Ina Guuxa Media

Ina Guuxa Media Baahinta Mashaariicda Horumarineed ,Waxsoosaarka Dallaga Beeraha ,Dhaqashada Xoolaha nool, Malabka Shinida iyo Ilaalinta deegaanka

Gudoomiyaha Degmada 31 may ayaa kulan kula qaatay xaafiiskiisa waaxda maaraynta khataraha iyo masiibooyinka dawlada hoos...
22/09/2026

Gudoomiyaha Degmada 31 may ayaa kulan kula qaatay xaafiiskiisa waaxda maaraynta khataraha iyo masiibooyinka dawlada hoose ee hargeysa ,iyadoo halkaa lagaga wada hadlay iyadoo la filaayo saadashu roobab wa weyn sidi loogu diyaar garoobi lahaa ,taxadirna loo samayn lahaa

Maayarka Dawlada Hoose ee Degmada Sallaxley ,Abdilaahi Hayl ,Xoghayaha Fulinta Degmada iyo Xubno ka tirsan ururka sahan-...
22/09/2026

Maayarka Dawlada Hoose ee Degmada Sallaxley ,Abdilaahi Hayl ,Xoghayaha Fulinta Degmada iyo Xubno ka tirsan ururka sahan-Barwaaqo ayaa Magaalada Salaxlley ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Zamzam Maxamed Saalax

Dibadbax loogu Ololaynayo Aqoonsiga Somaliland oo la qabato xarunta Golaha  Qaramada Midoobay ee Magaalada Newyork  waa ...
22/09/2026

Dibadbax loogu Ololaynayo Aqoonsiga Somaliland oo la qabato xarunta Golaha Qaramada Midoobay ee Magaalada Newyork waa fursad muhiim ah oo ay reer Somaliland si nabad ah ugu muujin karaan, Qaranimadooda, ,Madaxbanaanidooda ,,Qadiyada jiritaankooda, rabitaankooda iyo himilooyinkooda wadajirka ah dunida.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Danjire Bashir Goth iyo kooxdiisa, kuwaas oo xaqiijiyey goobta isla markaana gacan ka geystay hirgelinta hindisahan โ€”

Tani waa meel mashquul badan.

Taariikh: 23 Sebtembar 2026
Goobta: Dag Hammarskjรถld Plaza, New York City

Waxaan ugu baaqayaa reer Somaliland iyo saaxiibbada Somaliland ee ku kala nool Maraykanka iyo Kanada inay ku midoobaan New York, si codka iyo rabitaanka shacabkeenna meel fog aynu u gaadhsiino

Sidoo kale, waxaan ku dhiirrigelinayaa qabanqaabiyeyaasha inay la xidhiidhaan warbaahinta waaweyn ee Maraykanka, oo ay ka mid yihiin CNN iyo Fox News, iyo sidoo kale warbaahinta Taiwan, Imaaraadka Carabta iyo warbaahinta kale ee caalamiga ah, si loo raadiyo fursado lagu baahin karo dibadbaxa, looguna gaadhsiin karo himilada Somaliland ee aqoonsiga dhagaystayaal caalami ah.

Maanta waxaa laga yaabaa inaan ku kulantaan albaabka h**e ee Aqalka Qaramada Midoobay, laakiin barri, calankeennu waxa uu ka dhex baban doonaa Gudahiisa

Somaliland Dhiiga iyo Dhuuxa way raacday

22/09/2026

Bali-Mataan

21/09/2026

Waxaan uga mahad naqayna Xukuumada wadajir iyo waxqabad mashaariicda Horumarineed ee ay ka hirgalinayso degmada Sallaxley".

Xildhibaan Axmed Maxamed Yuusuf (Jaariye) oo katirsan golaha deegaanka degmada Sallaxley.

Mayor-ka Degmada Sallaxley iyo xubno kamid ah golaha deegaanka oo kormeeray Ceelka Riiga Deegaanaka Gaydhka Banka Qool-C...
21/09/2026

Mayor-ka Degmada Sallaxley iyo xubno kamid ah golaha deegaanka oo kormeeray Ceelka Riiga Deegaanaka Gaydhka Banka Qool-Caday iyo dhismaha Rugta Kaantaroolka Magaalada Qool--cadey oo ay dhisayso dawladda hoose

21/09/2026

Hawgalka Dabargoynta Garanwaaga ee Degmada 31 may ee Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa

21/09/2026

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa ayaa Afar Gaadhi oo Ambalaas ah u qaybisay Deegaanada Xoolo-dhaaato Beeralayda Caasimada Hargeisa

Awbarkhadle
Habaaswayne
Toon
Iyo Abaarso

Horumarka waxsoosaarka Beeraha Deegaanka Aw-Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeisa ,  Mashruuca Horumarinta abuurka oo a...
20/09/2026

Horumarka waxsoosaarka Beeraha Deegaanka Aw-Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeisa ,

Mashruuca Horumarinta abuurka oo ay iska kaashaadeen Dawlada Taiwan ICDF Iyo Wasaarada Horumarinta Beeraha JSL ayaa laga Hirgaliyay Deegaanka Aw-Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeisa

๐€๐ฐ-๐›๐š๐ซ๐ค๐ก๐š๐๐ฅ๐ž | ๐Ÿ๐ŸŽ ๐’๐ž๐ฉ๐ญ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ญ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” | ๐–๐‡๐-๐‰๐’๐‹ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹ ๐€๐š๐๐š๐ง ๐†๐ž๐ž๐๐๐ข ๐๐š๐ฒ๐š๐š๐, ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ ...
20/09/2026

