Xog Media Group

Xog Media Group Xog Media Group is a Company that produce and Analyse different topics that matters our daily life such as politics, Health, education, Sports and Tech.

Waxa la isku hayo qiimo-yaridiisa iyo dhibta ka dhalatay ee Naf iyo Maalba leh qiimo-badnidoodda waa sawir aanay maskaxd...
11/08/2022

Waxa la isku hayo qiimo-yaridiisa iyo dhibta ka dhalatay ee Naf iyo Maalba leh qiimo-badnidoodda waa sawir aanay maskaxda Bini’aadamku qaadi karayn.

"Dhimashada sokeeyuhu ma aha dhaadashiyo faane.

Dhaawaca walaalkaa qabaa waa dhib kugu taal".

Cibro iyo cashar inoogu filan wixii Maanta dalka ka dhacay.

Jimce Wanaagsan.

Sannadkii 2020 dakhliga ay ka heshay shirkadda Apple iibinta Eerfooniska dhagaha oo kaliya ayaa ka badnaa dakhliga soo g...
09/02/2022

Sannadkii 2020 dakhliga ay ka heshay shirkadda Apple iibinta Eerfooniska dhagaha oo kaliya ayaa ka badnaa dakhliga soo galay Shirkado waawayn oo dunidda Magac ku leh sida Twitter,Adobe Iyo Shopify.

Dunidda Maxaa rag ku nool.

Is XasuusinNabi Maxamed (N.N.K.H) wuxuu dhashay 12 rabiicul awal, sanad loogu yeedho sanadkii maroodiga oo noqonaya Taar...
17/10/2021

Is Xasuusin

Nabi Maxamed (N.N.K.H) wuxuu dhashay 12 rabiicul awal, sanad loogu yeedho sanadkii maroodiga oo noqonaya Taariikh ahaan 570 C D, wuxuu ku dhashay magaaladda Makka.

Aabihii Cabdilahi ibnu Cabdi Mutalib waxa dhalay hogaamiyihii qabiilkii quraysheed ee la odhan jiray Cabdul Mutalib, Nabi Maxamed (N.N.K.H) Aabihii wuxuu dhintay isagoo caloosha ku jira halka Hooyadii Aamina bint Wahb ay dhimatay isagoo Lix sanno jira.

Nabi Maxamed (N.N.K.H) waxyiga waxa lagu soo dajiyey isagoo jira da'da 40 sanno, Aayadii u horaysay ee loo waxyooday waxay ahayd Suuratu Al Iqra.

Saddex sanno ka dib waxyiga Nabi Maxamed (N.N.K.H) wuxuu bilaabay inuu ugu yeedho dadka diinta Islaamka isagoo faray in waddada saxda ah ee ay ku badbaadayaan Aakhiro iyo Adduunba ay tahay Caabudidda Illaahay iyo Adeecidda Rasuulkiisa Maxamed (N.N.K.H)

Muktar Hassan

Xog Media Team

24/09/2021

Maxaad u baahan tahay si aad guul u gaadho?

Sh Mustafe X Ismaaciil Haaruun.

Jimce Mubarak



Shirkadaha Israa'iiliyiinta ee ka hawl gala isutaga Imaaraatka Carabta oo la filayo inay laba jibaarmaan.Ganacsiga dhex ...
16/09/2021

Shirkadaha Israa'iiliyiinta ee ka hawl gala isutaga Imaaraatka Carabta oo la filayo inay laba jibaarmaan.

Ganacsiga dhex maray isutaga Imaaraatka Carabta iyo Israa'iil ayaa lagu qiyaasay lacag dhan hal Bilyan oo dollar sanadkan 2021, Shirkadaha Israa'iiliyiinta ee ka hawl gala imaaraatka Carabta ayaa dhan 500 iyadoo la filayo inay gaadhaan 1000 Shirkadood sanadka soo socda.

