S'ahan Xogdoon

S'ahan Xogdoon Ku So Dhawoow Sahan Xog ugu kaalay warar xaqiiqa Dhacdooyinka dunida iyo wacyigalinta bulshada

Haddaad salaadda dayacdo, ood qur'aanka ka fogaato, ood xuska alle ilowdo, waxaad sugtaa murugo iyo walwal iyo stress iy...
14/07/2025

Haddaad salaadda dayacdo, ood qur'aanka ka fogaato, ood xuska alle ilowdo, waxaad sugtaa murugo iyo walwal iyo stress iyo dhibaato, waayo xuska Alle iyo ku xernaantiisa waa amni iyo amaan, ka fogaanshahiisana waa cabsi iyo dhibaato.

Labadan Aayadood waa xaqiiqo waligaana xasuuso:

~ألا بذكر اللّٰه تطمئن القلوب...
~ومن أعرض عن ذكري فإن له معيشة ضنكا...

llaahow nagu caawi dikrigaaga iyo shukrigaaga iyo cibaadadaada wanaagsan.

Dhibtu Waa in aanad Dhab isugu HawlinWaadigii shalay buug afqalaad —Carabi ama Ingiriisi— ku qoran akhriyay, ee erey ama...
14/07/2025

Dhibtu Waa in aanad Dhab isugu Hawlin

Waadigii shalay buug afqalaad —Carabi ama Ingiriisi— ku qoran akhriyay, ee erey ama jumlad aanad h**e u aqooni ay kaa soo hor baxday. Maxaad samaysay? Waad iska dhaaftay. Haa, waayo dhab uma aad qaadan barashada luuqaddaas.

Waadigii in badan dhaqaale samee ku fekerayay, laakiinse hal marna iskuma aad dayin in aad adigu hal abuur samayso. Waadigii dhaqaalihii yaraa ee shaqada kaa soo galay dabka saaray, wakhtiga shaqada ka soo hadhana lumin jiray, runtii, dhab uma aad qaadan dhaqaale samaynta.

Waadigii bilaabay in aad horumariso Iimaankaaga oo aad kobciso, ee Salaad, Dilkri, iyo Quraan akhris bilaabay, laakiin aan sii baadhin sida cibaadada dhandhan loogu yeelo, ee looga midha dhaliyo, iyana waatii kaa kala kacday.

Immika waadigaa wax go'aansanaya ee leh, sannadkan inta ka dhiman waa in aan dhaqaale, luuqad, cilmi Diini ah, ama wax korodhsadaa, waxaan ku leeyahay sidii h**e si ayna kaaga noqon dhab u qaado.

Diid in aad u qaadato si iska caadi ah hadafkaaga, oo aad maalinna wax akhrido mar kalana iska dayso. Diid in aad luuqadda aad baranayso marba meel ku booddo, oo buugga aad akhrido dhuux.
Diid mashruuca aad bilawdo in aanad dhab u qaadan oo uu kaa saqiiro.

Isasii, oo nafta sii, oo noloshaada ha ka muuqdaan waxaad gacanta ku haysaa, oo qaabka iyo hab nololeedka iyo astaamaha dadka uu hadafkaasi ka dhab yahay sidooda u noolow. Si fudud oon dib u dhac, ku noqnosho iyo wakhti lumis midna lahayn ayaad u gaadhi doontaa, wakhti badan wuu kuu beekhaami doonaa.

Dhab dhab u qaado!

Kirada Guryaha Borama 3 Qol waa 150 Dollar Halka Burco Ay yihin 3da Qol kaliya 90 dollar Hadaba maxaa keeney in Farqiga ...
14/07/2025

Kirada Guryaha Borama 3 Qol waa 150 Dollar Halka Burco Ay yihin 3da Qol kaliya 90 dollar Hadaba maxaa keeney in Farqiga intaa leeg u dhexeeyo Labadan magaalo iyago isku Population ah

Sawirkan wuxuu si qalbi taabad leh u muujinayaa xaaladda nololeed ee adag ee aabaha qoyska uu wajahayo. Wuxuu fariin xoo...
08/07/2025

Sawirkan wuxuu si qalbi taabad leh u muujinayaa xaaladda nololeed ee adag ee aabaha qoyska uu wajahayo. Wuxuu fariin xooggan ka gudbinayaa culayska iyo masuuliyadda adag ee uu qofka masuulka ah (sida aabaha ama hooyada) mararka qaar la kulmo, gaar ahaan marka uu yahay kaliya isha kaliya ee dakhliga qoyska.

