03/09/2026
WASTADU IIMA SHAQAYSO.
Muddo dheer waxaan dadaal badan geliyey inaan aqoontayda, waayo-aragnimadayda iyo kartidayda ku raadsado fursadaha shaqo ee soo baxa. Shaqooyin badan ayaan codsaday; qaar waan ku guulaystay, qaarna ma helin. Mar kasta waxaan ku kalsoonaa aqoontayda, dadaalkayga, waxqabadkayga iyo tawakkulka aan Alle SWT saartay.
Waxaan ahay dhakhtar iyo xirfadle caafimaadka bulshada ah oo leh in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah. Intii aan ku jiray adeegga caafimaadka, waxaan soo qabtay xilal iyo masuuliyado kala duwan. Waxaan ka soo shaqeeyey daryeelka carruurta ay nafaqo-darrada ba’ani hayso ee Hargeysa, waxaanan dhakhtar ka ahaa Cusbitaalka Ceerigaabo xilligii uu socday mashruuca MSF. Waxaan sidoo kale xidhiidhiye ka noqday Layliska dhakhaatiirta ee Jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa.
Waxaan soo noqday Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Saaxil, Madaxa Barnaamijka Cudurrada La Dayacay ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Maareeyaha Caafimaadka ee hay’adda COOPI, La-taliyaha Silsiladda Qabow iyo Maareynta Tallaalka ee UNICEF, iyo Isuduwaha Mashaariicda Tallaalka ee Save the Children. Dhammaan shaqooyinkaas aan imtixaan u galay , Qaarna lay magaacabay anoo doonan.
Safarkaas dheer waxaan ku soo maray aqoon, dadaal, waayo-aragnimo iyo tawakkul. Hase yeeshee, laba jeer ayaan isku dayay inaan shaqo ku raadsado wasto, xukuumaddii h**e iyo xukuumadda maanta labadaba. Waxaan hawsha u dirsaday qaar ka mid ah dadka qoyskayaga ugu magaca, maamuuska iyo saamaynta badan. Labada jeerba wax natiijo ah k**a soo bixin.
Maalmo yar kaddib isku daygii ugu dambeeyey, habeen ayaan anigoo akhrinaya Suuratu Yuusuf ku hakaday aayado si qoto dheer qalbigayga u taabtay. Waxaan ka dhex helay farriin weyn oo ku saabsan samirka, tawakkulka iyo in talada ugu dambaysaa Alle SWT uun gacantiisa ku jirto.
Habeenkaas waxaan garwaaqsaday inaan jid aan aniga ahayn u leexday.
Sidaas ayaan ku gaadhay go’aan aan qalbigaygu ku deggan yahay, mar dambena shaqo ama xil wasta kuma raadin.