Xogta Dahsoon

Xogta Dahsoon kala socon Boggan Warbixno lagu daba-galiyo laguna lafa gurayo wararka raadadka qarsoon leh ee Gayi

Wasiiro loo Diiday In Madaxtooyadda Galaan Waa sababta Odaygii Reer Alaybaday ee Wasiir ku xigeen   uu uga dhex qayliyey...
26/05/2026

Wasiiro loo Diiday In Madaxtooyadda Galaan

Waa sababta Odaygii Reer Alaybaday ee Wasiir ku xigeen uu uga dhex qayliyey Shirkii Golaha Wasiirada.

Wasiiro ma jiraane waa adeegayaal markaad aragto sida loola dhaqmayo.

Shirka Golaha Wasiirada inay ka dhex ooyaan mooyee awood kale ma laha marka laga reebo ina Af-gaab & Ina Geeljire inta kale waxaa xukuma yarka Wasaarad kasta afkeeda ku hadla.

Odaygaa Cabdale Abokor Walaahi isagoo Xisbiga Waddani ka tirsan ayaanu isugu iman jirnay Madaxtooyada, markaa uu mucaaridka ahaa ayaanu ka sharaf badnaa oo Madaxatooyada lagu ixtiraami jiray maanta oo uu Wasiir yahay.

Dawladnimooy xaal qaado.

Lacagtii saxaafadda ee 18ka May wasaaradda Warfaafintu way ka cuntay saxaafadda. Makaasaa Qaran lagu sheegayaa. Dadka Be...
19/05/2026

Lacagtii saxaafadda ee 18ka May wasaaradda Warfaafintu way ka cuntay saxaafadda. Makaasaa Qaran lagu sheegayaa. Dadka Beenta iyo khiyaaliga halaga daayo.

Fadeexad Soo Noqnoqotay: Eeddo Musuq-maasuq Oo Dul Hoganaya Wasaaradda Warfaafinta SomalilandHARGEYSA – Eeddo culus oo l...
19/05/2026

Fadeexad Soo Noqnoqotay: Eeddo Musuq-maasuq Oo Dul Hoganaya Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

HARGEYSA – Eeddo culus oo la xidhiidha musuq-maasuq iyo lunsasho dhaqaale ayaa markale dul hoganaysa masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, kadib cabashooyin isa soo taraya oo ka imanaya warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka, kuwaas oo sheegay in aanay helin lacagihii loogu tala-galay kaalintii ay ka qaateen baahinta iyo tebinta munaasibaddii 18-ka May.
Warbaahinta Somaliland oo sannad kasta laf-dhabar u noqota baahinta xuska maalinta qaranimada Somaliland, ayaa sanadkan si weyn uga qayb-qaadatay diyaarinta warbixino, barnaamijyo toos ah (live coverage), muuqaal-duubis iyo baahinta dareenka shacabka ee munaasibadda 35-guurada dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo la hadlay warbaahinta, xukuumaddu waxay u qoondeysay miisaaniyad gaar ah oo loogu talo-galay in lagu taageero hay’adaha warbaahinta ee shaqada culus qabtay muddadii xuska 18-ka May. Hase yeeshee, eedaha hadda soo baxaya ayaa tilmaamaya in lacagtaasi aanay gaadhin inta badan warbaahinta loogu tala-galay.
Masuuliyiinta sida weyn farta loogu fiiqayo ayaa kala ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdisalaan “Ilka Case”, Agaasimaha Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Cabdiraxiim Mowliid iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Wasaaradda, Guray Maydhax, kuwaas oo lagu eedeeyey inay si gaar ah u maamuleen lacagahaasi iyada oo aan la marin hannaan hufan ama diiwaan cad oo muujinaya cidda la siiyey iyo inta la bixiyey.
Qaar kamid ah mulkiilayaasha iyo maamulka warbaahinta madaxa-bannaan ayaa sheegay in sanad kasta lagu celceliyo ballanqaadyo la xidhiidha kharashka iyo taageerada warbaahinta, balse marka munaasibaddu dhammaato ay soo baxaan eedo ku saabsan lunsasho iyo kala xulasho lagu sameeyo cidda lacagaha la siiyo.
“Warbaahinta ayaa habeen iyo maalin u taagnayd baahinta munaasibadda, qalabkeedii iyo shaqaalaheedii adeegsatay, balse marka ay xafladdu dhammaato waxa dhacday in lacagihii oo aan ahayn intii loogu tala-galay la siiyo oo Koox yar oo Warbaahinta ah,” ayuu yidhi mid kamid ah masuuliyiinta warbaahinta oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.
“Waxa jira dad tiro yar oo loo diray lacago yaryar oo aan u qalmin, waxaana muuqata in dad gaar ahi si qarsoodi ah u qaybsadeen,” sidaasna waxa sheegay mid kamid ah suxufiyiinta dalka oo codsaday inaan magaciisa la xusin.
Fadeexaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli xukuumadda Somaliland si weyn u muujinaysay muhiimadda ay siinayso warbaahinta iyo kaalinta ay ku leedahay difaaca qadiyadda Somaliland, gaar ahaan xuska 18-ka May oo sanadkan si weyn indhaha caalamka loogu soo jeediyey Somaliland.
Madaxda warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in haddii aan si rasmi ah loo baadhin eedahan, ay dhaawac weyn ku keeni karto kalsoonida u dhaxaysa xukuumadda iyo warbaahinta madaxa-bannaan, isla markaana ay sii xoojin karto tuhunka muddooyinkii dambe jiray ee la xidhiidha maamul-xumo iyo hufnaan la’aan ka dhex jirta qaybo kamid ah hay’adaha dowladda.
Ilaa hadda, Wasaaradda Warfaafinta Somaliland si rasmi ah ugamay hadlin eedaha loo jeedinayo masuuliyiinteeda, mana jiro war cad oo kasoo baxay oo lagu faahfaahinayo habka loo qaybiyey lacagihii loogu talo-galay warbaahinta ka qayb-qaadatay xuska 18-ka May.
Fadeexaddan ayaa noqonaysa mid kamid ah dhacdooyinka muranka dhaliyey ee sannad kasta hadheeya dabaal-degyada 18-ka May, iyadoo warbaahin badan iyo bulshada qaybo kamid ahi su’aal gelinayaan halka ay ku dambeeyaan dhaqaalaha magaca warbaahinta lagu bixiyo iyo cidda dhab ahaan ka faa’iidaysata.

