12/09/2025
Xogta dahsoon: Wax ka ogow dhibaatada haysta wadamada Carabta, iyo labada waji ee reer galbeedku ay kula dhaqmaan Carabta iyo ISR.
Aan tusaale ku siiyo Ciidanka Cirka Masar waxay haystaan 340 diyaaraddaha dagaalka ah, 218 kamid ahi waa F-16 oo ay Masaarridu ku kharash- gareeyeen Lacag ka badan 6 bilyan oo dollar tan- iyo 1980-kii, hase ahaatee Mareykanku marnaba uma ogolaan in diyaaradahan ay xambaaraan gantaallada AIM-120 kuwaas oo wax ka duqeyn kara masaafo dhan 170km, taas badalkeeda waxaa Masaarrida loo fasaxay iney isticmaalaan gantaallada qadiimiga ah ee AIM-7P oo- awooddoodu ay dhaafayn iney wax ka duqeeyaan masaafo 70km oo kaliya.
Halka Mareykanku ciidanka cirka ISR ee haysta diyaaraddaha F-16 u ogolaaday iney isticmaalaan gantaallada AIM-120, tani waxay ka dhigan tahay in farqi 100km ahi u dhexeeyo ISR iyo Masar taaso cadeynaysa haddii dagaal dhinaca cirka ahi, dhexmaro labadaasi wadan in diyaaraddaha dagaalka Masar la baabi'in karo ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.
Tani waxay ciidanka cirka Masar ku qaaday iney raadsadaan diyaaraddo kale oo dagaal, intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2021 Masar waxay Faransiiska kasoo iibsatey 54 diyaaraddaha Rafale, hase ahaatee Faransiisku wuxuu Masaarrida ka- xaddiday helitaanka gantaallada ridada dheer ee meteor, kuwaaso gaadhi kara masaafo ilaa 200km ah.
Halka marka ay marayso Masaarridu waxay ka fikireen iney Ruushka u doontaan diyaaraddaha casriga ah ee SU-35 markii ay isku dayeen iney heshiis la galaan Ruushka waxaa timid fariin hanjabaadda oo ka socota Washington, Mareykanku wuxuu ku hanjabay in talaabadaasi ay halis galin karto xidhiidhka Milatari ee u dhexeeya Washington iyo Qaahira, intaasi kadib heshiiskaasi waa istaagay.
Wadamada ree galbeedku waxay si ula kac ah u xaddidaan tayada iyo awooda hubka ay ka- iibinayaan Wadamada Islaamka ah ee bariga dhexe iyagoo haddana qiimo sare oo qaali ah kaga iibiya hubkaasi.
Bariga dhexe hadda waxaa gilgilay heshiis dhexmaray Masaarrida iyo Shiinaha, horaantii sanadkan waxaa Masar gaadhay raxantii ugu horeysay ee diyaaraddaha dagaalka ee J-10CE, kuwaas oo Shiinuhu ka iibiyay Masaarrida oo noqonaya dalkii labaad ee diyaaraddahaasi gacanta ku dhiga, horey Shiinuhu wuxuu- diyaaradahan uga iibiyay Pakistan oo kaliya.
Diyaaraddahani maaha kuwo caadi ah, waa jiilka 4.5 oo isku jira, waxaa ku rikiban tiknoolajiyad- sareysa iyo gantaallada ridada dheer ee PL-15, waana gantaallada awooda buuxda uleh iney wax- ka duqeeyaan masaafo gaadhaya 300km, awooddani waxay Masaarrida u ogolaaneysaa iney ka hor tagaan diyaaradaha cadowga kahor inta ay hawadooda soo gaadhin.
Si kale hadii aan kugu dhigo, awooda ay leeyihiin diyaaradahan J-10CE waa in haddii dagaal dhex maro Masar iyo ISR ay 11 daqiiqo ku gaadhayaan caasimada ISR ee Tel abiib iyagoo si fudud u dabooli kara masaafo 400km ah oo udhexeeya Qaahira iyo Tel abiib.
Diyaaraddahani waxay walwal galiyeen ISR xili bariga dhexe ay isbadalo waawayni ka dhacayaan, isbadaladaas oo khuburada milatarigu ku macneeyeen kuwo qaabeyn doonna sida bariga dhexe u eekaan doono qarniyadda soo socda.
Tan iyo markii uu billowday duullaanka ay ISR ku qaaday marinka Q/--sa dabayaakhada 2023, Masaaridu waxay dib u eegis ku sameeyeen istaraatiijiyadoodii ammniga iyagoo ka cabsanaya in dagaalku uu ku fido xuduudahooda, waxayna Qaahira si weyn u kordhisay joogitaankeedii ciidan ee gacanka Siinaay.
Warbixino madaxbannaan oo dhawaan la helay ayaa muujisey in Masar ay Siinaay geysay in ka badan 180 batalyan oo ciidana oo ah tiro aad uga badan intii lagu heshiiyey heshiiskii Camp David. Kaas oo Masar u ogolaanayay ciidan aan ka badneyd 47 batalyan oo ka caagan hubka culus kuwaas oo joogitaankoodu ku eeg yahay aaga koobaad ee loo yaqaano (Zone A) ee xiga ama ku dhow dhinaca Qaahira,
Marka la eego joogitaanka ciidamada Masar ee Siinaay heshiiskaasi wuxuu dhigayay xeerar adag, waxaana gacanka Siinaay loo qaybiyay sedex aag, (A.B.C) aaga koobaad ee (Zone A) wuxuu xiga dhinaca Qaahira, waana meesha kaliya ee Masaarida looga ogolaa iney ku yeeshaan joogitaan milatari oo kooban, aaga labaad ee (Zone B) waa badhtamaha Siinaay waxaana halkaas looga ogolaa iney ku yeeshaan boolis ku gaashaaman hub fudud, aaga sedexaad ee (Zone C) ee ku dhow xuduudka Q/--sa iyo ISR wuxuu heshiiskaasi ka dhigayaa aag milatariga ka caagan, waxaana mamnuuca in Masar wax ciidan milatari ah halkaasi ka ag dhaweyso.
Iyadoo heshiiskaasi sidaas dhigayo dhawaan waxaa lagu war helay sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday iyo dukumiintiyo sir ah oo la helay oo muujinaya in Masar ay aaggaasi ka dhistay garoomo milatari, difaacyo dhulka hoostiisa ah, iyo saldhigyo ciidan oo ay ku jiraan hub culus oo uu kamid yahay taangiga dagaalka nooca casriga ah ee Abrams iyo nidaamyo difaac oo halkaasi lagu rakibay, taasoo muujineysa in Masar ay ka talaabeyso xayiraadaha heshiiska Camp David.
Xili ISR maalmo kahor weerar aan la fileyn ku qaaday Qatar ayaa waxaa maanta Masaaridu digniintii ugu dambeysay ay gaadhsiiyeen Tel abiib, iyagoo uga digay hadii ISR isku daydo in weerar lamid ah kii Qatar ay ka fuliso gudaha dhulka Masar in taasi dhabaha u xaadhi doonto dagaal toosa oo dhexmari doona ISR iyo Masar.
Xaaladahan oo dhani waxay kusoo beegmayan xili gobolku uu marayo isgoys adag oo ay dhacayaan isbadallo aan la fileyn oo degdega oo taarikhda gobolka wax ka badalaya.