02/08/2025
Waa maxay farqiga u dhexeeya dembi iyo xumaan. Haddii aynu afka carbeedna ku tilmaamno ku noqonaya الذَنْبُ والسَّيِّئَه.
Eebbe wayne maxa uu leedahay:
"إنّ الله يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيْعَا"
"Eebbe waa mid dambiyada oo dhan dhaafa"
Muxuu u adeegsaday ereygaa ah (الذٌّنُوب) ee uu u adeegsan waayay ereyga (السَّيِّئات) oo ah xumaanta oo dhan ayuu dhaafaa?
Marka aynu ducaysanayno maxaynu u nidhaahnaa:
"اللهم اغفر لنا ذنوبنا وكفّر عنّا سيّئاتنا"
"Eebbaw dembiyadayada dhaaf xumaantayadana astur" maxaynu labaas erey isu dabamarin waynay oo u odhan waynay; Eebbaw dembiyadayada astur xumaantayadana dhaaf?
Markale, Eebbe muxuu u leeyahay:
"إن الحسنات يذهبن السيئات"
"Wanaagyaalku waxa ay tirtiraan xumaanta" muxuu u adeegsan waayay ereyga ah (السيّئات) oo noqonaya wanaagyaalku waxa ay tirtiraan dembiyada?
Haddii aynu u nimaadno ereyga (الذَّنبُ) soomaali ahaanna (dembi) ku noqonaya. dembigu waa wax adiga naftaada wax yeelaya, cidda aad ku dhibaysidna isla naftaada uun ay tahay, waana shay Eebbe ku dulsaaray oo xaq kuugu leedahay. Sida: salaadda, soonka, sakada iyo xajka. Waa kuwo Eebbe xaq kuugu leeyahay, haddii aad samaysid cidda abaalmarinta helaysaa waa adiga, haddii aad ka tagtid cidda ciqaabkooda maraysaa waa adiga, Eebbe ayaana xaq kuugu leh oo ku dulsaaray—wuu ka dhaafi karaa wuuna kugu ciqaabi karaa. Haddii aan ereygaa macnihiisa soo koobo; xidhiihka adiga iyo Eebbe idiin dhexeeya haddaad ka tagto, waa waxa ka dhalanaya. Eebbe wayne waxa uu leedahay:
"قُلْ يَعِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ"
"Dheh addoomadayda naftooda ku xadgudbayoow, haka quusanina naxariista Eebbe, Eebbe waa mid dhaafa dembiyada oo dhan, waayo isagu waa dembi dhaafe naxariis badan"
Haddii aynu u nimaadno ereyga (السَّيِئه) soomaali ahaanna (xumaan) ku noqonaya. Xumaantu, waa waxa uu qofku ku kaco isagoo ku xadgudbaya dadka kale. Waxaana ay ka dhaxaysaa aadamaha dhexdiisa. Sida: xanta, xatooyada, been abuurka iwm. Waa waxkasta oo aad ku waxyeelaynayso cid kale, waxaana kugu waajib ah in aad ciddaas raalli galisid oo aad cafis waydiisatid. Waxaana lagama maarman ah in aad wanaag fashid si ay ugu yaraan xumaantaas aad ku kacday ay wax kaaga tirtirmaan. Haddii aynu ereygan macnihiisana soo koobno; xidhiidka adiga makhluuqaadka kale idinka dhexeeya haddii aad ku xadgudubtid waa waxa ka dhalanaya. Eebbe wayne waxa uu leedahay:
"وَأَقِمِ الصَّلَاةَ طَرَفَي النَّهَارِ وَزُلَفًا مِّنَ الَّيْلِ إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ..."
"Oog salaadda labada daraf ee maalintii iyo habeenkii qayb qayb kamid ah, wanaagu waxa uu tirtiraa xumaanta..."