Yaasiin Rayaale page

Yaasiin Rayaale page Website journalists

Duco waqtigeedi la aqbaley.Madaxwayne Rayaale Waxa uu waddanka imi waqti kala guur, kala shiki iyo colaaddo irdheeyeen d...
16/09/2022

Duco waqtigeedi la aqbaley.
Madaxwayne Rayaale Waxa uu waddanka imi waqti kala guur, kala shiki iyo colaaddo irdheeyeen dalka, waxa uu noqday iftiin mugdigii badaley, qorigii qaran u badaley, dadkii abka iyo abtiga isku ahaa is hor fadhiyayna walaaleeyey.
Waayo adag ayuu noqday geed damal ah oo lagu nastay laguna kala hoos badbaadey wuxuuna miiska iskugu keenay dad Is-aragooga cadaabta ku badalan lahaa, wuxuuna khilaafad dalka ragaadiyay kaga saaray go’aan adayg iyo fahankii dadeed ee uu dalka u lahaa.
Waxaana taas cadeyn u ah sidda kalsoonidda buuxday ay ugu dorteen aqlabiyaddi ergaddii dooranaysay madaxwayne ku xigeenka Somaliland, oo ka imi meelwalba oo ay Somaliland dagto.
Waxa uu noqday garab uu mahadiyay madaxwayne cigaal waayo badanna uu usha u dhiibay si uu wax walba samaha ugu soo daboolo.
Doorashadiisi madaxwayne kadib geerddi cigaalna waxa uu noqday Somaliland inay mar labaad heshay qof yaqaana waddanku halkuu marayo iyo meesha uu socdo.
Waxa uu ahaa nin dantiisa ta dadkiisu uga wayn tahay, waxaana markhaati cad u ah sidda uu doorasho ugu dhiiraday markii kowaad abid Somaliland ka dhacda isagoo qof iyo cod doorasho ah ka hirgaliyay dalka taaso markii kowaad ee la sheegay dhalanteed u muuqatey.
Waxa uu noqday madaxwayne markii kowaad doonista shacabka ku fuula xilka, waxa ay taasina noqatey talaabo ay adduunka oodhan la maqsuuday sidda dal hadda uun burbur dagaal kasoo laabtey uu nin afrikaan ahi uuna xil jeclaysi iyo kursi ilaashi toona intuu indhaha iska saabey uu doorasho iyo tartan xor ah bulshadda u hor keenay isagoo haystay qiil walba oo kaga baaqan karo haddana waxa uu doortay dhabo aanan madaxwayni faciisa ahi ay adag tahay inuu ku dhiiraado ayuu doortay kaasoo noqday dariiqa yar oo madaw oo adag lakinse barwaaqo dalka gayn doona, waxa uu doortay dariiq manta Somaliland ay ku timi halka ay joogto isu tanaasul iyo isku dhibrad.
Talabaddan dabadeed waxa ay noqotey astaan dimuqaradiyeed oo dalkani qof walba oo jooga ku faano xataa madaxdeenu laabta ugu garaacdaan waddamada horumaray.
Markii labaad ee uu Rayaale doonis shacab uu xilka ku imi waxa uu talaabo ku bilaabey inuu dalkii waynaa somaliland protectorate la odhan jiray xudduudihii uu lahaa dib usoo celiyo waxaanu heshiisyo iyo afkaaro quman kusoo xero-galiyay dadkii Somaliland ka maqnaa. Ilaa ay heer gaadho ay naftiisu halis u gashey isagoo ugu dambayn gaadhsiyay Somaliland manta halka xadkeeda ugu dambeeya yaalo.
Waxa uu Rayaale qabtey qoraal iyo qormo laguma soo koobi karo, lakinse waxa uu halkaa kasii waday talaabooyinka dimuqaradiyeed ee uu furaha u ahaa waxaana wakiiladdii kowaad ee Somaliland, dadku ku doorteen oo ay ku xusheen fartooda iyo fikirkooda.
Daahir waxa uu u galey juhdi wayn siddi dastuurka Somaliland loo samayn lahaa, waxa uuna dagaalo badan la galey dadkii sharci diidka ahaa isagoo ugu dambayn ku guulaystay in Somaliland xeerar ay isku xukunto yeelato. Intaa dabadeed Waxa uu dhisay ciidan qabiilkoodu yahay Somaliland, Suldoonkooduna yahay dastuurka, xidhahooguna yahay muwaadinimadda, oona qofna ku ixtiraamin abka uu yahay ee ku tix galiya hadba inta dastuurka dhawro.
Daahir waxa uu kusoo gunaanadey wax qabadkiisi doorashaddi ugu dambaysay Somaliland ee qabiil la isku dooran ee dadku xor ugu codayeen qofkay rabaan, waxaana guushu ay raacdey xisbiga kulmiye iyo Madaxwayne Siilaanyo, Daahir isagoona hal cabasho ah iyo murran ah ka keenin ayuu aqbaley doorashadda. Wuxuuna xilkii ugu wareejiyay si milgo iyo maamuuskeedu sarayso Madaxwaynihi la doortay, Waliba waxa uu dardaaran dheer ka jeediyay xafladdi xil-wareejinta uu ku bidhaaminayo siddii Somaliland la iskugu hayn lahaa horumarkeegana looga wadda shaqayn lahaa.
Madaxwayne Daahir intaa dabadeed dib siyaasadda ugu ma soo wajiqin ee wuxuu noqday oday Somaliland oodhan ay ku tiirsan tahay oo taladiisa lagu kala baxo, dalkana madaxwayne walba oo imaada barbarkiisa istaaga oo tallo iyo tusaale ba la garab jooga.
Daahir Rayaale kumu soo koobi karayo wuxuu qabtey saan h**e ba usheegay hal iyo labo qormo.
Dadkana waxaan ka raali galinaya waxii aan gafey.
Mahadsanidiin.
WAXA QORAY: AHMED ABDIRAHMAN “DALDAJIYE”

12/04/2022

Waxaan Halkan kasalaamaya kaliya

16/02/2022

Banaanbaxa keliya een ka qaybqaadan karayaa waa ka meceeshada iyo nolosha dadka loogu halgamaayo.

Lama eegan karo xili ay dadkeenii miyaga haraadla liitaan in maceeshadii lagu kiciyo ummadda inteedii kale.

Waan ajiibay baba Xildhibaan Xassan Dhuxul Laabsaalax.

Siyaasi Mustafe Shiine

15/02/2022

Xanuun badanaa Geerida wiilasha Awbarre lagu xasuuqey waxaan Tacsi u Dirayaa dhamaan Dadkii ay kabaxeen

29/01/2022

Wareegto Madaxweyne : 29/01/2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/012022 uu ku magacaabay Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne.

UJEEDDO: MAGACAABID

MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011;

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland:

1. Maxamuud Axmed Obsiiye Xubin.

2. Siciid Maxamed Cilmi Xubin.

3. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim Xubin.

4. Aadan Geedi Qayaad Xubin.

5. Cabdalle Ibraahim Maxamed Xubin.

6. Mukhtaar Cabdi Jaamac Xubin.

7. Maxamed Xasan Cabdi Badde Xubin.

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Soodhawoow
27/11/2021

Soodhawoow

Address

Hargeisa

Telephone

+252634452915

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yaasiin Rayaale page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yaasiin Rayaale page:

Share