Khaalid Kabadhe

Khaalid Kabadhe 💬 Ahaw qof go'oon leh xataa 🤏Mararka Qaar-kood hadaa qaldan tahay 💯
👀 Ha kana sugin qofkale go'aankiisa👤🗣

Alxamdulilaah💥 alla mahad iskaleh💜 maanta oo taariikhdu yahay 3_August2022. Isoo dhameeyey geedigii mudada dheeraa ee 16...
03/08/2022

Alxamdulilaah💥 alla mahad iskaleh💜 maanta oo taariikhdu yahay 3_August2022. Isoo dhameeyey geedigii mudada dheeraa ee 16sano ahaa ee aan soo waday
👉waxa markale mahad iskaleh familygaygii garabka ila soo garab taagnaa khaas ahaan
👉adeerkay muuse xasan xuseen iyo ededay saynab muxumed cismaan alle ha unaxariisto ededqy ee kuwaas oo qaybtii ugu badnayd halkaa igu soo gaadhsiiyey.
👉Waxa kale oo mahad iskaleh edooyinkaygii iyaguna halkaa ila soo garabtaagnaa oo kala ah sahra xasan xuseen iyo canab xasan xuseen . Iyo macalimiintaydii kala gedisanaa.
👉 Iyo dhamaan dadyowgii kale ee jeclaa geedigayga waxbarasho. Waxaanan leeyahay alle xasanaaadka miisaanka ha idiinku daro . Ilaawi maayo abaalkiina💚💜💜

Deg deg: Xukuumadda Somaliland oo guud ahaan dalka ka mamnuucday Idaacadda BBC inay ka hawl gasho dalka Somaliland.
19/07/2022

Deg deg: Xukuumadda Somaliland oo guud ahaan dalka ka mamnuucday Idaacadda BBC inay ka hawl gasho dalka Somaliland.

Kulankii maanta oo baaqday.Wararka ka imanaya madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in uu saaka baaqday kulankii guud ee...
18/07/2022

Kulankii maanta oo baaqday.

Wararka ka imanaya madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in uu saaka baaqday kulankii guud ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland.

Kulan ay aroortii h**e ee saaka yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada ayaa lagu go’aamiyay in dib loo dhigo kulanka maanta si arrinta khilaafka loo sii gorfeeyo xalkeeda.

Warbaahinta Somaliland ayaa Saaka loo diiday in ay duubaan soo dhawayn Madaarka Hargeysa loogu sameeyay madaxweynihii h*...
18/07/2022

Warbaahinta Somaliland ayaa Saaka loo diiday in ay duubaan soo dhawayn Madaarka Hargeysa loogu sameeyay madaxweynihii h**e ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

Riyaale, oo maanta dib ugu soo laabtay Hargeysa ayaa markii dambe gurigiisa kula hadlay Warbaahinta isagoo sheegay in xukuumadda la waydiiyo sababta Saxaafadda loogu diiday.

Daahir Riyaale Kaahin, oo ah madaxweynihii ku suntanaa nidaamka Doorashooyinka Somaliland ayaan faah faahin dheer ka bixin suurtagalnimada in uu ka qayb-qaadanayo siyaasadda Somaliland ee hadda.

Diidnimada la sheegay in Garoonka Hargeysa loo diiday in uu warbaahinta kula hadlo ayaa ku soo beegmaysa isagoo dhawaan eedeeyay xukuunadda Kulmiye.

16/07/2022

Siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa la filayaa in uu dhawaan ku dhawaaqo urur siyaasadeed cusub.

Maxamuud Xaashi, oo muddo dheer siyaasadda ku soo jiray ayaa soo noqday maayirkii Burco, xildhibaan Wakiillada ka tirsan iyo wasiir uu soo ahaa muddo 7 sannadood ah.

Urur siyaasaddeedka Galool oo saaka Hargeysa lagaga dhawaaqay.
16/07/2022

Urur siyaasaddeedka Galool oo saaka Hargeysa lagaga dhawaaqay.

WARARKII U DANBEEYAY QABANQAABADA AASKA SH. AADAN SIIRO.Saaka waxa qabsoomay kulankii u h**eeyay ee ay yeesheen guddida ...
16/07/2022

WARARKII U DANBEEYAY QABANQAABADA AASKA SH. AADAN SIIRO.

Saaka waxa qabsoomay kulankii u h**eeyay ee ay yeesheen guddida Qaran ee Qabanqaabada Aaska Sh. Adam Siiro. Shirka waxa hoggaaminayay Wasiirka Diinta Awqaafta Sh. Cabdirisaaq Albaani.

Qodobada ka soo baxay:
1. In dib laga soo sheegi doono wakhtiga saxda ah ee Hargeysa laga soo dejin doono Janaasada Sheekha.

2. In lagu Aasi doono Xabaalaha BAQIIC ee Waqooyiga Hargeysa, halkaas oo salaadda Janaasada lagaga tukan doono.

3. Dhammaan dadka ka soo qaybgalayaa salaadda Janaasada in ay toos u tagaan xabaalaha BAQIIC.

4. Waxa jira wufuud iyo marti ka kala iman doona Gobolada iyo daafaha dunida. Martidaasi waxa ay la xidhiidhayaan guddida qaabilaadda Wufuuda. Magacyada iyo telefoonadoodu waa kuwan:
Sh. Maxamed Aadan Cadhoole - 063 4426592; Sh. Ciise Maxamuud Cabdillaahi - 063 4466777; Sh. Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi - 063 4427097; Cabdiraxmaan Dhakaar - 063 4446747; Maxamed Maxamuud Maal - 063 4426042; Cumar Xaaji Xuseen Cumar Xaashi 063 4000055/063 4400055.

Illaahay ha u naxariisto Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro).

Mustafe Aadan

Fatuush Xirsi: "Waxaan ubaahanahay Nin aan anigu dhaqdo oo amarkayga qaata masuulna aan ka noqdo,waxay kaloo Tiri wax wa...
16/07/2022

Fatuush Xirsi: "Waxaan ubaahanahay Nin aan anigu dhaqdo oo amarkayga qaata masuulna aan ka noqdo,waxay kaloo Tiri wax walba aniga ayaa la baxaaya sida Lacagta Meherka , Lacagta Arooska , Biilka ,wax walba oo uu u baahanyahay aniga ayaa siinaya..

laakiin hal shuruud ayey ku xirtay waa in uusan naag kale la guursan..

Waa 1766 Arday oo ka Qalin-jabiyay Jaamacada Jig-jiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo noqonaya Dufcaddii 14aad...
16/07/2022

Waa 1766 Arday oo ka Qalin-jabiyay Jaamacada Jig-jiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo noqonaya Dufcaddii 14aad ee ka baxda Jaamacadaas.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ka qayb Munaasibadaas.

Address

Hargeisa

Telephone

+252633981584

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khaalid Kabadhe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Khaalid Kabadhe:

Share

Category