14/03/2026
Magaalada Hargeisa ayaa martigelinaysa munaasibadda soo xidhitaanka tartanka kubadda cagta ee ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ง ๐๐จ๐ฎ๐ซ๐ง๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ญ'๐ฌ ๐๐ฎ๐ฉ ๐๐๐๐, kaas oo noqday mid ka mid ah tartannada ugu xiisaha iyo xamaasadda badan ee sannadkan ka qabsoomey Hargeisa ee ay foodda isku dareen bahda warbaahintu.
Tartankan oo socday muddadii bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, maadaama ay ka qaybgalayeen wejiyo caan ka ah oo ka tirsan warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo isugu jira wariyeyaal, cameramen, tifaftirayaal iyo shaqaale kale oo ka tirsan hayโaddaha warbaahinta. Taasi waxay tartanka siisay jawi gaar ah oo ay ku lammaan yihiin madadaalo, tartan adag iyo is-dhexgal ka dhex abuurmay bahda warbaahinta.
Intii uu tartanku socday waxaa la ciyaaray kulamo badan oo xiiso leh, kuwaas oo ay kooxuhu ku muujiyeen tartan adag, xirfad iyo dedaal ay ugu jireen inay gaadhaan heerka k**a dambaysta ah ee tartanka. Kulamadaasi waxay sidoo kale soo jiiteen taageerayaal tiro badan oo xiisaynayay inay daawadaan tartankan ay ka qeyb-galayaan shaqsiyaad si weyn looga yaqaan warbaahinta dalka.
Kulanka k**a dambaysta ah ee tartanka ayaa la filayaa inuu noqdo mid xamaasad gaar ah leh, iyadoo ay isku wajahayaan laba kooxood ee sida adag ugu soo baxay final-ka, kuwaas oo kala ah ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ iyo ๐๐๐ฆ๐๐ซ๐๐ฆ๐๐ง ๐๐๐๐ฆ. Labadan kooxood ayaa soo bandhigey intii tartanku socday ciyaaro tayo leh, taas oo sii kordhisay rejada laga qabo in final-ku noqdo kulan aad u xiiso badan.
Ciyaarta Final-ka iyo munaasibadda soo xidhitaanka tartanka ayaa lagu qaban doonaa garoonka Ali Gadhle Stadium, halkaas oo la filayo inay isugu yimaadaan bahda warbaahinta, taageerayaal iyo marti sharaf kale oo ka qeyb qaadan doona dabaal-degga soo xidhitaanka tartanka.
Guud ahaan, Ramadan Journalist's Cup 2026 โฝ, ayaa noqday tartan si weyn u muujiyey isku xidhnaanta iyo wadajirka bahda warbaahinta Somaliland, iyadoo sidoo kale uu noqday madal ay bahdaasi ku muujiso xirfaddooda ciyaareed iyo is-dhexgalka bulshada.
Waxaa la filayaa in final-ka tartanku noqdo mid xasuus gaar ah ku reeba bahda warbaahinta iyo taageerayaashii si dhow ula socday kulamadii kala duwanaa ee tartankan๐.