno hoose, oo qaarkood hay'adaha caalamiga heleen, ay cadeeyeen in ay fuliyeen labo ruux oo kala ah:

1. Xasan Daahir - madaxii sirdoonka ee Banaadir
2. Gallad - madaxii sirdoonka caasimadda

Midkood waxaa dalka ka tahriibiyay Mahad Salaad, waxaana noogu war dambeysay isagoo ku dhuumanaya .

21/05/2025

Macmiil saadaali Ciyaarta Caawa dhex Mari Doonta Finalka koobka UEFA Europa League, Kooxaha 𝐌𝐚𝐧𝐜𝐡𝐞𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐮𝐧𝐢𝐭𝐞𝐝 𝐯𝐬 𝐭𝐨𝐭𝐭𝐞𝐧𝐡𝐚𝐦. Oo ka mid noqo guulaystayaasha caawo.

07/05/2025

Macmiil saadaali Ciyaarta Caawa dhex Mari Doonta Kooxaha Arsenal iyo PSG ee ciyaaraha Champions League. Oo ka mid noqo guulaystayaasha caawo.

XILDHIBAAN LA WADA LEEYAHAYMagacaygu Waa Mustafe Muhumed Haybe YeyWaxan Malcaamad Quraankı Uhoreeyey Kabılabay Malcaamad...
22/04/2025

XILDHIBAAN LA WADA LEEYAHAY

Magacaygu Waa Mustafe Muhumed Haybe Yey
Waxan Malcaamad Quraankı Uhoreeyey Kabılabay Malcaamadıı Sheekh Xasan Muruq, Sheekh Mohamed Buunı & Aw Sacııd -Gabıley!
Dugsıgıı Hoose Dhexe Waxan Kabaxay Sheekh Muhumed Warsame -Gabıley
Kabaxay 2005
Dugsıgıı Sare Noradin Secondry School Kabaxay 2009
Jacamacada Gollis Hargeisa
Kabaxay 2012 Cılmıga Beeraha
Jaamacada Heerka Labaad Gollıs
Kabaxay 2017 Maamulka Mashaarııcda
Jaamacada Addıs Ababa Unıversıty
PHD candidate in Peace and Conflict Studies
Waxan Kasoo Shaqeeyay Hayadaha Caalamıga Ah Sıda UnEscwa,UN IOM, UN FAO, UN IFAD ,Concern
Waxan Bare JaMacadeed Kasonoqday Jamacaha Dalka ıyo Dıbadıısa Ugu Wanaagsn ıyo mudo 13 Sano Ah Waxan Aas Aasay Kulıyada Beeraha Jamacada Beeraha , Ee New Generation University 😇Shırkada Shaaha Casrıga Ah ee Moringa & Xarunta Nafhurka Jımıcsıga Ee Fitness Klup Gym Hargeisa.
Hadana Waxan Dıyaar U ahay Inan Somalıland Kudaro Dawladaha Caalamka .

Ha Dilina Libaaxyadiina 🦁 Si aan Eyda 🐕 Cadowgiinu idiin Cunın✅💪

Ina aw siciidoow ganacsigii waad soo dhaaftay oo adaa lagaa fadhiyi layahay oo kolba foosto nagu soo riixayee xadhigaaga...
22/04/2025

Ina aw siciidoow ganacsigii waad soo dhaaftay oo adaa lagaa fadhiyi layahay oo kolba foosto nagu soo riixayee xadhigaaga Cable ku beeraha Jibriil abokor walahi ku sii jiri maayo.

Isha ku haya maalmahan iyo Kalabaydh

Address

Gebiley

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daljir News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daljir News:

Share