09/06/2026
Garsooraha Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, Cumar Cartan, ayaa sheegay in lagu qaaday wareysi socda 11 saacadood oo ay sameeyeen saraakiisha socdaalka Mareykanka, ka hor intii aan loo diidin gelitaanka dalkaas si uu uga qayb galo Koobka Adduunka 2026, inkastoo uu haystay dhammaan dukumentiyadii iyo fiisihii saxda ahaa.
Cumar Cartan oo noqon lahaa qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee garsoore ka noqda tartanka Koobka Adduunka, ayaa laga saaray liiska garsoorayaasha kadib markii loo diiday inuu ka soo galo garoonka diyaaradaha ee Miami International Airport.
Ilaa hadda ma jirto sabab rasmi ah oo ay dowladda Mareykanku ku sheegtay sababta loogu celiyey, balse Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ku jira xayiraadda socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump soo rogay.
Kadib wada-hadallo dhex maray FIFA iyo masuuliyiinta Mareykanka, FIFA waxay xaqiijisay in Cumar Cartan uusan ka qayb geli doonin tartanka.
Cumar Cartan ayaa yiri:
"Aad ayaan uga niyad jabay. Waxaan ahay garsoore doonaya inuu riyadiisa rumoobo. Tani waxay ahayd riyadii ugu weynayd noloshayda – inaan ka qayb galo Koobka Adduunka."
FIFA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay:
"FIFA waxay xaqiijinaysaa in garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan aanu awoodi doonin inuu tababar qaato ama garsoore ka noqdo Koobka Adduunka 2026 kadib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka."
Waxay sidoo kale sheegtay in FIFA aysan ku lug lahayn arrimaha socdaalka ama bixinta fiisayaasha, isla markaana loo sheegay in xaaladdiisa aan wax isbeddel ah lagu samayn doonin waqtigan.
La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa BBC u xaqiijiyey in Cumar Cartan uu watay dhammaan waraaqihii saxda ahaa ee safarka.
Sarkaal ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa isna sheegay in Cumar loo sameeyey baasaboorka diblomaasiga ah si loogu fududeeyo socdaalkiisa, kadib dhibaatooyin h**e oo dhinaca fiisaha ah.
Cumar Cartan ayaa yiri:
"Waxaan haystay dhammaan waraaqihii loo baahnaa. Fiisihii saxda ahaa ayaan watay."
Wuxuu sheegay in kadib wareysiga 11-ka saacadood socday lagu hayey qol gaar ah oo lagu xannibo dadka, halkaas oo uu saacado kale ku qaatay, ka hor inta aan dib loogu celin Istanbul ee dalka Turkiga.
Andrew Giuliani, oo hoggaaminaya guddiga Aqalka Cad ee u qaabilsan Koobka Adduunka, ayaa BBC World Service u sheegay:
"Inkastoo aanan faahfaahin ka bixin karin xogta kiiskan, waxaan aaminsanahay in go’aankii ay qaateen waaxda kastamka iyo ilaalinta xuduudaha uu ahaa go’aan sax ah, waanan taageersanahay."
Sidoo kale, suurtagal ma ahayn in Cumar uu joogto Kanada ama Mexico oo keliya si uu halkaas uga garsooro ciyaaraha, maadaama dhammaan garsoorayaasha Koobka Adduunka lagu waajibiyey inay joogaan xarun tababar oo ku taalla magaalada Miami ee gobolka Florida.
Madaxa garsoorayaasha FIFA, Pierluigi Collina, ayaa halkaas ka sameeyey xarun ay ku tababartaan 52 garsoore iyo 88 garsoore-ku-xigeen.
Bishii Diseembar, Madaxweyne Donald Trump ayaa warbaahinta u sheegay inuusan doonayn muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool, isaga oo sheegay inay "dib ugu laabtaan dalkii ay ka yimaadeen."
Ugu dambayn, Cumar Cartan ayaa yiri:
"Waxaan u malaynayaa inay dhibaato gaar ah ka qabaan dalkayga Soomaaliya."
BBC ENGLISH