Wargaadhwar

Wargaadhwar Madal wargaadhsimeed udooda bulshada nugul falaqeynta arimaha siyaasada Somalida iyo caalamkaba

14/10/2025
05/10/2025

Warka: Heshiiska Somaliland iyo Puntland oo Bedelaya Jihada Siyaasadda Gobolka

Hargeysa, Oktoobar 2025 — Heshiiska dhowaan lagu kala saxeexday Dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland ayaa noqday mid si weyn loogu tilmaamay inuu yahay “tumaati siyaasadeed” oo kusoo beegmay xilli uu gobolka Sool bari u baahnaa deganaan iyo xal waara.

Heshiiskan oo diiradda saaraya nabadgelyada, wada noolaanshaha iyo iskaashiga amniga ee labada dhinac, ayaa la rumeysan yahay inuu si toos ah u wiiqayo faragelintii maamulka Xamar ku lahaa arrimaha gobolka Sool bari. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa sheegay in talaabadani ay “dhirbaaxo siyaasadeed” ku tahay qorshihii ay Villa Soomaaliya ku dooneysay inay saameyn ku yeelato gobollada waqooyi.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa la sheegay inuu dhiirrigelinayo nabadda Ceerigaabo iyo dib-u-soo-laabashada dadkii ka barakacay, iyadoo la rajeynayo in nolol caadi ah dib ugu soo laabato deegaannadaas.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa arinta si taxaddar leh u eegaya, iyadoo qaar ay ku tilmaameen fursad siyaasadeed oo muhiim ah, halka qaar kalena ay uga digeen in la degdego qiimeynteeda maadaama ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo waqti qaadan doonta in la hirgeliyo.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan wuxuu xoojinayaa rajo cusub oo ku saabsan dib-u-soo noqoshada Somaliland ee magaalada Laascaanood, iyo in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan xasilloonida bulshada ee gobollada Sanaag iyo Sool.

Waxaa lagu soo koobay in heshiiskan uu noqon karo bilow cusub oo taariikhi ah, haddii loo fuliyo si daacadnimo iyo wada-faham ku dhisan, taasoo beddeli karta jihada siyaasadeed ee guud ee gobolka Geeska Afrika.News: Somaliland and Puntland Agreement Marks a Turning Point in Regional Politics

Hargeisa, October 2025 — The recently signed agreement between the Government of Somaliland and the Puntland administration has been widely described as a political breakthrough that arrived at a crucial moment for the stability and future of the eastern Sool region.

The agreement — which focuses on peace, coexistence, and joint security cooperation — is seen as a direct challenge to the interference of the Mogadishu administration in Sool and eastern territories. Regional political analysts say the move represents a major political setback for Villa Somalia’s long-standing ambitions to exert influence in the north.

The deal is also expected to encourage peace in Ceerigaabo and facilitate the return of displaced residents, allowing normal life to resume across affected communities.

Many Somalilanders have reacted cautiously to the development: some view it as an important strategic opportunity, while others warn against rushing to judgment, noting that the agreement’s full impact will depend on careful implementation and mutual trust.

Nonetheless, the accord rekindles hope for Somaliland’s eventual reintegration into Laascaanood and for broader collaboration between the two sides in maintaining stability across the Sanaag and Sool regions.

In summary, this agreement could mark a historic new beginning, if both parties honor it with sincerity and a shared commitment to lasting peace — potentially reshaping the political landscape of the Horn of Africa.
الخبر: اتفاقية بين أرض الصومال وبونتلاند تمثل نقطة تحول في السياسة الإقليمية

هرجيسا، أكتوبر 2025 — تم وصف الاتفاق الذي تم توقيعه مؤخرًا بين حكومة أرض الصومال وإدارة بونتلاند على نطاق واسع بأنه اختراق سياسي جاء في لحظة حاسمة لاستقرار ومستقبل منطقة سول الشرقية.

تركز الاتفاقية على السلام والتعايش والتعاون الأمني المشترك، ويُنظر إليها على أنها تحدٍ مباشر لتدخل إدارة مقديشو في شؤون منطقة سول والمناطق الشرقية. ويقول محللون سياسيون في المنطقة إن هذه الخطوة تمثل ضربة سياسية كبيرة لطموحات "فيلا الصومال" الطويلة الأمد في بسط نفوذها على الشمال.

