Sil-silada Shiinley 2

Sil-silada Shiinley 2 Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Sil-silada Shiinley 2, Hargeisa.

19/07/2020

Duhur wanaagsan

16/01/2020

dhiirigalinta aradayda jaamcada jigjiga iyo laabsaalax Copyright to Waqal & Afro Media Production

Habeenka Bandhiga Buuga Geediga CabdiQays. Habeen Danbe Iyo Maansoor Hotel. Kasoo Qaybgalkaagu Waa Muhiim.
08/09/2019

Habeenka Bandhiga Buuga Geediga CabdiQays. Habeen Danbe Iyo Maansoor Hotel.
Kasoo Qaybgalkaagu Waa Muhiim.

08/09/2019
20/07/2019
14/11/2018

Waxaan Baryahanba Social Media_ha ku Arkaayay In in uu Hawada Soo galayo Dhawaan,
Hadaba Su,aasha is Waydiinta Mudani Waxay Tahay Horyaal_tv Ma Ka jawaabi Doonaa Baahiyaha Loo Qabo Televiction Umada dhex u ah oo ka Shaqeeya Midnimada, iyo Wada jirka Guud Ee Shacabka, Haday Sidaa Tahay waan Soo Dhawaynayaa
Hadii Kale oo uu Noqonayo Televiction laga Soo daayo Nin NABADGALYADA umadu Wada Leedahay U Hanjabaya oo leh Hadaan Sidaa La yeelin Balaayaa Dhici Doontaa.Shaashadl Uu ka Soo muuqanayo iyo anagoo Reer hebel ah.
Sida imikaba Tv_yadeena ku badan
Ninamka Odayaasha Ah Ee Wada Waxaan Kula Talinayaa ilmaadeeJoojiyaan

!

07/09/2018

_fadlan si degan iila Fahan!

Waxay Dekeda Berbera Ku Wareejisay Shirkada DPworld iyadoo 19%_na Siiyay ,
oo taa Diidani Waxay u yeedhay Ethiopia Waxaanay siisay 50% Dekeda
Dooraale..
Baarlamaanka Somalia oo Cod Aqlabiyada ku Diiday Bixibta dekeda Berbera Laba Bilood kadib Raysal Wasaaraha Ethiopia oo Muqdisho Tagay Madaxwayne Farmaaje wuxuu siiyay 4 Dekadood oo Ethiopia maalgashanayso.
bil kadib Raysal wasaaraha Ethiopia wuxu soo Laalaabay Colaadii Guunka ahayd ee Ka Dhaxaysay
Wuxuuna u Sheegay in Walaalka kaliya Ee Ethiopia ay leedahay Tahay
Dalka eletaria, waxaana Si Rasmiya Loogu Furay Dekedaha Casab Iyo Masawa oo Maraakibtii ugu Horaysay ee Ethiopia Badeecadaha u Siday ay ku Xidheen

Hadaba Su,aasha Iswaydiinta Lihi Waxay Tahay Ethopia Danteeday Eeganaysaaye Dawladihii Somaliyeed ee Midba Mida kale ku Xumaynaysay (DJABOUTI/SOMALIA/SOMALILAND, iyagu Maxay Eeganayeen? Dakadohoogii oo Xidhan wataa Kuwii Eritrea Laga Shaqaysiiyee!

Arintaasi waxay Ku Tusaysaa in Dadka somaliyeed Meeshay Doonaan ha ka soo kala jeedaane 50ka Sanadood ee Soo Socda ay Hostage u Noqonayaaa oo Dhismaysa! # Laabsaalax

28/05/2018

Xaajada ninkii dhayi lahaa, kala dhantaalaayo
Guul kuma dhaamaatee way. Dhago adkaataaye
Mashaqadu haday kaa dhab tahay. Dhaymo bixinteedu
Dhex ka noqo Sokeeyahan is dilay. haysku sii dhidhine

Silsiladan SHIINLEYDA- oo ka bilaabantay Barta Facebook oo markii ugu horaysay abwaan xasan dhuxul laabsaalax  soo dhiga...
28/02/2017

