Ciirsi MEDIA

Ciirsi MEDIA Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ciirsi MEDIA, Media/News Company, Hargeisa.

CIIRSI MEDIA WA PAGE DACAWI AH OO LAGU FIDIYO DURUUSTA, MUXAADARAATKA ISLAAMIGA ,
WAXAAN IDINKA FILEYNA IN AAD NAGU CAAWISAAN FIDINTA DACWADA OO AD NALA WADAAGTAN KHAYRKA
SHARE, LIKE
(الدال علي الخير كفاعله)‎ Jazakumu allah

Xadiith: N°4Abuurista AadamigaWuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaahi ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee):”Waxaa no...
17/09/2025

Xadiith: N°4
Abuurista Aadamiga
Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaahi ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee):

”Waxaa noo xadisay Rasuulkii Allah (scw) isagoo ah runle la rumeeye oo wuxu u yiri: Qof ka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood intaa in la’egna, wuxuu ahaanaya xinjir yar, intaa in la’egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar eray oo kala ah:

Inuu qoro Arsaaqadiisa,
Cimrigiisa,
Shaqadiisa ama Camalkiisa
Iyo in uu yahay Shaqaabad ama Saciid.
Waxaan ku dhaartay Allaha aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee; qofku wuxuu falayaa camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray Naarta, Wuxuu falayaa camalka reer-naareedka, markaasuu gelayaa Naarta. Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray Jannada wuxuu falayaa camalkad reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa Jannada.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Afaraad
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyada, muddo 120 beri ah ayey isu beddeleysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto la’eg.

Marka ay bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha Aadannimada iyo suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi wuxuu ku kici doono shar iyo ‘khey” ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya malaggii Alla u xil saaray.

Waxaa kale oo xadiiskani ina tusinayaa inaan Naarta iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la arkaa in qof ku gaal ama faasiq yahay, laakiin, marka geeridiisu soo dhowaato iska islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay. Haddaba waxaa ‘la gudboon qof waliba inuu ‘Illaahay baryo, ,inuu khaatimadiisa kheyr ka dhigo.

FAA’IIDADA XADIISKA

Xaaladaha kala duwan oo qofku ku marayo uurka hooyadi.
llaa 4 bif ood laga gaaro inaan qofka lagu abuurin ruuxda Aadannimada.
Kheyrka iyo shartu sidey isugu dhow yihiin.

Si Faafi Khayrka Xadiith: N°3Dhidibbada IslaamkaWaxaa laga wariyey Abuu Cabd ar-Raxmaan ‘Cabullaahi ibn Cumar-ibn al-Kha...
14/09/2025

Si Faafi Khayrka

Xadiith: N°3
Dhidibbada Islaamka
Waxaa laga wariyey Abuu Cabd ar-Raxmaan ‘Cabullaahi ibn Cumar-ibn al-Khaddaab (Allaha ka raalli noqdee):

”Inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Allah (scw) oo leh: Waxaa lagu dhisay lslaamka Shan dhibdib oo kala ah.” [Bukhaari iyo Muslim]

Qiridda in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay.
Oogidda salaadda.
Bixinta Sakada.
Soomidda Bisha Ramadaan.
Gudashada Xajka.

Sharaxa: Xadiiska Sadexaad

Xadiiskan wuxuu la mid yahay xadiiska labaad qaybta ku saabsan arkaanta lslaamka, marka shantaasi dhidib, waa shanta tiir ee qofka loogu agoonsan karo inuu ka mid yahay bulshada Muslimka ah. Muslimnimada runta ahna waa hadba sida qofku ugu dhaqmo shantaa tiir iyo waxyaalahal a xiriira.

Xadiiska Manta : Share iyo Like taaboXadiith: N°2Tiirarka IslaamkaWaxaa laga weriyey sidoo kale Cumar (Allah haka raalli...
13/09/2025

Xadiiska Manta : Share iyo Like taabo

Xadiith: N°2
Tiirarka Islaamka
Waxaa laga weriyey sidoo kale Cumar (Allah haka raalli noqdee), in uu yiri:

‘‘Maalin maalmaha ka mid ah annaga oo Nebiga (scw) la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u tima madow oo aanay ka muuqan astaan safar nin yaqaanna nagu jirin, ilaa uu Nebiga ag-fariistay, markaasuu jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyin kiisnaa kor saaray bowdada Nebiga (scw) markaasuu ku yiri: Muxammadow ii sheeg lslaamka.

