Xamse Cali Jeesto

Xamse Cali Jeesto I am filmmaker, video journalist, visual storyteller and media trainer. He has worked with various media organizations, including VOA and Astaan TV.

freelance journalist

QISADII DHEXMARAT DANJIRE CABDILLAAHI  KOONGO  & SADAAM XUSEENKII CIRAAQDanjire Cabdillaahi Aadan Axmed (Koongo) wuxuu a...
16/08/2026

QISADII DHEXMARAT DANJIRE CABDILLAAHI KOONGO & SADAAM XUSEENKII CIRAAQ

Danjire Cabdillaahi Aadan Axmed (Koongo) wuxuu ahaa sarkaal millatari iyo diblomaasi caan ku ahaa taariikhda Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa Soomaaligii ugu horreeyay ee ka baxay jaamacad millatari, isla markaana noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka tirsanaada saraakiishii Ingiriiska ee Goroyo Cawl, isagoo lahaa darajada laba xidigle.

Sannadkii 1961-kii, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hormuudka ka ahayd qorshaynta iyo fulinta inqilaabkii dhicisoobay ee lagaga soo horjeeday dowladdii dhexe, kaas oo ka dhacay gobolladii Somalilan kadib midowgii 1960-kii.

Markii inqilaabku fashilmay, Danjire Cabdillaahi Koongo wuxuu u wareegay diblomaasiyadda, isagoo noqday masuul muhiim ah oo ka shaqeeyay arrimaha xidhiidhka Soomaaliya iyo dunida Carabta. Waxaa lagu tilmaamaa inuu door weyn ku lahaa dadaalladii Soomaaliya loogu biirinayay Ururka Jaamacadda Carabta, halkaas oo uu muddo dheer, oo ku dhowaad 30 sano, safka h**e kaga jiray diblomaasiyiinta.

Muuqaalkan Lingaxiisi Hooy Yaalo wuxuu kaga waramayaa Kulano dhex maray madaxweynaha Dalka Ciraaq Aun Sadaam Xuseen iyo Kulane kale Oo dhex maray madaxweyne Aun Siyaad Barre
Wuxuuna ka waramayaa kulankii uu la yeeshay madaxweynihii h**e ee Ciraaq, Saddam Xuseen.Kulankaasi wuxuu dhacay xilli Ciraaq iyo Maraykanka uu ka dhexeeyay khilaaf aad u weyn, iyadoo xaaladda gobolka Bariga Dhexe ay ahayd mid aad u cakiran.

Danjire Cabdillaahi Koongo wuxuu sheegay inuu Saddam Xuseen kula kulmay xaalad uu dagaal ama iska horimaad militari kala dhexeeyay Maraykanka. Kulankaas ayuu, sida uu xusuustiisa ku sheegay, Saddam Xuseen kula wadaagay talooyin iyo aragti ku saabsan dagaalka iyo xaaladda siyaasadeed ee ku hareeraysnayd Ciraaq.
Kulanka waxaa sidoo kale ku weheliyay Kofi Annan, oo xilligaas ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

W/Q Xamse Cali Jeesto
Waraysiga Waxa Qaaday Wariye Maxamed Ili goo Waagaas ka Tirsanaa Horn Cable Tv

Ligaxan ka Daalaco
https://youtu.be/pbcCxM0NXTA

JACAYLKII KHADRA DAAHIR IYO SUUGAANTA KA CURATAY + XAQIIQADA QISOOYINKA BULSHADU KU DHEX FAAFAYMarka laga sheekaynayo “B...
14/08/2026

JACAYLKII KHADRA DAAHIR IYO SUUGAANTA KA CURATAY + XAQIIQADA QISOOYINKA BULSHADU KU DHEX FAAFAY

Marka laga sheekaynayo “Boqoraddii Jacaylka ee Fanka Soomaalida, Khadra Daahir Cige (Khadra Dhool” lama dhaafi karo sheekooyinka jacaylka iyo suugaantii ay codkeeda ku nooleeysay.

Aun Khadri waxay ahayd fannaanad codkeedu si gaar ah ugu habboonaa heesaha jacaylka. Luuqdeeda deggan, qaabkeeda masrixiyeed iyo sida ay ereyada suugaanta u gudbin jirtay ayaa sabab u noqday in ay noqoto mid ka mid ah fannaaniintii ugu caansanaa Soomaalida, gaar ahaan sannadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii.

Heesaha xusuusaha gaar ah ku lahayd Khadra waxay ahayd “Jacaylkii Boorama” oo uu curiyey Abwaan Maxamed Cali Kaariye.
Khadra waxay sheegtay in heestan ay ka mid ahayd heesaha ay sida gaarka ah u jeclayd, iyadoo ereyadeeda lagu xusayo:

“Jacaylkii Boorama, kii Bulaale iyo Herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir igu helay…”

Sida laga wariyey, heestani waxay lahayd sheeko gaar ah oo ku saabsan abwaankii curiyey iyo dareenkii Khadra lafteeda xilligaas.


Sidoo kale Heeso badan oo Khadra qaaday waxaa curiyey Abwaan Xasan-Ganey, waxaana ka mid ahaa heeso ka soo baxay riwaayadihii waaweynaa ee uu sameeyay.