:

1. Aabahan oo Fadhiya oo Murugeysan:

Wuxuu gacmaha saaray wejigiisa isagoo ka muuqato daal, walbahaar, iyo jahwareer.

Wuxuu dareemayaa culays badan oo nololeed – mid dhaqaale, mid nafsi, mid qoys iyo mid bulsho.

2. Carruurta Dhammaantood Wax Bay Rabaan:

Mid baa wuxu leeyahay: "Dad, they have chased me for fees" – dugsiga ayaa soo eryay, lacagti waxbarashada ayaa layga rabaa

Mid kale: "Dad, my shoe is torn" – kabihiisa ayaa go’an, wuxuu rabaa kuwo cusub.

Mid kale: "I need a new book, Dad" – buug ayuu u baahan yahay.

Mid kale: "Dad am hungry" – gaajo ayuu dareemayaa.

3. Hooyada oo Ilmuhu Dhabarka Saaran Yahay:

Iyadana waxay leedahay: "What are we going to eat today?" – cunto ma haysanno, maxaan maanta cunnaa?

4. Milkiilaha Guriga oo Daaqadda Ka Hadlaya:

Wuxuu leeyahay: "I need your rent" – kirada guriga ayuu rabaa, waqti baa laga dhacay.

---

:

Waa sawir muujinaya:

Culeyska uu ninku ama qofka masuulka ah leeyahay marka uu yahay isha keliya ee dakhliga.

Sida carruurta, hooyada, iyo milkiilaha guriga ay dhammaantood ugu tiirsan yihiin aabaha.

Xaaladaha badan oo bulshooyinka saboolka ah ka jira – shaqo la’aan, waxbarasho la’aan, cunto yari, hoy la’aan.

Murugada gudaha ah ee qofka masuulka ah uu la nool yahay isagoo dareemaya in uu qof walba u baahan yahay, isaga se uusan cidna u sheegi karin waxa uu la tacaalayo.

---
Xaqiiqo Ku Saleysan – Maxay Tani Ka Turjumaysaa?

1. Dhaqaale xumo:

Qoyska ma haysto dakhliga ku filan in la daboolo baahiyaha muhiimka ah sida waxbarasho, cunto, kirada guri, iyo dhar.

2. Shaqo la’aan ama shaqo dakhli yar:

Aabaha waxaa laga yaabaa inuu shaqo la’aan yahay ama shaqo mushahar yar leh, taasoo aan dabooli karin baahiyaha qoyska.

3. Culayska Masuuliyadda Ragga:

Rag badan oo danyar ah ayaa si qarsoodi ah u la tacaala culayska ay noloshu saaraysa, iyagoo aan cid la wadaagi karin.

4. Faham la’aanta Bulshada:

Milkiilaha guriga kaliya wuxuu doonayaa kiradiisa, isagoo aan u fiirsan xaaladda aabaha.

Xalka ama Casharka Laga Baran Karo:

1. U baahanahay bulsho is-caawisa:
Waa muhiim in bulshooyinka ay sameeyaan nidaamyo is-caawin ah, sida deeq waxbarasho, cunto qeybsi, iyo taageero bulsho.

2. U baahanahay fahamka ragga iyo culayskooda:
Rag badan ayaa wajahaya walbahaar nafsi ah, laakiin ma helaan meel ay ku cabiraan. Waa muhiim in la abuuro taageero nafsaani ah.

3. In carruurta la baro dulqaadka iyo sabirka:
Carruurtu wax Bay u baahan yihiin, laakiin waa muhiim in loo sheego xaaladda si ay u fahmaan dhibaatooyinka waalidkood.

4. Kobcinta dhaqaalaha qoyska:
Barashada xirfado cusub, ganacsi yaryar, iyo fursado shaqo ayaa kaalin wayn ka qaadan kara yaraynta culayskan.

:
Sawirkan waa muuqaal qudha oo ka hadlaya malaayiin qoys oo adduunka ku nool, gaar ahaan qaarada Afrika. Wuxuu ku hadlayaa cod la'aan , balse wuxuu la hadlayaa quluubta qof kasta oo waligii dareemay culays nolosha.
Sii share garee oo la wadaag walaalaha.

