Waxan ahay akhriste

Waxan ahay akhriste Waxan ahay haldoor iyo ubixii umadani

Aragtida daciifka ah ee "Darwin"
15/02/2023

Aragtida daciifka ah ee "Darwin"

14/02/2023

KHAALID BINU WALIID

💥Muxuu halyey u yahay??!!!💥

✨ Dagaaladii dhexmaray Boqortooyadii Faaris iyo Boqortooyadii Roomaanka waxay socdeen mudo gaadhaysa 700 oo sano!

Waxay ku dagaalameen in ka badan 1000 dagaal.

💥 Ilaa uu yimid "Khaled bin Al-Walid" oo ku baabi'iyay labadii Imbaraadooradood 4 sano oo gudohood!!

✨ Wuxuu ku jabiyay Faaris 15 dagaal ilaa ay dawladii ka dhacday, wuxuuna soo afjaray jiritaankii Ruumaanka oo bariga ka jiray muddo kun sano ah kadib markuu kaga adkaaday 9 dagaal.

✨ Xataa Faaris iyo Ruum waxay u midoobeen inay Khaalid bin Al-Walid allaah haka raalli noqdee jabiyaan, dagaalkii Al-Faraad 12-kii Hijriyada oo ay wateen 200 oo kun oo dagaalyahan.

✨ Si kastaba ha ahaatee, Khaled wuxuu kaga adkaaday 15 kun oo dagaalyahan ah!!!!

🌹 Ilaahay raali haka noqdee, hana kaa abaal mariyo, Khaled bin Al-Waleed...

Wataa sababta rasuulkii alle (swc) uu ugu magacaabay صيف الله المسلول seeftii alle ee galka baxdanayd.

🚫 Valentine's day!!! Maalinta jacaylka!!!🚫__Maxaad ka ogtahay xaqiiqada maalintan. !? Valentine maxaa laga wadaa ?Valent...
14/02/2023

🚫 Valentine's day!!! Maalinta jacaylka!!!🚫
__

Maxaad ka ogtahay xaqiiqada maalintan. !?

Valentine maxaa laga wadaa ?

Valentine : Waa nin magicii Wuxuu ahaa nin qays ah , kaasoo noolaa, qarnigii 3aad ee miilaadiga ( European calander) waxaana la dilay, 14-2-207 markay taariikhdu ahayd sababta loo dilayna waxaa la sheegaa inay ahayd in uu fara xumeyay ( ka zinaystay ) gabadh uu dhalay boqorkii roomaanka, wakhtigaasna guur looma ogolayn sababtaboo ah dagaal ayay ku jireen, oo waxa ay diidanayeen in ay raga askartii ku mashquulaan reerahooda. Kadib kuwii kiristaanka ah ayaa maalinki qayska laga dilay ciid ka dhigtay, oo xusi jiray sanad walba, hadana magacii ayay inoo badalen si ay inoo khaldaan, ( maalinta jacaylka ) wataa meesha ay salka ku hayso waxan la leyahy maalinta jacaylka. !!!

Diinteenu ma inoo ogoshahay inaan ciidaha gaalada u dabaal dagno. !?

Jawaabta oo kooban waa Maya, maxaa u daliil ah. ?

1. Qura'aanka.

Allaah sw marku tilmaamayay adoomadiisa wanaagsan ( cibaadu-raxmaan ) wuxuu ka mid yeelay tilmaamahooda inay yihiin kuwa aan ub dabbaal dagin ciidaha gaalada wuxuu kuyidhi Alla wayne sw suuratul furqan aayada 72:

" وَالَّذِينَ لَا يَشْهَدُونَ الزُّورَ وَإِذَا مَرُّوا بِاللَّغْوِ مَرُّوا كِرَامًا. "

" Adoomaha raxmaanku waa kuwa aan aan goob-joov ka noqon zuurka markay laqwi maraana dhaafa iyagoo sharf leh. "

Mujaaihid, abu caaliya, daawuus, Muxammed ibnu siiriin, daxaak, rabiic ibnu Anas iyo mufasiriin kalaba waxay ku macneeyeen zuurkan inuu yahay ciidaha gaalada.

Suratul maa'ida ayada 47: Alle wuxuu ku yidhi:

" لكل جعلنا منكم شرعة ومنهاجا "

" Waxaan uyeelay qolo kasto oo idinka mida waddo iyo wuxay ku dhaqmaan."

