2R Sama arag

2R Sama arag war, weedhsan, wacdi iyo waano.

07/11/2024

Ninki xoog is bidayee
Xubnihiisa taamkaa
Cafimaad la xiimee
Isu geyn xisaabtii
Ku xasilay maxsuulkee
Xiniyaha is taabtee
Xabbad iyo naf goysada,
Xalka qori u dhiibtee
Hadba xaal colaadeed
Iyo xaajo tii daran
Ibtilada u xaytee
Mahadhada xambaartee
Xiissaynayaa belo,

Xasas iyo dab noolays
Hadda xaabo weeyaan,
Lagu shiday xumaantada,
Kolka uu xabaal galo,
Laga damin xigaalkoo
Dabadii xayaatada
Inti xay ah loo talin

Xalay dhimashadiisii
Saakana waxaa xiga
Xayn daabka samihiyo
Nabad laysku xeeroo
Nin dhintaan la xaalayn

Hadii aad xis leedahay
Xulki geerriyaad iyo
Wedka xarragadiisii
Qabri iyo xabaal aan
Xufrad naara kuu noqon
Janno xaadiraahoo
Xuural cayn dhex joogtaa
Kuu hayaaye xiisow

Qassaa xaal lillaahiya
Xigto gacala waydee
Quddus iyo xoraynteed
U xamaamo qaadaan
Odhan laa xagaa aad

Ha noqon xaabo nin muraad leh dheriga u bislaysa.

Dawladda masar, nidaamka siisii waxa ay awood u yeelan wayday in ay koob biyo ah galiso Qasa, waxay se awood u yeelatay ...
04/11/2024

Dawladda masar, nidaamka siisii waxa ay awood u yeelan wayday in ay koob biyo ah galiso Qasa, waxay se awood u yeelatay in ay Markab hub ah galiso dhulka la haysto ee lagu sheego isra-iil-!!!

19/10/2024

"Wadani wax ka dheh" baa igu soo noqnoqotay, anna u kaadi oo haka hor dhicin baan is lahaa.
Se waydiin i hortaal oo xujo igu noqotay ayaan ugu talo galay in inahan koobani igaga sii filnaadaan;

Gudcur weeye damahoo
Arki maayo wajigaan
Wax ka sheeg is leeyee,

Walacdii cadceeddiyo
Aynu dhawrno waagii
Waakaa baryaayiyo
Waa wadani lahaydeen

Dal wanaajaheenii
Dan wadaag u roonaa
Walaaleeye ururriya
Isku wada dadkoys jecel
Wadanigu inshaa allah
Ha ahaado weeyaan
Rajadaydu kaan wadhi
Weger noo hagoogine

Saddex aynu waadaan
Iyo weelka uu sido
Waayahay ka eegnee
Haddii laysku waafaqo
La wakiisho heedhaha
Bal wuxuu lasoo baxo
Aynu dhawrno waayaha

Waa mide hadii uu
Man-haj-kii wacnaa iyo
Waxyigii la soo rogay
Sunaheeni uu wado
Allaa weyne kow dhaha

Waa mide hadii uu
Taxanaha waraystoo
Warisada tilmaansado
Mab-da' leeyay waaxida
Axad waa ilaah dhaha

Waa mide hadii uu
Mar-jac leeyay waanada
Talo uula weecdoo
Wax ka qaato culimada
Hayna wado wakaa dhaha

Se hadii wax saar lehe
Xilka looga weyn yahay,
Oo gaal la weheshado,
Wadadii la hayn jiray
Uu maro wadiiqada

Wegereey sidii h**e
Arimuu ka waaweyn
Tani waa ka waasacan,

Dublamaasi weeyee
Horor weeraraa iman,
San cadaanluhuu waco,
Halistaynu waajihi,
Waxyeeladayna gaadhaa
Laga waaqsan doonino
Waxayn waayi doonaa
Weedhaydu koobine
Xidha weer casaa dhaha

Hadii aan wax soo saar
Dhulka loo waraab xidhin,

Hadii aan wax barashada
Loo bixin jid way kale,

Hadii aan la waydiin
Xumaddani waxay tahay
Ka war bixin dhakhaatiir,

Hadii aan wareegtada
Wadhatada la maal galin,

Walafkii haduu qabo,
Duul waabin laa cadow
Wali ciidankeenii
Wayd yahay itaal daran,

Baddaydiyo haddaan waax
Iga dhigan wadnaa baas
Laga jirin wadeecada

Wadhiyeey halkaagii
Wadanyahow sidaadii
Kay soo wadaanow
Adna waa kalkaagii
Hala wado wadaay dhaha.

Ninba meel ku leh taarriikhda
18/10/2024

Ninba meel ku leh taarriikhda

06/07/2022

La waayo kuf iyo malaha ubad, waalid baan dhaline

Allah Waaxid aho Axad, Waduud, Qani ah weeyaane

Wedka Khaaliqiisiyo Muxyii, Samadka weeyaane

Wehel uuma baahnoo Cassiis, Qawwiya weeyaane

caliyyu Weyna kor maray carshiga, Boqorka weeyaane

Al Muqnii Rabbaa waasacoo, Waarisoo hadhiye
.....2R amaan sama arag
Allahaygu Weynaa Wacanaa Ilaahay

10kaa ayaamood iyo habbeenadooda kuwa kan uu Rabbi SWT ku dhaartay, Nabigeena suubbanina SCW inoo sheegay dheeraadka ay ...
30/06/2022

10kaa ayaamood iyo habbeenadooda kuwa kan uu Rabbi SWT ku dhaartay, Nabigeena suubbanina SCW inoo sheegay dheeraadka ay leeyihiin iyo in acmaasha kheyrka ah ee 10kaa la qabtaa ay yihiin kuwa acmaal oo dhan Alle SWT ka jecel yahay, waxa inala qumman in laga faa'idaysto.

Salaad, soon, sadaqo, adkaar iyo dikri baddani how mudnaadeene, kheyr dhammaantii in Lillaahinimo, ikhlaas iyo daacad loo qabtaa iyana way inala gudboon tahay.

Dulxij iyo Ilaahow
Tobankaa ayaamood
Acmashooda kheyrkaa
Na wafaji ixsaankoo
Kuwa laga abaaliyo
Ehelkooda naga yeel

Alle ha ina waafajiyo oo ha inoo sahli, cibaadaadka aynu ugu dhawaanayno, CARAFA kuwa maalinkaa loo dembi dhaafana Rabbi naxariis ballaadhane ha inaga yeelo.

Aammiin yaa ALLAH

26/06/2022

2r

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when 2R Sama arag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to 2R Sama arag:

Share

Category