Markaasuu Rasuulkii Alla (scw) yiri: lslaamku waa inaad qirto inaan ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Allah yahay, inaad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha Ramadaan iyo u xajidid Baydka Allah haddii aad awooddid. Markaasuu yiri: Run baad sheegtay, markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh run baad sheegtay.

Haddana wuxuu ku yiri: Ii sheeg Iimaanka. Markaasuu yiri: Iimaanku waa inaad rumeysid Alla iyo malaa’ik tiisa, Kutub tiisa, Rusushiisa, maalinta qiyaamaha iyo Qaddarka Alla shar iyo kheyrba. Wuxuu yiri: Run baad sheegtay. Wuxuu yiri: Haddana ii sheeg Ixsaanka. Wuxuu yiri: Ixsaanku waa inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isaga ayaa ku arkaya. Wuxuu yiri: iiga warran saacaddu markay dhacayso. Wuxu u yiri Nebiga (scw): Kaagama war rooni.

Wuxuu yiri: iiga warran calaamadaha lagu garto markay soo dhowaato. Wuxuu ku jawaabay: In addoontu dhasho sayid keeda iyo in dadka kabaha la’ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ku tartamaan sara-dhis. Markaasuu iska tegey. Markii Nibigii Cabbaar aamusnaa ayuu yiri: Cumarow, ma garanaysay ninkii wax warsanayey? Markaasaan iri; Allah iyo Rasuulkiisa ayaa og. Wuxuu yiri Nebiga (scw): Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu idin baro diintiinna.” [Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Labaad
Xadiiskani wuxuu koobay saldhigyadii Diinta Islaamka oo ah tiirarka Islaamka, tiirarka Imaanka iyo daacadnimada. Marka irridda laga gelayaa Diinta Islaamka waa inaad qirto ikhtiyaarkaada, in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, in Nebi Muxammed Rasuulkii Alle yahay. Tiirka labaad ee Diintu waa salaadda, qofkii ka tagaana waa qof Alla ku kufriyey. Tiirka Saad waa in la bixiyo sakada, qofka leh xoolo ay ka waajibtay.

Tiirka Afaraad waa in la soomo bisha Ramadaan oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga billaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. Tiirka Shanaad waa inaad u Xajidid Beydka Alle ee Makka ku yaalla, waxaana laga rabaa tiirkan qofk a awoodda u leh. Marka tiir kasta oo ka mid ah Shantaa, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabtid, waxaad ka heli kartaa kutubaha fiqiga. Tiirarku iimaanku iyagu waa lix (6) oo kala ah:

Inaad rumeyso si dhab ah u ictiqaadiso jiritaanka iyo midnimada Allah’
Inaad rumeyso jiritaanka malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahay k a uumay nuur oo innaga duwan,
Inaad rumeyso in llaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo deiiyay ee uu u dambeeyey laguna khatimay kitaabka Qur ‘aan k a,
I naad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay nebigeennii suubbanaa Muxammad (scw).
Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto, maalin la xisaabi doono dadka waxay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.
Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaaya dunida inay yihiin wax llaahay qaddaray shar iyo kheyrba.
Tiirarka iimaanku waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahay un baa og inuu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka lslaamka. Arrinta 3aad ee saldhigga islaamka waa ixsaanka, waxaan dhihi karnaa waa dhuuxa islaamka. Haddii aanu geed dhuux laheynna isma taagi karo marka ixsaanka waxaa loola jeedaa in ay qofka dhab ka tahay rumeynta Diinta Islaamka waa in uu si daacad iyo hagar la’aan ah ugu camal falo sharciga Isfaamka. Waa inuu Alla u caabbudo sidii asagoo hortaagan, maxaa yeelay, haddii aanu qofku arkeyn llaahay asagaa arkaaya.

Markii saldhigyadii Islaamku dhammaadeen ayuu warsaday Jibriil Nebigii {scw) waqtiga qiyaamuhu kacaayo. wuxuu ugu iawaabay: kaagama war rooni. Sababtoo ah waa arrimaha cilmigooda llaahay la keli noqday oo aanu u sheegin khalqigiisa, halkaa waxaan ka ogaaneynaa dadka isku shuqliya inay wax ka sheegaan cilmi-qeybka, sida kuwa dhaha dunidu waxay jireysaa 7.000 oo sano ama 4.000 iyo shey iwm., iney sheeko baraley tahay. Wuxuu warsaday haddana Jibriil astaamaha lagu ogaado in Qiyaamuhu dhow yahay.

