14/06/2026
Madaxweyne Cirro oo Booqasho Taariikhi ah ku Tagaya Israaโiil.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta bilaabaya booqasho rasmi ah oo heer qaran ah (State Visit) oo uu ku tagayo Dawladda Israaโiil, taas oo socon doonta muddo shan maalmood ah.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli cusub oo taariikhi ah, kadib markii Dawladda Israaโiil ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabadaas oo beddeshay jihada diblomaasiyadda Geeska Afrika isla markaana Somaliland u furtay albaab cusub oo xidhiidh caalami ah.
Madaxweyne Cirro iyo weftigiisa waxa lagu wadaa in si heer sare ah loogu soo dhaweeyo magaalada Jerusalem, halkaas oo uu kulamo rasmi ah kula yeelan doono Madaxweynaha Israaโiil Isaac Herzog, Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Israaโiil.
Ajandaha kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo difaaca, horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, tamarta, biyaha, tiknoolajiyadda casriga ah iyo kobcinta ganacsiga labada dhinac.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa la kulmi doona boqolaal ganacsato iyo maalqabeenno Israaโiiliyiin ah, kuwaas oo danaynaya fursadaha maalgashi ee Somaliland, gaar ahaan dekedaha, tamarta, macdanta, beeraha iyo adeegyada tiknoolajiyadda.
Booqashadan ayaa lagu tilmaamayaa mid ka mid ah safarrada diblomaasiyadeed ee ugu muhiimsan ee Somaliland gasho tan iyo dib ula soo noqoshadii madax-bannaanideeda sannadkii 1991. Waxaana si weyn isha ugu haya warbaahinta caalamka, xarumaha cilmi-baadhista siyaasadda iyo dawladaha gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
Falanqeeyayaashu waxay rumaysan yihiin in natiijada ka soo baxda kulamadan ay saamayn muuqata ku yeelan karto mustaqbalka aqoonsiga Somaliland, xidhiidhada gobolka iyo dheelitirka siyaasadeed ee Geeska Afrika.
Wefdiga Madaxweynaha waxa qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Biyaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda.
Indhaha dunidu maanta waxay ku soo jeedaan Israaโiil iyo Somaliland, iyadoo la sugayo heshiisyada iyo goโaamada kasoo baxa booqashadan taariikhiga ah ee lagu tilmaamay inay noqon karto mid wax badan ka beddesha siyaasadda gobolka iyo mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xuseen Maxamed Xuseen.
--------------------------------------------------------------
ืืืงืืจ ืืืกืืืจื ืฉื ื ืฉืื ืกืืืืืื ื ืืืฉืจืื
ื ืฉืื ืจืคืืืืืงืช ืกืืืืืื ื, ืืจ ืขืืืืจืืื ืืืืื ืขืืืืืืื (ืขืืจื), ืืื ืืืื ืืืงืืจ ืืืืืชื ืจืฉืื ืืืืื ืช ืืฉืจืื, ืืืงืืจ ืฉืืืืฉื ืืืืฉื ืืืื.
ืืืงืืจ ืื ืืชืงืืื ืืชืงืืคื ืืืกืืืจืืช ืืืฉื, ืืืืจ ืฉืืืื ืช ืืฉืจืื ืืืืชื ืืืืื ื ืืจืืฉืื ื ืฉืืืืจื ืืืืคื ืจืฉืื ืืขืฆืืืืชื ืฉื ืจืคืืืืืงืช ืกืืืืืื ื. ืฆืขื ืื ืฉืื ื ืืช ืืคืช ืืืืกืื ืืืืคืืืืืืื ืืงืจื ืืคืจืืงื ืืคืชื ืืคื ื ืกืืืืืื ื ืืืคืงืื ืืืฉืื ืฉื ืฉืืชืืฃ ืคืขืืื ืืื ืืืืื.
ืื ืฉืื ืขืืจื ืืืฉืืืชื ืฆืคืืืื ืืืชืงืื ืืืงืก ืืืืืชื ืืืจืืฉืืื, ืฉื ืืงืืื ืคืืืฉืืช ืจืฉืืืืช ืขื ื ืฉืื ืืฉืจืื ืืฆืืง ืืจืฆืื, ืจืืฉ ืืืืฉืื ืื ืืืื ื ืชื ืืื ืืืืืจืื ื ืืกืคืื ืืืืฉืืช ืืฉืจืื.
ืืืืื ืื ืืชืืงืื ืืืืืืง ืืืืกืื ืืืืคืืืืืืื, ืฉืืชืืคื ืคืขืืื ืืชืืืื ืืืืืืื ืืืืื ื, ืคืืชืื ืืืืื, ืืฉืงืขืืช, ืื ืจืืื, ืืื, ืืื ืืืืืื ืืชืงืืืช ืืืจืืืช ืืกืืจ ืืื ืฉื ื ืืฆืืืื.
ืื ืืกืฃ, ื ืฉืื ืกืืืืืื ื ืืืคืืฉ ืขื ืืืืช ืื ืฉื ืขืกืงืื ืืืฉืงืืขืื ืืฉืจืืืื ืืืขืื ืืื ืื ืืืืืื ืืืืช ืืฉืงืขื ืืกืืืืืื ื, ืืืืืื ืืชืืืื ืื ืืืื, ืืื ืจืืื, ืืืื ืจืืื, ืืืงืืืืช ืืืืื ืืืืืื.
ืืืืงืืจ ื ืืฉื ืืืื ืืืืืืื ืืืืคืืืืืืื ืืืฉืืืื ืืืืชืจ ืฉื ืกืืืืืื ื ืืื ืืฉืืช ืขืฆืืืืชื ืืฉื ืช 1991. ืืื ืืืื ืืืชืขื ืืื ืืช ืจืื ืืฆื ืืชืงืฉืืจืช ืืืื ืืืืืืช, ืืืื ื ืืืงืจ ืืืืฉืืืช ืืืืืจ ืงืจื ืืคืจืืงื ืืืืืจื ืืชืืืื.
ืคืจืฉื ืื ืืขืจืืืื ืื ืชืืฆืืืช ืืคืืืฉืืช ืขืฉืืืืช ืืืฉืคืืข ืืืืคื ืืฉืืขืืชื ืขื ืขืชืื ืืืืจื ืืืื ืืืืืืช ืืกืืืืืื ื, ืขื ืืืกื ืืืืืจ ืืขื ืืืืื ืืืืืืคืืืืื ืืงืจื ืืคืจืืงื.
ืืืฉืืืช ืื ืฉืื ืืฉืชืชืคืื ืฉืจ ืืืืฅ, ืฉืจ ืื ืฉืืืืช, ืฉืจ ืืืื, ืฉืจ ืืืืืืื, ืฉืจ ืืื ืจืืื ืืืืืจืืช, ื ืืื ืืื ืง ืืืจืืื, ืืคืงื ืฆืื ืกืืืืืื ื ืืืืืขืฅ ืื ืฉืื ืืขื ืืื ื ืืืฅ.
ืขืื ื ืืขืืื ื ืฉืืืืช ืืืื ืืืฉืจืื ืืืกืืืืืื ื, ืืฆืืคืืื ืืืกืืืื ืืืืืืืืช ืฉืืชืงืืื ืืืืื ืืืงืืจ ืืืกืืืจื ืื, ืืฉืจ ืขืฉืื ืืืฉืคืืข ืืืืคื ืืฉืืขืืชื ืขื ืขืชืืื ืฉื ืจืคืืืืืงืช ืกืืืืืื ื ืืขื ืืคืืืืืืงื ืืืืืจืืช. ๐