Xariif Hargeysa

Xariif Hargeysa Kusoo dhawoow Xariif hargeysa
Waxa aad ka helaysaa barnaamijyo xiiso leh

17/01/2023

Maxaa ku dhacey dadkii madoobaa ee reer agentina

12/12/2022

Layaabka koobka adduunka 2022

1- France🇫🇷waxay ka adkaatay Australia🇦🇹
Australia🇦🇹 waxay ka adkaatay Tunisia🇹🇳
Tunisia🇹🇳waxay ka adkaatay France🇫🇷

2- Saudi arabia🇸🇦waxay ka adkaatay Argentina
Argentina🇦🇷 waxay ka adkaatay Mexico🇲🇽
Mexico🇲🇽waxay ka adkaatay Saudi arabia🇸🇦

3 - Jappan 🇯🇵waxay ka adkaatay Germany🇩🇪
Germany 🇩🇪waxay ka adkaatay Costa Rica🇨🇷
Costa Rica 🇨🇷waxay ka adkaatay jappan🇯🇵

4- Portugal🇵🇹waxay ka adkaatay Ghana🇬🇭
Ghana 🇬🇭waxay ka adkaatay South korea🇰🇷
South Korea🇰🇷 waxay ka adkaatay Portugal🇵🇹

5- Brazil🇧🇷waxay ka adkaatay Switzerland 🇨🇭
Switzerland🇨🇭 waxay ka adkaatay Cameron🇨🇲
Cameron 🇨🇲waxay ka adkaatay Brazil🇧🇷

Mr Abuubakar oo Muxaadaro uu ku qabanaayo Minneapolis lagu galayo $50 dollar Qofkiiba.Muxaadaradu Ma Waxay Isku Baddesha...
06/09/2022

Mr Abuubakar oo Muxaadaro uu ku qabanaayo Minneapolis lagu galayo $50 dollar Qofkiiba.

Muxaadaradu Ma Waxay Isku Baddeshay Show Mise Ganacsi.

19/04/2022

Dalka ay dadkiisu sida soomaalida oo kale u socodka badan yihiin

13/04/2022

Wali ma aragtey sigaar lagu afurayo ramadaanta majaajilo qosol badan
Abdihakin br,Abti liibaan iyo diidan 😂😂

01/04/2022

5 ta qoys ee ugu yaabka iyo khatarta badan caalamka

Ninkan magaciisu waa Felix Batista  waa nin amerikaan ah oo khabiir ku ah soo deynta dadka af-duubka loo haysto.Wuxuu ku...
22/01/2022

Ninkan magaciisu waa Felix Batista waa nin amerikaan ah oo khabiir ku ah soo deynta dadka af-duubka loo haysto.
Wuxuu ku guuleystay inuu wada-hadal ku sii daayo 100 xaaladood oo af-duub ah.

Maraykan caan ayuu ka ahaa oo qofkii af-duub loo qabsado isagaa la wici jiray si uu afduubkaas u xaliyo, sanadkii 2008 ayuu arday jaamacadeed u jeediyey khudbad dheer oo uu cinwaan uga dhigay (Sidee uga badbaadi kartaa af-duubka)
Markuu khudbaddii dhammeeyey ayaa isagii la af-duubtay ilaa iyo haddana waa la la'yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay!

✍Mustaf Awil Hassan

QISO KU CIBRO QAADASHO MUDANHaala Catiiq waxay aheyd gabadh yar 13 jir ah oo u dhalatay dalka suuriya,Sanadkii 1955 ayuu...
25/11/2021

QISO KU CIBRO QAADASHO MUDAN
Haala Catiiq waxay aheyd gabadh yar 13 jir ah oo u dhalatay dalka suuriya,
Sanadkii 1955 ayuu Aabaheed go'aan saday in isaga iyo qoyskiisuba u guuraan dalka maraykanka.

Qoysku wuxuu ka koobnaa Caatiq, Xaaskiisa iyo saddex gabdhood oo ay dhaleen oo Haala Catiiq ugu yar tahay.

Diyaaradii ay soo raaceen waxay cagaha dhigatay magaalada Newyork, balse iyagu waxay rabaan inay uga sii ambabaxaan gobolka california oo ah meesha ay rabaan inay degaan.

Markay ka dageen garoonka Newyork ayaa hooyadii iyo saddexdeeda gabdhood laga dalbaday inay xijaabka iska bixiyaan si sawir looga qaado, kadibna loogu dhejiyo Green Card-ka.

Hooyadu marka h**e way ka caga-jiiday balse markii dambe way ogolaatay.
Gabadhii u weyneyd gabdhaheeda iyadana wey ogolaatay in sawir laga qaado xijaab la'aan, gabadhii labaad iyadana way ogolaatay.

Kadib waxaa la soo gaaray gabadhii reerka u yareyd ee Haala catiiq, markii la yiri xijaabka iska bixi wey diiday, wax badan ayey gaaladii isku dayeen inay gabadha yar ku qanciyaan inay xijaabka iska siibto si sawirka looga qaado balse go'aankeedii ayey ku adkeysatay.

Waxay bilaabeen ina ugu hanjabaan inay dalkeedii suuriya ku celin doonaan, haddii ay ogolaan waydo inay xijaabka iska bixiso.
Haala waxaas oo dhan dheg-jalaq uma siin.
Ugu dambeyn waxay go'aan sadeen in iyadoo xijaabkeeda wadata sawirka laga qaado, sidii baana la yeelay oo sawirkii looga qaaday laguna siiyey Kaarka Cagaaran ( Green card).