Ishmael Mataan Gurxan

Waligaa ha ka xishoon in aad qabato shaqo fiican oo daboosha baahida noloshaada kaana ilaalisa inaad gacmaha hoorsato. N...
29/06/2025

Waligaa ha ka xishoon in aad qabato shaqo fiican oo daboosha baahida noloshaada kaana ilaalisa inaad gacmaha hoorsato. Ninka ragga ah wuxuu ku faanaa, ugu yaraan, in uu quudin karo naftiisa iyo inta hoostiisa joogta.
Shaqadu waa sharaf. Qabo oo ku faan. Haddii ay noqoto dhisme guri, meherad yar oo aad furato, riixid gaari-gacan, shiilid baradho, dawaar (harqaan) ama ganacsi yar leedahay, haddii ay tahay lacag aad si xalaal ah ku kasbatay, u qaado sida bilad sharaf qoorta kuu suran. Ha u ogolaan dadka nacasnimadu ka buuxdo inay kugu ceebeeyaan. Ninka waxaa lagu ixtiraamaa waa dadaalkiisa & dadnimadiisa.
Caajiska & wahsidu waa cadowgaaga ugu weyn. Dad badan ee internet-ka iska dhiga wax kale waa sabool, shaqo la'aan, kuna faana wax aan jirin. Ma laha dakhli joogta ah, ma shaqeeyaan, mana haystaan sharaf, haddana waxay caayaan dadka daacadda ah ee hawlaha adag ka shaqaynayay. Waxay ka xishoodaan inay shaqeeyaan, balse k**a xishoodaan inay baryaan saaxiibadood, ehelkooda iyo xitaa dad aanay aqoon si ay u helaan wax ay ku cunaan ama ku xaragoodaan.
Si fiican u dhagayso: Haddii qofku is dhaho shaqo ma qaban kartid oo uu iskala weyn yahay, balse uu shaxaadi karo dadka, ma laha sharaf, ee wuxuu ku noolyahay khiyaali.
Qaado Mas’uuliyadda noloshaada. Shaqee xitaa haday noqoto in aad ilmo guri ugu tagto oo wax barto, School hal qol xitaa furato, ama qabato boqolaalka shaqo kale ee jira. Ha ku tashan cidna aan Alle ka ahayn. Ka billow barta aad joogto, ku billow waxa aad haysato xitaa haddii aadan lacag haysan, waxaad haysataa xoogaaga, gacmahaaga, maskaxdaada. Tujaar badan waxay ku bilaabeen Go’aan ay gaareen & hal tallaabo ay horay u qaadeen.
Share – la wadaag Asxaabtaada
Farah Cawaash

20/06/2025

Qof kastaa wuxuu ku jiraa Dagaal aadan waxba ka ogayn!
Qof kasta oo aad la kulanto wuxuu ku jiraa dagaal aadan waxba ka ogayn – waxay dagaal kula jiraan siday Nabad ku heli lahaayeen, Cudur/Xanuun uga bogsan lahaayeen, Xil/Kursi ku hanan lahaayeen, in badana waxay subax kasta halgan adag ugu jiraan raadinta nolol maalmeeedka, Shaqo, Guur, Awlaad, Koriimo, waxbarasho, Mustaqbal, ganacsi, dhaqaale, iwm. Dagaalkaa gudahooda ah ma rabaan in cid ogaato kolkaa adigu ha xukmin, ha ku digan, ha sii dhaawicin, u muuji qalbi wanaagsan iyo naxariis.
Sidoo kale waxaa jira qaar ku jira dagaal public ah oo la wada ogyahay, cadow aan la arag bay intaa u dhaaranayaan, kuwaa fariimo caay iyo hanjabaad ah isu dira dunidana ogaysiiya, qaar baa dagaal kula jira yaa wax iga sheegay, kuwaa dagaal kula jira oo aad ugu mashquulsan nolosha qof kale, qaar baa maalin kasta barxada isku balansada oo bilaash lagu daawadaa, qaar baa difaaca qabiilkooda dagaal ugu jira, qaar baa weerar ku ah qof ay kala hareen oo hurdo u diida habeen kasta!
Adigu dagaal noocee ah ayaad ku jidhaa ama ku mention-garee sxb aad ogtahay dagaalka uu ku jiro
Sii share garee

Qofkasta oo bini aadam ahi waxa uu jecelyahay in uu helo farxad iyo daganaan waxaa jira waxyaabo badan oo bini Aadamku K...
20/06/2025

Qofkasta oo bini aadam ahi waxa uu jecelyahay in uu helo farxad iyo daganaan waxaa jira waxyaabo badan oo bini Aadamku Ku helaan sida Sadaqada
Sadaqada Iyada oo fadligedu uu yahay mid aad u wayn hadana qofka waxa ay siisa daganaan iyo xasilooni nafsadeed Waxaa kale oo qofka ka yaarada warwarka iyo walaaca
Inbadan ayuu Rabi ina leeyahay bixiya sadaqada oo dhexdiina is caawiya ogaw marwalba rabi waxa uu ogyahay waxa inoo dana ee nafteena iyo qalbiyadeenu ka xasiliyaan

20/06/2025

Waa kasta oo kuu baryay waa waraaq cusub oo imtixaano lagu dhiibay waxad ku qoraysa waxay ku gaynayaan janno ama naar
Shekh Mustafa.

