18/05/2023
Dagaalka Wadooyinka iyo Laascaanood.
Wadooyinka ama dariiqyadu waxay muhiim uyihiin Dagaalka Laascaanood cida marinada haysata ayaa dagaalka furihiisa haysa.
Dagaalka ugu badan ee dhex-mara Mallatariga Somaliland iyo Huwanta Laascaanood ka dagaalamaysa, dagaalka ugu badani wuxuu ku dhex-mari jiray Buundada Booda ilaa Maraaga oo Awoodooda oodhan xoogaga Mucaaradku iskugu geeyeen , waxaa Somaliland ka jooga Ciidanka Qeybta 12-aad ee ugu awooda badan.
Huwanta oo furata Wadada Maraaga illaa Gambadha waxay uleedahay muhiimad Istaraataji iyo Mallatari iyo mid dhaqaalle waxay doonayaan ,inay isku xidhaan Laascaanood iyo Garoowe si, taakulaynta sifudud ugu helaan Ciidanka Somaliland ee fadhiya Maraaga ilaa Buundada Booda oo la jabiyo waxay ka dhigan tahay iyadoo lasoo jabiyey Difaaca ugu h**eeya ee Laga illaaliyo Saldhiga weyn ee Goojacade.
Huwantu markii usuurta geli wayday inay Jiidhaan difaaca Ciidanka Mallatariga Somaliland ee Bariga Laascaanood, waxay Awoodooda oodhan iskugu keeneen Wadada Laamiga ee Galbeedka Laascaanood sida Tuulo Samakaab oo uu maro Gurmadka Somaliland.
Wadada Oog ilaa Laascaanood waa 100 km xoogaga Mucaaradka ee Laascaanood waxay rabaan inay kala jaraan Gurmadka Somaliland taas oo Somaliland uga dhigan geeri iyo nolol.
Somaliland oo shanbilood dagaal ka wada Laascaanood waxay umuuqataa inay Maalmaha soosocda gallayso dagaal isdaba jooga waayo labadii dagaal ee udanbsay waxay ku wiiqday Awoodii difaacyada Laascaanood,difaacyada oo Somaliland jiidho waxay ka dhigan tahay iyadoo sifudud Gudaha ugu gasha Laascaanood iyo inay dib uqabsato.
Hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali ee ah inay xidheen wadada Laamiga ee Galbeedka Laascanood waa Dagaal nafsi ah(حرب النفس ), waxba k**a jiraan wuxuu doonayaa inuu taageeriyaashiisa niyada udhiso, Gurmadka iyo dhaawaca Somaliland si joogtaa ayuu umaraa Wadada Laamiga ee Laascaanood ilaa Oog.
Dagaalka oo Shanbilood qaatay Somaliland waxay taageero farsamo iyo mid Mallatari ka heshaa dalalka Imaaradka,Iyo Twain oo saaxiibo dhaw la ah Jamhuuriyada Somaliland.