Khadra Daahir Cige waxay ahayd fannaanad awood u lahayd inay dareenka gabayga u beddesho cod la dareemi karo.

Marka ay qaadayso hees jacayl ah, erayadu waxay yeelanayeen nolol kale. Taasi waxay ahayd sababta ay abwaanno badan iyo dadweynuhuba ugu xusuustaan inay ahayd “Boqoradda Jacaylka.”

Waxaa laga yaabaa in maanta la maqlo heesihii ay qaaday, balse waxa aan mararka qaarkood la ogayn waa sheekada ka dambaysa heesta: abwaankii curiyey, riwaayaddii ay ka dhalatay, jacaylkii dhiirrigeliyey iyo fannaanaddii codkeeda ku warisay.

Khadra Daahir waxay ka tagtay cod aan si fudud u duugoobin, halka suugaantii ay qaaddayna ay noqotay xusuus nool oo ka mid ah dahabka Fanka Soomaaliyeed.


Waraysigan Oo Ay Qaaday Wariya Rug Cadaag Ah Ee Abwaan Caasha-Luul Ayay Intii Ay Noolayd Waxay Waydiisay Suaalo Ay Ka Mid Yahiin Heesaha Khuseeya Nolosheeda Iyo Qisooyinka Blushadu Dhexdeeda Ku Faafay.?

W/Q Xamse Cali Jeesto
Waraysaiga waxa qaaday Caash-luul

Lingaxa hoose ka daalaco
https://youtu.be/BHz6xxWpT0M


“MUCJISO WAX IIGA NAXDIN BADNAA MA JIRIN “ AUN AXMED CALI CIGAALQISOOYINKII SOO MARAY BILOWGII FANKIISAAxmed Cali Cigaal...
10/08/2026

“MUCJISO WAX IIGA NAXDIN BADNAA MA JIRIN “ AUN AXMED CALI CIGAAL
QISOOYINKII SOO MARAY BILOWGII FANKIISA

Axmed Cali Cigaal wuxuu fanka bilaabay isagoo weli arday ah sannadkii 1967, xilli uu da’yar ahaa. Bilowgiisii fanka waxa uu kaga dhex muuqday riwaayaddii caanka ahayd ee “Shabeel Naagood”, taas oo noqotay mid ka mid ah shaqooyinkii ugu horreeyey ee lagu aqoonsaday kartidiisa faneed.

Intii uu ku jiray marxaladdaas, Axmed wuxuu si qoto dheer ugu biiray Dugsigii Muusigga, halkaas oo uu ku bartay habka cilmiga leh ee laxan-samaynta. Waxbarashadaas ayaa ka caawisay inuu kobciyo aqoontiisa muusigga, isla markaana uu noqdo laxan-iste awood u leh curinta iyo habaynta laxannada heesaha iyo ruwaayadaha.

Intii uu fanka ku jiray, wuxuu ka qayb qaatay jilitaanka iyo laxanka ruwaayado waaweyn oo ay ka mid yihiin “Talo iyo Tallaabo,” “Yaxaas Dhagaduub” iyo “Shabeel Naagood.”

Axmed Cali Cigaal waxaa sidoo kale lagu xasuustaa heeso uu codkiisa iyo laxankiisa lahaa. Waxaa ka mid ahaa:
• Hargeysa
• Batalaale
• Raad Abeeso
• Dadnimada Aqoonso
• Caraweelo
Heesaha iyo laxannada uu ka qayb qaatay waxay qayb ka noqdeen dhaxalka faneed ee Soomaaliyeed, waxaana shaqadiisu muddo dheer ku dhex jirtay xusuusta iyo dhagaysiga bulshada Soomaaliyeed

Axmed Cali Cigaal wuxuu ka mid ahaa hal-abuurkii mudada dheer u adeegay fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada laxanka, heesaha iyo masraxa. In ka badan konton sano oo uu fanka ku jiray waxay ka dhigtay inuu noqdo mid ka mid ah dadka raad muuqda ku yeeshay taariikhda fanka Soomaalida.

Alle Ha U Naxariistee Wuxuu geeriyooday July Sanadkan 2026, isaga oo ka tegay taariikh faneed Oo Xasuus Ku Leh Bulshada Somalida

W/Q Xamse Cali Jeesto
Waraysa Waxan Hoose Waxa Sanadkii 2014 La Yeeshay Wariye Maxamuud Dulyadeyn Oo Ka Tirsan Somali TV of Minnesota

Hoos Ka Daalaco
https://youtu.be/MZ0zj0lup0g

https://youtu.be/vM7NAmhpOMATaariikhda Qoyska Khadra Daahir Cige Iyo Sooyaalka FankeediiKhadra Daahir Cige sannadkii 195...
06/08/2026

https://youtu.be/vM7NAmhpOMA
Taariikhda Qoyska Khadra Daahir Cige Iyo Sooyaalka Fankeedii

Khadra Daahir Cige sannadkii 1957 ayey ku dhalatay magaalada Hargeysa, dugsiga waxbarashada ayey ka bilawday isla Hargeysa, yaraanteedii waxay ciyaari jirtay kubadda Gacanta Koleyga/ Basketball.
Iyada oo 16 sanno jirta ayey qaadday heesta (Afka Lagama Sheegto adigoon Jaceyl arag looma uur-xumaado) oo ahayd heestii koowaad ee u hirgasha. Heesta waxa erayada curiyey Maxamed Cabdi Weyrax waxaana laxameeyey Saalax Qaasim Naaji oo noqday macallinkeeda koowaad ee Fanka.