Wuxuu sheegay Nebigu (scw) in astaamaha ay ka mid yihiin: In addoontu sayidkeeda dhasho, waxay ku fasireen culamadu inay badan doonaan carruurta waalidkood ku caasi noqonaaya oon u aabbo yeeleyn xurmada, sharafta iyo xannaanada waalidku ka mudan yahay carruurtooda, ilaa ay ka gaaraan heer ay ula dhaqmaan hooyadooda sidii addoon ay leeyihiin ama qof ciidan ah oo u shaqeeya. Waxaa ka mid ah calaamadaha saacadda in dadka reer baadiyaha ah ee cayrta ah ay qabsan doonaan magaalooyinka kuna tartami doonaan saraha dhaadheer isuguna faani doonaan .

FAA’IIDADA XADIISKA

Waxaa lagu koobay xadiiskan saldhigyadii Diinta lslaamka.
Waxaa lagu sheegay in waqtiga Qiyaamuhu dhici doono Alla oo keliya og yahay haddii cid too sheegi lahaa waxaa loo sheegi lahaa Malaku-Jibriil iyo Nebi Muxammad (scw).
Qofka Muslimka ah waxaa ku habboon inuu ku dadaalo nadaafadda dharkiisa iyo heybaddiisa sida Jibriil u soo labbistay oo kale.

Si share garee page-kana kuso biir si mar walba ad ugu xidhnaato

13/09/2025

Haddafku Haddu Ka Xumaado ||| Sheekh Mustafe Haji Ismail ||| ka Faidaysi Wacan , Sina Faafi

04/09/2025

Haddi Aad Tukatay Salaadi Subax , Rabbi Haka Aqbalo , Ee So Qor Saliga Nabiga NNKH
صلي الله عليه وسلم

04/09/2025

Ku Sali Xabeebkena Nabiyu Allah Maxamed NNKH, Subaanahi Rabbi Nuurka Inogu Soo Dhiibay Wa Maalinku Dhashay Ee Badi Saliga Nabiga NNKH SCW

---So Qor Saliga Nabiga صلي الله عليه وسلم Fadliga Maalinta Dhalashada Nabiga (NNKH) iyo Sida Looga Faa’iidaysto Taas Oo...
03/09/2025

---So Qor Saliga Nabiga صلي الله عليه وسلم

Fadliga Maalinta Dhalashada Nabiga (NNKH) iyo Sida Looga Faa’iidaysto Taas Oo Ku Beegan Beri Oo Khamiis Ah

Hordhac

Maalinta uu dhashay Nebi Muxamed (NNKH) waa dhacdo taariikhi ah oo si weyn u saameysay aadanaha. Dhalashadiisu waxay keentay in dunida la gaarsiiyo iftiinka hanuunka, caddaaladda, iyo raxmadda Eebbe. Qur’aanka Kariimka ah wuxuu Nebiga ku tilmaamay:

> “Waxaan ku soo dirnay raxmad uun dadka oo dhan.” (Al-Anbiyaa: 107)

Sidaa darteed, maalintaas waxaa Muslimiinta u tahay xusuus barakeysan oo lagu muujiyo mahadnaq iyo jeceylka loo qabo Rasuulka (NNKH).

---

Fadliga Maalinta Dhalashada Nabiga

1. Xasuusinta nimcada ugu weyn

Dhalashada Nabiga (NNKH) waa nimcada ugu weyn ee Ilaahay ku manaystay bini’aadamka, maadaama uu noqday hanuun iyo badbaado.

2. Xoojinta jacaylka Rasuulka (NNKH)

Xuska maalintan waxay kor u qaaddaa kalgacalka iyo mahadnaqa uu qofku u hayo Rasuulka.

3. Dib u barashada siraha noloshiisa

Waa fursad lagu baran karo siirada (taariikh nololeedka) Nabiga, si looga dhaxlo akhlaaq iyo xikmad.

4. Isku duubni iyo walaaltinimo

Maalintan ayaa bulshada Muslimka ah ku kulmaan si wadajir ah, iyagoo xoojinaya midnimo iyo walaaltinimo.

---

Sida Looga Faa’iidaysan Karo

1. Akhri Qur’aan iyo Xadiis

In la akhriyo Qur’aanka iyo xadiisyada ku saabsan nolosha Rasuulka si qalbiga loo iftiimiyo.

2. Cibaado dheeraad ah

Salaad sunno, soon, iyo duco badan ayaa qofka ku barakeynaysa maalintan.

3. Dhaqan barasho iyo akhlaaq qaadasho

In la barto sida uu Nebigu u noolaaday, loogana daydo akhlaaqdiisa wanaagsanayd.

4. Sadaqo iyo gargaar

In la caawiyo masaakiinta iyo kuwa tabaaleysan, taasoo ah fal Nebigu ku dhiirrigeliyay dadka muuminiinta ah .

