10/04/2026
Qaabka ugu sahlan ee luuqad kale lagu baran karo waa in aadan baranin luuqadaas !!
▪️Ninkaan aan sawirkiisa aragno waxaa lagu magacaabaa J. Marvin Brown inta badan noloshiisa wuxuu ku bixiyay arrinka barashada luuqadaha gaar ahaan koonfur bari aasiya sida luuqada looga hadlo Tayland , kadib sanadyo badan wuxuu isla gaaray xaqiiqo ah .
▫️ luuqada kaliye ee aan sida fiican u bartay waa luuqada aanan baranin ! luuqada aanan wax dadaal ah ku bixinin barashadeeda
Muxuu ka wadaa ?!
▫️wuxuu ka wadaa : qaab uu u bixiyay ( (ALG - Automatic Language Growth ) kasbashada dabiiciga ah ee luuqada
wuxuu qabaa .👇
▫️ Luuqadu ma ahan cilmi la baranaayo ee waa wax la kasbanaayo taasoo ah :ha isku dayin inaad barato luuqad ee ku dhex dabaalo luuqadaas aad baranayso isku hareeree ?!
Muxuu ka wadaa :!
▫️ Tusaale : luuqadaada hooyo ma aadan baranin ee waad kasbatay , waxaana daliil kuugu filan canugaada yar waligii uma aadan xarriiqin afkaada hooyo ee wuu kasbaday , 24 saac waxaa ku hareeraysnaa luuqadaas hooyo dad ku hadlaayo , maalin walba dhagtiisa waxaa ku dhaco kalmad cusub jumlo cusub asagoona u qasdaynin inuu barto .
▫️ Hdaba wuxuu leeyahay : sida carruurta oo kale ayaan ula tacamulaynaa markaan baranayno luuqad kale , wax dadaal ah kuma bixinayno ee waxaan isku hareeraynaynaa xaalad keenayso luuqaas inta ugu badan waqtigeena inaan maqalayno , ku dhex jirno , dhex maquuranayno .
▫️ Hadii aad rabto barashada carabi :
Tusaale : adigoona u qasdaynin in aad barato isku hareeree wax walba oo carabi ah sida agtaada inuu ka daaran yahay tv af carabi ku baxaayo , filim , musalsal , majaajilo adigoo howshaada iska haysto dhagahaada ay ku soo dhacaayaan kalmado carabi ah ama luuqada aad baran rabto , waa qaabka ugu fiican uguna sahlan ee luuqad lagu baran karo , waliba waxaad ugu dhawaaqi qaabka ay ugu dhawaaqaan dadka u dhashay afkaas
Xigasho🤏👉Omar Inshar .