Mohamed Bulshaawi

Mohamed Bulshaawi Ku soodhawoow pageka follow dheh isla socod wacan

DUGSI LA XIDHAY, ARDAY MUSTAQBALKOODII LAGA XANNIBAY.Waxaa si weyn loo su’aalayaa go’aanka ay Wasaaradda Waxbarashada So...
01/09/2026

DUGSI LA XIDHAY, ARDAY MUSTAQBALKOODII LAGA XANNIBAY.

Waxaa si weyn loo su’aalayaa go’aanka ay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ku xidhay Beer Agricultural Technical School, oo ku yaalla magaalada Beer.

Dugsigan oo ku yaalla magaalada Beer ma ahayn dugsi yar oo ku koobnaa hal deegaan. Waxay ahayd xarun ay ardaydu uga iman jireen lixda gobol ee Somaliland, iyagoo u imanayay inay bartaan Culuumta iyo Farsamada Beeraha.

Tabashada ardaydan yaa ka jawaabaya?

Su’aasha ugu weyn ee dowladda loo baahan yahay in la waydiiyo waa: Ardaydii dugsigan dhiganaysay maxay wasaaradu ka yeeshay?

Haddii xaruntii la xidhay, ma la siiyay ardayda fursad kale oo ay waxbarashadooda ku sii wataan? Ma loo wareejiyay xarumo kale? Ma la tixgeliyay duruufaha qoysaskooda iyo deegaanka ay ku nool yihiin?

Ardaygu ma aha tiro ku qoran warqad. Waa qof leh riyo, waqti iyo mustaqbal uu dhisanayay. Xidhitaanka xarun waxbarasho iyada oo aan la helin xal cad oo lagu badalay waxbarashadoodii waxay keeni kartaa in qaar badan ay ka hadhaan waxbarashada.

Magaalada Beer miyay mudantahay in la dayaco?

Magaalada Beer iyo deegaannadeeda waxay xaq u leeyihiin adeeg waxbarasho oo tayo leh.

Haddii Beer Agricultural Technical School la xidhay, Wasaaraddu waa inay bulshada magaalada Beer u sheegtaa qorshaha ay u hayso waxbarashada dhalinyarada deegaanka.

Waxbarashada beeruhu waa maalgashi, ma aha culays inay ku noqoto dawaladda

Bulshooyinka ku tiirsan beeraha waxay u baahan yihiin aqoon ka badan tii h**e.

Isbeddelka cimiladda, biyo-yaraanta, nabaad-guurka carrada iyo baahida sii kordhaysa ee cuntadu waxay u baahan yihiin dhalinyaro leh aqoon farsamo iyo aqoon cilmiyeed.

Markaa halkii la xidhi lahaa xarumaha lagu barto beeraha, waxay kaga habboonayd in la xoojiyo, la qalabeeyo, lana gaadhsiiyo agab casri ah.

Dalka aan dhalinyaradiisa barin sida cuntada loo soo saaro, wuxuu mustaqbalka ku qasbanaanayaa inuu cuntada ka raadsado meelo kale.

Xigasho CM

Abwaan Shilke Ciidamo la halgama dab iyo holacNaftood-hurayaal u hagarbaxaHalkii gubanaysa, horu-tagaHalyeeyo noloshoodu...
01/09/2026

Abwaan Shilke
Ciidamo la halgama dab iyo holac
Naftood-hurayaal u hagarbaxa
Halkii gubanaysa, horu-taga
Halyeeyo noloshoodu hibo tahay
Habaaskiyo qiiqa ku habsada

Ciidan aan ku halayn cid hawl adag
Nabadda u haliga, hedda u jara
Hanado u badheedha haab shidan
Habeen iyo maalin heegan ah
Hufnaan iyo daacad lagu hubo

Qof uu hog la go’ay, habeen dumay
Haween iyo maato halis galay
Ciidamo hagardaamo kaga hadhin
Hooyada u gurmada, habheeb sudhan
Aqoon hanaqaaday lagu hago

Ciidamo ku hubaysan hiil shacab
Halbawlaha dhiigga kala haga
Halkuu ugu jiro hilbaha kale
Hal-adayg ugu yaal hantida qaran
Huwaday waxa tiin hibiyo sharaf

Si uu goor habboon u hawlgalo
Hayaanka Dab-demiska hoodale
Si aan loo habsaamin, loo hodin
Hilinka uga baxa had iyo jeeroo
Hadduu tumo hoonka, ka hor kaca🔊