Barak oo ah Muwaadin Israa'il u dhashay Maamulena ka ah Shirkad lagu magacaabo Indigo Global ayaa sheegay inay ku talo jiraan oo ay ka shaqaynayaan sidii Shirkadaha Tignoolajiyadda ee Israa'iiliyiintu ay xafiisyo uga furan lahaayeen Dubai si ay ugu adeegaan bulshada ku ganacsata Magaalada Dubai iyagoo Mudnaan gaar ah siinaya kuwa u dhashay dalalka isutaga Imaaraatka Carabta.

Wuxuu intaa ku daray in sanadkii ina dhaafay ay booqasho ku yimaadeen isutaga Imaaraatka Carabta 200,000 qof oo u dhashay dalka Israa'iil.

August 13 2020 ayey ahayd markii Israa'iil iyo isutaga Imaaraatka Carabtu ay kala saxeexdeen heshiis uu dabada ka riixayey Madaxweynahii h**e ee Maraykanka Donald Trump kaasoo ka dhigay dalkii sadexaad ee aqoonsada Dalka Israa'iil.

Xog Media Group

Sidee u ilaashan kartaa Xogta Facebook Akoown-kaaga.Inta badan Markaynu ku gudajirno isticmaalka degelka Facebook waxayn...
10/09/2021

Sidee u ilaashan kartaa Xogta Facebook Akoown-kaaga.

Inta badan Markaynu ku gudajirno isticmaalka degelka Facebook waxaynu booqanaa ama gujinaa links ah application-no ay ka mid yihiin games-ka, Kuwa inta badan aynu saadaasha ka samayno kuwaasoo marka aynu galano ina waydiiyo su'aalo ay ka mid yihiin, ma waxaad doonasaa inaad Facebook akoownkaaga ku gasho ka dib waynu u ogalaanaa.

Application-nadaa waxaynu awood u siinay inuu helo xogteena ku kaydsan Facebook Akoown-keena kuwaasoo oo aynaan hubin cida maamusha iyo xogta ujeedadda ay u isticmaalayaan.

Facebook oo ka duulayaa sidii uu ilaalin lahaa xogtaa aad la wadaagtay gacanta Saddexaad wuxuu soo kordhiyey hab cusub oo u ogolaanaya qof kastaa inuu dib u eego Application-nada iyo Mareegaha uu booqday ee uu u ogolaaday xogtiisaa ku kaydsan Facebook Akoown-kiisa taasoo aad awood u leedahay inaad dhamaantood Tirtirto.

Isla marka aad tirtirto Facebook Akoown-kaagii wuxuu noqonayaa Mid aan wax macluumaad ah la wadaagin gacan Saddexaad.

Habkan cusub waxa la yidhaahdaa Off-Facebook Activity, hadaba si aad u furato adeegan oo aad u tirtirto dhamaan booqashooyinkaa aad samaysay ee qaarkood laga yaabo inaad link uun gujisay dabadeedna aad ka soo noqotay laakiin aanad ogayn khatarta gujinta ay ku keenaso FB Akoown-kaaga raac tilmaamahan;

Sidee loo furtaa Adeegan

1= Ugu horayn tag ‘Settings and Privacy”
2= Dooro ‘Settings’.
3= ka sii dooro “Permissions ”.
4= Taabo Off-Facebook Activity”. kana sii dooro clear all history oo ah Masax dhamaan booqashooyinkii aad samaysay.

Muktar Hassan

Xog Media Group


Jimce Mubarak
10/09/2021

Jimce Mubarak

Sixir bararkii ugu xumaa ayaa saameeyay Warshadihii wax soo saarka ee dalka Shiinaha tan 2008 oo ay ka soo wareegtay Sad...
09/09/2021

Sixir bararkii ugu xumaa ayaa saameeyay Warshadihii wax soo saarka ee dalka Shiinaha tan 2008 oo ay ka soo wareegtay Saddex iyo toban sanno, qiimaha badeecadaha ayaa Sara u kacay.

