03/04/2025
๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐๐ ๐๐ญ๐จ๐จ๐๐ข๐ฒ๐ ๐ฆ๐ ๐๐ญ๐จ๐จ๐๐ข๐ฒ๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ญ๐ ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ ๐ข๐ฒ๐๐ ๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ข๐ฌ ๐ ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐?
Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) waa maamulka ka tirsan Itoobiya, oo dhaca jihooyinka bariga iyo bari-koonfureed ee dalka. Deegaanku wuxuu ku fadhiya dhul baaxaddiisu tahay 350,000 kmยฒ, waxaana lagu qiyaasaa dadka ku nool 9.654 milyan.
Dhawaan waxa soo baxay muran u dhexeeya Dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF, iyada oo ONLF ay Dowladda ku eedaynayso in shacabka Deegaanka Soomaalidu ayna wali haysan xoriyadaha qaar kadib isbeddalkii dhacay, iyada oo ururku ku hanjabay in uu markale xabad kala hortagi doono Dowladda Federaalka Itoobiya.
Haddaba, waxaa jirta dood ah: Muxuu deegaanku horumar ahaan u dambeeyaa? Maxaa sababay in gabood-fallo iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo aan xad lahayni ay ka dhacaan? Maxaa keenay in xorriyadda ganacsiga iyo nolosha la xaddido? Ma Itoobiya ayaa sabab u ah mise maamulladii deegaanka soo maray? ONLF ma ilaalisay xuquuqdii ay u halgamaysay muddada dheer?
๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ค๐
Si ka duwan deegaannada kale ee Itoobiya, madaxdii soo martay deegaanka, gaar ahaan xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, waxay goโaansadeen in ay dadkooda laayaan, iyagoo ugu gambanaya la dagaallanka kooxo nabad-diid ah. Tuulooyin ayaa la gubay, dad nool ayaa la aasay, haween ayaa la kufsaday, carruur iyo cirroole mid toona looma naxariisan, xitaa jeelasha ayaa dadka loogu ciqaabi jiray si biniโaadannimada ka baxsan.
Waxaa isweydiin mudan: Dadka dhibaatadan gaystay ma ciidan Itoobiyaan ah ayay ahaayeen? Maya, waxay ahaayeen madax iyo ciidan Soomaali ah oo goโaansaday in ay dadkooda gumeeyaan, halka madaxda iyo ciidamada deegaannada kale ee Itoobiya ay shacabkooda ilaalinayeen. Lama diidana in ciidamada Itoobiya ay dadka dhibaatooyin u gaysteen waliba ay kumanaan qof ku xasuuqeen deegaanka, iyaga oo isticmaalaya noockasta oo jidh-dil ah iyo si kasta oo qof loo cadaabi karo, laakiin waxa ay dowladda deegaanka Soomaalidu samaysay waa lagama sheekeeyaan. Ma jirto dowlad deegaan oo dadkeeda xasuuqday sabab laโaan, marka laga reebo tan Soomaalida.
๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐
Dhanka kale, Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda dhexe ee Itoobiya, isla markaana ku dooda inay u dagaallamayso xuquuqda shacabka, kamay madhnayn gabood-fallada. Inkasta oo ay sheeganaysay in ay danta shacabka u dagaallamayso, haddana dagaalamayaasheedu hablaha ayay kufsan jireen, shacabka ayay dhici jireen, waxayna dili jireen qof walba oo aan la dhacsanayn mabdaโooda iyo xataa dadka reer miyiga caadiga ah. Taasi waxay muujinaysaa in ONLF qayb ka ahayd dhibaatadii shacabka deegaanka lagula kacay.
๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ก
Marka la eego xorriyadda ganacsiga iyo ta shakhsiga ah, Itoobiya way ku liidata guud ahaan, lakiin Deegaanka Soomaalidu waa meelaha ugu sii liita. Madaxda Dowladda Deeganaku waxay ku kaceen xadgudubyo ka dhan ah shacabka. Inta badan, dadka ganacsatada ah waa la fatasha gaar ahaan xiligii dowladii CMC, hantidoodana waa la dhaca, waxaana masโuul ka ah askar iyo madax Soomaali ah, inta badan ma aha ciidamada dowlada dhexe ee Itoobiya. Madaxda Soomaalidu hadii ay rabto in dadku xoriyad ganacsi iyo badhaadhee nololeed helo lama arkeen askari si xaasidnimo ah midi ugu kala jeexaya shamdada yar ee uu qofka safarka ahi sito iyada oo ogaan dhulka loogu daadiyo waxa ku jiraba.
๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐
Marka la isku daro dhammaan jawaabaha, waxaa soo baxaysa in Soomaalidu ay is gumaysay oo ay is ku dowladaysay. Madax Soomaaliyeed ayaa goโaansaday inay shacabkooda dhibaateeyaan, taasoo aan ka dhicin deegaannada kale ee Itoobiya. Addis Ababa si toos ah uguma lug lahayn, waayo haddii ay siyaasaddooda ahaan lahayd, meel kasta oo Itoobiya ka mid ah ayay dhibaatooyinkani ka dhici lahaayeen. Xataa hadii dadka qaar yidhaahdaan waa lagu qasbay in ay xasuuqaan dadkooda, yaa ku qasbay in ay cadaabaan dadkii ku jiray jeelasha ay maamulayeen iyagu?. Dhibka dadka deegaanka ku dhacay waxa masuul ka ah madaxdooda, iyaga ayaana ka qaadi kara.
๐๐๐ฅ๐ค๐
Xalka waxa uu ku jiraa in madaxda Soomaalidu ay ka shaqeeyaan danaha shacabkooda, ilaaliyaan xuquuqaha aasaasiga ah, kor u qaadaan xorriyadda hadalka, ganacsiga, iyo nolosha dadka deegaanka. Waa in aysan iyagu horseed u noqon dhibaato gaar ah oo ku habsata shacabka Soomaaliyeed. Haddii ay jiraan arrimo ka baxsan awooddooda, waa in ay tab iyo xeelad kasta u adeegsadaan sidii ay u xallin lahaayeen, halkii ay iyagu noqon lahaayeen kuwo ugu horreeya xasuuqa dadkooda.
๐๐๐ฑ๐ ๐ช๐จ๐ซ๐๐ฒ: ๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข ๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ฅ