19/03/2026
Sawiradani waxay iiraan u horseedeen musiibo nukliyeer, waxayna noqdeen mid kamid ah tusaaleyaasha ugu caansan ee loosoo qaato khataraha xogaha sirdoon ee furan OSINT (Open Source Intelligence) oo ay hadda daraaseeyaan sirdoonnada dunida oo dhami.
Sawiradan waxaa sii daayay xafiiska madaxwaynihii h**e ee iiraan Mahmoud Ahmadinejad sanadkii 2008, Mar uu ku gudo jiray booqasho uu ku tagay xarunta nukliyeerka ee Natanz Nuclear Facility, Waxay ahaayeen qayb kamid ah olole xayaysiis ah oo lagu xusayay maalinka tiknoolajiyadda nukliyeerka, iyada oo sawir-qaadayaasha iyo kooxda warbaahintu toona aysan ka war qabin cawaaqib xumada ay abuurayso baahinta sawiradani, Iyaga oo shaaciyay faahfaahin iyo xog aan loo baahnayn in la baahiyo.
Markiiba Khubaro ka tirsan hay’adaha sirdoonka maraykanka iyo mossad-ka israel ayaa daraaseeyay oo falanqeeyay sawirada, waxayna ka heleen xog u suurtogalisay inay ogaadaan tirada iyo qaabka centrifuge-yada (centrifuges ku waa qalabka dhaadheer ee tuumbooyinka u eeg waxana loo isticmaalaa kobcinta uranium-ta), sidoo kale qiimeeyaan heerka horumarka barnaamijka nukliyeerka iiraan, iyo inay aqoonsadaan saynisyahanada iyo shaqaalaha xarunta kuwaas oo ay wajiyadoodu si cad uga muuqdaan sawirada.
Xogta laga helay sawiradan ayaa sidoo kale sahashay weeraro cyber, gaar ahaan mid kamid ah sawirada oo muujinaya qayb kamida shaahadaha ayaa shaaca ka qaaday in xaruntu isticmaasho nidaamka SCADA (Supervisory Control and Data Acquisition, Nidaamka Kormeerka, Xakamaynta iyo Ururinta Xogta ee Warshadaha) Khubarada sirdoon ee amniga internet ka ayaa awooday inay falanqeeyaan qaabka iftiinka ee sawirka si ay u ogaadaan qaab-dhismeedka nidaamka xakameeya centrifuge-yada iiraan, taas oo siisay xog dheeri ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka iiraan, taas oo markii dambe na gacan wayn ka gaysatay diyaarinta fayraska stuxnet.
Stuxnet-ku waa fayras (cyber weapon) si gaar ah loogu sameeyay in uu weeraro nidaamka SCADA, gaar ahaan kuwa maamula cetrifuge-yada nukliyeerka iiraan, waxaana sameeyay maraykan iyo israel, Fayraskan oo bar-tilmaameedsaday nidaamyada SCADA, ayaa si xeel dheer loo dhexgaliyay nidaamka xarunta, wuxuuna sababay mid kamid ah weeraradii cyber-ka ee ugu caansanaa taariikhda, wuxuu curyaamiyay gabi ahaanba centrifuge-yadii iyo shaqadii xarunta natanz, sida khubaradu sheegaan dhacdadani waxay dib u dhigtay barnaamijka nukliyeerka iiraan ku dhawaad 5 sano.
Waxaas oo dhan waxa sababay sawiro si kama’ ah loo qaaday oo aan laga fiirsan!!
Dhacdadani waxay ina siinaysaa cashar ku saabsan baaxadda khatarta sirdoonka furan OSINT iyo baahida loo qabo in waxyaabaha la faafinayo/baahinayo la shaandheeyo oo ay hubiyaan khubarada ku shaqada lehi, haddii kale waxa aad si bilaasha ugu gudbinaynaa xog muhiim ah cadowgaaga.