Silsiladan SHIINLEYDA- oo ka bilaabantay Barta Facebook oo markii ugu horaysay abwaan xasan dhuxul laabsaalax soo dhigay maanso kooban bogiisa gaarka ah ee Uu Facebook-ga ku leeyahay ayaa waxa ka jawaabay abwaanada wakhtigan kuwooda ugu miisaanka iyo midhaha cukusle- islamakaana waxay u muuqataa silsiilad ka ka turjumaysa dareenka bulshada inktastoo aanay jirin ilaa hada aragtiyo aad loogu kala duwanyahay oo abwaanada ay iskaga soo hor-jeedaan hadana waxa muuqata in ay noqon karto silsilad si wayn loogu kala qaybsamo
Abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo ku soo hal qabsaday abwaanka caanka ah ee Sidiiq maxamed burmad ayaa yidhi sida tan:

Abwaan Hassan dhuxul laabsaalax
Shaxda Garo Sadiiqoow
Ina ganay Shilkii Dhacay
Ma ogayn Shalaytee
Batuun iyo la shawr guray
Fartaag hoos u Wada shira
Xaaji shabaga Soo gali
Shanqadhaha badh baa jira
Laga qariyay Shicibkee
Shiishka Saar Wacyiga jira
Garashada bal Shaandhee
Xogta Shaadhka Loo Tolay
Inaad Sheegto Waa Gare
Dareenada Shakiga Dhalay
Yaa Keenay Shaarica
GoorMuu Sharcigu Yidhi
Danbi Sheekha k**a dhaco?
Doonidii Shiraacnayd
Shixnadeeda Yaa dhacay?
Goormaa Shuruud Li,i
Sharka Khayrka loo Rogay?
Damiirkii Shakaalnaa
Hadmuu shilinku maamulay?
Sheekada Intaad Daday
Ha Sharaxo Wax garadkuye
Maalintii Shilkaha Culus
Laysku Shiishay Baaruud
Ninka Dhiig u soo shubay
Ee Shahiid Ku Talo Galay
Markuu Saaka Shaacee
Qiiq Shareeran Daawaday
Shalay Dhaantay buu yidhi!!!

Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad

laabsaalaxow shiiq
ninkastoo shax dhigi jiray
masdilkaa ka shicib badan
jiiraanka soo shiri
wax u sheeg haweenkii
ubadkiina kaga shubay
shookaanta kuu qabay
shib dhe kii la odhan jiray
shicib waa" indheergarad

markii shaalka loo sudhay
iyagoo wan shilis qalay
waa kuwaa shariiryaha
cunayee ka sheekee

iyagoo intii shalay
aan shilin cid uga tagin
waa kuwaa shandado kale
rartayee ka sheekee

cirkanoon raxmaad shubin
shansannoo abaaro ah
bal kuwaa shaqaystee
shilinkii yimaadaba
shuuqsaday ka sheekee

sida shaagga loo rogo
shishe iyo dib loo wado
waa kuwaa shuruucdii
shabagii ugaadhsiga
ka dhigee ka sheekee

shaqaaqooyin faafiyo
xaalado shacbiga dhiba
guddi shaaci mooyee
awoodaha dabkoo shidan
shuuriya ka sheekee

shaqsibaa la doortee
shaadh bira rag loo tolay
iyo dhowr shalmado xidhan
shidhku deeqi maayee
shil intaanu wali galin
wadayaal ka sheekee

waa amar shirkadahoow
u shaqeeya caynkaa
shilinkaa la kabayaa
bal inay shantarad tahay
shalay uun go’aankii
dhacay uun ka sheekee

baryahaaba shalowyay
qodayeen shisheeyuhu
shaqadooda yaa yidhi
shidaal baadhis weeyaan
sahan aan xog sheegayn
bal aduu ka sheekee
Dhamaadka wada sheekaysiga

