12/12/2025
Sannad dhammaystiran ayaa ka soo wareegay markii xilka loo dhaariyey madaxweynaha lixaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ka dib doorashadii aqlabiyadda loogu codeeyey ee dhacday 13 November 2024.
Madaxweyne Cirro oo 365 maalmood Somaliland ka talinaya waxa laga filanayey rejo aad u badan iyo in uu rumeeyo hal ku dheggii uu doorashada ku galay ee ‘’Rejada Shacabka’’
Madaxweyne Cirro arrimaha u qabsoomay sannadka uu caynaanka u hayo Somaliland waxa ka mid ah.
Qaramayntii ciiddamada Madaniga ah iyo nabadayntii gobollad bari.
Dharaartii madaxweyne Cirro kursiga la wareegay waxa Somaliland ka aloosnaa dagaallo dhinaca bariga ka socday, waxana madaxweynuhu uu ka hawl galay in si deg deg ah dagaalladaas loo joojiyo lana qarameeyo ciidankii beeluhu samaysteen taas oo sidii ugu habboonayd ugu dhacday. waana qodobkii koowaad ee u qabsoomay sannadka uu talada hayey.
Nabadayntii Ceerigaabo.
Madaxweyne Cirro waxa uu ku guulaystay in dib loo soo celiyo kala dambayntii iyo nidaamkiii dawladeed ee caasimadda gobolka Sanaag, waxana u suurta gashay in uu magaalada ku fidiyo gogol nabadeed oo lagu guulaystay in lagu dhammeeyo qaar ka mid ah colaadihii qabiilka inkasta oo weli hal beel ka maqan tahay magalaada oo aan lagu guullaysan in lagu soo celiyo.
Kordhinta mushharka ciiddamada.
Mid ka mid ah ballan qaadyadii uu madaxweyne Cirro ololaha ku galay wax ka mid ahaa in uu kordhinayo mushaharka ciidamada kala duwan ee Somaliland, waxana sannadkiisi koowaad u qabsoontay in ciidanka lacagta loo kordhiyo.
Dardargelinta waddooyinka Balli gubadle iyo Baki.
Madaxweyne Cirro, xukuumaddiisu waxa ay bilowdy dib u dhiska waddooyinka Balli-gubadle iyo Baki inkasta oo aanay weli farika qodnayn o aan la dhammaystiran hadana xukuumaddu way bilowday sida ballanqaaday.
Jebintii Laydhka magaalooyinka.
Sannadkiisi koowaad waxa madaxweyne Cirro u suurta gashay in uu hoos u dhigo qiimaha laydhka si gaar ah Berbera oo noqotay magaalada ugu laydhka jaban Somaliland.
Arrimaha aan u qabsoomin ama madaxweyne Cirro seegay.
1: Soo xulashada xukuumad tayadee lagu wada qanacsan.
Ilaa hadda dadka Somaliland mucaarid iyo muxaafid waxa ay ka midaysan yihiin in xukuumaddii madaxweyne Cirro soo dhisay aanay ahayn mid wada xul ah oo xaaladaha taagan kala dabaalan karta, waana ta keentay in waxkasta miiska madaxweynaha laga sugo xalkeeda.
2 : Saldhig la’aanta xidhiidhada Caalamiga ah.
Sannadka madaxweyne Cirro uu joogay ilaa hadda ma muuqato mana cadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, dawladdu waxa ay dedaal ugu jirtaa in ay isku wadato Imaaraadka iyo Qatar oo ah laba waddan oo loollan ka dhexeeyo, waxana aan saamayn yeelan siyaasadd arrimaha dibadd oo aan loo samayn xidhiidh cusub iyo jihooyin ka duwan kuwii xukuumddii h**e. weli ma madmadbow badan ayaa ku jira xidhiidhka xukuumadda iyo waddanka geeska Afrika ugu awoodda badan ee Ethiopia.
Sidoo kale xukuumadda ayaa markiiba isu-dhiibtay Jabbuuti oo dad badani aaminsan yihiin in aanay weligeed ka talin wax u dan ah Somaliland.
3: Dagaalka hawada sare ayaa ah isaguna qodob xukuumaddu weli dhex fadhido oo si rasmi ah aan weli looga dagaaallamin arrinka E-visa ee Soomaaliya oo hadda Somaliland ku guullaysatay in ay dadka Somaliland khasab kaga dhigto.
4: Arrinka maxaabiista Somaliland ka xidhan.
Inta madxweyne Cirro joogay waxa muuqata in aan si toos ah loo wajahin arrinta siidaynta soo daynta Maxaabiista Somaliland kaga xidhayn laascaanood iyo kuwa Hargeysa ku xidhan ba.
Iyadoo xukuumaddu qaadatay qorshe sii fogaynaya in laga wadahadlo arrintaas sababtuna tahay xidhiidhka Puntland oo maamulka Laascaanood ka jira sii fogeeyay.
5: Arrinka Saylac iyo Boorama.
Sannadkii koowaad ee madaxweyne Cirro waxa uu noqday markii koowaad ee dadkii ugu tirada badnaa ku dhinteen magaalada Boorama, ka dib bannaan baxydii magaaladan ka dhacay. Xukuumadda madaxweyne Cirro ayaa ku hafatay arrinka buugga Xeer Ciise, waxana tiroba afar mar is beddelay go’aannada dawladdu ka qaadanayso xiisadd gobolka Awdal. waxana iyadoo arrintan tusaale laga dhigayo dad badani ka werwersan yihii go’aammadda xukuumaddu qaadan doonto haddii ay yimaadaan duruufa kale oo intan ka weyn.
6: Xal u helida sicir bararka.
Xukuumadda Cirro waxba k**a qaban qiimaha dhaca shilling ka Somaliland iyo maciishada oo cirka isku sii shareeraysa arrintaas oo danyarta saamayn weyn ku yeelatay.
7: Xadhiga Saxaafadda.
In ka badan 30 Saxafi aya xabsiga la dhigay muddo sannad ah, meeshana waxa ka baxay ballan qaadkii xukuumadd ee ah ee in la xaq dhawrayo saaxaafadda.
8: Gaabiska gurmadka abaaraha.
Abaaro baahsan ayaa ka jira gobollada Somaliland bari ilaa galbeed, xukuumaddu ilaa hadda ma qaadin tallaabo muuqata oo loogu gurmanayo dadka abaartu saamaynta