15/07/2025
Muhiimadda Istaraatiijiyadeed ee Dib-u-dhiska Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal ,
Tan iyo markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay sanadkii 1991, waxa la gaaray horumar weyn oo dhinaca nabad-dhisidda iyo dhismaha dawladnimada ah. Muwaadiniinta ayaa door muuqda ka ciyaaray sugidda xasiloonida iyo nabadda dalka. Si kastaba ha ahaatee, horumarka kaabeyaasha muhiimka u ah ee qaranka, gaar ahaan kuwa matala magaca iyo muuqaalka dalka dibadda, si wanaagsan uguma tallaabsan horumar muuqda, waxaana tusaale cad u ah Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal kuna yaala caasimada Hargeysa.
Garoomada diyaaradaha waxay yihiin albaabada laga soo galo dal kasta. Cid kasta oo dalka imanaysa dalxiise, maalgaliye, ama diblomaasi waxa sawirka ugu horreeya ee ay ka helaan dalka uu ka bilaabmaa garoonka diyaaraddaha ee dalkaasi leeyahay. Sidaas darteed, Garoonka Hargeysa ma aha kaliya meel diyaarad laga raaco ama lagu yimaaddo, ee waa astaan muujinaysa heerka horumarineed ee uu dal marayo, himiladiisa, iyo sharafkiisa.
Nasiib darro, inkasta oo uu yahay xarun aad u muhiim ah, haddana Garoonka Cigaal ee Hargeysa ma helin wax horumarin muuqata muddo 30 sano ka badan. Dhismaha yar ee lagu kordhiyey ma aha mid ka tarjumaya khayraadka dadka iyo dalkeenna, sidoo kalena kuma filna baahiyaha gaar ka ah ee garoonku leeyahay.
Dhanka kale, Dekedda Berbera waxay heshay maalgelin caalami ah oo weyn, taasoo ka dhigtay meel kobcinaysa dhaqaalaha dalka. Haddaba waxaa is weydiin leh, maxaa garoonka caasimadda looga seexday? Taa beddelkeeda, waxa lagu tiirsan yahay canshuuraha gudaha oo xaddidan marka loo eego baahida dhabta ah ee garoonka waa xiligii loo baahnaa in wax laga qabto marka loo eego dhamaan garoomada wadamada jaarka ay leeyihiin waa ka ugu muuqaal iyo adeeg hooseeya.
Horumarinta iyo casriyeynta Garoonka Cigaal waxay keeni lahayd faa’iidooyin ballaadhan, waxay xoojin lahayd xiriirka caalamiga ah, kor u qaadi lahayd dalxiiska, soo jiidan lahayd maalgeliyeyaal shisheeye, abuurina lahayd fursado shaqo. Intaa waxa ka sii muhiimsan, garoonkaasi wuxuu noqon lahaa muraayad ka tarjumaysa qaranka, kalsoonida, iyo kartida shacabka Somaliland, bulsho had iyo jeer diyaar u ah horumar iyo isbeddel.
Shacabku diyaar bay u yihiin inay ka qayb qaataan dhismaha iyo horumarinta garoonka. Waxa jira rabitaan weyn oo bulsho oo ku saabsan in garoonkani noqdo mid u qalma magacii iyo maamuuska Somaliland. Waxa loo baahan yahay maanta qorshe istaraatiiji ah, iskaashi dhab ah, iyo in la wacyigeliyo cid kasta oo danaynaysa horumarinta dalka gudaha iyo dibaddaba si garoonkani u noqdo astaanta mustaqbalka ummaddan.
Abdirahman Warsame Nour
Hargeisa, Somaliland