Abwaan AXMED CISMAAN BATUUN

Shirka maansayahankee
Xasan shaaciyoow bado
Ha is dhaafo shoocaac
darandoorriyoo shuba
Shida oo ha oogsado
Ha shaqeeyo golihii
Shiishka saari jiray meel
Ee shicibku tabayeen
Hala gubo shayaadiin
Ku shaqaysta dhawr magac
Qudhayduna shilays iyo
Murti sheegan maayoo
Shaaggaan u rogayaa
Shookaanna ma lehee
Ragii shiili jirayee
Sida shaanbaddoo kale
Shadka saari jiraybaan
Xalay sheedda ka arkoo
Isla shawrisbaa tidhi
La shaqee abwaanada
Kala shubay warkiinii
Shaandheeyay weedhaha
Runtu waa shahiidnimo
Dadna shaahid weeyaan
Gefka sheelan lagu yuus
Hal abuurka shicibkuna
U bayaami shuqulada
Shakaal goo dulqaadkii
Shar ka wayn siyaasiga
Iyo sheeko daahnayd
Hal abuurku isu sheeg
Sharafyahaw maryaha tolo
Adna sheekh haldeeqoow
Qabo shamaca nuurka leh
Ha shallaado maansadu.....
Abwaan Axmed Fartaag
Sheekha lacagta qaatee
Shib ka yidhi xaqiiyee
Shilmaad ku doorsaday
Inuu diinta sheeguu
Shakaal dawlad lagu xidho
Shacabkana wanaag faro
Sharka iyo dhibaatada
Dadka shoolad uga digo
Xasanow. Ku shubashadu
Sharaftii Abwaanada
Qaar bay shalaadkii
Kaba shuuri tidhi-yoo
Runta uga shakaalmee
Saw siyaasi sheekada
Shaxda ruuxa lagu d**o
Kubad shabaqa muu dhigin
Waxa shiinka keenaa
Bal in loo sharaxo iyo
Dadku shaafi sugayee
Shaqalkiyo u jeedada
Shibanaha bal noo sheeg

Cabdiraxmaan Cismaan Cumar Xaaji

Laabsaalax sheekadu
Shir jara.id qabashiyo
Shaashada ha dhaafte
Inagoon wax sheelayn
Shicibkiyo dadwaynaha
Shilkan faraha lo dariyo
Shiddo qaranku moogyahay
Shaaca mawga qaadnaa?
shisheeyaha la so raree
Shilimaadka laga raba
Waa shir qool badheedhe
Sharaxaad ma ka bixina?

Abwaan Cabdi Wali Saxardiid

Shar la aan mid nabadiyo
Dalka weli shil k**a dhicin
Shifo caafimaad iyo
Shukri mahad ah weeyaan
Shicirka iyo maansada
Ragga shaqalka erayada
Shibanaha ka yeedhshow
Shadka alifka diidiyo
Waxa keenay shaashada
Shicibkaa horseed ka ah
Shilalkay is geeyeen
Ayaa lagu shukulayaa
Iyagaa shalaaftiyo
Isu gooya shirixyada
Iyagaa shirqoolkiyo
Isku xidhaya shookiga
Shar la aan mid nabadiyo
Dalka weli shil k**a dhicin
Shifo caafimaad iyo
Shukri mahad ah weeyaan
Shicirka iyo maansada
Ragga shaqalka erayada
Shibanaha ka yeedhshow
Shadka alifka diidiyo
Waxa keenay shaashada
Shicibkaa horseed ka ah
Shilalkay is geeyeen
Ayaa lagu shukulayaa
Iyagaa shalaaftiyo
Isu gooya shirixyada
Iyagaa shirqoolkiyo
Isku xidhaya shookiga
Iyagaa shacaabkiyo
Iska tuura shalawyda
Iyagaa shilka dhaca
Isku aadsha shiishkoo
Nacab sheela duxa wadan
Dhiigood u shubayoo
Iyagaa shax guurkiyo
Isu keena sharaf dhaca
Shuushkiyo warwerkiyo
Shaabuuga lala dhacay
Dib inay u shawraan
Ugu sheega gabayada
Iyagaa shacaabkiyo
Iska tuura shalawyda
Iyagaa shilka dhaca
Isku aadsha shiishkoo
Nacab sheela duxa wadan
Dhiigood u shubayoo
Iyagaa shax guurkiyo
Isu keena sharaf dhaca
Shuushkiyo warwerkiyo
Shaabuuga lala dhacay
Dib inay u shawraan
Ugu sheega gabayada

