Eng khadar mahamed maandeeq

Eng khadar mahamed maandeeq journalist

27/12/2023
28/10/2023

Xaqiiq

30/09/2023

Fadliga Salaada Subax lyo Salaada Casar Qimaha Weyn Ay Leedahay I| Sh Xuseen Cali Jabuuti

Ifka lagu yahay walaal , wiilka yar ee noloshu u cusub tahay qofkii caawin kara ha caawiyo.Asalamu Calaykum Magacaygu wa...
27/09/2023

Ifka lagu yahay walaal , wiilka yar ee noloshu u cusub tahay qofkii caawin kara ha caawiyo.

Asalamu Calaykum Magacaygu waa Maxamed Maxamud waxan ahay wiil yar oo shil gaadhi galay muddo hadda laga jogo 2 Sano iyo 8 bilood waxan wax ka noqday lafta dheer ee dhabarka(spinal cord) mudo 7 bilood ah waxa xaladayda lagula tacalayay wadankii , ilaa waxba laygu qaban kari wayay madama laygu dhahay waxad noqotay paralays oo xangulaha aya dhawac wayni kaso gadhay, kadib bishii 8/ 2021 waxa layso qaday wadanka Hindiya waxa aan ku galay 4 qalin 2 kalena waxan kuso galay wadankii Alhamdulilh xaladaydu sidii h**e way ka ficantahay madama waxwalba hada an daremayo rajo wayna aan leyahy waxa igu baxay qarash gadhaya laba boqol oo kun dolar (200,000$ ) waxa igu kalifay oo aan ka Fursan Wayay maanta ina umada muxsininta ah lahadlo dhaqalo la'aan taas o ah 2 qalin oo aan imika galayo lacagtoduna dhantahy 11kun dollar (11000$) waxan si naxarisleh idinka codsanaya inaad iga cawisan si rajadaydu dib iguso labato illahay hadii uu ii qoray.

+252634444768
+252654444768
Casha muuse ciise

Subax Wanagsan Walaalayaal ๐Ÿ™ โค๏ธMu'adinku salaada subax wuxuu yidhaa "ุงู„ุตู„ุงุฉ ุฎูŠุฑุง ู…ู† ู†ูˆู…",salaada ayaa ka khayr badan hur...
25/09/2023

Subax Wanagsan Walaalayaal ๐Ÿ™ โค๏ธ

Mu'adinku salaada subax wuxuu yidhaa "ุงู„ุตู„ุงุฉ ุฎูŠุฑุง ู…ู† ู†ูˆู…",salaada ayaa ka khayr badan hurdada.

Qofka salaada subax masajidka Jamaca kula tukada, malaaโ€™igtu waxay Allah (SW) u gudbiyaan warbixin fiican, isagoo allah uga ogaal badan iyaga.

Salaada subax Waa salaada ugu h**eyso salaadaha faralka ee shanta ah waxeyna kamid tahay salaaddaha sida weyn uga hadlay Nabiga(NNKH),oo uu yidhi "ninkii Tukada labada qaboobe Jannada ayuu galaa" waxayna ka koobantahay labbo rakco. Salaada Subax waxaa ka h**eeyo labo rakco oo sunna ah.

Caafimaad qab iyo acmaal wannaagsan Salaadda Subax yaynaan dhayalsan, Khayrka kafaaiideyso!!.

Alle kheyrka ha ina waafajiyo.๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ

Doraad Sabtidii, bishuna ahayd 3 Sep. Waxa ay miino ku qaraxday Afar caruura oo wallaalo ah, Agoona ah, Aabahoodna geeri...
05/09/2023

Doraad Sabtidii, bishuna ahayd 3 Sep. Waxa ay miino ku qaraxday Afar caruura oo wallaalo ah, Agoona ah, Aabahoodna geeriyooday, 17kii bisha May ee sanadkan, iyada oo ay noqonayso muddo 4bilood gudahood ah in qoyskan haleeleen laba masiibo oo culus in Aabahood geeriyooday, iyo iyagoon geeridii ka kaban in Afar caruurtii ka mid ah miino ku qaraxday.

Caruurta ay waxyeelada soo gaadhay waa sadex wiil iyo gabdh oo magacyadoodu kala yihiin;

1. Abdirisaaq jaamac yaasiin
2 . Abdiraxmaan jamac yaasiin
3. Abdikareem jamac yaasin
4. Nimco jaamac yaasiin

Waxa ugu culus Abdirisaaq oo 12jir ah kuna jira xaalad aad culus iyada oo maanta lagu sameeyay qalniinkii labaad, waxa soo gadhay dhaawac uu ku naafoobay sida ay imika sheegeen dhakhaatiirtii gacanta ku haysay;

sida ay hadda sheegeen dhakhaatiirtu Abdirisaaq waxa uu beelay;
a) Labada Indhood
b) Gacanta bidixdu waxa ay ka go'day dhudhunka hoose, oo waxa gabi ahaanba maqan calaacasha iyo shanta faroodba.
c) wajiga, caloosha, dhamaan waxa ka gaadhay firidhkii qaraxa miinada.