๐€๐ฐ-๐›๐š๐ซ๐ค๐ก๐š๐๐ฅ๐ž | ๐Ÿ๐ŸŽ ๐’๐ž๐ฉ๐ญ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ญ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” | ๐–๐‡๐-๐‰๐’๐‹

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹ ๐€๐š๐๐š๐ง ๐†๐ž๐ž๐๐๐ข ๐๐š๐ฒ๐š๐š๐, ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐š๐š๐ช ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐†๐š๐š๐ฌ ๐‹๐š-๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š, Safiirka Taiwan ee Somaliland Allen Lou, ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ๐๐ฎ๐ฐ๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐จ๐จ๐๐ข-๐ฃ๐ž๐ž๐ฑ, ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐“๐š๐ข๐ฐ๐š๐ง ๐“๐ž๐œ๐ก๐ง๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง, ayaa ka qayb galay munaasibadda furitaanka beerta tijaabada iyo tababbarka beeraha oo ka mid ah mashruuca horumarinta abuurka ama shinida (seed industry development project), kaasi oo ay si wada Jir ah u fulinayaan Wasaaradda Beeraha & Taiwan Technical mission.

Beertan ayaa noqon doonta mid wax ku ool u ah beeralayada, khuburrada beeraha, shaqaalaha fidinta beeraha ee Wasaaradda iyo ardayda jaamacadahu ay ku baran karaan isla-markaana ku arki karaan hababka casriga ah ee wax beerista iyo hababka wax soo-saarka abuurka.

Munaasibadda lagu furay beertan muhiimka ah, waxa ugu horrayn ka hadlay ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐„๐ง๐ . ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐š๐š๐ช ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐†๐š๐š๐ฌ, waxaanu faahfaahiyey muhiimadda Beertani u leedahay tijaabada iyo tababbarrada wax soo-saarka Beeraha.

Munaasibadda oo ay ka hadleen madax kale oo ka kala socday Wasaaradda Beeraha iyo Taiwan, ayaa isaguna si rasmiya u furay isla-markaana faahfaahiyey muhiimadda beertan ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐š๐๐š๐ง ๐†๐ž๐ž๐๐๐ข ๐๐š๐ฒ๐š๐šd, waxaanu yidhi "Marwooyin iyo mudanayaal, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dhammaantiin ku soo dhaweeyo Munaasabadda Furitaanka Beerta Tijaabada iyo Tababnarka Beeraha oo ka mid ah mashruuca horumatinta abuurka (Seed Industry Development
Project,) kaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Taiwan ICDF."

Wasiirka Beeraha oo sii hadlaya ayaa yidhi "Maanta waa maalin muhiim u ah Wasaarada Horumarinta iyo guud ahaan bahda Beeraha ee Somaliland. Beeruhu waxay muhiim u yihiin sugnaanta cuntada, nolosha iyo dhaqaalaha beeralayda iyo horumarka dhaqaale ee
dalka. Beertani waxay noqon doontaa goob wax-ku-ool ah oo ay beeralayda, khubarada beeraha, shaqaalaha fidinta beeraha iyo ardaydu ku baran karaan kuna arki karaan hababka casriga ah iyo kuwa wanaagsan ee beerashada. Waxa kale oo ay naga caawin doontaa inaan muujinno hababka wanaagsan ee wax-soo-saarka abuurka, maaraynta dalagyada iyo teknoolojiyada kale ee waxtarka u leh horumarinta beerahu.

Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo shacabka Somaliland, waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Taiwan ICDF
taageerada, iskaashiga iyo kaalmada farsamo ee ay si joogto ah u siiyaan Somaliland. Waxaan si weyn u qadarinaynaa dadaalkooda ku aaddan
horumarinta beeraha Somaliland iyo taageerada ay ka geystaan, Maadaama aan maanta si rasmi ah u furayno beertan, waxaan caddeynayaa
in Wasaaraddu ay ka goโ€™an tahay inay sii waddo wada shaqaynta dhow ee ay la leedahay Taiwan ICDF, Taiwan Technical Mission iyo dhamaan bah-wadaagta kale ee horumarinta. Waxaan si wadajir ah uga shaqayn doonaa sidii si wanaagsan looga faaโ€™iidaysan lahaa xaruntan, loona hubin lahaa inay muddo dheer faaโ€™iido u keento beeralayda iyo guud ahaan qaybta beeraha. Waxaan rejaynaynaa in beertani gacan ka geysato helitaanka iyo isticmaalka abuur tayo leh, kordhinta wax-soo-saarka dalagyada, kor u qaadista xirfadaha beeralayda, iyo sugnaanta cuntada Somaliland.."

๐Ÿก ๐‘ฟ๐’‚๐’‡๐’Š๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘ฟ๐’Š๐’…๐’‰๐’Š๐’Š๐’…๐’‰๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’…๐’˜๐’†๐’š๐’๐’‚๐’‰๐’‚ & ๐‘พ๐’‚๐’“๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ฌ๐’† ๐‘พ๐’‚๐’”๐’‚๐’‚๐’“๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ฏ๐’๐’“๐’–๐’Ž๐’‚๐’“๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ฉ๐’†๐’†๐’“๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ฑ๐‘บ๐‘ณ ๐ŸŒพ
โ˜Ž๏ธ 9669
๐ŸŒ ๐‘พ๐’†๐’ƒ๐’”๐’Š๐’•๐’†: https://moad.govsomaliland.org

Address

Ina Guuxa
Hargeisa

Telephone

+252633333848

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ina Guuxa Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ina Guuxa Media:

Shortcuts

Share