Saddaam HM

Saddaam HM Page-kan la magac baxay Saddaam HM, kaga bogo taariikh, dhacdooyin iyo sheekooyin waaqici ah. Soo dhawaada.

04/03/2026

Makka dhexdeeda, wiil yar ayaa ku koray xilli ay sanamyadu hadheeyeen Kacbada, dadkuna ku jireen jaahiliyad. Wiilkaa yar magaciisu wuxuu ahaa Cumayr, walaalka Sacad ibnu Abii Waqaas.

Markii uu maqlay farriinta Islaamka, qalbigiisa yar wuu aqbalay. Iimaankiisu ma ahayn mid da’ ku xidhan, balse waxa uu ahaa mid Eebbe yaraan ku doortay. Waxa uu arkay cadaadiskii lagu hayay muslimiinta, haddana dib uma laaban oo maalinna islaamnimadiisa shaki ma galin.

Maalintii la iclaamiyay dagaalkii Beder, Cumayr waxa ahaa qiyaastii 16 jir. Waxa uu jeclaa inuu safka galo oo uu kamid noqdo kuwa jidka ilaahay u dagaalamaya. Markii h**e waa laga reebay da’diisa darteed. Laakiin, qalbigiisa ma aqbalin in uu hadho. Indhihiisa ilmo ayaa ka qubatay — ma ahayn baqdin darteed, ee waxay ahayd rabitaan uu ku doonayo Janno iyo inuu difaaco diinta.

Ugu dambayn waa loo oggolaaday. Wiilkaa yar waxa uu galay goob dagaal oo ay ku sugnaayeen rag waaweyn. Seeftiisu ma weynayn, jidhkiisuna ma adkayn sida ragga kale, balse iimaankiisa ayaa waxaba ka waynaa kana adkaa.

Maalintaas ayuu ku shahiiday goobtii oo k**a soo noqonnin. Noloshiisu ma dheeraan, laakiin magaciisa ayaa dheeraaday oo raad ka tagay. Waxa uu noqday mid ka mid ah shuhadadii ugu horreeyay ee Islaamka — wiil yar oo doortay aakhiro halkii uu ka dooran lahaa cimri dheer oo adduunkan in uu guudkiisa baaqi ku sii ahaado.

Qisadiisu waxa ay inna baraysaa; qiimaha qofka in aan lagu cabbirin da’diisa, balse lagu cabbiro iimaankiisa iyo waxa uu qalbigiisu xambaarsan yahay.

23/12/2025

Adduunkan qof guud saaran oo deeqda Eebbe ka madhani ma jiro, daqiiqad kasta oo nolosheenna kamid ah deeqda Eebbe waa mid innagu lamaan. Deeq kasta oo Eebbe inna siiyana maaha mid aynu xaq ugu lahayn ee waa mid isagu uu inoo gartay. Sidaas awgeed, waxa innala gudboon, markasta in aynu Eebbe wayne u mahadcelinno, in aynu awaamiirtiisa u hogaansanno oo waxa uu innaga doonayo la nimaadno, waxa uu innaga reebanaya ka reebtoonaanno ayaa ugu h**eeya waxkasta. Ma ogtahay, ibliis sababta Eebbe u nacdalay in ay tahay; hal dambi oo uu galay, kaas oo ah in uu u sujuudo Eebbe. Waxa uu diiday Eebbihii u nicmeeyay in uu wajiga dhulka u dhigo oo u mahadceliyo, waxa uuna ku waayay arinkaas sababtiis wixii ugu wanaagsanaa oo naxariista Eebbe! Mahadcelinta Eebbe — qawl iyo ficilba, aynu badinno oo daqiiqad kasta oo nolosheenna kamid ah ha ku ladhnaato.

16/12/2025

Sheekada ninka sakhraansan iyo Jamaacada Dacwadda ee Tabliiqa.

Jamaaco tabliiqiin ah ayaa u baxay khuruuj, mid ka mid ah gobollada Koonfurta Masar (Saciid). Maalin maalmaha kamid ah, Intii ay ku jireen jawladda la qaado, waxa ay arkeen nin sakhraansan oo khamri cabaya.

