Hassan Salah

Hassan Salah hassan salah waxaad ka helaysa muqaal ku xiiso geliya.

08/02/2022

Mobilka ugu wanaagsan Dunida || TESLA PI || 2022 😍

31/01/2022
31/01/2022
26/01/2022

waa kuma aboflah ?

Faa’iidooyinka Toonta Iyo Xanuunada Ay DaawaysoFadlan waxan ka codsanya hadii aad wuxun ka faa'iiday FOLLOW,LIKE,SHARE.T...
16/10/2021

Faa’iidooyinka Toonta Iyo Xanuunada Ay Daawayso

Fadlan waxan ka codsanya hadii aad wuxun ka faa'iiday
FOLLOW,LIKE,SHARE.

Toonta inta ugu badan badan waxa loo isticmaala in lagu udgooneeyo dhadhana loogu yeelo cuntooyin aad u farabadan. dhinaca kale toontu waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo cajaa’ib ah.
Toontu waxay inta ugu badan ka kooban tahay maado loo yaqaano Allicin taasi oo la dagaalanta bacteriyada, virus-ka, funguska iyo sidoo kalena jidhka sunta ka saarta

Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada ay cilmibaarayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaadkeeda.

Maqaalkan waxaan kuugu sheegi doonaa 8 faa’ido oo toontu u leedahay caafimaadka.

1. Waxay Horumarisaa Caafimaadka Wadnaha:

Toontu waxay si aad ah ugu fiican tahay caafimaadka wadnaha, waxay caawimaad ka geysataa inay horumariso wareegga dhiigga waxay hoos u dhigtaa kalastaroolka, waxaanay ka hortagtaa cudurrada wadnaha ku dhaca, sidoo kale waxay ka hortagtaa in halbowlayaasha wadnaha ee dhiigga haba ay cidhiidhi noqdaan taasi oo ah waxa ugu badan ee sababa wadne istaagga.

2. Waxay Kantarooshaa Dhiig-Karka:

Cilmi Baadhis ayaa waxay caddeysay in toontu ay hoos u dhigto dhiig karka, dadka dhiig karka qabaa waa inay maalin walba cunaan jab yar oo toon qeydhiin ah iyagoo calooshoodu madhan tahay.

3. Waxay Sare U Qaadaa Difaaca Jidhka:

Toonta waxaa aad ugu badan fiitamiinada ay ka mid yihiin Fiitamiin C, B6 iyo macdanaha sillium iyo magnesium kuwaasi oo si aad ah sare ugu qaada difaaca jidhka.

4. Waxay Dawaysaa Qufaca Iyo Durayga:

Toontu waxay si weyn u daweysaa qufaca iyo durayga sidoo kale waxay sidoo kale waxay faa’iido weyn u leedahay daweynta xiiqda (asthma) iyo burukiitada.

5. Waxay La Dagaalantaa Elerjiga:

Toonta Waxaa ku jira maadooyin la dagaalama fayraaska iyo inflamation-ka kuwaasoo jidhka ka caawiya inuu la dagaalamo noocyada kala duwan ee elerjiga ama xasaasiyadda.

6. Waxay Daweysaa Ilko-Xanuunka:

Toontu waxay sidoo kale aad hoos ugu dhigtaa ilmo xanuunka maadaama ay ku jiraan maadooyin la dagaalama bakteeriyada. Si iligga ku xanuunaya si dhakhso ah xanuunka uga joojiso burburi jab yar oo toon ah islamarkaana dul dhig iligga ku xanuunaya.

7. Waxay Caawisaa Dheefshiidka:

Toontu nidaamisaa shaqada caloosha si ay sare ugu qaado dheershiidka iyo burburinta cuntada toontu waxay sidoo kale beerka ku caawisaa inuu jidhka kasii daayo sunta, iyadoo sidoo kalena beerka ka ilaalisa inay waxyeello soo gaadho.