Waxay noqotay gabadhii ugu h**eysay ee Green cardka sawirkeeda lagu dhejiyo iyadoo xijaaban.

Diyaaraddii ay rabeen inay sii raacaan ee California u socotay ayaa loo sheegay inay ka tagtay maadaama ay soo habsaameen.

Saacado kadib waxay warbaahinta ka maqleen in ay burburtay diyaaradii u socotay California ee ay markii h**e rabeen inay raacaan.

Haala ayaa tiri: Fadliga ilaahay iyo xijaabka aan diiday inaan iska bixiyo ayuu ilaahay nooga badbaadiyey geeri.

Fadlan like saar page-ka
Mahadsanid

Keligii taliyihii Soofiyeetka ee Joseph Stalin ayaa isaga oo xafiiskiisa fadhiya waxa loo sheegay in uu albaabka h**e ta...
22/11/2021

Keligii taliyihii Soofiyeetka ee Joseph Stalin ayaa isaga oo xafiiskiisa fadhiya waxa loo sheegay in uu albaabka h**e taagan yahay nin sheeganaya in uu ogyahay waxa dhici doona mustaqbalka isla markaana uu rabo in uu wax badan uga sheego wixii soo socda.

Stalin ayaa si kedis ah u amray in la dilo ninkaa isaga ah, markii sababta la weydiiyeyna waxa uu yidhi " haddii uu ogyahay waxa mustaqbalka dhici doona, maantaba luguhiisa kumuu soo doonteen wadkiisa" sidii ayaana ninkii lagu dilay.🤣

"SEDEX FAA,IIDO OO SIGAAR CABAYAASHU DHAXLAAN1) sigaar cabayaashu ma gaboobaan!2) sigaar cabaha  ma qaniinaan eydu.3) si...
24/10/2021

"SEDEX FAA,IIDO OO SIGAAR CABAYAASHU DHAXLAAN

1) sigaar cabayaashu ma gaboobaan!
2) sigaar cabaha ma qaniinaan eydu.
3) sigaar cabaha masoo weeraraan tuugtu(thieves)marka ay hurdaan.

1;sigaar cabayaashu ma gaboobaan! Maxaa yeelay dhalin yarnimo ayay ku dhintaan iyadoo loo aaneynayo dhaawac ka dhan ah sanbabka(lung) iyo dhibaatooyin kale.
2) sigaar cabaha ma qaniinaan eydu.
Maxaa yeelay sanbabkoodu waa dhaawacmay waxayna ku tukubayaan ul(stick ) ayduna dadka usha gacmaha kuwata wey ka cabsadaan.
3)sigaar cabaha masoo weeraraan tuugtu(thieves) marka ay hurdaan.
Sababtoo ah sigaar cabayaashu mar kasta waxa ay lasoo jeedaan qufac.

FG:- iska jooji cabitaanka sigaarka .
Page ka like saar postigana share dheh mahadsanid

Haddii aad dhulka ka safarto adigoo 15sano jir ah, oo aad raacdo gaadiid cireed ku socda xawaaraha iftiinka, oo aad 5 sa...
12/10/2021

Haddii aad dhulka ka safarto adigoo 15sano jir ah, oo aad raacdo gaadiid cireed ku socda xawaaraha iftiinka, oo aad 5 sano dhulka ka maqnaato.
Marka aad dhulka ku so noqoto da'daadu waxay noqon doontaa 20 sano.

laakiin arinta layaabka leh ayaa ah in dhammaan saaxiibadaadii 15sano jirka ahaa markaad safarka gelaysay ee aad isku da'da aheydeen, markaad soo laabato da'doodu waxay noqon doontaa 65 sano, aragtidan waxaa physics-ka lagu dhahaa (Time dilation) waxaana aragtidan hindisay saynisyahankii (Albert Einstein).

07/10/2021

Maclumad Xog badan Ka buuxdo Ka faaideyso

1: Ma Ogtahay Dadka Qabuurahooda in ay Ka Soo baxayaan ayagoo Qaawan Aan gudneen .

2: Ma Ogtahay Gaalka Markii Uu Qabriga Ka soo baxayo Wuxuu Soo baxayaa isagoo Madaxa Ku Socda Waa indhool Dhaga la' Aan Hadli Karin *
[ ونحشرهم يوم القيامة على وجوههم عميا وبكما وصما]:

3: Ma Ogtahay Marka Qofka Uu Ka soo baxayo Qabriga Waxaa banaanka Ku Sugeyso Labo Malag Mid Kaxeeynayo iyo Mid Marag furaayo*
[ وجائت كل نفس معها سائق وشهيد]:

4: Ma Ogtahay In Marka Qofka Muslimka ah Qabriga Ka soo baxo banaanka Ku Sugeyso Daabat Uu Koro Maxsharkane geyneyso Oo Uusan Lugihiisa Ku tageyn *
[ يوم نحشر المتقين الى الرحمن وفدا]:
5: Ma Ogtahay Dadka in ay Dambiyadooda Oo Ad U Culus Dhabarkooda Ku qaadi doonan *
[ وهم يحملون أوزارهم على ظهورهم]:
6: Ma Ogtahay in ay jiraan Dad Xambaarsan Dambiyadooda iyo Dambiyada Dad Kale Uu Xantay Ama Dulmiyay *
[ وليحملن أثقالهم واثقالا مع أثقالهم] :

7: Ma Ogtahay Haddii Aad Dambi dhaaf allah Weeydiisato Kuu dhaafayo dambigaada Markad aqrisato Dheh أستغغرالله *

Allow Khaatumada Noo hagaaji Aamiin.
Fadlan like saar page ka

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xariif Hargeysa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category