Ninkii jamaacada daliilka u aha (Daliil waxa la yidhaahdaa qofka deegaanka kala garanaya ee jamaacada hagaya) ayaa ku yiri: “Ha la hadlina ninkan, si aanu idiin aflagaadayn ama idiin dhibaatayn, waayo ma oga waxa uu leeyahay ama samaynayo.”

Jamaacadii markii ku noqdeen masaajidka, way shuureeyeen. Waxa ay is weydiiyeen sida ay sabab ugu noqon karaan ninkan in uu soo hanuuno. Ugu dambayn, waxay go’aansadeen in berri loo tago ka hor inta aanu sakhraamin ee aanu cabin khamriga, iyagoo si gaar ah ugu ducaynaya caawa oo dhan, gaar ahaan qiyaamu laylka ugu baryaya Eebbe in ninkaas berri ay sababul hidaaya u noqdaan.

Waagii markii uu baryay, laba nin ayaa u tagay ninkii oo jamaacadii u dirtay. Waxa hortiisa taallay xaabo, gacantana waxa uu ku hayay dhalo khamri ah iyo koob.

Markuu arkay, wuxuu ku yidhi: “Maxaad ka rabtaan nin aan tukan, aan soomin, masaajidna aan waligii galin? Khamriga isk**a daynayo illaa dhimashadayda. Waan ogahay inuu xaaraan yahay, aakhirana naar lagu mutaysanayo. Ma haysaan wax kale oo aad ii sheegtaan?”

Labadii nin way aamuseen, iyagoo ka fekeraya jawaab ku habboon hadalkan uu yidhi. Kadib, midkood ayaa Eebbe qalbigiisa kelmed kusoo riday oo carabkiisa solonsiiyay, wuxuuna ku yidhi: “Masha Allaah, adigu waxaad leedahay sifo qurux badan oo ka mid ah sifooyinkii Nabi Muxammad ﷺ.”

Ninkii wuu la yaabay, wuxuuna yidhi:
“Sidee bay taasi suurtagal u tahay, anigoo sidaan ah?”

Waxa uu ugu jawaabay: “Waa run-sheegidda. Waxaad ka hadlaysaa noloshaada adiga oo aan waxba qarinayn. Nabiguna ﷺ wuxuu ahaa A-Saadiq Al-Amiin.”

Hadalkaas ayaa si weyn u taabtay qalbigiisa, Wuuna fadhiisiyay labadii nin, wuuna soo dhawaystay.

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Waxaa nala socda walaalo kale oo masaajidka jooga, waxaanu rabnaa in aad la kulanto.”

Waxa uu ugu jawaabay: “Masaajidka ma gelayo, waan idiin sheegay.”

Waxay yidhaahdeen: “Ma gelaysid masaajidka, kaliya albaabka istaag oo walaalaha salaan.”

Waxa uu yidhi: “Hal shuruud ayaan wataa: dhalada khamriga ah jeebkayga ha ku jirto.”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Dhib ma leh.”

Markii uu masaajidka yimi, waxa uu u yimi dadkii oo dhan oo ku jira duco, baryo Eebbe iyo Qur'aan akhris, iyagoo Ilaahay ka baryaya in uu soo hanuuniyo walaalkoodaa. Dhammaan jamaacadii waxa ay isugu soo baxeen albaabka, mid mid ayay u salaameen, laabta u galiyeen, una muujiyeen jacayl, sidii qof ay waqti dheer garanayeen oo ay jeclaayeen.

Qofkii ugu dambeeyay ee laabta galiya ayaa si tartiib ah ugu riixay gudaha masaajidka. Markii uu maqlay hadallada iimaamka, qalbigiisu wuu gariiray, wuxuuna dhaladii ka tuuray jeebkiisa kuna tuuray bannaanka masaajidka.

Salaaddii Cishaha kadib, wuxuu bilaabay oohin xooggan, wuuna u toobad keenay Ilaahay, isagoo ka qoomameeyay noloshiisii h**e.

Waxay ku yidhaahdeen: “Ma nala baxaysaa hadda khuruuj?”

Waxa uu ugu jawaabay: “Maya, laakiin salaadda subax ayaan idiin imanayaa, si aan usoo diyaar garoobo.”

Waxa ay yidhaahdeen: “waayahay.”

