20/08/2026
Bal akhri qoraalkan aafada ay ku hayso Somaliland Qulqulka ajaanibta Itoobiyaanka ah.
Somali Media Front
Khatarta Qorshe Qarameedka ay Itoobiya wadato ee Itoobiyaan garaynta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Badhtamaha sannadkii 2023 Baarlamaanka Dawladda Federaalka Itoobiya waxa uu meel mariyey sharciyadda nidaam ay u bixiyeen Fayda Digital ID. Mar kale bilowgii sannadkii tagay ee 2025 waxa ay Dawladdu sandulle ka dhigtay oo ay Fayda Digital ID ku xidhay guud ahaan arrimaha Bangiyada ee caasimadda Addis Ababa. Intaa ka dib 2026 isla bishan aynu ku jirno ee Agoosto waxa la ansixiyey isla markaana la shaaciyey in Fayda Digital ID loo dallacsiiyey [State-owned program interprise].
Haddaba, assalakaba nidaam hindiseedkani waxa uu dawladaha ugu fadhiyaa korjoogtaynta iyo warqabka dhaqdhaqaaqa tooska ah iyo midka maaliyadeed ee muwaadiniinta.
Intaas ka dib, ka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ahaan waxa aynu la soconnay in muwaadiniin fara badan oo innaga mid ahi ay Kaadhkaas si aad u fudud ku qaateen, iyaga oo is tusaayey in faaido ugu jirto oo ay hawlaha isu socodka iyo safarrada Itoobiya u adeegsan doonaan. Runtii way ku saxnaayeen, laakiin khatar culus oo kale ayaa qorshahaa hoos taallay e, aan idiin sheego!. Maanta waxa la inoo fududeeyay isu socodkii iyo adeegyadii muwaadinnimo taas oo ka dhigan in shacab weynihii Soomaaliland dhaqaale aad u badan ula safro dalkaas aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Waa caafimaad, dalxiis, ganacsi iyo nooca muhiimka ah ee dhaqaale ee dhex-joogga la yidhaa.
FG: [Bal sawiro ku dhawaad 100kun oo muwaadin oo Itoobiyaan ah oo Somaliland National ID haysta, si maalinle ahna dhib la'aan dalkeenna ugu soo safraaya oo muwaadin camal uga adeegayana!.]
Arrinta kale ee iyana muhiimka ah in xuso waxay tahay, qorshaha ah in aan marna ba la qariibsan ama se laga qaloon tirada faraha badan ee Itoobiyaanka ah ee dalkeenna sharci la'aanta ku dhex jooga ee dhammaan shaqooyinkii hoose la wareegay. Ogow oo dhaqaalaha waddanka 40% shaqooyinka hoose ayaa wareejiya. (Tusaale ahaan wiilka yar ee Oromka ah ee subaxa soo shaqo taga, celcelis ahaan maalintaa 30 gaadhi buu maydhaa maalintii. Calaa gaadhi waxa uu ku maydhaa 20,000. 30x20,000=600,000.
Mar kale wiilka yar ee Amxaarka ah ee subaxa soo shaqo taga ee habeenkii rawaxaa, celcelis ahaan waxa uu kabaha u baalasheeyaa 100 qof. 100x1500=150,000). Lacagtaas waxba dalka iyo shacabka midna kagama soo noqdaan, marka maalinle ama daily loo qiimeeyana lacag fudud ma aha. Bal ee waxa lagu qeexi karaa Dhiigbax Dhaqaale!.
Gunaanadka iyo Biyodhaca qoraalka: Dawladda guunka ah ee Itoobiya waxa KALIDEED si toos ah ugu shaqeeyay oo u hirgalay [National Plan] –qorshe qarameed macaash doon ah oo ay meesha kaga saarayso khuukhintii iyo cadaawaddii soo jireenka ahayd ee Soomaalida gaar ahaan Somaliland iyo Itoobiyaanka!.