28/08/2026
Weriyihii Baahiyey Maansadii Abwaan Jiheeye Ku Habaaray Madaxweyne Cirro Oo Looga Yeedhay Xarunta Ciidamada Dambi-baadhista Booliska Ee Hargeysa.
Hargeysa (Maal Tv) - Ciidamada dambi-baadhista (C.I.D), ayaa xaruntooda ugu yeedhay Weriye Cabdiqani Baylood oo ka mid ah suxufiyiinta fadhihoodu yahay Magaalada Hargeysa.
Weriye Cabdiqani Baylood oo Wararka ku baahiyaha baraha bulshada, ayaa Xalay baahiyey Waraysi uu ka qaaday Abwaan Ismaaciil Jiheeye oo Maanso ku habaaray Madaxweyne Cirro oo uu ku eedeeyay inuu awood dawladeed kaga qaaday dhul uu ku lahaa Magaalada Hargeysa.
Maansada Habaarka ah ee uu baahiyey Weriye Baylood oo aad dadka ugu dhex faaftay, ayaa loo malaynayaa in C.I.D-du wax ka waydiisay tebinteeda, wallow aan Maal Tv xaqiijin karin su'aalaha Weriyaha la waydiiyey.
Ciidanka C.I.D oo ka mid ah Ciidanka Booliska JSL, ayaa magacoodu dhegaha dadka ku batay inta Xukuumadda Madaxweyne Cirro qabatay xukunka Somaliland.