Qalinmaal Publishing

Qalinmaal Publishing QP is dedicated to the publishing, editing, designing & distribution of 📚. Good quality materials.

10/12/2025
10/12/2025

MUU AKHRIYO WAALIDKAY

Hurdadu waxa ay ka mid tahay, waxyaabaha la xidhiidha barbaarinta, ee mar kasta oo aad dedaal gelisaan bilawga h**e, aad ka hawlyaraysanaysaan qaybaha danbe. Waxa aan u arkaa habka ugu mudan ee loo maalgashan karaa xaaladdan in ay tahay, in aad naxariis u muujiso ilmaha, dhinaciisana aad jiifsato inta uu ka gam'ayo. Habkan ayuu ilmuhu ku baranayaa in uu isku xidho hurdada iyo dareenka jacaylka, wehelka iyo xasilloonida.

Waxa dhici karta in aad beddeshaan xilliyada hurdadiinna marka aad waqtigan hurdada ku maalgashanaysaan carruurtiinna, laakiin waa arrin iska dabiici ah. Way fiican tahay in ilmuhu uu soo tooso oo uu uriyo carafta hooyadii ama aabbihii, sidaas ayaan ugu talinayaa in waalidku ay la seexdaan ilmahooda. Dhanka kalena; waxa aad taas kaga maarmaysaa in aad habeenkii u kacdo ilmaha oo qol kale aad ugu tagto.

"Haddii aad qofka Soomaaliga ah ee caadiga ah weydiiso waa maxay mushkilada Soomaalida haysata ee hoos u dhigtay dawladn...
09/12/2025

"Haddii aad qofka Soomaaliga ah ee caadiga ah weydiiso waa maxay mushkilada Soomaalida haysata ee hoos u dhigtay dawladnimadooda iyo jiritaankooda. Meel kasta ha joogo qofka Soomaaliga ahi wuxuu kuugu jawaabayaa dhibaatooyinka haysta Soomaalida ee baabi'iyey hanaqaadka dawladnimadooda waxaa ka mid ah qabyaaladda. Waa shaki la'aan inuu qodobkan marnaba ka saaro mushkilada Soomaalida. Inkastoo Soomaalidu wadaagto af, diin iyo dhaqan, haddana ku kala qaybsanaanta ay ku kala duwan yihiin jilibo hoose waxay noqotay caqabad hortaagan dhismaha iyo koritaanka dawlanimadooda."

— Taabbaqaad, B 111aad.

Saykoolajiga Lacagta “Duni gees kasta oo aad ka eegto ay lacagtu nolosheenna qaabayso, buuggani wuxuu lacagta, ganacsiga...
09/12/2025

Saykoolajiga Lacagta

“Duni gees kasta oo aad ka eegto ay lacagtu nolosheenna qaabayso, buuggani wuxuu lacagta, ganacsiga, maalgashiga, hantida iyo guulaha dhaqaale ba kaa tusi doonaa xagal aan cid h**e weli ka soo istaagin. Waa xagal ka duwan xagasha ay buugaag badan oo lacagta ka hadlaa awooddooda isugu geeyaan. Maaddaama oo aanay badi buugaagta ay halabuurkooda leeyihiin qorayaasha Soomaalidu dabooli karin baahida akhris ee bulshada, waxaan buuggan turjumaaddiisa u xushay inuu wax badan ka tari doono baahida akhris ee uu leeyahay qof ku nool nolosha casriga ah ee ka aloosan magaalooyinka maanta. Buuggan “Saykoolajiga Lacagtu,” wuxuu ku bari doonaa in caalamka lacagtu yahay caalamka qudha ee qof jaamacado uga soo baxay uu ku fashilmi karo. Dhinaca kale, waa caalamka keliya ee qof aan jaamacad u gelini uu kaga guuleysan karo qof aqoon sare u leh. Wuxuu si qotadheer kuugu sharxi doona sida iyo sababta ay sidaasi u dhaci karto.”