11/05/2026

Deg-Deg:-Wadada Madaxtooyadda Jsl hormarta oo hada la xidhey kadib rasaas ka bilaabmatey Hargeysa.

11/05/2026

Xaafaddaa Ma Ka Maqashay Dhawaawa Rasaasta?

Rag hubaysan oo gaadhi ayaa agagarka xarunt dawlada hoose Hargeisa ka riday rasaas,Ciidanka booliska ayaana goobta soo g...
11/05/2026

Rag hubaysan oo gaadhi ayaa agagarka xarunt dawlada hoose Hargeisa ka riday rasaas,Ciidanka booliska ayaana goobta soo gaadhay.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili muran Golaha deegaanka casimada ah uu taagan yahay.

11/05/2026

Golaha Deeganka Hargeysa Oo kala Haysta 9 iyo Sideed , Goor dhow filo

Afhayeenka Chief Abdiqaadir iidle Oo u jawaabay Abwaan Yuusuf Shaacir  Wakhtigiisa Firaaqada isagaa leh wuxuu ku qabsana...
26/04/2026

Afhayeenka Chief Abdiqaadir iidle Oo u jawaabay Abwaan Yuusuf Shaacir

Wakhtigiisa Firaaqada isagaa leh wuxuu ku qabsanayo haka xanaaqin Yusuf Shaacirow

Abwaan Yuusuf Shaacirow Cabdiqaadir iidle malaa aqoon daraa kaa haysa ciduu shaqada u hayo shaqo aad u diratay ma hayo shaqaduu madax waynuu u dirtay buu hayaa wuuna ka adag yahay wakhtigiisa firaaqada isagaa leh wuxuu ku qabsanayo haka xanaaqin mida kale ma fadhiyo Xafiis siyaasadeed iyo dhaqaale umadeed midna lkn xaga wax bixinta ku qadi maysid

Abwaan mursal Aar Bari

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26 April 2026, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan...
26/04/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26 April 2026, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa kulan wada-tashi ah kula yeeshay Hotel Rays ee magaalada Boorama ganacsatada gobolka Awdal.

Abdiqaadi iidle warbixin fiican idinka hayaaFooqa G+1 masalaha uu ka dhistay 1:Ayaa u dhisay shirkada u dhistay magaceed...
16/04/2026

Abdiqaadi iidle warbixin fiican idinka hayaa

Fooqa G+1 masalaha uu ka dhistay

1:Ayaa u dhisay shirkada u dhistay magaceeda ?
2: qaab noocee ah ayuu wax isk dabamariyey si uu fooqa u dhisto ?
3: lacag intee leeg ayuu ku kacay dhismahaas ?
4: ma shirkada kaliya wada dhistay ( decoration) madaxtooyada somalilnad iyo gurigiisa ?
5: lacagta fooqa uu ku dhistay ma miisaanyadii xafiiska madaxwaynaha laga saaray ?

Jawaabahaas odhan warbixinteena soo socota kaga jawaabayna !

Address

Hargeisa
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta Dahsoon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share