Abdi Zaki

Abdi Zaki Community Media C.M Media is a community information Network.

06/09/2026
29/08/2026

Madaxweyne Ciro Ma Fulin doonnaa Dalabka Ugaaska Ciise ee uu Ergada Guurtida ah u Diray ee la sheegay in uu Shardi kaga dhigay Wada-hadal in Wasiir Cabdale Xilka laga qaado…?
Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Ergo ka socota Golaha Guuritda Somaliland oo u Hoggaaminayo Suldaan Ismaaciil loo diray Ugaaska Guud ee Beesha Ciise ee fadhigiisu yahay Magaaladda Diridhaba in lala soo hadlo, wararku waxay sheegayaan in ergadda Madaxweyne Ciro u diray Ugaaska Guud ee Beelweynaha Ciise oo isaga la’aantii aysan xidhmi Karin colaadda Xeebaha Goboladda Awdal iyo Salel.
Madaxweyne Ciro oo hadda isku dayaya in uu maare u helo colaadda dami la’ ee Xeebaha Goboladda Awdal iyo Salel ku dhexmaraysa Beelaha Ciise iyo Gadabuursi ku dhawaad sannad ayaa hadda dareemayaa farsamo xumooyin h**e oo ay xukuumadda dadkii uga masuulka ahaa ay galeen isla markaanna waxa uu Madaxweyne Ciro u muuqdaa in uu hadda bedelayo qaabkii h**e ee nabadda looga raadin jiray Beelaha Ciise iyo Gadabuursi. Mr Ciro wuxuu door bidayaa imika in bahda dhaqanka uu xoogga saaro sidii ay nabadda u dhalin lahaayeen.
Galka nabadda ee Xeebaha Awdal iyo Salel oo h**e uu masuul uga ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere ayuu ku fashilmay in uu ka keeno natiijo la taaban karo, iska dhaaf in uu natiijo ka keeno eh’ mar h**e ayey Salaadiinta dhaqanka ee Beelaha Gadabuursi joojiyeen wada-shaqeyntii ka dhaxaysay Wasiir Cabdale iyo Gadabuursi balse Madaxweyne Ciro ayaa ka maslaxay Salaadiinta Gadabuursi inay la sii shaqeeyaan Wasiir Cabdale. Halkii laga filayey Wasiir Cabdale in uu ku waan-toobo wada-shaqeyn la’aantii Salaadiinta Gadabuursi ayuu ku darsaday in uu weerar afka ah ku qaado Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Xurmadle Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin oo uu ku tilaamay Ugaas aan taladiisa waxba laga weydiineyn colaadaha Gadabuursi iyo Ciise.
Weerarka afka ahaa ee Wasiir Cabdale ku qaaday Ugaaska Guud ee Ciise ayaa dhalisay cadhadda shacabka Ciise oo ka gadooday hadalada deel-qaafka ahaa ee Wasiir Cabdale ku weeraray Ugaaskoodda, halkaa waxa madaxweyne Ciro uga muuqatay in aan Wasiir Cabdale lagu halayn Karin nabadda Beelaha Gadabuursi iyo CIise, waanna tan kaliftay in ergo Ciro u diro Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin.
Wixii warar ah ee ka soo kordha nala socoda…

27/08/2026

Ma dhabba Is-casilaadda Cabdiqaadir Jirde iyo Ismaaciil yare…?
Warar kala duwan oo warbaahinta maxaliga ahi baahiyeen ayaa sheegaya in ay labadda Siyaasi ee Cabdiqaadir Jirde iyo Ismaaciil Aden Cismaan (Ismail Yare) oo La-taliyayaal u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa la sheegay inay waraaqaha is-casilaadda u gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxman Ciro.
Ismaaciil Aden Cismaaciil Yare ayaa dhawaan qiray in Masuuliyiinta Xukuumadda Ciro uu ka jiro Musuq-maasuq baahsan oo ay waxqaabdii kaga mashquuleen dhisida Gurayaha Casriga ah ee G +1.
Sidoo kale Siyaasiga weyn ee Cabdiqaadir Jire ayaa la sheegay in uu Xaaskiisa Wasiir Samsam Yacniile oo maalin dhaweyd ka ooyday Musuq-maasuqa iyo xoolaha dadweynaha ee Masuuliyiinya Xukuumadda Ciro ka dhisanayaan G +1, ayuu ku waafaqay Cabdiqaadir Jirde in musuq-maasuq hadheeyey laamaha Xukuumadda Ciro.
Dhawaan ayaa la sheegay in masuuliyiin sare oo Xukuumadda Ciro ahi isku dayeen inay is-casilaan balse Madaxweyne Ciro ayaa ka diiday, La-taliayashana lama oga in uu ka aqbali doonno iyo in kale haddii ay waraaqaha si-casilaada u gudbiyeen sida la soo weriyey.