Ciidanka Dab-demiska Somaliland
Alle haydin guuleeyo markasta💪💪

01/09/2026

Degaanka warta Reer-Dood ka ee degmada Balidhiig ee gobolka Togdheer aan lahayn goob waxbarasho ayaa loo dhagax dhigay Dugsi cusub.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ku dhawaaqay in la fulinayo mushahar kordhintii Ciidanka Qarank...
31/08/2026

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ku dhawaaqay in la fulinayo mushahar kordhintii Ciidanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Yuusuf Cali iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta jiiddaha h**e ee Ciidanka Qaranka ee Oog kulamo kula la yeeshay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is-xog-waraysi iyo dhegaysiga baahiyaha ciidanka, ayaa lagu falanqeeyay xaaladda askarta iyo sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha ay soo bandhigeen.
Masuuliyiinta ayaa si qoto dheer u dhegaystay qodobada ay ciidanku soo jeediyeen, iyagoo muujiyay in tixgelin weyn la siinayo daryeelka askariga iyo guud ahaanba Ciidanka Qaranka.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa markii uu kulanku soo dhammaaday waxay ciidanka ku bogaadiyeen kaalinta aan la beddeli karin ee ay ugu jiraan dalka, gaar ahaan ilaalinta qarannimada, nabadgelyada shacabka iyo difaaca xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Masuuliyiinta ayaa ciidamada ugu bushaareeyey in qorshaha horumarinta ciidanka lagu daray korodhka mushaharka, kaas oo si rasmi ah u dhaqan-geli doona laga bilaabo bisha January ee sannadka 2027. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha fog ee lagu tayaynayo nolosha iyo qalabka Ciidanka Qaranka, waxaana la balan qaaday in kordhinta mushahar kooda boqolkii konton loo kordhin doono 2027.
Ugu dambayn, Wasiirka iyo Taliyuhu waxay ciidamada fareen inay dhowraan anshaxa, midnimada iyo kala dambaynta ciidannimo, iyagoo xusay in wixii tabasho ah looga baahan yahay in lagu xalliyo nidaamka wada-tashiga iyo marinada rasmiga ah ee ciidanku leeyahay, halkii laga dooran lahaa dariiq kasta oo wax u dhimi kara sumcadda Ciidanka Qaranka.
Kulankan ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Guudba uga go’an tahay dhagaysiga iyo daryeelka naf-huraayaasha qaranka, si loo sii xoojiyo wada-shaqaynta dhex marta hoggaanka iyo askarta safka h**e.

29/08/2026

Oday 80 jir ah oo ka yimi tuulada Didiinta ee Togdheer oo cabasho weyn muujiyey.

29/08/2026

Musharax Xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac ayaa Dayactir iyo Hagaajin ku sameeyey Wadooyinka maraa Degmooyinka Balidhiig,Qorilugud,Taalo-Buur iyo Coodanle

Ma Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer baa, mise waa Guddiga Horumarinta ee Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda uga wakiilka...
27/08/2026

Ma Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer baa, mise waa Guddiga Horumarinta ee Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda uga wakiilka ah Gobolka Togdheer?

Maalmahan aad ayaan ula socday guddiga laga samaynayo Gobolka Togdheer, gaar ahaan guddigii xukuumaddu samaysay ee maanta lagu dhawaaqay.

Markii h**e waxaan filayay in arrintan dood badan laga geli doono, su’aasha ugu horreysana ay noqon doonto: Maxaa guddi looga baahan yahay? Ma u baahanahay hadda ? Maxay noqonayaan waajibaadkiisu iyo awooddiisu, yaa soo xulaya haddii loo baahdo?,Waxa aan aad u filayay in dadka reer Burco ee aqoonta, waayo-aragnimada iyo fahamka wanaagsan u leh arrimaha horumarka la dhegaysto; in marka h**e la isla qeexo guddiga loo baahan yahay, ujeeddadiisa iyo shaqadiisa, ka dibna reer Burco loo daayo inay soo xushaan dadka ay u arkaan inay ku habboon yihiin.

Nasiib darro, intaas midna ma dhicin. Guddi ayaa h**e laga sameeyay, waliba iyada oo aan aqoon, iyo waayo aragnimo midna loo eegin, ee loo eegay saamiga beelaha,Guddigan cusub, inta aan ka arkay liiska lagu dhawaaqay, kuma arag, dadkii aqoonta iyo khibradda u lahaa qaybaha kala duwan ee horumarka—sida, diinta, dhaqaalaha, maamulka, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo guud ahaan haldoorkii Burco iyo Togdheerba.

