Cabdirisàaq dirir

Cabdirisàaq dirir Waxaad ka helaysaan warar faahfaahsan iyo taariikh dhaqan iyo madadaalo

24/06/2025
Trump ayaa somalia ku sheegay dalka ugu liita aduunka
24/06/2025

Trump ayaa somalia ku sheegay dalka ugu liita aduunka

Km per hour
24/06/2025

Km per hour

11/06/2025

Aroos cajiib ah

20/05/2025

Ururka shaqaalaha dhismaha ee tawakal

S. A. WThe Ancient 4,500-Year-Old Tunic at the Egyptian Museum.The history of    began with the discovery of two critica...
20/05/2025

S. A. W
The Ancient 4,500-Year-Old Tunic at the Egyptian Museum.

The history of

began with the discovery of two critical principles: The first is camera obscura image projection, the second is the discovery that some substances are visibly altered by exposure to light[2]. There are no artifacts or descriptions that indicate any attempt to capture images with light sensitive materials prior to the 18th century.
View from the Window at Le Gras 1826 or 1827, believed to be the earliest surviving camera photograph.[1] Original (left) and colorized reoriented enhancement (right).
Around 1717, Johann Heinrich Schulze used a light-sensitive slurry to capture images of cut-out letters on a bottle. However, he did not pursue making these results permanent. Around 1800, Thomas Wedgwood made the first reliably documented, although unsuccessful attempt at capturing camera images in permanent form. His experiments did produce detailed photograms, but Wedgwood and his associate Humphry Davy found no way to fix these images.
In 1826, Nicéphore Niépce first managed to fix an image that was captured with a camera, but at least eight hours or even several days of exposure in the camera were required and the earliest results were very crude. Niépce's associate Louis Daguerre went on to develop the daguerreotype process, the first publicly announced and commercially viable photographic process. The daguerreotype required only minutes of exposure in the camera, and produced clear, finely detailed results. On August 2, 1839 Daguerre demonstrated the details of the process to the Chamber of Peers in Paris. On August 19 the technical details were made public

03/03/2025

Ramadan mabarak meelkasta oo dunida ka joogtaan somali people

Xisbiga Kulmiye 50% ayuu u diyaarsan yahay ilaa hadda ku guulaysashada markale, ee taladda dalka, Kulmiye waa Xisbi guun...
01/10/2024

Xisbiga Kulmiye 50% ayuu u diyaarsan yahay ilaa hadda ku guulaysashada markale, ee taladda dalka, Kulmiye waa Xisbi guun ah 14kii sanno ee u dambeeyayna ariminaayay, waana mid keenaysaa wax lagu saluugo iyo wax lagu caashaqo labadaba.

Haddaba waxa jira fursado ka duwan kuwii 2017kii ee Mr. Biixi lagu doortay, iyo kuwo kale oo jaanis u ah in uu ku dhaco, ama ku soo baxo.

sidoo kale waxa jira dhaliilo ku xeeran oo in uu dhaco keeni kara, taasi badelkeed wuxuu haystaa jaanisyo uu mar labaad ku soo noqon karro.

Tartanku waa mid adag waxaana la odhan karaa, waa doorashadii ugu adkayd ee abid soo marta Somaliland, inta qabsoontay, ama qorshaysan, se mid soo socota mooji.

Doorashadani waa mid ay danaynayaan guud ahaan beesha caalamku, iyo dalalka jaarka taasi oo uu keenay heshiiskii is af-garad ee Ethiopia iyo Somaliland " Red sea MoU"

Dhaliilaha ku xeeran Kulmiye:

1- ma jiraan maanta fursadihii 2017kii ee ahayd jeeganta, Habar Awal iyo Habar Jeclo sida badheedhka ah ay ugu doortaan Mr. Biixi; waayo HJ wey celisay abaalkii, Sacad Muusana kursigii wuu gaadhay, sidaasi darteed ma jirto qabiilo u ooman dhisida Mr. Biix, sida dhigiisa Mr. Cirro Garxajis ugu heelan yahay kursiga madaxnimo.