Abwaanad Layla Sagal Cali

Niman kiinan showree
Sheekaysanaayoow
Duni shaama reertaad
Shawakhaad la joogtaan
Shax nimaan aqoon oon
Kala shubin aduunkoon
Shacabkana jihaynayn
Miyuu shaahba helayaa
Waxa loo shushubayaa
Lagu kala shaqaystaa
Shuqul gaara weeyoo
Inbaa sheer wadaagtoo
Dabka shidi taqaanoo
Dalka shoolad baa taal
Lagu shiilo maatida
Hilbohooda shuukhana
Shilimaad la dhaafsado
Hal-abuur shantiiniyo
Shankalaa fayow oon
Wali shuuxu gaadhine
Taxliil sida sharaabkii
Intaan lagugu soo shubin
Shaashadaha istaagoo
Shiishkiina meel dheer
Ku shakaala weedhoo
Hiilka shacabka soo gala
Baaqaa shirwaynee
Laabsaalax sheegee
Batuun shaacinaayee
Burmad shamac u daaruu
Shocaacii ka qaadiyo
Curinteda shiin-lay
Yaan la iska sheeline
Cida shaadh cadaanniyo
Huwan sharaf dadkiisiyo
Shaadh madoow kuwii xidhan
Haka eegin sheedoo
Runta shaal ha saarine
Golayaal ka sheegoo
Shaaracyada balsoo tuba
Shaandho aan u qaadnoo
Ha wareego shuushkuye

Abdilahi Hasan Ganey

Wax la sheeli karayoo
La shareero Dhuxuloow (Duhul)
Shilku waa ka waynyee
Hal abuurkan shirayaa
Wax ma shaafin karayaan?

Halabuurkan shirayaa
Shicibkooda quustee
Laga shubay kalsoonida
Laga shiilay dhaqankii
Shilinkoodi laga cunay
ee sharafta laga dilay
Wax maw sheegi karayaan???

Gudcur bahal shanqadhayaa
Shaki galiyey beeshee
Halabuurkan shirayaa
Shamasadoo aroortiii
Nuurkeedu shaaciyo
Sida shamac ma nuuraan???

Abwaan Sulub Sh Maxmuud •

Xasanow shuruudiyo
Kala sheegan hadalkuye
Shaan dhee ujeedada
Adigoon wax sheelayn

shuqulkiyo shabaag taba
Haday shicibku moogyiin
Shaki k**a aloosmeen
Sheekooyin kii dhacay
Shirabkiyo waxqabadkuna
shaan shaan intuu yahay
waasheed ka,daalaco
Hadalada shalaal ka ah
Shax shax iyo shirbuuq buuq
Waxma shaafiyaayee
Shaaracu ha,muuqdee
Shilisaa warkeenani
Tiifiigu wariyaa

Damiirkii shirqool baa
Shafka loogu xidhayoo
Ma,sharaysto shicibkii
Haduu shilinku maamulay
Shaxaad kaaba looshiray
Garashaduna waasheed

An shirabo ujeedada
Shiishkaygu daarane
Xasanow shaxdaa gabay
Adaa sooshirabayoo
shaaraca dhex keenaye
Ma,shaan dheeyay aniguna
Garashadii shiraaqnayd