24/08/2026

Yaa Ku Habboon Siyaasiyiinta Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland?
Somaliland Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay ka mid tahay Wasaaraddaha ugu waaweyn ee uu ku tagan-yahay Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, waa Wasaaradda Amniga, Nabadda, ku soo dhaweynta Bulshadda. Wasaaraddan waxay masuul ka tahay Sugida Amaanta Goboladda iyo Degmooyinka Dalka oo dhan — Waxay door weyn ka qaatadda xallinta khilaadaadka gudaha ee u dhaxeeya Degmooyin, Gobolo iyo Beelaha had iyo goor dirirtu dhexmarto.
Somaliland sumcadeeda Dibadda waxa laga dheehdaa Wasaaradda Arrimaha Guduhu hadba sida ay u maareyso mashaakilka ka dhex abuurma Beelaha reer Somaliland oo marmar badan isku qabta ceelal, dhul-daaqsimeed iyo lahaansha dhulka laftiisa — hadba sida ay amaanka gudaha ku sugto ugana shaqeyso midnimadda Gudaha ayaa ah sawirka dalka dibadiisa u baxaya.Somaliland.
Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ah laf-dhabarta nabadda, midnimadda, xallinta khilaafaadka iyo Sugida amaanka gudaha Somaliland, ayaa u muuqata Wasaaradda ay dul-hoganayaan dhaliilo is-barkan —mudadii Xukuumadda Ciro ay dalka gadhwadeenka ka ahayd.
Fashilka muuqta ilaa hadda waxa ka mid ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Hadda Cabdale Maxamed Carab oo aan ak qayb-gelin Qarameyntii Ciidamadii madaniga ahaa ee Goboladda Bariga oo mudo ku dhaweyd laba bilood Xukuumaddu bilowgiiba ay ku mashquulsaneyd sidii Ciidamadii Madaniga ahaa ay ugu dari lahayd Ciidamadda Qaranka —maqnaanshihii Wasiir Cabdale ee shaqadii weyneyd ee bariga ayaa Su’aalo badan dhalisay xilligaas sababta Madaxweyne Ciro oo Cabdale u Cugtay Wasiirka Arrimaha guduhu uga reebay Waftigii Madaxweyne ku xigeenku hoggaaminayey ee inta badan Ceerigabo u fadhiyey dhameystirka qorshihii qarameynta Ciidamadii Madaniga ahaa.
Inkasta oo arrimo badan oo kale ku xigeen haddanna — Shacabka waxa naxdin ku noqotay sidii Wasiirka Arrimaha Guduhu ku xaliyey Khilaafkii ka dhashay Buuggii Xeer Ciise oo mudo badan Wasiirkii oo arrinta xallinteeda u fadhiyey Magaaladda Saylac haddana go’aamadii Xukuumaddu ay ka dhameyn waayeen Haa iyo Maya. Iyado go’aankii shacabku sugayeen ahaa xog sugan iyo talo sugan oo aan leex-leexad lahayn in uu Madaxweynaha u soo gudbiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere — taas bedelkeeda Xukuumaddii dhaneyd ayaa maamul xumadii Arrintaas kula baxday HAA iyo MAYA.
Maareyn la’aantii Buuggii Xeer Ciise ayaa abuuray isku dhacdo u dhaxeeyey Beelaha Ciise iyo Gadabuursi. Joojinta Coladahaas oo mar kale uu ku fashilmay Wasiirka Arrimaha Guduhu — ayaa dhawaaq aan dhagaha shacabka iyo Xukuumaddaba waxa uu mar kaliya ka soo yeedhay Salaadiinta Dhaqanka ee beelaha Gadabuursi oo ku dhawaaqay inay joojiyeen wada-shaqeyntii Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere —taas oo fajac iyo amakaak ku riday Shacabkii sugayey midnimada iyo xalinta khilaafkii taagnaa — Madaxweyne Ciro ayaa xaliyey khilaafkaas Salaadiinta Gadabuursi iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha soo kal dhexgalay, Madaxweyne Ciro ayaa gacmaha isku saaray Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Salaadiintii Gadabuursi.
Mar kale todobaadkan ayuu Wasiir Cabdale oo ku fashilmay xallinta Colaadaha Galbeedka —halkii laga filayey wax xalin ayuu mar kaliya weerar afka ah ku qaaday Ugaaskii Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin oo ah ninka nabadda Ciise ka go’do — Shacabka Beesha Ciise ayaa ka hor-yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha waxayna taageereen Ugaaskooda Guud Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin.
Si kastaba ha ahaatee, warar xog-ogaal ah oo Madaxtooyadda ka soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweyne Ciro damacsan yahay in masuul cusub u magacaabo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland — waanna sababta aanu bulshadda u weydiinay masuuliyiinta hadal-hayntoodu soo baxday midka ku habboon Wasaaradda weyn ee Arrimaha gudaha….? Xigasho Xogreeb Media