20/06/2025

Daryeelka Ubadaka Profser Ismail Nour

Qof kaliya ayaad ka dooran kartaa QoyskaagaMa aadan dooran waalidkaa, ma dooran goorta aad dhalatay iyo meesha aad ku dh...
20/06/2025

Qof kaliya ayaad ka dooran kartaa Qoyskaaga
Ma aadan dooran waalidkaa, ma dooran goorta aad dhalatay iyo meesha aad ku dhalatay, ma dooran kartid carruurtaada. Qofka kaliya aad ka dooran karto qoyskaaga waa qofka aad la wadaagayso nolosha. Ha ku degdegin doorashada qofkan hadii kale qof khaldan ayaad dooranaysaa.
Qofka aad u doorato inuu noqdo lamaanaha noloshaada waxay saameyn ku yeelan wax walba oo noloshaada sida:
• caafimaadkaaga
• deganaanshahaaga maskaxda
• dabeecada & dhaqankaaga
• farxadaada
• sida aad u maarayso dhibaatada
• guushaada
• sida carruurtaada u kori doonaan
• iyo waxyaabo kaloo badan

Haddaba, Dooro qof diin iyo dabeecad wanaagsan leh, Dooro qof si fiican kuula dhaqma, qof ku xushmeeya oo ku taageera, qof aad guri iyo mustaqbal wanaagsan wada dhistaan. Dooro qof ku ducaysta in aad qayb ka noqoto noloshiisa/nolosheeda, Dooro qof aad ku farxi lahayd haddii carruurtaadu ay noqdaan sida isaga/iyada oo kale. Dooro qof fahansan ujeedada nolosha.
Dooro qof Aduunka Nolol wanaagsan kuu sameeya, Aakhirana kaaga diga Naar. Waxaad leedahay oo Alle ku siiyay ikhyaar aad wax ku doorato, samee doorasho sax ah. U dooro si xikmad leh.

La Wadaag Asxaabtaada
S'ahan Xogdoon

Warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday inay soo bandhigto khasaaraha ka dhashay weerarrada ay Iiraan ka gaysatay gudaha Isr...
19/06/2025

Warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday inay soo bandhigto khasaaraha ka dhashay weerarrada ay Iiraan ka gaysatay gudaha Israa’iil, iyadoo kanaalka Kan news , uu soo bandhigay in machadka tiknoolajiyada milatariga Israa’iil ee Weizmann oo ay gantaallo la beegsatay Iiraan in burburka gaaray ay dhalatay khasaare 572 milyan oo doollar ah, oo isugu jira ;
•Waxaa si buuxda u burburay dhismihii qaybta kiimikada iyo cilmi-baarista.
•Kumannaan cilmi baaris oo la xiriira fayisigiska oo aan la soo celin karin ayaa lumay.
•Mashaariic cilmiyeed oo uu maalgelinayey Midowga Yurub ayaa hakad galay.
•Waxaa sidoo kale gaaray khasaaro weyn ay gaartay qalabkii sheybaarrada iyo kaabayaashii cilmiyeed ee machadka.

Qof walba oo si qabiili ah loo diido, ama duullan dulmi ah lagu soo qaado wuxuu helaa dad kula safta qabiil ahaan iyo qa...
19/06/2025

Qof walba oo si qabiili ah loo diido, ama duullan dulmi ah lagu soo qaado wuxuu helaa dad kula safta qabiil ahaan iyo qaar kula safta dulmi-diidnimo.
Reer Puntland si dadban ayey Xamse Cabdi Bare ugu sameynayan shacab iyo qabiil si xagjirnimo ah u taageersan, oo uu doorashada soo socota ka dhigan karo gaashan hadii uu damac ku jiro.
Ninka alifay qaamuuska cusub ee Aflagaadada Siyaasadda, isaga ku qaribaya qorshihiisa Villa Somalia iyo qabiilkiisa.

Address

Road 1
Hargeisa
252

Telephone

+252637124831

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when S'ahan Xogdoon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share