21/03/2025
Milatariga Suudaan oo la wareegay Madaxtooyada Khartuum.
wararka ka imanaya Suudaan waxay xaqiijinayaan in ciidamada milatariga ay saaka si buuxda ula wareegeen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Khartuum, kadib labo sano oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka Gurmadka Deg-degga ah (RSF).
Milatariga ayaa hadda wada howlgallo baaritaan ah oo ka socda agagaarka madaxtooyada, iyagoo raadinaya xubno ka tirsan RSF.
Dagaalkan, oo billowday bishii Abriil 2023, ayaa sababay xaalad bini'aadantinimo oo daran, oo ay ku jiraan macaluul iyo cudurro ku faafay dalka oo dhan. Labada dhinacba waxaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuq, inkastoo ay eedeymahaas iska fogeeyeen.
RSF ayaa markii h**e qabsatay madaxtooyada iyo inta badan caasimadda, laakiin milatariga Suudaan ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku guuleystay inay dib u qabsadaan dhul badan, iyagoo ku sii siqaya madaxtooyada oo ku taalla dhinaca Webiga Niil. RSF weli waxay gacanta ku haysaa qaybo ka mid ah Khartuum, Omdurman, iyo galbeedka Suudaan, halkaas oo ay isku dayayaan inay qabsadaan saldhigga ugu dambeeya ee milatariga ee Darfur, magaalada al-Fashir.
Qabsashada caasimadda ayaa dedejin karta in milatarigu si buuxda ula wareego bartamaha Suudaan, taasoo sii xoojin karta kala qaybsanaanta dhuleed ee u dhexeysa labada ciidan. Ilaa iyo hadda, ma jiraan wax wadahadal nabadeed ah oo la bilaabay, labada dhinacna waxay ku adkeysanayaan inay sii wadaan dagaalka.