ومن المتوقع أيضًا أن تشجع هذه الاتفاقية على إحلال السلام في مدينة عيرجابو وأن تسهم في عودة النازحين إلى مناطقهم، مما يسمح بعودة الحياة الطبيعية إلى المجتمعات المتضررة.

وقد تباينت ردود الفعل في أوساط مواطني أرض الصومال تجاه هذا التطور؛ فبينما يراه البعض فرصة استراتيجية مهمة، يحذر آخرون من التسرع في الحكم عليه، مشيرين إلى أن تأثيره الكامل يعتمد على التنفيذ الدقيق والنية الصادقة من كلا الطرفين.

ومع ذلك، فإن الاتفاق يجدد الأمل في عودة أرض الصومال إلى مدينة لاسعانود، وفي تعزيز التعاون الأوسع بين الجانبين للحفاظ على استقرار مناطق سناغ وسول.

وباختصار، يمكن أن تمثل هذه الاتفاقية بداية تاريخية جديدة، إذا تم تنفيذها بإخلاص وتفاهم متبادل، وهو ما قد يعيد تشكيل المشهد السياسي في منطقة القرن الإفريقي بأكملها.

22/09/2025
Imaaraadka Carabta ayaa xayiraadda socdaalka saaray dalal ay Somalia kamid tahay. Imaaraadku wuxuu sheegay in uusan Viss...
19/09/2025

Imaaraadka Carabta ayaa xayiraadda socdaalka saaray dalal ay Somalia kamid tahay. Imaaraadku wuxuu sheegay in uusan Vissa siinayn dalalkaas marka la gaaro 2026.

Imaaraadka ayaa saamayn weyn kuleh gudaha Somalia balse wuxuu Somalia kudaray dalalka uu udiiday Fiisaha marka la gaaro 2026 inkastoo ay ku sheegeen kumeelgaar.

Dalalka ayaa kala ah.
• Somalia • Liibiya • Yemen • Lebanon • Bangladesh • Cameroon • Sudan • Uganda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ...
19/09/2025

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa soo dhaweeyay xeerka dib u habeynta siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka ee ay ansixiyeen Guddida arrimaha dibadda ee Congressku oo ay ku jiraan qoddobo albaabada u furaya iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan, wuxuu sidaas ku caddeeyay qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaakadda wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaanu bogaadiyay guddida Arrimaha dibadda ee golaha Wakiillada Maraykanka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddidaas Brian Mast.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu xusay in sharcigani uu xoojinayo cilaaqaadka Somaliland iyo Maraykanka, kaasi oo jidaya in dawladda Maraykanku ay xafiis rasmi ah ka furato caasimada Hargeysa.

Wasiir Cabdiraxmaan wuxuu iftiimiyay in xeerkani uu xoojinayo iskaashiga ganacsi ee Maraykanka iyo Somaliland.

Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay in xeerkani uu garwaaqsanayo xasiloonida iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibaddu wuxuu intaas ku daray in ahmiyadda xeerkani uu horumarinayo jidka loo marayo aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo JSL.

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Koongareyska Maraykanka ayaa cod aqlibiyad ah ku ansixiyey Xeerka dib u qaabaynta waa...
19/09/2025

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Koongareyska Maraykanka ayaa cod aqlibiyad ah ku ansixiyey Xeerka dib u qaabaynta waaxda Siyaasadda Arimaha dibadda ee Maraykanka ee H.R5300.

Xeerkan waxa Somaliland jira qoddobo waaweyn oo dan u ah waxaana kamid ah.

1- In Maraykanku xafiis diblomaasiyadeed oo gaar ah ka furto Hargeysa.

2- In la kala saaro digniinaha iyo arrimaha amni ee Socdaalka Muwaadiniinta Maraykanka ee u safraya Somaliland iyo Soomaaliya.

3- In Xukuumadda Madaxweyne Trump ka shaqayso sidii ganacsatada, maalqabeenada iyo muwaadiniinta Maraykanka ah loogu fududayn lahaa maalgashiyada ay si gaar ah Somaliland uga samaynayaan.

Maxay kula tahay.?

12/09/2025

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wargaadhwar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wargaadhwar:

Share