Waxa uu guriga ugu tagay xaaskiisa, waxa uuna u sheegay in ay salaadda subax toosiso si uu u oofiyo ballantii uu ka qaaday jamaacada. Markii waagii baryay, xaaskiisii way u gashay si ay u toosiso, hase yeeshee waxa ay u tagtay isaga oo naftii ka baxday oo uu geeriyooday.

Jamaacadii markii warka geerigiisa ay maqleen, jamaacaddii way ooyeen, dadkiina dhammaantood way la ooyeen. Geeridiisuna waxay sabab u noqotay in ay tawbad keenaan dad badan oo aan h**e u tukan jirin masaajidkana aan geli jirin.

Waxaa ku tukaday janaasadiisa dhammaan dadka tuulada, culimadii iyo dhamaan dadkii deegaanka, kadib markii la ogaaday in uu habeenkii uu geeriyooday masaajidka uu galay oo Ilaahay u tawbad keenay.

Waxa aynu Ilaahay uga baryaynaa inuu u naxariisto, ummadda Nabi Muxammad ﷺ in badan oo kamid ah uu uga dhigo sababul hidaaya.

أهل الدعوة والتبليغ

02/08/2025

Waa maxay farqiga u dhexeeya dembi iyo xumaan. Haddii aynu afka carbeedna ku tilmaamno ku noqonaya الذَنْبُ والسَّيِّئَه.

Eebbe wayne maxa uu leedahay:
"إنّ الله يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيْعَا"
"Eebbe waa mid dambiyada oo dhan dhaafa"
Muxuu u adeegsaday ereygaa ah (الذٌّنُوب) ee uu u adeegsan waayay ereyga (السَّيِّئات) oo ah xumaanta oo dhan ayuu dhaafaa?

Marka aynu ducaysanayno maxaynu u nidhaahnaa:
"اللهم اغفر لنا ذنوبنا وكفّر عنّا سيّئاتنا"
"Eebbaw dembiyadayada dhaaf xumaantayadana astur" maxaynu labaas erey isu dabamarin waynay oo u odhan waynay; Eebbaw dembiyadayada astur xumaantayadana dhaaf?

Markale, Eebbe muxuu u leeyahay:
"إن الحسنات يذهبن السيئات"
"Wanaagyaalku waxa ay tirtiraan xumaanta" muxuu u adeegsan waayay ereyga ah (السيّئات) oo noqonaya wanaagyaalku waxa ay tirtiraan dembiyada?

Haddii aynu u nimaadno ereyga (الذَّنبُ) soomaali ahaanna (dembi) ku noqonaya. dembigu waa wax adiga naftaada wax yeelaya, cidda aad ku dhibaysidna isla naftaada uun ay tahay, waana shay Eebbe ku dulsaaray oo xaq kuugu leedahay. Sida: salaadda, soonka, sakada iyo xajka. Waa kuwo Eebbe xaq kuugu leeyahay, haddii aad samaysid cidda abaalmarinta helaysaa waa adiga, haddii aad ka tagtid cidda ciqaabkooda maraysaa waa adiga, Eebbe ayaana xaq kuugu leh oo ku dulsaaray—wuu ka dhaafi karaa wuuna kugu ciqaabi karaa. Haddii aan ereygaa macnihiisa soo koobo; xidhiihka adiga iyo Eebbe idiin dhexeeya haddaad ka tagto, waa waxa ka dhalanaya. Eebbe wayne waxa uu leedahay:

"قُلْ يَعِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ"
"Dheh addoomadayda naftooda ku xadgudbayoow, haka quusanina naxariista Eebbe, Eebbe waa mid dhaafa dembiyada oo dhan, waayo isagu waa dembi dhaafe naxariis badan"

Haddii aynu u nimaadno ereyga (السَّيِئه) soomaali ahaanna (xumaan) ku noqonaya. Xumaantu, waa waxa uu qofku ku kaco isagoo ku xadgudbaya dadka kale. Waxaana ay ka dhaxaysaa aadamaha dhexdiisa. Sida: xanta, xatooyada, been abuurka iwm. Waa waxkasta oo aad ku waxyeelaynayso cid kale, waxaana kugu waajib ah in aad ciddaas raalli galisid oo aad cafis waydiisatid. Waxaana lagama maarman ah in aad wanaag fashid si ay ugu yaraan xumaantaas aad ku kacday ay wax kaaga tirtirmaan. Haddii aynu ereygan macnihiisana soo koobno; xidhiidka adiga makhluuqaadka kale idinka dhexeeya haddii aad ku xadgudubtid waa waxa ka dhalanaya. Eebbe wayne waxa uu leedahay:

"وَأَقِمِ الصَّلَاةَ طَرَفَي النَّهَارِ وَزُلَفًا مِّنَ الَّيْلِ إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ..."
"Oog salaadda labada daraf ee maalintii iyo habeenkii qayb qayb kamid ah, wanaagu waxa uu tirtiraa xumaanta..."

29/07/2025

Nabi Muuse ayaa Eebbe (kor ahaaye) weydiiyay su'aal, isagoo leh:"Ilaahayow, miyaadan adigu gacantaada ku abuurin addoomahaaga?" Eebbe waxa uu ugu jawaabay: "Haa, aniga ayaa abuuray." Nabi Muuse waxa uu markaas yidhi: "Maxaad haddaa u gelin weyday dhammaantood jannadaada?" Markaasaa Eebbe u jawaabay Nabi Muuse isagoo leh: "Muuse, tag oo dhul falo oo beero." Nabi Muuse wuu baxay, wuxuu beertay beer, si fiican ayuuna u waraabiyay, wuxuuna sugay ilaa uu dalageedu ka bislaado. Markii waqtigii beertu soo go'aysay la gaadhay, Nabi Muuse wuu yimi oo dalaggii ayuu goostay, Wuxuuna u kala saaray laba:
– Dalaggii fiicanaa wuxuu dhigay meel.
– Dalaggii xumaana wuxuu dhigey meel kale oo dab ayuu qabadsiiyay oo wuu gubay.

Markaas ayaa Eebbe ku yidhi Nabi Muuse: "Muuse, miyaadan adigu beerta gacantaada ku beerin?" Nabi Muuse wuxuu ku jawaabay: "Haa, adiguba waad ogtahay Ilaahayow." Eebbe wayne waxaa uu yidhi: "Maxaad markaas u gubtay qayb kamid ah, oo aad u kala saartay ka fiican iyo ka xun?" Nabi Muuse waxa uu ku jawaabay: "Eebboow, waxaan doortay kan fiican, waxaanan gubay kii aan anigu u arkay in aanuu i anfacayn." Markaas ayaa Eebbe yidhi: "Sidaas oo kale ayaan aniguna ka yeelaa addoomadayda."

Sheekadan dhexmartay, Eebbe iyo Nabi Muuse, waxay muujinaysaa in Eebbe uu caddaalad u leeyahay abuurkiisa, kana doorto kuwa wanaagsan si uu u galiyo jannadiisa, halka kuwa aan wanaagsanayna uu xaq u leeyahay in uu cadaabo. Eebbe ha innaga yeelo kuwa uu doorto ee jannooyinkiisa uu ugu deeqo.

27/07/2025

Oday ayaa wiilkiisii ku yidhi: "Aabbo waxa aan rabaa in aan kuu doono gabadh". Kadib, wiilkii uu ka diiday oo muu ogolaan gabadh aanu isagu soo xulan in uu guursado. Aabbihii ayaa wiilkiisii ku yidhi: "gabadha aan rabo in aan kuu doono waa gabadha uu dhalay raysal wasaaraha waddanku". Wiilkii wuu ku farxay oo wuu ogolaaday guurkii. Dabadeed, Aabihii ayaa orday oo u tagay raysal wasaarihii waddanka, wuxuuna ku yidhi: "waxa aan doonayaa in inantaada aan u guuriyo inankayga". Raysal wasaarihiina wuu diiday. Kadib, Aabihii ayaa raysal wasaarihii ku yidhi: "wiilkaygu waxa uu shaqo sarraysa ka hayaa mid kamid ah bangiyada bariga Asia ugu wayn". Raysal wasaarihiina wuu ogolaaday markii uu intaas maqlay. Aabihii ayaa haddana isasii daayay oo u tagay mid kamid ah mulkiilahayaasha bangiyada bariga Asia ugu wayn. kadibna, waxa uu ku yidhi: "waxa aan rabaa in aad wiilkayga shaqo sare aad ka siisid bangigaaga" Mulkiilihii bangiguna wuu diiday arrintaas. Kadib, Aabihii ayaa ku yidhi: "wiilkaygu waxa uu qabaa inanta raysal wasaaraha waddanka". kadib, madaxii bangigu uu ogolaaday in uu shaqo sare siiyo wiilka. Sidii ayuuna wiilkii mar kaliya ku hantiyay shaqo aanu filanayn iyo gabadh aanu marna maanka ku qaban.