8. Waxay Ka Hortagtaa kansarka:

Toontu waxay caawimo ka geysataa ka hortagga kansarka siiba kansarka ku dhaca hab-dhiska dheefshiidka iyo sambabada. Dadka taariikh ahaan qoysaskooda uu kansarku ku lugleeyahay waxaa lagula taliyaa inay si joogto u cunaan toonta si ay hoos u dhigaan khatarta ay ugu jiraan noocyo badan oo kansar ah.

15/10/2021

Sh.mustafe x.ismacil sheeg hal weedh ood ka xasuusato...

15/10/2021

Wax yar sug walaal haka cararin dhagahaaga sii 👂

15/10/2021

Somali baan ahay 🇸🇴❤💯

10 Faa’iido ee Laga Dhaxlo Cabista Biyaha DiiranKulligeen waan ognahay sida biyuhu ay muhiimka ugu yihiin nolsha uguna f...
15/10/2021

10 Faa’iido ee Laga Dhaxlo Cabista Biyaha Diiran

Kulligeen waan ognahay sida biyuhu ay muhiimka ugu yihiin nolsha uguna faa’iido badan yihiin jirka, qofkana looga baahan yaahy inuu cabo 7 illaa 8 koob oo biyo ah maalintii si uu caafimaadkiisa u ilaalshado, laakiin waxaa dhici karta inaan ogeyn cabista biyaha diirran, gaar ahaan subxa h**e ay cudurro badan daawo ka tahay.
Hadaba, maanta waxaan idiin soo gudneynaa 10 faa’ido ee cajiibka ah ee laga helo cabista biyaha diirran.

1 – paranasal sinuses Sanka ayuu dajiyaa

Qiiqa kasoo baxaya biyaha diirran ayaa khafiifiya san xiranka iyo madax wareerka, gaar ahaan dadka sanboorka qaba.

2 –Shaqada habdhiska dheefshiidka oo ku hagaagta

3 -Dareemayaasha jirka oo ku xasila

Dareemayaasha jirka ayaa ku xasila, gaar ahaan marka uu qofku xanuun ka dareemayo kala goosyada.

4 -Calool Majiirka ayuu u wanaagsan yahay

Marka aad koob biyo diirran ah aad cabto waxa uu kaa garab siinayaan in calool majiirka uu kaa yaraado, calooshana waxa uu ku garab siinayaa iney saxarada banaanka u saarto.

5 -Miisaanka jirka ayaa lagu dhimaa.

6 -Jirka ayaa suntan looga nadiifiyaa

Biyaha diirran waxay dhiirigelinayaan Endocrine jirka, sidaa darteed jirku si wanaagsan ayuu dibadda ugu saarayaa dhidid farabadan oo bannaanka u saran suntan.

7 – Waa xanuun baabi’iye dabiici ah

Biyaha kulul waxay dhiirigelinayaan in unugyada jirka dhiir farabadani uu ku burqado, taas oo xubnaha u saamaxaysa iney nasasho dareemaan, waana arrinta keenaysa in nooc kasta oo xanuun ah oo ku hayaa uu kaa khafiifo.

8 -Hurdo wanaagsan ayaa laga helaa

Haddii hurdo xumo ay ku hayso, waxaa fiican inta aadan seexan ka hor inaad cabto koob biyo diirran ah, hurdo xasilloon oo degdeg ah ayaad ka helaysaa.

9 – Daalka ayaa lagu yareeyaa

Haddii aad cadaadis badan aad ka dareemayso shaqada iyo nolosha, waxaa lagaa rabaa oo kaliya inaad cabto biyo diirran si daalka aad uga yareyso jirka.

10 -Jirka ayuu qalleylka ka ilaaliyaa

Marka aad cabto koob biyo diirran ah waxa uu jirka ka helayaa qoyaan maalintii oo dhan ah, arrintaas oo kaa ilaalinaysa mushkiladaha qalleylka ka dhasha ee uu ka mid ka yahay garaaca wadnaha, hamaansiga xilliga maalintii, daalka iyo madax xanuunka.

Hadii aad wuxun ka faa'iiday LIKE,SHARE,FOLLOW thanks you so much.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Salah posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category