29/10/2025
*Munisabad kooban kulmisay madax-dhaqameedka Beesha Ugaadh Cumar.*
Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 -October-2025,waxa magaalada Hargaysa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen madax-dhaqameedka beesha Ugaadh Cumar.
Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd ardaaga Reer Yuusuf Cabdile oo *mushaxara Xildhibaan Caydaruus Ismaaciil Maxamuud (Baacuf)* oo ku matali doona tartanka kursiga golaha wakiilada in lagu wareejiyo madaxda dhaqanka beesha.
Kulanka ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan iyo is afgarad waxana madax dhaqameedku ka gudoomeen ardaaga reer Yuusuf *musharaxa Xildhibaan Caydaruus Ismaaciil Maxamuud (Baacuf).*
Kulanka waxa kasoo qayb galay.
1.Suldan Cabdiraxman Cawaale
2.Ugaas Cali Cismaan Cabdilaahi
3.Garaad Cabdi Cilmi Shide
4.Cheif Caqil Yusuf Maxamed Quule
5.Caqil Cabdi Cali Nuur
6.Caqil Axmed Xariir Ismacil
7.Caqil Maxamed Haybe Jamac
8.Caqil Cawil Xuseen Xasan
F.G: Martiqaadka waxa fidiyey Ugaas Cali Cismaan Cabdilaahi.