Sidoo kale, waxa yaab igu noqotay, in aan guddiga aan lagu darin hal gabadh ah iyo dhallinyartii firfircoonayd ee gobolka ka soo baxday midna.
Gobolka Togdheer waxa jooga hablo iyo wiilal badan oo firfircoon, aqoon leh, hal-abuur leh, isla markaana h**e uga qayb qaatay horumarka gobolka, kuwaas oo wax badan ka tari lahaa shaqadan, iyo haddii loo baahanayahy horumar wayn oo waaraba.

Ugu danbayntii, waxa aan qabaa in guddigani ayna waxba ka beddelayn caqabadihii ka jiray gobolka, iyo tabashadii ay dadka reer Burco ka qabeen xukuumadda Somaliland ee hadda iyo kuwii h**eba.

Doodu waa inoo furantahay."

Burco Guddi Uma Baahna, Horumar Iyo Mashaariic Ayay U Baahan Tahay Waxaan ka digayaa guddida qabyaaladda ee magaallada B...
26/08/2026

Burco Guddi Uma Baahna, Horumar Iyo Mashaariic Ayay U Baahan Tahay

Waxaan ka digayaa guddida qabyaaladda ee magaallada Burco laga samaynayo, ee wasiirka Macalin ka waddo. H**e magaallada waxa ragaadiyey qabyaalad ay "cunfi" ugu yeedheen oo xilalka lagu qaybsado. Maayarka, Badhasaabka, iyo Xoghaya, waxa lagu qaybsadaa waa "cunfi" wax official ah maaha ee waa informal practise, hadda se iyadoo maanta taasna meesha laga saaray oo ay dhinac ka rar-tahay, haddana in guddi kale oo qabyaaladeed la sameeyo waa dibudhac iyo burbur kale oo magaaladda lagu ragaadinayo. .

2021 intii aan xildhibaanka noqday , waxaan ka shaqaynayey in bulshada reer Burco isdhexgasho, mid ahaato,, wax wada yeelato, wax wada qabsato oo horumar wada gaadho, waxaan ka soo baxay xisbiga Waddani; waxaan hormuud u ahaa iskaa wax u qabso aan ku dhisnay khayriyadda Burco 14 cisho oo keliya. in badan baan shantaa sano ka shaqeeyey Burco wanaaggeedda, hase yeeshee, maanta wasiirkii xukuumadda ayaa ka shaqaynaya Burco xumaanteeda, burburkeeda iyo kala qaybinteeda,golihii deegaanka ee la soo doortayna qabyaaladeeyo, waa markii koobaad oo gole deegaan oo wax dooranaya ay qabyaalad u kala fadhiisteen, markii aan arkay halka uu wax marinaayo iyo xukuumadda oo aan waxba ka qabanayn baan la yaabay. Maanta wuxuu keenay, inuu yidhaahdo, Guddi Horumarineed u samaynayaa Burco, waxaan weydiinayaa wasiirka, badhasaabka iyo maayarka keebay hoos imanayaan, wasaaradee bay ka mid ahaanayaan, xisbigee bay ka tirsan yihiin, halkee bay maaliyadda ay wax ku hormarinayaan ka helayaan, yaa dhaqaalaha siinaya, ileen xukuumaddaa dhistee, mandate ka ay ku shaqaynayaan yaa siinaya. mise ma garanaysaa guddida horumarinta ee sharciga xeer no 23 ku qoran wuxuu dhigayo!

Wasaaradda Dowladaha Hoose intii la sameeyey dib baa loo socdaa, horumarkii Burco ka socday halkii buu ku istaagay, magaalooyinkii oo dhan isbedel aan kala go' lahayn baa daba loo qabtay, welina loo hayaa. Wasaaradda loogu talo galay horumarinta, waxay noqotay wasaaradda dibudhaca iyo burburinta magaalooyinka, xildhibaanno gole deegaan baa loo doortay ee guddida uu maanta u samaynayo Burco ceriteria dee buu ku soo xulayaa, ma culimaa, ma macalimiin baa, ma madaxyada jaamacadahaa, ma caaqilaa, ma ganacsataa, waa noocee qaabka loo soo xulayaa, miisaanka aan qabyaalad ahayn ee lagu tusmaynayaa muxuu yahay?

