10/10/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka JSL, Dr. Axmed-saki Maxamuud Jaamac, ayaa sheegay in muddadii u dhexaysay bilihii January ilaa Ogost ee sannadkan 2026 loo adeegay 29,782 bukaan oo qaba xanuunnada dhimirka guud ahaan Somaliland.
Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in tirada bukaannada adeegyada caafimaadka dhimirka loo fidiyey ay muujinayso in tiradu kordhi karto, loona baahan yahay in qof kaste caafimaadkiisa si dhaw uga war hayo. Waxa uu sidoo kale sheegay in xogtii ugu dambaysay ee sannadkii 2025 ay muujinayso in guud ahaan Somaliland adeegyo caafimaad oo la xidhiidha xanuunnada dhimirka loo fidiyey 40,000 oo bukaan.
“Laga soo bilaabo bishii January ilaa bishii Ogost, warbixinta soo baxday Somaliland ee aynu hayno waa 29,782 bukaan oo maanka ah ayaa Somaliland oo dhan loo adeegay. Waxa ay taasi ina tusaysaa in tiradu sii kordhi karto. Sannadkii 2025 xogtii ugu dambaysay, 40 kun oo bukaan ayaa loo adeegay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.