23/08/2026

Ma Is-casilaad ayuu Qorsheynayaa 24 Saacadood ee Soo Socda Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Sandheere…?
Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya kulankii ugu danbeeyey ee Madaxweyne Ciro la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Maxamed Carab Cabdale Sandheere. Kulankaas oo qaatay mudo Saacad iyo badh ah ayaa lagu gorfeeyey Colaadda dami la ee Xeebaha Gobolka Awdal iyo Salel—xogtu waxay tibaaxaysaa in markii h**e kulanka ay ku wehelinayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Taliyaha Guud ee Ciidamadda Milateriga, Sirdoonka , Saraakiil kale iyo Wasiirka Madaxtooyadda balse Markii danbe waxa loo kala baxay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere— sida wararku sheegayaan Madaxweyne Ciro ayaa aad u canaantay Wasiirka Arrimaha Guduhu in uu dhayalsaday colaadda galbeedka isla markaanna uu u sikhiray xiisadaha marba marka ka danbeysa sii cuslaanaya.
Wasiir Cabdale oo isku dayey in uu sidiisii yidhaa Madaxweyne amaanku wuu sugan yahay ayaa markan kulanka Madaxweynaha hungo kala kulmay markii Madaxweyne Ciro yiqiinsaday xaqiiqada Colaadda Galbeedka. Mr Ciro wuxuu kala dooran siiyey Cabdale Sandheere laba daran mid dooro oo ah.
1. In Mr Cabdale nabad buuxda ka keeno Colaadda u dhaxaysa Beelaha Ciise iyo Gadabuursi madaamma oo uu u dhiibay Wasaaraddii ugu weynayd ee Amniga Qaranka.
2. In uu Iska casilo xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee uu ku fashilmay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere oo aan cadhadan uga baran Madaxweyne Ciro ayaa lagu soo waramayaa in uu ku qalqaaliyayo in uu Xilka iska casilo 24 saacadood ee soo socda haddii uu ku soo dhameyn waayo oo uu nabad ka keeni waayo Colaadda cuslaatay ee Beelaha Gadabuursi iyo Ciise u dhaxaysa.
Si kastaba ha ahaatee— ma muuqato guul uu Wasiirka Arriamaha Gudaha Somaliland Mr Cabdale Sandheere ka keeni karo Colaadda Beelaha Gadabuursi iyo Ciise madaamma oo labada beelood Salaadiintooda iyo Ugaasyadooduba aysan kalsooni ku qabin Wasiir Cabdale. H**e ayey u ahayd markii Salaadiinta Beesha Gadabuursi u joojiyeen wada-shaqeyntii ka dhaxaysay Wasiir Cabdale iyo Hogaanka dhaqanka ee Beelaha Gadabuursi balse mar danbe ayuu Madaxweyne Ciro ka maslaxay oo gacanta isku saaray Salaadiinta DHaqanka ee Beelaha gadabuursi iyo Wasiir Cabdale.
Geesta kale dhawaan ayey ahayd markii Ugaaska Guud ee Beesha Ciise uu wearer afka ah ku qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Sandheere—taas bedelkeedda Shacabka iyo dhaqanka Beesha Ciise ayaa difaacday Ugaaskooda Cabdalena u sheegtay in aysna wada-shaqeyn Karin.
Haddaba, marka ay sidaas tahay Wasiir Cabdale yuu nabadda u xidhayaa…? Yuu kala xaajoonayaa Beesha Ciise…? Sidee ayey Beesha Ciise mar danbe u aamini kartaa Cabdale Sandheere…?
Ciro side ayuu doonayaa inay nabad uu gadhwadeen ka yahay Wasiir aysan shacabkii Beeluhu ku kalsooneyn in uu nabad ka dhex-dhaliyo…?
Nabadda uu Gadhwadeenka ka yahay Wasiir Cabdale waxay ka dhigan tahay:
Nin dawee la leeyahay.
Dambi uu badh leeyahay.
Xalka doon la leeyahay.
Isaguu u daranyoo.
Inu daaro ma ogola.
Daaraanta mililka leh.
Anna deysta ma ogoli.
deebaaqda igu mudan.
Maansada Daba-taxan Awbaan Gaariye AHN. Xigasho Xogreeb Media

23/08/2026

Ciro xitaa ma Tacsi ayuu u quudhi waayey dhimashada iyo dhaawaca Dagaalka Ciise iyo Gadabuursi... ?