20/05/2025

Xeeladaha dumarku adeegsadaan kuwii ugu layaabka badnaa waxa kamid ah; Waxaa jirtay waqti dhexe dhacdo ka dhacday magaalo ku taalla Faransiiska, dumar badan oo la qabay ayaa helay sun fudud oo aan waxyeello badan lahayn, taasoo ay subax walba cuntada raggooda ugu dhex qarin jireen. Markuu ninku fiidkii guriga kusoo noqdo, waxay siin jireen daawada ka hortagga suntaas. Suntaasi wax saameyn ah kuma yeelan jirin haddii daawada waqtigeeda la siiyo ninka.

Laakiin haddii ninku aanu guriga ku soo laabanin oo uu meel kale ku hoydo habeenkaas, daawadii kahortagaysay suntii saaka lasiiyay dib ayuu uga dhacayaa. Markaas raggu waxay isku arkaan calaamado ay ka mid yihiin madax xanuun, niyad jab, daal iyo xanuun jidheed. Inta uu ninku ka maqanyahay gurigiisa, saameynta suntaas way sii xoogeysataa.

Markuu ninku guriga ku soo noqdo, xaaskiisa ayaa si qarsoodi ah cuntada ugu dhex qarisa daawada, waxaana uu si degdeg ah uga bogsadaa dhammaan astaamihii uu dareemayay.

Ragga masaakiinta ahna waxay aamineen in dhibaatooyinkaas caafimaad ay sabab u tahay maqnaanshaha gurigooda iyo xaaskooda. Waxaa bilaabmay in raggu ay aaminaan in guriyahooda oo keliya ay caafimaad iyo raaxo ka helayaan, meel kastoo kale oo ay tagaanna ay cudur iyo xanuun kala kulmayaan.

01/05/2025

Bal daqiiqadahan ila qiimee!

Waa subixii koobaad ee aad kasoo dheeg toostay gacalisadaada, —saaxiibtaadii h**e ee aad saacadaha badan telephone-ka kawada hadli jirteen oo hadda ah xaaskaaga— Subaxaas indhahaagu wixii ugu h**eeyay ee ay qabteen wuxuu noqday wajiga gabadhii adduunka waxa dumar jooga aad kasoo dhex calmatay. Codka ugu horreeya ee dhagahaagu maqli doonaanna uu noqonayo codkii marka ay kusoo duubto aad meel goonni ah la tagi jirtay. Waa subax noloshaadu sidii ay ahaan jirtay ay ka gaddisan tahay, waji cusub noloshu kuu yeelanayso. Yaalahaa min daqaa'iq.

Kahor inta aanad guursan intan samee!Bisad guriga keenso, haddii marka ay gaajaysan tahay, xanuusanayso ama hurdo ay u b...
01/05/2025

Kahor inta aanad guursan intan samee!

Bisad guriga keenso, haddii marka ay gaajaysan tahay, xanuusanayso ama hurdo ay u baahan tahay aad dareentid, xaalad kasta oo ay ku sugan tahayna aad noqotid qof lafalgala, waxaa tahay nin gabadha uu guursanayo xaaladeheeda fahmi kara. Haddii ci'deeda ama mawdeeda badani aanay ku dhibin waxaa tahay nin u dulqaadan kara buuq iyo qaylo kasta oo gabadha xaggeeda kaaga imanaya. Haddii bisadu marka ay dhasho —tiro badanna markiiba way dhashaa'e— hadday doonto bisadaha yaryar midi xanuusanayso midi huuf badan tahay midi uskag leedahay, waxaas oo dhan isku soo duuboo aanad noqon nin ay dhibaan waxay ka dhigan tahay waxaad tahay nin haddii Eebbe caruur badan siiyo aan karahsanayn badnaantooda, gabadha aan ku nacayn caruurtan iyo buuqan badan. Haddii basidu marka ay iskukaa xoqdo aad dareentid in ay u baahan tahay meel ay ku nasato oo xasillooni ku dareento, waxaad tahay nin gabadha fahmaya marka ay u baahan tahay in la dajiyo oo warwarka iyo culayska saaran ka fududayn kara. Isku soo wada duub oo haddii arimahaas aad iska dhex aragtid in sida ay tahay aad uga soo baxday, nin awooda in uu gabadh guursado oo waajibaadkeediina kasoo baxaya ayaa tahay'e guurso.