Qiimaha wax soo saarka oo noqonaya xadiga ay Shirkaduhu wax kaga iibiyaan ganacsatadda jumladyaasha ah ayaa sare u kacay boqolay dhan 9.5% sanad ka hor bishii August, dawladda ayaa sheegtay in qiimaha korodhku ka sareeyo kii wakaalada wararka ee Reuters ay ra'yi ururinta ku samaysay bishii julaay kaasi oo noqonayey korodh dhan 9.0%

Dawladda Shiinaha ayaa wadda dadaalo ay ku yaraynaso sixir bararka.

Xog Media Group.

Warbixin Cusub oo uu soo saaray Bangiga Swiss Investment Bank ayaa lagu sheegay shaqsiyaadka ugu qanisan qaaradda Afrika...
07/09/2021

Warbixin Cusub oo uu soo saaray Bangiga Swiss Investment Bank ayaa lagu sheegay shaqsiyaadka ugu qanisan qaaradda Afrika dalalka ay ka soo jeedaan, Kiiniya ayaa gashay kaalinta afraad iyadoo lagu qiyaasay hantidda ay haystaan Maalqabeenadoodu $338 Bilyan oo dollar, halka kaalmaha koowaad, labaad iyo Saddexaad ay kala galeen dalalka Nayjeeriya, koonfur Afrika iyo Masar.

Bariga Afrika, Kiiniya ayey Maalqabeenadoodu kaga jiraan Kaalinta Koowaad, Ruwaanda ayaa kaalinta labaad ku jirta iyadoo lagu qiyaasay hantida ku soo hagaagasa qof kasta oo qaangaadha $4,188, Tanzaaniya $3,647, Ugaandha $1,994, Jamhuuriyada Dimuuqraadiga ee Koongo $1240 Iyo Burundi $728.

Dhinaca kale Kiiniya ayaa lagu sheegaa dalalka Bariga Afrika dalka ugu Musuqa badan, iyadoo saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda dhawr jeer lagu eedeeyay Musuq ah lunsi lacageed.

Daynta lagu leeyahay dalka kiiniya ayaa lagu qiyaasay $64.22 Bilyan, taasoo macnaheedu noqonayo in qofka kasta oo qaangaadha ah ay ku soo hagaagaso dayn dhan $523, Tanzaaniya $137, Ruwaanda $135, Ugaandha $107, Burundi $37 iyo Dalka Jamhuuriyada Dimuuqraadiga koongo oo halkii qof ee qaangaadh ah ay ku soo hagaagaso dayn dhan $36

Xog Media Group

Warbixin cusub oo ay soo saartay Mareegta Techshielder ee ka faaloota arrimaha Tignoolajiyadda ayaa waxay sheegtay in da...
07/09/2021

Warbixin cusub oo ay soo saartay Mareegta Techshielder ee ka faaloota arrimaha Tignoolajiyadda ayaa waxay sheegtay in dalka Nigeria uu yahay dalka labaad ee dunidda ay ka dhacaan dembiyadda ugu badan ee lagu galo Akoownada been abuurka ah ee baraha bulshada, waxa ka h**eeya uun dalka Philippines.

Dalalka Ghana, Ivory Coast iyo South Africa ayaa ku jira labaatanka kaalmood ee ugu h**eeya warbixintan.

Budhcadan ayaa samaysta Akoowno been abuur ah oo ay saareen sawiro qurux badan, dabadeedna dadka codsada, iyagoo wada sheekaysi ku bilaaba.

DW Africa

Address

Hargeisa
252

Opening Hours

Monday 07:00 - 15:00
Tuesday 07:00 - 15:00
Wednesday 09:00 - 15:00
Thursday 07:00 - 15:00
Saturday 07:00 - 15:00
Sunday 07:00 - 15:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xog Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share