5. Xus iyo barnaamij waxbarasho

In la qabto kulan lagu akhriyo siirada nabiga, suugaan diini ah, iyo wacdi ka turjumaya jeceylka Rasuulka lo qabo , rabbina logu mahad naqaayo .

---

Gabagabo

Maalinta dhalashada Nabiga (NNKH) ma aha oo kaliya xaflad lagu dabaaldego, balse waa maalin xusuus iyo cibro ah oo Muslimiintu ku muujinayaan mahadnaq iyo kalgacal. Qofka Muslimka ahi wuxuu ka faa’iidaysan karaa isagoo kor u qaada cibaadadiisa, saliga nabiga , sadaqo bixin , iyo ku dayashada akhlaaqda Rasuulka. Sidaas ayaa qalbiga iyo bulshada labadaba loogu iftiimin karaa , barako iyo raxmad rabbi loga dalban kara , maha in la sameeyo wax ka hor imanaaya sunada rasuulka iyo asxaabti subanayd .

Rabbi ha ino naxaaaristo , khayrkana ha Ina waafajiyo

---

Haddad halkan Nala soo gaadhay , fadlan si faafi khayrka si walaalaha kale u gaadho si gare na Saar soona qor saliga nabiga NNKH , Kuna so biir page haddanad h**e Nola socon

01/09/2025

أختي المسلمة... رسالة أوجهها إلى قلبك

قال الله تعالى: ﴿ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ﴾

تأملي معي... كيف بك لو نزل ملك الموت فجأة، فقطع منك حبل الوتين؟

وكيف سيكون حالك عندما يأتيك منكر ونكير في قبرك للسؤال؟

أختاه... فكري للحظة... كيف ستقفين بين يدي الله العظيم يوم القيامة؟

وماذا سيكون مصيرك - لا قدر الله - إن لم تتوبي، ويكون مصيرك الجحيم؟

فبادري بالتوبة قبل فوات الأوان... فباب التوبة مفتوح، والله يقبل التوبة عن عباده.

#توبه #اسلام #مسلم #سعودية #خير

#اشتراك

26/08/2025

Fadliga_Laga_helo_Samafalka|||...Sheek_Dirir

Si share📢🔔 garee khayrka , si ad ajarka🥇🏆 qaybtada u heshid Kuna so bir kanaalka 👋🙏 khayrka

Rabbi ha inagu anfaco🥰🤲🤲🤲

Subax wanagsan , alla mahad lehWaxan halkan idinku so gudbin doona subax kasta hal xadiis oo ka mid ah 40 ka xadiis ee l...
26/08/2025

Subax wanagsan , alla mahad leh

Waxan halkan idinku so gudbin doona subax kasta hal xadiis oo ka mid ah 40 ka xadiis ee lagu so ururiyaay kitaabka arbiciinka , ka faidaysi wacan , sina faafi khayrka .

Xadiith: N°1
Miisaanka Camalka Waa Niyada
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn al-Khaddaab Alla haka Raalli Noqdee inuu yiri:

”Waxaan maqlay Nebiga (scw) oo leh: Camalku waxaaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuul kiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guur keeda, isna waxaa lagu abaal marinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud”. [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Kowaad
Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo wuxuu ula jeedo ama u qasad leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu raad raacayo camalkii waa ansaxay haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buray. Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tagoo o lagu biro xarunta lslaamka ee Mediina, taana waxaa loola ieeday in qofku ka guuro meeshaa annu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta Islaamka si xurriyad ah.

FAA’IDADA XADIISKA:

Wuxuu noo faa’ ideynaya xaadiiskani arrimaha soo socda:

-Inaan camalku ansaxeyn niyad suubban la’aan.
-In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan’
Camalka Alle (sw) aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la’aan, shareecadana waafaqsan.
-Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsana ku dara istus-tus ama uga gogol leh camalka adduunku hel, ama halagu a mmaano ee magac iyo maaldoon ah waxaa buraya ajarkiisa oo Illaahay waxba ka sugi maayo.

Halkan Haddad so gaadhay alla ha ku anfaco aniga iyo adigaba , si faafi si u gaadho walaalaha kale , kanaalkan soo raac si ad khayr ka Nola wadaagto Ciirsi MEDIA rabbi ayaan ciirsanayna

25/08/2025

Haddii ALLE Salaada Subax ku Waafajiyey Cafimaadna Ku Soo Kacday
Ku Shugri Allahii Ku Abuuray oo
Dheh
ALXAMDULILAAH

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciirsi MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ciirsi MEDIA:

Share