Maygaag Yare

Maygaag Yare Qalinkaa Wax Suureeya
kugu Sima Halkaad Doonto
Saaxiibkaa Kalfuran Waayi
Sunto Fara Ku Hayntiisa
Wal

Tuulo dadka oo dhan ay wada deymaysan yihiin ayaa waxaa Hotel ku yaalay soo galay nin dalxiise ah, waxuu 100$ saaray mii...
31/03/2021

Tuulo dadka oo dhan ay wada deymaysan yihiin ayaa waxaa Hotel ku yaalay soo galay nin dalxiise ah, waxuu 100$ saaray miiskii soo dhaweynta(reception-ka) waxuuna dalbaday in la siiyo qol ku haboon, markiiba waa la Kaxeeyay oo qol ayaa lala raadiyey.

Intii qolkii lagu maqnaa ayuu milkiilihii hotelka 100$-kii la booday waxuu u geeyey nin kawaanle ah oo hotelka hilibkiisa laga soo qaado oo deyn kulahaa.

Kawaanlihii 100$ loo keenay ayuu la booday oo ninkii uu xoolaha ka soo kaxeyn jiray ayuu isaga geeyey.

Ninkii xoolaha lahaa intuu 100$ la booday ayuu nin uu cowska (calafka) ka soo qaadan jiray isaga geeyey.

Ninkii cowska intuu 100$ la booday ayuu nin baabuurey ahaa oo cowska magaalada u keeni jiray deyna kulahaa ayuu isaga geeyey.

Ninkii baabuuraha ahaa 100$ intuu soo qaaday ayuu hotelkii marka uu magaalada imaado uu seexan jiray oo lacag looga lahaa ayuu miiska iska soo saaray.

Ninkii dalxiisaha ahaa ayaa kor ka soo dagay sheegayna in qolalka hotelka aysan qancin oo 100$-kiisii oo miiska saaran iska qaatay!

08/03/2021

Safar: Hargeisa illaa Seylac.
.
.
.
.
.
.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maygaag Yare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maygaag Yare:

Share

Category