2. Axaadiithta nabiga ﷺ:

Markay nabiga ﷺ iyo asxaabtiisu u hijroodeen madiina ayay arkeen ree Ansaareed oo dabaaldagaya ! Waa la waydiyay waxayna dhaheen waan ciid aan u dabaal dagi jiray jaahiligii, kadib wuu u diiday nabi muxamed ﷺ wuxuuna ku yidhi:

" إن الله قد أبدلكما خيرا منهما : يوم الأضحى ويوم الفظر. " رواه أبو داوود، ١١٣٤ والنسائي، ١٥٥٦ و أحمد٣١٠٣ وهو صحيح

" Alle ayaa idinku badalay laba ka khayr badan: ciida carfo iyo ciida soon."

Hadduu nabi muxamed ﷺ ansaar u diiday dabaal dag ay awawyadood kasoo gaareen, bal kawaran ciid gaalo laga soo gaaray lagana keenay asalkeeda. !?

3. Culumada islaamka.

Wuxuu yidhi shaikhul islaam ibnu taymiyah AHUN:

Ciiduhu waa waxayabaha ay sharciyada iyo diimuhu ku kala duwan yihiin, sidaa awaged ayuu nabigu ﷺ yidhi 《 qolo kasta ciid ayay ledhay anagana waatan cIidandu. 》waa ciida carafo iyo ta soon.

Marka is waydii adi ma ciiddoodii oy maalinta jacaylka ula baxeen ayaan u dabaal dagnaa. !?

Diinteenu inaan dar Ilaahy mar walba isku jeclaano ayay ina farysaa, nabiga ﷺ ayaana inoo shegay waxaan isku jeclaanayno: waana faafinta salaanta.

Jacaylka aan xabiibkeena ﷺ jeclahay, kaan asxaabtii jecelhay, kan ehlu khayrka jeclahy, miyuna inagu filayn.!?

Nabi muxumed ﷺ u fiirso dhaqankiisa, markuu biyaha cabayo wuxuu jeclaa in uu ku cabo, weelka ay ca'isha rc ku cabtay waliba dhinacay ka cabaysay, Allahu akbar jacaylkee kaa kawayn. ? Markuu sii dhimanayay xabiibku ﷺ cadaygay ca'isha u budlisay una hagaajisay ayuu ku cadayday, wuxuuna kuna naf baxay laabteeda.

Waxaan haysanaa diin dhamays tiran ee aynaan galada isu ekaysiin.

فمن تشبه بقوم فهو منهم.

" Qofkii qolo isu ekaysiya iyaga unbuu kamid yahay. "

Mahadsanid akhrintaad, la sii wadaag walaalahaa.

𝐌𝐚 𝐠𝐚𝐫𝐚𝐧𝐞𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧? Waa dadka haddii ay farxaan ama murugo yar dareemaan ay ilinta kasoo horeyso qalb...
14/02/2023

𝐌𝐚 𝐠𝐚𝐫𝐚𝐧𝐞𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧?

Waa dadka haddii ay farxaan ama murugo yar dareemaan ay ilinta kasoo horeyso qalbi jileec awgii

Waa dadka ku farxa waxyar oo loo sameeyo.

Waa dadka markaad kala xanaaqdaan markiiba hilmaamaya xanaaqi oo kula hadlaya kuna cafinaya.

Waa dadka hadday wax bixinayaan bixiya wax qalbigooda kasoo go'ay oo ay raali ka yihiin.

Waa dadka haddii loo hadiyeeyo wax yar oo aan qiimo weyn ku fadhiyin aad ugu farxa oo abaal kaaga haaya.

Waa dadka ku farxa farxadda dadka kale oo ka murugooda murugada dadka kale.

Waa dadka haddey arkaan qof ooyaya ay ilintu kasoo daadato oo la ooya qofkaas.

Waa dadka haddey qiso murugo leh meel ka aqriyaan ama meel ka daawadaan aan ilinta ceshan karin xataa haddii ay ogyihiin in ay matalaad tahay oo ay dhab aheyn.

Waa dadka si kastoo ay u weynaadaan uu qalbigooda caruur ahaanayo.

Qalbi jileeca iyo wanaaga waa bixin uu alle bixiyo.

Ogsoonow rasulka alle wuxu yidhi qofna ima rumayn illaa aad walalka la jeclaato waxad jeceshahay adigu ( samaan)

Xadiis

Waxad ogaata rasuulka in aad jeclaata wey ka mudan tahay
1 naftada
2 qoyskaga
3 hantidada
4 caruurtada

13/02/2023

Asc dhamaanba walaalaha , azxpta iyo akhyaarta is ticmaasha bartani Facebook 👋
Page Kani waxa uu noqon doonaa midkeena rasmiga ah
Soo dhaweyntuna waa dhankiina
Mahadsanidiin

Address

Bura'o/Togdheer
Hargeisa

Telephone

+252637524094

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waxan ahay akhriste posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waxan ahay akhriste:

Share