11/10/2025
Casharka Ganacsi Ee Laga Baran Karo Kicitaanka Iyo Hoos U Dhaca Temu !!
Jeff Bezos : “Ganacsigaagu haddii uu ku salaysan yahay shortcuts {Hab fudud ama khiyaano lagu gaadho natiijo degdeg ah} Ma noqdo mid meel fog gaadha, Markaa ganacsiga loo dhamaystiro shaqada adag ee uu u baahanyahay ayaa mustaqbal laysku hallayn karo yeesha”
Hadalkan waxa uu yidhi mar uu ka hadlayay shirkadda Temu, Oo suuqeedii u waynaa ee maraykanku hoos-udhac wayn ku yimid.
Temu, Ganacsigeeda maraykanku waxa uu ku salaysnaa hab cashuur ka bood ama cashuur khiyaamid ah si ay qiimaha alaabta ay hoos ugu dhigto ugana jabnaato shirkadaha kale ee suuqa kujira sida eBay iyo Amazon.
Habkaas khiyaamada ah waxa ku fahmay oo soo gabagabeeyay Trump oo meesha ka saaray xeerkii suurtogalinayay cashuur ka boodka kadib maalmihii ay china madaxa isla galeen.
Xeerkaa oo ahaa ; Maraykanka waxa cashuur dhaaf loo samayn jiray alaabta qofka dibadda looga soo diro ee qiimaheedu ka yaryahay $800, taas oo loogu talogalay alaabaha shakhsiga ama ay ashkhaastu isku dirayaan, Temu na qodob kaas ayay fuushay iyada oo company ah oo ay ganacsi ka dhigtay, Markii lagu fahmay na ganacsigii temu ee maraykan wuu is xidhay.
Hadaba casharka uwayn ee halkan laga baran karaa waa in : Ganacsigaagu Sharci ka yahay kolba waddanka uu ka shaqaynayo.