Qoyskaasi oo ah mid danyara oo xoolo dhaqato ah cidii gargaar iyo caawinimo u fidinaysaa waxa ay kala xidhiidhi karaan walaallkood;
๐™„๐™™๐™ž๐™ง๐™ž๐™จ ๐™…๐™–๐™–๐™ข๐™–๐™˜ ๐™”๐™–๐™–๐™จ๐™ž๐™ž๐™ฃ.
๐™๐™š๐™ก๐™š๐™จ๐™ค๐™ข, ๐™Ž๐™–๐™–๐™™, 0634445714
๐™Ž๐™ค๐™ข๐™ฉ๐™š๐™ก, ๐™€๐™™๐™–๐™๐™–๐™—, 0654881336
๐™’๐™๐™–๐™ฉ๐™จ๐˜ผ๐™ฅ๐™ฅ, 0634445714

Walaal ilahay dartii u caawi, waa caruur yaryar oo ku dhalatay iyaka oo isku dhagan. Qoys danyar ah ayay ka soo jeedaan ...
01/09/2023

Walaal ilahay dartii u caawi, waa caruur yaryar oo ku dhalatay iyaka oo isku dhagan. Qoys danyar ah ayay ka soo jeedaan gargaar Ibnu-aadamtinimo oo weyna way inaga filayaan.

Fadlan kaalmadaada ugu hagaaji Numbers-ka hoos ka muuqda. Hadii aanad awoodin in aad lacag ku taakulayso Fadlan u share-garee fariintan.

.

Ayaanle Maxamed Ibraahin waa ilmo-yar waxaa ku dhacay xanuunka Macaanka kaasi oo sababay in labada Keliyood istaagan Kaa...
23/08/2023

Ayaanle Maxamed Ibraahin waa ilmo-yar waxaa ku dhacay xanuunka Macaanka kaasi oo sababay in labada Keliyood istaagan Kaadiduna ay jidhkiisa gasho sida sawirada hoose ka muuqatana uu jidhkiisu bararay.

waalidiinta dhashay ilmaha oo muddo la tacaalayay isla markaana geeyay dhamaan dhakhaatiirta somaliland, ayaa loo sheegay inaan dalka waxba lagaga qaban karin

Ayaanle, ayaa u baahan dhakhtar dibadeed oo si dakhso ah loo geeyo waxaana taas caqabad ku ah qoyska ilmaha dhalay oo aan awoodin dhaqaalaha dibadda

fadlan, si aad ugu naxariisato ilmaha yar oo iminka noloshu bilowga u tahay si aad u bad-baadiso noloshiisa ugu deeq wixii aad awoodo

Kala xidhiidh Aabaha dhalay ilmaha lanbarkiisuna waa kan 063-4580530

Marka aad dhimato aduunyadu kuma tabayso, kuumana murugoonayso, caalamku sidiisa ayuu iskaga sii soconayaa. Shaqadaadi q...
13/01/2023

Marka aad dhimato aduunyadu kuma tabayso, kuumana murugoonayso, caalamku sidiisa ayuu iskaga sii soconayaa. Shaqadaadi qof kale ayaa qabanaya xoolahaagi dad kale ayaa dhaxlaya, waxba yaanay ku dagin xoolahaaga, tolkaaga, ubadkaagu iyo Teetalkaagu.

Maxaa ka liita aduunyadaan! Maxaase ka weyn waxa soo socda! Qofkaaga iminka noolow marka aad dhimato saddex qof ayaa kaa murugoonaya:

1- Dadkii dusha kaa yaqaanay waxay oran doonaan โ€maskiinka Allaha u naxariistoโ€

2- Saaxiibadaa dhowr maalmood ayay kaa murugoon doonaan kadib sheekadoodi ayey iskaga noqon doonaan iyo qosolkoodi.

3- Murugada ugu weyni waa qoyskaaaga waxay kuu murugoon doonaan toddobaad, laba toddobaad, bil ama sanad dhan laakiin aakhirka way iska kaa ilaawi doonaan oo xasuustooda waad ka hari doontaa.

Qisadii aduunyo sidaas ayay ku dhammaatay, waxaana bilaabanaysa qisadii dhabta aheyd waana aakhiro.

Quruxdaadi iyo dadkaagiba waad is nabad galyayseen๐Ÿ˜ญwaxaa kugu soo hadhi oo keliya waa camalkaagi.

