Qalinmaal Publishing

Qalinmaal Publishing QP is dedicated to the publishing, editing, designing & distribution of ๐Ÿ“š. Good quality materials.

18/07/2026

๐Ÿ“ŒDHAWAAN FILO
๐Ÿ“šBuugga: MOSSAD
๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐ ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐–๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐š ๐ž๐ž
๐’๐ข๐ซ๐๐จ๐จ๐ง๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐ž๐ฅ ๐Š๐š ๐…๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ƒ๐ฎ๐ง๐ข๐๐š
Qoreyaal: Michael Bar-Zohar & Nissim Mishal
Turjumid iyo soo koobid: Maxamed Cawil Xaashi
(Fatax)

"Buuggan oo ka kooban laba iyo toban cutub oo mid kastaa ka warramayo hawlgal gaar ah, waxa uu iftiiminayaa dhiirranaantii iyo hawlgalladii ugu waaweynaa ee sirdoonka Mossad ay ka fuliyeen guud ahaan caalamka. Sida oo kale, waxa uu buuggani tilmaamayaa khaladaadkii iyo fashilkii ka dhacay hayโ€™adda sirdoonka Yuhuudda ee Mossad taas oo marar badan gilgishay sumcaddii iyo jiritaankii laanta sirdoonka Mossad.
Hawlgalladani waxa ay qaabeeyeen awooddii Yuhuudda, sida oo kale, waxa ay baqo geliyeen cadaw badan oo Israel fiintu kala dhex miranaysay. Hawlwadeennada sirdoonka Mossad waxa ay dhammaantood ka midaysanyihiin fikirka dal jacaylka, daacadnimada, jiritaanka iyo badbaadada Israel. Taasi waxa ay ugu danbayn horseedday in ay halis kasta ugu babac dhigaan danaha waddankooda Israel, waxayna noqotay mid tiirdhexaad u ah shaqadooda.
Buuggani waxa uu kaa caawin doonaa kor u qaadista iyo fahamka aqooneed ee sirdoonka, xitaa haddii aanad wax fikir ah ka haysan sirdoonka. Marka labaad, in aad wax ka ogaato dhagarihii iyo shirqoolladii ay hayโ€™adda Mossad ka maleegtay meelo badan oo dunida ah. Marka saddexaad, tabaha sirdoonka Israel iyo sida ay u diyaariyaan hawlgallada qorshaysan, nooca dadka iyo hayโ€™adaha ay Mossad u adeegsato fududaynta hawlgalladooda. Mar afraadka waxa aad ogaanaysaa asbaabaha keena fashilka hawlgallo la soo qorsheeyey. Ugu danbayn-na akhriska buuggan waxa aad ka qaadanysaa faham guud oo ku aaddan Israel iyo sida ay u shaqayso."

๐Ÿ“ฑ+25263 3333755
๐Ÿ“ง[email protected]

QP is dedicated to the publishing, editing, designing & distribution of ๐Ÿ“š. Good quality materials.

28/06/2026

Falanqaynta buugga Eexaysiga Addoonnimada.
Waxa soo jeedinaya Khadar Mariano iyo Khaalid-samaale.

27/06/2026

Falanqaynta buugga Baaqa Islaamiga.
Waxa soo jeedinaya Sheekh Cabdirasaaq Rakuub iyo Xamse Gadhle.

Madashu waa caawa. Diyaar ma tihiin?
24/06/2026

Madashu waa caawa.
Diyaar ma tihiin?

IQRA BOOKS baa laga helayaa tigidhada.
22/06/2026

IQRA BOOKS baa laga helayaa tigidhada.

22/06/2026
Qiimayaasha lagu iibin doono buugagga taxanaha sahan inta lagu gudo jiro bandhigga.
22/06/2026

Qiimayaasha lagu iibin doono buugagga taxanaha sahan inta lagu gudo jiro bandhigga.

Bandhigga iyo falanqaynta buugagga taxanaha Sahan.Goobta: Haleelo Tower Hall 2Taatiikhda: 24.06.2026Arbacada habeenka ay...
21/06/2026

Bandhigga iyo falanqaynta buugagga taxanaha Sahan.
Goobta: Haleelo Tower Hall 2
Taatiikhda: 24.06.2026
Arbacada habeenka ay khamiistu soo gelayso.
7:45 fiidnimo

Tigidhada waxa laga helayaa IQRA BOOKS, tiraduna waa 150 qof oo keliya.

Buugaggan cusub hadda waxa laga heli karaa goobahaa hoos ku xusan.
14/06/2026

Buugaggan cusub hadda waxa laga heli karaa goobahaa hoos ku xusan.

Bandhigga TashiilFuraha Aqoonta MaaliyaddaQore: Cabdinaasir Xasan MacallinGoobta: Hargeysa, Haleelo Tower Hall.Ka soo ho...
25/04/2026

Bandhigga Tashiil
Furaha Aqoonta Maaliyadda
Qore: Cabdinaasir Xasan Macallin
Goobta: Hargeysa, Haleelo Tower Hall.
Ka soo horjeedka Jaamacadda Golis
Goorta: 30 April 2026
Wakhtiga: 07:00pm
Khamiista, habeenka uu Jimcuhu soo gelayo

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qalinmaal Publishing posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qalinmaal Publishing:

Shortcuts

Share

Category