07/05/2021
WAA MAXAY WAX AKHRISKU?
Aqoon ahaan, Akhrisku waa hab dheegasho ah oo uu akhristuhu ereyada qoran ka dheegayo macne buuxa.
Hadii aan si kale u dhigno akhrisku waa hab garaadka ku shaqo leh (cognitive process), oo maskaxda aadanuhu xuruuf xardhanayd uga dhigto ereyo ilaa weedho is-haysta oo u jeeddo dhamaystirana samaynaya. Ujeeddo dhammaystiran u samaynaya cidda akhriyaysa iyo cidda loo akhrinayaba hadii ay jirto. Oo mar ayaaba la gaadhsiiyaa in akhrisku yahy mid ka tirsan hababka ugu kakan, uguna cajiibsan, hanaannada maskaxdu maamusho.
- Qaamuuska afka soomaaliga ee uu qoray marxuum Yasiin C. Keenadiid, wax uu ku u jeeddaynayaa ereyga “Akhriyid” in uu yahy “Erey ama hadal qoran kicin; ku dhawaqid; naqid; marin.” Bogga 9
- Qamuuska ugu tunka weyn afka ingiriisiga ee oxford ayaa isaguna ka agdhawaynaya oo “Reading” ku xusaya inuu yahy mid la u jeeddo ah, “fasirashada qoraal ama xaalad la saarto.”
- Mucjamka weyn ee af carabidu waxa uu ereyga “القراءة” ku micnaynayaa in uu yahy, “ku-dhawaaqidda wax qoran.”
Albert manguel, qoraaga “ A History of Reading,” ayaa ku tilmaamayey akhrisku in uu nafta aadanaha muhiim ugu yahy sida neefsashadu muhiim ugu tahy. Waxa kale oo uu ku cabbirayaaba in akhrisku yahy “furaha fahmidda dunida.”
Mar la waydiiyay sugaanyahankii caanka ahaa ee reer Masar Cabbaas Maxamuud Caqaad (1889-1964) sababta uu u jecelyahay wax akhriska waxa uu ku jawaabay ‘Uma akhriyo si aan wax u qoro. Umana akhriyo si aan cilmi u korodhsodo se waxa aan wax u akhriyaa si aan u helo wax ka badan hal nolol. Adduunyada qof walbaa waxa uu ku leeyahay hal nolol, hal nololna aniga iguma filna. Akhrisku waa shayga kaliya ee siiya noolaha wax ka badan hal nolol waayo nolosha ayuu macaaneeyaa. Qofku wuxuu leeyahay hal fikir hal dareen iyo suurayn oo kali ah (khiyaal) laakiin fikraddaadu marka ay fikrad kale la kulanto, dareenkaaguna la kulmo mid kale, suurayntaaduna la kulanto mid kale waxa dhasha laba fikradood laba daren iyo laba s