Seeko Media

Seeko Media Warar ''RUN'' ah, dhexdhexaadnimo iyo warbixino xiiso leh, kala soco bartan oo nagu soo biir.

04/10/2026
04/10/2026

Wacyigelin ku saabsan la-dhaqanka dadka qaba xanuunnada dhimirka oo saaka ka qabsoontay Dugsiga Gaandi.

03/10/2026

Madasha dhalinyarada cuslaatay ee Waayo-arag oo doortay hoggaan cusub, isla markaana abaalmariyey kooxo iyo ciyaartoy dedaal muujiyey.

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inuu in ka badan 150km gudaha ugu galay gobolka Tigray, iyadoo uu hadda ku sii dhowaan...
29/09/2026

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inuu in ka badan 150km gudaha ugu galay gobolka Tigray, iyadoo uu hadda ku sii dhowaanayo magaalada Mekelle oo ah caasimadda gobolka, xilli uu dib uga qarxay dagaal waqooyiga Itoobiya.

Al Jazeera ayaa sheegtay in horumarkan ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya iyo ilo goobta ku sugan oo xog-ogaal u ah xaaladda dagaalka.

Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn lagu qaaday xar...
28/09/2026

Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn lagu qaaday xarunta Telefishinka Tigray ee magaalada Mekelle.

Qof ka tirsan xarunta oo AFP la hadlay, balse magaciisa qariyay, ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan, kaddibna ay ka carareen dhismaha.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay TPLF, oo maamusha gobolka Tigray, ama dowladda federaalka Itoobiya oo ku saabsan weerarka.

BBC-da ayaa isku dayday inay la xiriirto madaxda xarunta iyo dadka deegaanka, balse waxaa adkaaday xiriirka isgaarsiinta.

Telefishinka Tigray ayaa ah warbaahinta rasmiga ah ee dowladda gobolka, waxaana dhowaan uu baahiyay war ku saabsan isbahaysi ay sameeyeen kooxo hubeysan oo dowladda kasoo horjeeda.

Hay’adda Warbaahinta Itoobiya ayaa markii dambe, muddo aan cayimanayn, u hakisay Tigray Telefishin, waxayna uga digtay warbaahinta kale inay xaruntaas u adeegsadaan ilo wareed.

AFP ayaa baahisay sawir uu qaaday wariye maxalli ah oo muujinaya dhismaha xarunta oo daaqadihiisu jajaban yihiin, iyadoo qol ka mid ahna uu qiiq ka baxayo.

Wariye kale ayaa AFP u sheegay in xarunta, oo ay ka shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo wariye, la hakiyay shaqadii kaddib weerarka.

28/09/2026

''Qofku waxa aanu garanayn haduu Google-ka iyo .......'' Dr Yaxye.

Address

Road Number 1
Hargeisa

Telephone

+252634010272

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Seeko Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Seeko Media:

Shortcuts

Share