Suโ€™aashu waxay tahay maxaa u diyaarsatay nolosha xaqiiqda ah ee kugu soo wajahan ?
Runtii waa arin u bahaan in wax laga qaato Saalada faralka ah ku dedaal, sunnayaasha iyo sadaqada qarsoon, camal wanaagsan, salaatu leylka iyo akhlaaqda wanaagsan laga yaabe kuwaas iney ku badbaadiyaan.

Waanadu waxay anfacee muโ€™miniinta ee waani dadka. Sii Faafi oo walaalaha gaarsii si qofkii wax ku qaata aad uga heshid.

Alle wadada xaqa ah hanagu sugo, hanoo naxariisto, hanoo dembi-dhaafo. Rabbi dunida fitnooyinkeeda hana hareer mariyo.

Dhamaystay Ku Sali Nabiga Scw Scw Siinafaafi

07/09/2022

Taladan Aad udhugta

12 sano oo ay martay sadex qaliin oo kala duwan oo ilme loogu beerayay kadib ayay dhashay wiilkaan, laakiin nasiib darro...
07/08/2022

12 sano oo ay martay sadex qaliin oo kala duwan oo ilme loogu beerayay kadib ayay dhashay wiilkaan, laakiin nasiib darro maanta ayay sagootisay, kadib markii lagu dilay duqaymaha israel ay ka gaysanayo marinka gazza.

Allaha u Naxariisto.

Meydkaas wuxuu maalmo yar ka hor ahaa Wasiir isticmaala gaari aanay xabaddu karin, wuxuu lahaa in ka badan 20 dhalinyaro...
05/08/2022

Meydkaas wuxuu maalmo yar ka hor ahaa Wasiir isticmaala gaari aanay xabaddu karin, wuxuu lahaa in ka badan 20 dhalinyaro hubaysan oo Amnigiisa illaalisa, qofkasta la kulankiisa kali ah ayaa maalmo ku qaadan jirtay, maantana wuxuu kaligii u hoyanayaa godkaas yar oo aanay jirin cid ku wehelinaysaa. Adduun wakaas halagu dadaalo salaadda iyo wanaaga.iyo in la is cafiyo Calooshana La iska Sii Daayo, Alle Ka Cabsigiisana La Badiyo

Allah ha u naxariisto marxuumka..

Xaasidnimo Ka Weyn Ka Ma Jirtaa Marka Aad Aragto Walaal Dhiban Xitaa inaad Share gareyn Fadlan Walaal Haddii uu Sawirkaa...
31/07/2022

Xaasidnimo Ka Weyn Ka Ma Jirtaa Marka Aad Aragto Walaal Dhiban Xitaa inaad Share gareyn

Fadlan Walaal Haddii uu Sawirkaan Ku Soo Gaaro Alle iyo Rasuulkiis Taqaan share dheh si Wiilkaan Yar somaliyeed Gargar Dagdag ah uga helo lona cawiyo share tuba waa sadaqo walaal yaa la dhibsan ,๐Ÿ˜ญ๐Ÿ˜ญ๐Ÿ˜ญ๐Ÿ˜ข๐Ÿ˜ข๐Ÿ˜ข๐Ÿ’”๐Ÿ’”

Walaal Soo caawi Haddii Alle wax ku siiyay Wiilkan Yar Laliita xanuunka kansarka Turki ku dhibaataysan.

abdiraxiim waa wiil soomaliyeed oo uu hayo cudurka kansarka dhiiga wuxuu jooga wadanka turkiga gaar ahaan ANkARA aad buu uxanuunsaday meesha uu fadhiyo waa ujeedan waxay dhaheen ma qabanayno ilaa aad lacag dhigtan wuxuu ka dhashay family danyar ah

waxaa la joogo aabihiis waa 29 Sano jir Fariintan Wexee ku socotaa somali oo idil
Yaa ilaahay dartiis ucaawinayo walaahi lacagta oxsajiinka hada ku xiran waxaa bixiyay arday

caawi walaalka dhiban waxaad siisa kaama lumin misanka aqiray kugu jirta ogow hadaa damiir leedahay caawi walaalka dhiban

kala xiriira 00252615554804

wad lama celinkaro yuusan daawo la aan udhiman walaahi bilaahi tolaahi aabaha dhalay wuu ooynaya pls duco iyo deeq waxaad awoodo ku caawi walaalka dhiban Xitaa share dheh hadad waxeesan si kuwa wax heesto u arkaan una cawiyaan Jazakaallah Kheyraa๐Ÿ˜ญ

Fadal Adoo Mahad San Walaal Ama Wallayaal Shere Dhaha Si Ay Dadbdan U Arkaan Oo ay U Cawiyaan Walaalkeen Aynana u Ducaynana in ilaahay Caafimaad Siiyo

Sh Osman

Address

Hargeisa

Opening Hours

Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252633147590

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng khadar mahamed maandeeq posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share