Hargeisa Islamic channel

Hargeisa Islamic  channel ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ข๐ฌ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐œ ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ
Halkaan waxaad ka helaysaa ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ง ๐๐ข๐ข๐ง๐ข ๐š๐ก, ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง, ๐ฑ๐š๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ iyo ๐๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ฌ ๐Ÿ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐จ ๐ฅ๐ž๐ก
๐‡๐š๐ฅ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ฎ ๐ฐ๐š๐š:
โ€œKhayrka faafi, ajar helโ€œ

"inanka hadalku wuu ka qaldamay in uu aayadda diido Uma socon sida hadalkiisa ka muuqataLaakiin arrintuu u socday oo ah ...
16/09/2026

"inanka hadalku wuu ka qaldamay in uu aayadda diido Uma socon sida hadalkiisa ka muuqata
Laakiin arrintuu u socday oo ah in uu diido tafsiirkii aayadda ayaa isaguba qalad weyn ah.
Ma se gaadhsiisna gaalnimo, yaan la degdeginโ€.

Dr Khadar

Dr Maxamed Cabdi Kaariye
14/09/2026

Dr Maxamed Cabdi Kaariye

14/09/2026

Sh Xuseen Cali Jabuuti

11/09/2026

Sinnada oo faaftay: Calaamad ka Mid ah calaamadaha Qiyaamaha ! | Sh Mahad Cadaad.

Mucjisada Salaadda Subax.1: Salaada subax makugu adagtahay?2: Qalbigaga ma caafimaad qaba mise waa xanuun sanyahay?Intaa...
10/09/2026

Mucjisada Salaadda Subax.
1: Salaada subax makugu adagtahay?
2: Qalbigaga ma caafimaad qaba mise waa xanuun sanyahay?
Intaasba waxaad ka ogaan karta markaad aqriso qoraalkaan kooban aan ka diyaariyey . DR . Haifa Younis.

Dr. Haifa Younis waxay kaga hadlaysaa mucjisada Salaadda Subax, inay tahay tijaabo lagu ogaan karo qalbiyada caafimaadka qaba iyo kuwa xanuunsan.
Tijaabadaas qof walba wuu maraa marka uu salaadda ka soo kacayo, marka ay saacaddu soo dhacdo waqtiga subaxdii. Ma waxaad dhahdaa: โ€œHaddhow baan tukanayaa,โ€ mise waad ka soo kacdaa oo waad tukataa, adigoo naftaada iyo shaydaankaba ay kugu leeyihiin: โ€œSeexoโ€?

1: WAA KEE QALBIGA XANUUNSAN?
Qalbiga xanuunsan waa qalbiga la dhibban oo la tacaalaya cibaadada Alle Subxaanahu Wataacaalaa, isagoo og in qofku waxaasi aysan ahayn wixii laga rabay inuu sameeyo, haddana uu sameeyo, wixii ka dibna uu ka shallaayo camalka xun uu sameeyey.
Marka loo fiiriyo qofka mar walba sameeya dambi ama macsi, haddana dhaha: โ€œAllah waa Naxriis badaneโ€ isagoo haddana samaynaya wixii uu ogyahay inay ka fiican tahay inuu ka tago, Qofkaas aya ka daran kan qalbigiisa xanuusanayo.

2: WAA MAXAY XALKA HADDII SALAADDA SUBAX AY KUGU ADKAATO?

Soo kicidda Salaadda Subax waa mid ka mid ah waxyaabaha ay dad badan la dhibaatoodaan; inay ka soo kacaan Salaadda Subax.
Xalku ma adka. Kaliya ogow waxa aad samayso habeenkii. Haddii aad social media, sheeko, asxaab, haasaawo aad ku dheeraato, waa inaad joojiso oo aad xilli h**e seexato.
Intaadan seexan habeenkii, niyadda iyo qorshaha ku sii darsato inaad ka soo kacdo Salaadda, aad tukato, Qurโ€™aan akhrisato, iyo dikri samayso.
Allah idankiisa way ku fududaanaysaa markaas.

3: WAA MAXAY FAAIDADA INAAD OGAATO U JEEDADA .
Laga yaabaa inay qaar badan oo innaga mid ah la dhibban yihiin ka takhalusidda caado xun; mar walba uu goโ€™aan ka qaato, haddana uu ku soo laabanayo.
Dr. waxay noo sheegtay: intaadan samayn camalkan ama caadadan xun, is waydii suโ€™aalahan:
โ€œWaa maxay ujeeddada iyo hadafka aan u samaynayo sheygan?โ€
โ€œAlle raalli ma ka yahay waxaan samaynayo?โ€
Haddii aad hesho jawaabaha suโ€™aalahan, waxaa hubaal ah inaadan ku dhibtoon doonin, ama kugu adkaan doonin, ka tagista caado xun.

4: SIDEE U DHISI KARNAA XIRIIRKEENA NAGALA DHEXEEYA KITAABKA ALLE, UNA NOQON KARNAA KUWO KU QUSHUUCA?

1. Ducada
Badi ducada, inuu Alle ku fahamsiiyo Qurโ€™aanka, qalbigagana uu d**o.
2. Joogteyn
Ka dhig rafiiqaaga. Akhri maalin walba, kuna dar jadwalkaaga maalinlaha ah.
3. Dulqaad.

ใ€Šุงู„ู„ู‡ู… ุงุฌุนู„ู†ุง ู…ู† ุฃู‡ู„ ุงู„ู‚ุฑุขู†ุŒ ูˆุฎุงุตุชู‡ุŒ ูˆุงุฑุฒู‚ู†ุง ุตุญุจุชู‡ ูˆุชู„ุงูˆุชู‡ ูˆุงู„ุนู…ู„ ุจู‡ใ€‹
ใ‚šviral

Waxaa qoray Ahmed Nour

07/09/2026

Ku saliya Xabiibka scw

06/09/2026

Suaalaha diiniga Toos-ka ah sheekh dirir

Sh Mustafe X.Ismaaciil Haaruun.
04/09/2026

Sh Mustafe X.Ismaaciil Haaruun.

04/09/2026

Dhegayso xadiiskan siina faafi

03/09/2026

Bal adba!

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeisa Islamic channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category