09/12/2025

"Haddii akhrisku yahay habka ugu muhiimsan ee aqoon lagu kasbado, aqoonkasbashaduna ay tahay mid ka mid ah shuruudaha horumarka xadaaradeed, waxaa innagu waajib ah in aynaan wax dedaal ah ka hagrannin in aynnu akhriska ku degaamayno nolosheenna qofeed iyo nolosha bulshadeenna guud ahaanba. Arrinkuna ma aha faakihaysi iyo madaddaalo, waase arrin masiiri ah. Waxaa shaki la'aan ah in aanay fududayn in "akhriska" laga dhigo mid ka mid ah ereyadeenna maalinlaha ah, taas oo u baahan isbeddel dhuuxa ah oo ku yimaadda habdhaqankeenna iyo caadooyinkeenna, sidaa oo kalana waxa uu u baahan yahay in loo helo hanti iyo waqtiba, intaasna waxaa ka sii horreeya yoolashii iyo waxyaabihii innagu riixayay in aynnu wax akhrinno. Iyada oo dhibtaas iyo dhanqalankaas laga marayo ayaynaan haddana haysan doorasho kale oo horteenna taalla."

—Buugga: AKHRIS AAYATIIN LEH

𝗪𝗮𝘅𝘆𝗮𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗸𝗶𝗰𝗶𝘆𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗮𝗮𝗵𝗶𝗶𝗿𝘁𝗮?"Waayihii h**e, diinta ama aragtiyaha diimeed ayaabulshada kicin jiray oo jamaahiirta xama...
09/12/2025

𝗪𝗮𝘅𝘆𝗮𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗸𝗶𝗰𝗶𝘆𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗮𝗮𝗵𝗶𝗶𝗿𝘁𝗮?

"Waayihii h**e, diinta ama aragtiyaha diimeed ayaabulshada kicin jiray oo jamaahiirta xamaasaddooda oogi jiray, in ay dhaqdhaqaaqyo waaweyn ka qayb qaataanna ku guuli jiray, sida Dagaalladii Saliibiga oo kale. Markii ay Yurub calmaaniyadowday waayahan ugub waxa kaalintaas diinta galay aragtiyaha siyaasadeed oo jamaahirta majaraha u gabtay. Xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada shaqaalaha ayaa danahooda ku fushada."

08/12/2025

"Baro naftaada iyo xaquuqdaada, hel awoodda kugu dhex duugan, waa jirridda aasaaska haweenka. Buuggan waxa uu ku saabsanyahay haweenku in ay bartaan naftooda iyo xaquuqdooda, ayna ku dabartaan safarnololeedkooda. Gabadha miyirka qabta, Rabigeedna ku xiran, xaquuqdeeda lagama qaadan karo oo waa ay soo jeeddaa, qofna ma duudsiin karo, oo Allah ayaa garab taagan waxa uuna ugu qeexay kitaabka Qur'aanka kariimka ah. Waxaana looga baahanyahay in ay xaqeeda barato, miiskana soo saarto, sidoo kale sharaf iyo karaamana ugu noolato. Buugan waxa uu ka kooban yahay qaybo: sidii loo abuuray Xaawa, sida ay gabadhuhu ku baran lahaayeen naftooda, sida ay u daryeeli lahayd gabadhu nafteeda, nooca shaqsiyad ee ay yihiin, nooca tamar ee ay leeyihiin, sida ay maskaxdooda ay u shagayso, nooca wadno ee ay leeyihiin, sida ay u xakamayn lahayd hoormoonnadeeda, riyo-qorsheedka u soo dagana oo ay rabtay; sida ay uga miro-dhalin lahaayeen iyo tan ugu muhiimsan oo ah helidda awooddaada togan iyo sida aad u adeegsato."

07/12/2025
07/12/2025

Buugga Toobiye

"Toobiye waxa ku uruursan maqaallo aan tobankii sannad ee ugu dambeeyey bulshada kula wadaagayey majalladaha iyo degellada internet-ka. Aniga oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay kaydinta qoraalladu, iyo in akhristuhuna hal meel ka heli karo ayuu Toobiye ka dhashay. Buugga Toobiye wuxuu si toos ah u soo xiganayaa, kana hadlayaa Quraan, axaadiis, culimo muslimiin ah, aragtiyo saynisyahan, dawlado, shirkado, xeerar siyaasi ah, madaahiib, axkaam iyo falsafado. Waxa si toos ah loogu arki karaa qeexitaanno, addilooyin iyo afkaar kala duwan oo marjac u noqon kara dhacda kasta oo la akhriyo."

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qalinmaal Publishing posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qalinmaal Publishing:

Share

Category