Isla sannadkii 1974 waxay beddel ku jishay riwaayaddiii Abwaan Xasan Xaaji Cabdullaahi (Xasan Ganey) ee Dab Jaceyl Kariwaa’ iyada oo buuxisay kaalintii Sahra Axmed Jaamac kaga jirtay riwaayadda markii h**e, waxayna qaadday heeso ay ka mid yihiin, Faraskaagii laga badi oo ay kula luuqaysay Cabdi Cali Bacalwaan.

Sannadkii 1975 ayey Khadra wax ka jishay riwayaddii labaad ee Abwaan Xasan Ganey ee Jin iyo Jaceyl waxayna qaadday heeso ay ka mid yihiin, Gayaan, Weedha haycelin iyo Cashar oo ay dhammaantood la qaadday Axmed Cali Cigaal Iyo sidoo kale heesta Yabaal oo ay gaar u qaadday.

Khadra wixii ka dambeeyey waxay jishay riwaayado kala duwan oo aynu ka xusi karno qaar ka mid ah riwaayadihii Abwaan Maxamed Aadan Dacar allifay oo aynu ka xusi karno Riwaayaddii Biyo sare tagay waa la sugaya, riwaayadihii Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub sida (Gari makaa baxdaa) oo ay ku jirtay heesta Ayaamaha todobada ah, sidoo kale Riwaayaddii. “Nin Ilaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo” ee uu allifay Abwaan Maxamed Jaamac Keyd

AUN Fanaanada Khadra Daahir Cige Waxay Is Guursadeen Hobalkii Axmed Cali Cigaal Aun, Oo dhawaan Geeriyooday waxaayna u dhashay Shan Ubad ah oo magacyadooduna Yahiin
Hodan, Hibo, Jaylaani iyo AUN Shirwac
Eebe ha u wada raxmadee Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige

W/Q: Xamse Cali Jeesto
Waraysiga : Cumar Seerbiya

Lingax Hoose Ka Daalaco
https://youtu.be/vM7NAmhpOMA

QISADA HEESTII DHASHAY HEESTA BALADWEYNE | SALAAD DARBI |NOmusicHeesta Waxa Curiyay AUN Abwaan Cali Diiriye Cigaal (Cali...
31/07/2026

QISADA HEESTII DHASHAY HEESTA BALADWEYNE | SALAAD DARBI |NOmusic

Heesta Waxa Curiyay AUN Abwaan Cali Diiriye Cigaal (Cali gab)
Waxa Codkiisa Toolmoon ku Qaaday Fanaanka Salaad Maxamed Shardi (Salaad Darbi)

Lingaxa Hoose Ka Daawo Muuqaalka oo Dhan
https://youtu.be/ifUxphaFX-k

QISADA HEESTA QORAXDOO AROORTII (QARAD) | XASAN A. SAMATAR |PROF SHIRWAC.Sooyaalka Jacaylkii Caruurnimo Ilaa Waayeelinim...
28/07/2026

QISADA HEESTA QORAXDOO AROORTII (QARAD) | XASAN A. SAMATAR |PROF SHIRWAC.

Sooyaalka Jacaylkii Caruurnimo Ilaa Waayeelinimo Ee Prof Shirwac & Xaaskiisa.

Heesta "Qarad" Curinta Ereyada waxaa lahaa Professor Cabdullqaadir Maxamed Shirwac halka laxanka iyo codka uu israacsaday Xassan Aadan Samatar, heestani waxa ay soo baxday sanaddii 1973-dii

Lingaxa Hoose Ka Daalaco Muuqal Dhamaystiran
https://youtu.be/1sSHH-v_Q0Q

“Heblaayo Ma Hooyadaa Baa Dhashay” Qisada Heesta Riyo | Weedhsame | CirroLingaxa Hoose Ka Daalaco Muuqal Dhamaystiranhtt...
27/07/2026

“Heblaayo Ma Hooyadaa Baa Dhashay” Qisada Heesta Riyo | Weedhsame | Cirro

Lingaxa Hoose Ka Daalaco Muuqal Dhamaystiran
https://youtu.be/S_nDO7rFFno

Heesaha Quseeya Jacaylkii Cumar Dhuule + Qisada Suugaanta Xaaskiisa Uu U QaadayLingaxa Hoose Ka Daawo Doodoo Dhanhttps:/...
25/07/2026

Heesaha Quseeya Jacaylkii Cumar Dhuule + Qisada Suugaanta Xaaskiisa Uu U Qaaday

Lingaxa Hoose Ka Daawo Doodoo Dhan
https://youtu.be/iobTgnI4opY

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xamse Cali Jeesto posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share