Sakariye jaamac muuse

Hadalkiinu yuu shiikhin
Yaan shaadhka laga saarin
Yaaan shiishka laga weecin
Sheekadu halkay joogto
Shaxda yaan la wada fiirsan
Dadku yaanay wada shuuqsan
Cidkastaaba shaashaynin
Shinbiruu ka qayb qaadan
Marka aad shir doonayso
Kaligaa in aad shawrto
Shacabkoo dhan ha u sheegin
Shamac yaaan la wada daaran
Ha shukulin galay shiidan
Adoon shaandhadii haysan
Shiraaq laguma kala haadsho
Shaadh looma dhigo heeda
Shiidku yaanu kaaa gaaban
Shiishku yaanu kaa weecan
Adoo rabay shariim hoose
Dadka inad u wada sheegto
Sharka haysku soo leexin
Shubka sare ha soo duminin
Shini haysku kaa kicinin
Shalay malabki laga qaatay
Si laguula kala Shiilo
Abwaanadu u shaandhayso
Shiinku waa halkeer dhawe
Erayada shishaaa fiican
Dadka inaad wax ugu sheegto
Adigoo shar diidaaya
Adoo tuugo sheegaaya
Shilimaadki guranayaa
Sheekh ilaahay adigoo ah
Shacabkana u doodaaya
Hadaad shiishka garan waydo
Sharaxaadu kaa baydho
Adigaa shil gali doona
Shalaw buur ka odhan doona
Dadeed shib odhan doona
Shaxdu si ay u waynaato
Shaqalkuna u fiicnaado
Waar shiinkan naga daaya
Oo sheeko kale keena

Mustafe Xasan Cabdillahi

Dab lashiday kulay keen
Shax ladegay irmaandhal
Dayaxuna shinkiisii
Isagoon shucaac qabin
Shamsa noqoy nurkiisii
Shimbirkiyo ugaadhii
Shanqadh daaye waayadan
Shabagii sakaarada
Dalaq yidhi shabeelkii
Sharaf dhimatay waayeel
Shilin noqoy hankiisii
Shacabkuna damiirkii
Sharci noqoy wixii uu
Ka diddaayey shalayto
Aniguna shilkaa dhcay
Anfariir shantaa dhaban
Yaabkii ku shaanbee!
Shirkan ay abwaanadu
Shiinlay ka curiyeen
Ninba maankiis shiilyoo
Shookaanta maansada
Hadba meel ku shiishye
Waa su'aale sheekhow
Shakibaabay igalisee
Dowladnimo ma shaadhbaa?
Suudh iyo shaxaadbaa?
Danyaraha shiddeeyoo
Shaanshadooda loogba?
Wankii shilisba waayadan
Sheekhii bireeyee
Badhidiyo shariiryaha
Subagiisa shiilee
Haamaha ku shubaya
Ma siyaasi sheegbaa?
Waa maxay sharkani dhacay?
Ee shishe la eegayn!

Cabdi Aadan
duulka aan sharmooye
lagu sheegin kheyrke
wanka shilis shaley qaley.
cidna shilinka uga tegin
cirka gudhan shanta sano.
ka shaqeysanaya
ma shaydaan tahriibo
shixnadu sideenba?
ma shisheeye cadawo
dalka shaleyta yimido
shaaliyo khamiis la?

Raganimo Omar

Murtideeni shiilayd
Sharafteedu way nayd
Sharaxaada maansada
Sharka lagu cadayn jiray
Hadii lagu shaxaatamo
Shaadh madaxda loo xidho
Sheekh male warkeeduye
Abwaanadan shiraayoow
Shaacaba ka qadoo
Sharcigana ha dhaafina
Sheedaad ka aragtee
Sharaftana u meel daya
Shicibkana ha shashayn
Madaxdana ha shaaabadin
Sheeg sheegtay xumahee
Wanagana bal shaandheeya..

Siciid ibraahin Dool
Wali sheeko wa bilaw
shaxda jeexan ee dhigan
hawmalayn shantaradii
wa shiish abawaan sugay
wa shabag badwayn yaaal
wa ceel shan baac qodan
wana laba shub mansadu

