19/04/2025
“Geeddisocodkii u Horreeyay!
Dulmarka kooban een ku sameynnay xaalaadaha maanta jira waxaa innoo xiga raadraac aan ku sameynaynno taariikhda qadiimiga ah ee Soomaalida, annagoo ka soo bilaabaynna xilli fog. La’aanta ama yaraanta taariikho qoraala iyo dukumentiyo la raadraaco waxay ku khasbaysaa ruuxa daneynaya sooyaalka taariikhda Soomaalida inuu isticmaalo xogo ku saleysan dagalbaadhis, darsidda dadka iyo dhaqannadooda, asalka luuqadaha, dhaqan-tiraabeedka, iyo fanniyada la midka ah.
Inkasta oo ay wali cusub tahay sida culuumtaan loogu faaqido tagtadii Soomaalida, haddana waxaa durba ka dhashay isticmaalkooda aragtiyo ugub ah oo waxbadan ka baddelay fahanka laga qabo taariikhdii h**e ee Soomaalida, gaar ahaan sida dhibka yar ee looga hadlo asalka iyo geeddisocodka dadka Soomaalida. Haddii awal la aamminsanaa in Soomaalidu ka soo gudubtay xeebta Badda Cas ama ay ka soo tallaabeen badda Koonfur Carbeed, waxaa hadda hubaal ah in hoyga asalka ah ee Soomaalida iyo qaraabadooda Kushtig, ahaa buuraleyda Koonfurta Itoobiya. Haddii awal la aamminsanaa in hijrada sheekhyo Carab ah oo muslim ah oo yimid xeebaha Soomaaliya ay gundhig u ahaayeen bilowga bulshada Soomaalida, waxay hadda u eeg tahay inaysan Carabtu udubdhexaad u aheyn ama xataa muhiim, tagtada Soomaalida –marka laga reebo qaadashadii Islaamka. Haddii awal la aaminsanaa in geeddisocodka Soomaalidu qaatay jihada waqooyi–koonfur, waxaa hadda muuqda in caksigu dhab yahay.
Dibueegistan asal-doorka ah ee taariikhdaa fog ee Soomaalidu waxay ku tarjumaysaa, sidaan xusnay, aragtiyo iyo baadhitaanno ay sameeyeen khubaro ku takhasusay maaddooyin badan, siiba culuumta luuqadaha iyo tan dad iyo dagal-baadhka. Culuumtani waxay sheegaysaa in Soomaalidu ka tirsan yihiin qomiyadda salka ballaadhan ee Kushtik la dhaho ama Hamaaytis ⎯waa marka la tixraaco luuqaddooda, hab-noolaleedkooda, dhaqankooda, xeer bulsheedkooda, dhaqan-dhaqaalahooda iyo siday isugu eegyihiin.
Qoraayadii h**e ee Carabtu way ka sooci jireen Soomaalida Afrikaanka kale, iyagoo ugu yeedhi jiray Berber ama Berberi, sida muuqatana magacaas u bixiyay dekadda Soomaaliyeed ee qadiimaga ah ee Berbera. (Waxaa baadhitaan xiiso leh noqon lahaa darsidda xidhiidhka ka dhaxeeya taariikhda iyo qaabdhaqameedka Berberta Geeska Afrika iyo kuwa waddammada Waqooyiga Afrika ee Marooko, Aljeeriya, iyo Tuniisiya, si loo ogaado inay isku meel ka soo jeedaan iyo in kale.”
— Buugga SOOMAALIYA: Qaran Dawladraadis ah. Bogagga 9/10
Dhawaan filo!