20/04/2026
Shirkadda MATCO Motors oo maanta daahfurtay gaadhiga Suzuki Across 2026
Magaalada Hargeisa waxa ay martigelisay munaasabad lagu daah furaayo oo ay shirkadda MATCO Motors ku soo bandhigtay gaadhiga cusub ee Suzuki Across 2026. Daah-furkan gaadhiga cusub waxa uu muujinayaa horumar dhinaca tiknoolajiyadda Hybrid (Mild Hybrid) ah oo la jaanqaadaya casriga.
Suzuki Across 2026 waxaa loo naqshadeeyay dadka doonaya isku dheelitirnaan u dhaxaysa raaxo, badbaado, iyo dhaqaale.
Gaadhigan wuxuu leeyahay matoor 1.5L ah oo leh nidaamka Mild Hybrid, taasoo ka dhigaysa mid shidaal aad u yar cuna—hal litir ayaad ku socon kartaa qiyaastii 19–20km. Waxa kale oo uu ku qalabaysan yahay shaashad casri ah, nidaamyo isku xidhka mobilada, kuraas raaxo leh, iyo adeegyo gudaha oo heer sare ah.
Dhanka teknoolojiyada iyo wadista, waxaa ku jira Parking Sensors, 360° Camera, Cruise Control, Sunroof, iyo nidaamka ALLGRIP (AWD) oo kor u qaadaya xasilloonida iyo awoodda wadista xaalado kala duwan. Sidoo kale, waxa uu leeyahay nidaamyo badbaado oo dhamaystiran si loo ilaaliyo darawalka iyo rakaabka.
MATCO Motors waxay sidoo kale bixisaa damaanad 3 sano ah, qorshayaal lacag-bixin oo dabacsan oo aad ku qaadan karto 5 sano iyada oo lala kaashanayo Darasalam Bank, iyo adeegyo dayactir oo leh agab asal ah.
Suzuki Across 2026 hadda waa diyaar—waxaadna ku casuuman tahay inaad tijaabiso adigoo booqanaya showroom-ka MATCO Motors.