YUUSUF XUSEEN DAAHIR

Shukran Ina batuun iyo
Shanta shamac daartaay
Shirka aad Ku baaqdeen
Shacabkii tabaayaa
Shifo yidhi warkiineee
Ula jeedka sheekada
shaaca Aan ka qaadee
shaad madoobahaa badan
Kushaqaysa shacabkee
Runta shaadir saaree
Xaqiiqada shareeree
Shirqoolada maleegee
Cirka shaadir baa sudhan
Shaqal baa Ku maran wali
Shacabkana shakaalbaa
Shanshadiyo boqnaha jaray
Shamac baydun daarteen
Sharbaad dayraysaanoo
Sheekadii iblayskiyo
Shaydaan sharkiisaad
runta Aad ka sheegteen
Shirka maag ha noqonina
Sharka ruuxa jecel iyo
Shaydaan ha shuuqee
Sheedakana inoo wada
Shicibkeena shaafiya
Shaydaanka naaroo
Sharwaduhu ha quustee
Shuba oo wacdara dhiga

CAYDARUUS XUSEEN

🔘Mid shexaada maatida
🔘Hantidooda shuuqsada
🔘Mid agoonta shalamsada
🔘Shilinkooda heensada
🔘Shirkadaha shisheeyaha
🔘Mid shuruud la soo gala
🔘Mid cabudhiya shacabkoo
🔘Ruuxii wax sheegaba
🔘Shabag jeela ku hubsada
🔘Mid i kala shir-shiriyoo
🔘Dadka kii shucuur daran
🔘Shilimaad ku harawsada
🔘Labadii yar shawrtee
🔘Sheeko yara wadaagtaba
🔘Mid dhinmbiil ku kala shida
🔘Shoodh kulul isugu xidha
🔘Kii aan shakaaleen
🔘Shirabeen Aloosoba
🔘bal maxaa shabeel iyo
🔘Shaarubo libaaxliyo
🔘Shar wadeen ka wada dhigay
🔘Shacabkiyo dadkaygii
🔘Shib maxaa ka wada dhigay
🔘walee shaalki ceebow
🔘Sharaf dhace khamiisyadi
🔘Iga dhimatay sheekhnimo
🔘Inta shiinka maansada
🔘Shaxda ila fahmaysaay
🔘Wada shiisha godadkaa
🔘Wada shiida bohoshaa
🔘Shalaw yada ku wada rida
🔘Inta shaadh waraabuhu
🔘Shankaroon la maqan yahay
🔘Ku shalaada maansada
🔘Cuud iyo ku shida foox
🔘Shugux shugux ku wada tuma
🔘Hooy shuushka wada dheha
🔘Shimbroow ku wada ciya
🔘Yuu maqasha shaashayn
🔘Wankuu shiilayuu cunay
🔘Shanshaduu liqee maqan
🔘Ha matago shan-laabkeed

ISMAACIIL XUSEEN

Shaxda jeexan eefuran
Shiinlay kumagac dhaban
Ninba shiishay aragii
Ana shifaytooo
Shaxda dhiga markaygee
Sheekada inoo wada

Mansadu shishaysaa
Shiishkeedu adagaa
Ma shoqul dawladeedbaa
Ma shirqoolkii coldoniyo
Baashe loo shirabaybaa

Ma Madaxdeena shilinkiyo
Shaxaadkuun taqaane
Dalka meesha ladaniyo
Meeshii badrool yaal
Shisheeyaha ka iibshaa

Shiinkiyo ujeedada
Dadka haw wada shidnaadee
Shaaca maad ka qaadaan
Maxaad shiikhinaysaan

Laabsalaxaw sheeg
Shekadaad maldahaysee
Shiinka aad ka curisee
Birmad ina sadiiq iyo
Batuun aan Ku sharaftee
Shaqalkana kudaahdeen

Donidaa shiracane
Shixnadeedu maqantay
Iyana yay urarnayd sheeg

ABAWAN CALI DUULDUUL

Nimankiina shirayee
sheekada ka doodee
shaan shaan ka tuurow
waxa aad sheminaysaan
ama aad la shoocdeen
shiinley ka tiriseen
shiishka ba,ana saarten
shaadhka adag uu geliseen
Ama shooladaysen
Shaqaladda ku tebiseen
Shilaaladana siiseen
shacni k**a dul muuqde
xageeba ku shubaysaan
ama aad ka showrteEn
bal shirkaasi ku yahay
iisheega niman yahow?????

Address

Hargeisa
00252

Telephone

002524046327

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sil-silada Shiinley 2 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share