21/08/2026

Madaxweyne Ciro oo laagu baaqay in uu Xilka ka Qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Salaadiin, Siyaasiyiin, Cuqaal iyo Aqoonyahan ka soo jeeda Beelweynta Ciise ay Madaxweyne Ciro u gudbiyeen codsi ay ku sheegeen in aysan la shaqeyn Karin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Sandheere, kadib markii uu ku fashilmay maareynta Colaadda dabada dheeraatay ee Gobolka Salel isla markaanna uu Wasiirku maamuli kari waayey mushkiladda halkaas ka jirta— taas bedelkeedana kula kacay dadka deegaanka kala qaybin iyo u kala sheekeyn.
Beeshan Ciise ee Madaxweyne ka dalbatay in aysan ka shaqeyn Karin Wasiirka Arrimaha gudaha ilaa oo laga soo bedelo Xilkaas waxay ku soo beegmaysaa xilli shacabka Beesha Ciise ka dhiidhiday aflagaado uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Sandheere kula kacay Ugaaska Guud ee Beelweynta Ciise Xurmadle Ugaaas Mustafe Maxamed Ibrahin.
Bahda dhaqanka, Haweenka, dhallinyaradda iyo dhamaan Beelweynta Ciise ayaa ka cadhootay hadaladii deel-qaafka ahaa ee Wsiirka Arrimaha Guduhu ku weeraray Ugaaska Guud ee Beelweynta Ciise Ugaaas Mustafe Maxamed Ibrahin.
Maaha markii Koowaad ee sida oo kale mid ka mid ah Beelaha Somaliland ay Soo gudbiyaan waraaq ama codsiyo ay ku sheegayaan in aysan ka shaqeyn Karin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Sandheere, 16 Bishii 1-aad ee Sannadkan 2026-ka ayey ahayd markii Hogaanka dhanka Beesha Gadabuursi ay soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegeen in ay joojiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Sandheere— balse Madaxweyne Ciro ayaa ku dadaalay in uu ka maslaxo Salaadiinta Gadabuursi Wasiirka Arrimaha Gudaha, xilli radamaan ah ayuu Afur uu gacanta isku saarayo Madaxweyne Ciro Salaadiinta Gadabuursi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere ugu ssameeyey Madaxtooyadda.
Haddaba, dadka ka faalloodda Arrimaha Siyaasadda ayaa mar kale ka walaacsan in sidii h**e Madaxweyne Ciro uu mar kale Beesha Ciise iyo Wasiirka gacmaha isku saari doonno oo uu ka maslixi doonno, iyadoo Siyaasadda Somaliland aysan h**e u dhicin Wasiirkii Amniga gacanta ku hayey oo Beelihii joojiyeen wada-shaqeyntii ka dhaxaysa oo hadana lagu cadaadiyo Beelaha in ay iska ogolaadaan wasiir aysan la shaqeyn Karin.
Su’aasha la is-weydiinayaa ayaa ah sidee ayey nabadu u xidhmaysa kol haddii Beeshii labaad oo ah Beel-weynta Ciise sheegayso in aysan la shaqeyn Karin Wasiirkii Arrimaha Gudaha, iyadoo Salaadiinta Gadabuursi h**e u joojiyeen wada-shaqeyntii Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maslaxo lagu dhameeyey…?
Xigasho: Xogreebnews.

17/08/2026
13/08/2026

Ma dhabbaa Wasiir Barkhad Batuun ayaa ka danbeeyey dabkii ka kacay Suuqa-Dhuxuleysatada ee Idaacadda…?.

Warar soo baxay oo la isla dhexmarayo ayaa sheegayaa in Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Ciro Barkhad Batuun uu ka danbeeyey dab ka kacay Suuqa-dhuxuleyda ee Deyrka Idaacadda oo maalintii shalay dab qabsaday.
Dad diiday inay sheegaan magacyadoodda ayaa warbaahinta u sheegay in Wiil ay qaraabo yihiin Wasiirka Warfaafinta Barkhad Batuun la tuhunsan-yahay in uu ka danbeeyey dabkii ka kacay suuqa-dhuxuleyda ee Idaacadda.
Dhawaan ayey ahayd markii Ganacsatadii Suuqii idaacadda ee Gubtay ku eedeeyeen Wasiir Barkhad iyo Wasiirka Hawlaha Guud inay Akoonno soo sameysteen(Accounts) kana dalbadeen in lacagta lagu dhisayo suuqa loogu shubo.
Sidoo kale waxay dad goob joogayaal ahi sheegeen in todobaadyadanba Wasiir Barkhad uu ku wareegi jiray Deyrka Idaacadda oo hunguri ka hayo sidii Qaraabadiisa goob ganacsi ugu heli lahaa.
Warkani wuxuu ka turjumayaa Gabaygii ahaa:
Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane
Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne
Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye

Wixii warar ah ee ka soo kordha la soco.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdi Zaki posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share