25/05/2026
Waxa werwer iyo walaac weyn leh wararka isa soo taraya ee la xidhiidha, Eebbe ha inaga bedbaadiyee, in xannuunkii saf-marka ahaa ee Ebola uu mar kale soo laba kacleeyay. Sida la xaqiijiyey ilaa hadda, ugu yaraan 867 kiis ayaa laga helay gudaha dalka Koongo. Tirada dhimashada ee ilaa haatan la xaqiijiyey waxa ay kor u dhaaftay 200 oo qof. Sidoo kale, kiisas kale oo hor leh ayaa laga diiwaangeliyey dalal dhaca gobolkeennan bariga Afrika, gaar ahaan dalka Yugaandha (Uganda).
Waxa aynnu ogsoonnahay in isu socodka dadka iyo duunyada ee badi dalalka dhaca bariga Afrika, kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ahi xad la wadaagaan waddanka Koongo, ay tahay mid sahlan. Kiisaska gaadhay dalka Yugaandha dhamaantood waa dad ka soo talaabay xadka waddankaasi la wadaago dalka Koongo. Waxa xusid gaar ah mudan in dadkeennu yihiin kuwo si weyn ugu xidhan wadamada bariga Afrika, sida Kiiniya iyo Itoobiya. Sidaa darteed, waxa aan si adag uga digayaa khatarta weyn ee ka soo fool leh xannuunkaas saf-marka ah ee gobolka ku sii faafaya.
Ugu danbeyntii, xukuumadda JSL, gaar ahaan hay'adaha u xilsaaran bedqabka muwaadiniinta iyo socdaalka xuduudaha, waxa saaran mas'uuliyad weyn. Waxa nasiibdarro ah inaanay weli muuqanin qorshe qaran iyo tabaabushe ku habboon khatarta weyn ee gobolka ka taagan. Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda inay si degdeg ah ula timaado xeellad iyo xirfad lagaga hor tegi karo xannuunkan.
By Gudoomiye Xaashi Cabdi