Guddida Horumarinta ee Burco, waxay timi goor dalku dagaallo sokeeye ka soo kabanayo, xukuumaddu aanay si fiican u shaqaynayn, dhaqaale na haysan, cashuur la ururin jirin, ama maamulku liitay oo uu tahli waayey inuu cashuur urursado - wakhtigaas oo loo baahday in mashaariic waaweyn oo horumarineed la sameeyo. Markaas baa Guddida Horumarinta Togdheer, isxilqaantay oo ay samaysay Jaamacadda Burco, Biriijka Labaad ee Burco, Hospitaalka Dhimirka ee Burco, mashaariicdaas bay samaysay guddidaas horumarinta Togdheer, iskeed- ayey isu xilqaantay, xukuumadi na ma samayn, ganacsato na ma samayn - odayaal indheergarad ah oo badhaasaabbo, maayarro, engineerro, ganacsato, ayaa arkay baahiyaha loo qabo in magaallada horumar la gaadhsiiyo, mashaariiic waaweyn oo dadkoo dhami ka wada faa'iidaanna la sameeyo, dadkii colaadaha sokeeye afeeyeenna dibusoo kabasho loogu sameeyo. Waxa horumarkaa maalgelinta ugu weyn lahaa, qurbajoogta gobolka Togdheer oo aan ka mid ahaa. halkaas baana dakhliga ugu badani ka soo geli jiray.

Duruuftaasi maanta ma jirto, Burco na tii shalay maaha, 500 kun oo qof baa ku nool, 9 jaamacadood baa ku yaal, iskuullada lama tirin karo, cusbitaalladu waa saddex dowliya iyo intaas oo gaar loo leeyahay (Private ah). Guddida horumarintu maanta cashuur ma qaadi karto, qurbajoogtuna tii shalay maaha ee waa mid dalka kula joogta oo mashaariicda ay fulinayeen waxay sii socotaa tuulooyinka. Dalka dowlad la doortay oo 400 Milyan oo doolar sannadkii isticmaasha ayaa ka jirta. Goleyaal la doortay oo golaha deegaanku ka mid yahay baa ka jira oo 5 milyan oo doollar maamula. Wasaarad dhan oo wasiir, ku xigeen iyo agaasime leh oo loo sameeyey inay magaalooyinka horumariso, ee sidee ayuu wasiirkii ku keenay inuu guddidiii 1999- oo kale sameeyo. Dibusocod baa lagu jiraa, madaxweyne, dalka adigaa laguu doortee, sidan si ugu dhaan, oo wasiirkan khaldan ee aan qabyaalad iyo dadka inuu madaxa isu geliyo mooyee wax kale ka shaqaynayn ka qabo.

Burco, maanta weli way ladan tahay ee hawga sii daran,? waxaan si adag uga digayaa in guddi qabyaaladeed magaallada loo sameeyo, Gole deegaan oo dadku doortay baa jooga, sharci iyo cod ku yimi, xisbiyo kala duwan ka soo baxay oo bulshada oo dhan metela. nin aan la dooran oo xukuumaddu dhisatay oo aan sharci ahayn, wuxuu keeno karo iyo siduu bulshada isugu diri karo ayaan fahmayaa, ee haddii aanad wax kale u tarayn wasiir, sideeda isaga daa, inta meesha aad dhaafaysid.

Madaxweyne, Burco maanta guddi uma baahna ee horumar la taaban karo iyo mashaariic bay u baahan tahay, Airport ka oo dib loo dhiso, loona furo, wadada oodweyne oo la bilaabo iyo waddooyinka magaallada soo gala oo la dhiso - wadada Burco ilaa Caynabo; Burco ilaa Balidhiig, Burco ilaa Duruqsi, Burco ilaa Huguf. Burco waxay xukuumadda uga fadhidaa mashaariic horumarineed, ee ugama fadhido guddi horumarineed - Cusbitaalkii weynaa ee aynu dhagax dhignay in la bilaabo, taliskii ciidanka Booliiska ee la dumiyey in dib loo dhiso iyo biriijkii 3aad ee qabyada ahaa iyo kuwo kale ba in loo dhiso ayey Burco u baahan yahay.

Allaa Mahad Leh
Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux
London, UK

26/08/2026

"Burco ka shaqayn mayaan gudidan Hargaysa laga keenay waa xaaran...."Chief Caaqil Maxamed Fadhi-yare oo Si dag uga hadalay Gudida Horumarinta ee loo samaynayo Burco

25/08/2026

Beeshii lahayd mulkiyada Burco oo digniin adag u diray

Address

Hargeisa

Telephone

+252672024080

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Bulshaawi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Bulshaawi:

Shortcuts

Share