21/04/2025

Nin oday ah oo xikmad badnaa ayaa la waydiiyay, Dumar tee u khayr badan? Waxa uu ku jawaabay; waxa ugu khayr badan gabadha Rabbigeed raalli galisa, ninkeeda adeecda, gurigeeda ku eg, sirta gurigeeda ama yada iyo ninkeeda wixii ka dhexeeya aan sheeg-sheegin, codkeedu aanu taag-taagnayn, caruurteeda barbaarin wanaagsan jidh ahaan iyo maskax ahaanba barbaarisa, gurigeeda degenaanshiiyo iyo xasillooni lagu dhex dareemo, ninkeeda hadii ay wax wanaagsan ka aragto Eebbe mahadisa, haddii wax aanay u bogin ka aragtana ugu sabirta, goorta uu usoo galo faraxda dhoolla cadaysana, bixitaankiisu uu warwar galiyo kana murugooto, ceebtiisa iyo god dalooladiisana asturta oo daboosha.

20/04/2025

Rajada iyo riyooyinka aad nolosha ka leeyahay haddii aanad Eebbe la kaashan, isaga talasaaran, kuwo dhicisooba ayay noqonayaan. Ahdaaftaada duco iyo dedaal ku ladh, kolkaa yool kasta oo aad leedahay waad gaadhi, tacab kasta oo aad bixisaana mid dhimo dhala ayuu noqon.

Eebbe aynu ku kalsoonaanno in kabadan inta aynu nafteenna iyo waxyaabaha innagu xeeran ku kalsoonnahay.

فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ.[آل عمران:159]

04/04/2025

"وأعشقُ عمري لأنِّي إذا متُّ * أخجل من دمعِ أمي"

—محمود درويش.

"Waxa aan jeclaaday noloshayda, sababtoo ah haddii aan dhinto waxaan ka khajilayaa oohinta hooyaday"

—maxamuud darwiish.

Gabaygan waxa tiriyay maxamuud darwiish oo ahaa suugaan yahay reer falastiin ah. Gabaygan waxa uu tiriyay waqti ay noloshu ku adkaatay oo uu doonay in uu isdilo, waxaana gabayga uu ku sheegay sababta uu nolosha u jeclaaday ee uu uga baaqsaday dilkii ama halaagii naftiisa uu la doonayay in ay tahay hooyadii darteed. Wuxuu nacayay in hooyadii qabrigiisa ka dul oydo in badanna isaga dartii dhibaato ay ula kulanto.

Marar badan nolosha waxaa inasoo marta mawaaqif adag oo aynaan raalli ku ahayn balse waalidkeen raalli ku yahay, waa in aynu raalli ku ahaannaa waxa ay waalidkeen ama hooyooyinkeen doonayaan. Waxa aynu aragnaa dhalinyar badan oo marka ay Jaamacadda dhameeyaan oo nolosha sidii ay ka filayeen si aan ahayn lakulma, kadib naftooda biimeeya oo tahriiba, maalinkaasna waalidkood kabo kulul ugaliya. Waa in aynu nolosha kakan ugu dulqaanna raalli ahaanshana waalidkeen, innagoo ka ilaalinaynaa in waalidkeen innaga darteen uu u murugoodo, dad aanu waxba waydiinin jirin in uu innaga darteen wax u waydiiyo, innaga darteen in ay illini uga timaado. iskusoo wada duub oo waxyeello kasta aynu nafteenna u gaysanayno waa waxyeellada waalidkeen.

"رضا الله في رضا الوالد وسخط الله في سخط الوالد"

Address

Hargeisa

Telephone

+252636801877

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saddaam HM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share