13/10/2025
Madaxweyne Cirro oo Barito Safar Xasaasi ah Ku Tagaya Dalka Itoobiya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu barito safar shaqo oo muhiim ah ugu kicitimo dalka Itoobiya. Safarkan oo ah mid xasaasi ah oo leh miisaan siyaasadeed, amni, iyo diblomaasiyadeed oo aad u weyn, maadaama uu ku soo beegmayo xilli ay socdaan isbeddello iyo kulamo muhiim ah oo ka dhacaya gobolka Geeska Afrika.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isna ka degay magaalada Addis Ababa, kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Itoobiya. Arrintan ayaa sii kordhisay xiisadda iyo dareenka ku saabsan kulamada la filayo inay ka dhacaan halkaas, gaar ahaan kuwa la xishiidha khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya
Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in lagu falanqeeyo kulanka uu Madaxweyne Cirro la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, waa arrinta xidhiidhka xumaaday ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Sanadihii u dambeeyay, xidhiidhka labada dhinac ayaa aad u xumaaday, kadib markii Somaliland si rasmi ah u joojisay wada hadalladii ee ay la lahayd Soomaaliya, iyada oo ku eedaysay Muqdisho inay ku xadgudubtay madaxbannaanideeda siyaasadeed iyo qaranimo.
Heshiiskii Somaliland–Itoobiya
Sidoo kale, waxa miiska saaran qodob kale oo culus — Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhigayay in Itoobiya laga kireeyo saldhig militari dhul badeedka Somaliland, halka Itoobiya ay ku beddelato aqoonsi rasmi ah oo ay siiso Somaliland.
Heshiiskaas ayaa si weyn uga cadhaysiiyay dowladda Soomaaliya,oo ku tilmaantay mid khatar ku ah madax-bannaanideeda dhuleed, isla markaana ay ku baaqday in la joojiyo.
Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Cirro xilligii uu mucaaridka ahaa isna uu si cad u diidanaa heshiiskaas, xisbigiisuna uu ku tilmaamay mid aan sharciyad buuxda lahayn. Haddaba, waxaa laga sugayaa sida uu uga hadli doono mowqifkiisa cusub ee ku aaddan arrintaas isagoo ah madaxweyne talada haya.
Xaaladda Itoobiya iyo Xiisadda Biyaha Nile
Dhanka kale, safarka Cirro ayaa ku soo beegmaya xilli Itoobiya ay dhawaan furtay biyo-xidheenka ugu weyn ee Afrika (GERD), kaas oo laga dhisayo webiga Nile. Arrintan ayaa dhalisay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan oo u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar, iyadoo laga cabsi Laga qabo in ay isu beddesho dagaal toos ah.
Itoobiya ayaa waayadanba ku dadaalaysay inay xulafo cusub ka hesho gobolka, gaar ahaan waddamada leh marin-biyoodka Badda Cas, si ay u xoojiso xidhiidhkeeda istaraatiijiga ah.
Xidhiidhka Cirro iyo Itoobiya
Madaxweyne Cirro, tan iyo markii uu mucaaridka ahaa, ma jirin wax xidhiidh dhow oo uu la leeyahay Itoobiya. Intii uu xilka hayayna, muddo ku dhaw sannad, ma booqan dalka Itoobiya, taas beddelkeedana wuxuu safarro rasmi ah ku tegay Jabuuti, Kenya, iyo dalal kale oo deris ah.
Haddaba, safarkan Addis Ababa ayaa noqonaya fursad cusub oo lagu furayo bog cusub oo xidhiidh diblomaasiyadeed ah oo u dhexeeya labada dal.