2- Madaxweyne Biixi mudaddii uu talinaayay ee 7sanno ahayd waxa jira dhaliilo waa weyn oo ku xeeran waxaana ka mid ah:
* Dagaalkii Laascaanood iyo jabkii goojacadde.
* Waxa jira siyaasiyiin, ganacsato, wadaaddo, fanaaniin, aqoon yahan, badan oo ay isa seegeen intii uu talada hayay kuna hawlan sidii ay u ridi lahaayeen.
* Waxa jira baahiyo dhanka arimaha bulshada, ah sida; caafimaadk, waxbarashada, dhaqaalaha, amniga oo dhamaantood lagula xisaabtamk karro.

3- Nidaamka Ololle ee Madaxweyne Biixi waa mid saluug weyn laga qabo maadaama oo stylekiisu yahay mid xidhxidhan "centralized" go'aamaduna yihiin kuwo shaqsi ah "single decision" waxaana aad moodaa in wax kastaa ku xidhan yihiin Madaxweyne Biixi, lagana sugaayo.
a) dhaqaaluhu waa mid xidhxidhan
b) la kulanka Madaxweyne Biixi iyo balamihiisuna waa kuwo adag
c) Siyaasiyiinta Kulmiye maaha kuwo go'aamo masiiri ah gaadhi karra, ama cid cusub oo waxtar le keeni karra. Waa " canaanka yaab reer ma doojo".
d) habsan dhanka dhismaha gudiyadda olollaha doorashada ah oo ilaa hadda aan la dhamaystirin.

Fursadaha guusha Madaxweyne Biixi ee mar kale:

1- Somaliland waxa ay baahi weyn u qabtaa in ay noqoto dal jira oo la aqoonsanyahay, mudnaanta koowaad u ah, sidaasi darteed heshiiska Itoobiya waa mid saamayntiisa leh, waana guusha ugu weyn ee madaxweyne Biixi gaadhay intii uu talinaayay, waa mid lagu qiimayn karro sida uu ugu dhiiraday, waa mid lagu dooran karro mar kale, Sababta oo ah:
* heshiisku wuxuu muunad u yeelay sumcada jiritaan ee dawladnimadda Somaliland.
* Waxuu kor u kacday heerka duplamaasiyadeedd ee Somaliland caalamka ka joogto maanta.
* Waxa xoogaystay saaxiibadda Somalilad.
* Waxa dhismay doodo sharci oo suuro galin kara hab sharci lagu helo aqoonsi caalami ah.
* Waxa muuqday in Somaliland gali karto heshiisyo waa weyn oo dhaqaale iyo amni layskuna halayn karro.
* Somaliland waxay ka mid noqotay waddamada soo galay ajandayaasha qaramadda midoobay. Sidaa darteed MoUgu waa fursad guul waarta keeni kara madaxweyne Biixi, waa haddi la iib geeyo loona hagar baxo.

2- Madaxweyne Biixi waxa uu haystaa fursad dawladeed oo uu isku dhisi karo, waxa la yidhi " Isu haye iskama hagrado" dawladnimad iyo Xisbi is kaashaday hadii laga faa'ideeyo maaha kuwo la loodin karro, waxaana ag yaala jaani dahabiya oo aanay haysan dhigiisu, waxa ku xeeran xoog dadeedd, waxa ku xeeran fursad dhaqaale, iyo mid farsamo intaba, wana hadba sidii loo isticmaalo. Xiliyadda doorashada waxa ugu weyn ee ay isticmaalaan Xisbi Xaakimku waa dawladnimadda.

3- Madaxweyne Biixi intiiu uu taladda hayay waxa jirra meelo uu wax badan qabtay kuna faani karro, taasina waxa ugu weyn baahiyaha dhanka Biyaha dalka waxa uu ka hirgaliyay dhaamam waa weyn, sidoo kale wax aad looga shaqeeyay dhanka jidadka, dhiiri galinta wax soo saarka, taladda oo ku urursan gacantiisa.

4- Mr. Biixi waa askari dhaqan yaqaan ah, jabhad ah, si weyna u yaqaana dadka iyo debeecada deegaan, dhaqaale ee shacabka reer Somaliland, waa reer hawd yaqaana dhaqanka raacatada iyo beeralayda sidaasi oo ay tahay haddii uu hagar baxo, jeebka furo, kulanada furo, dadka uu diranaayana kalsooni dhankasta ah siiyo shaki la'aan waa mid guul keeni karta.

Ugu dambayn Mr. Biixi haddii uu dhaco waxa uu noqanayaa Haad geed waayay, wuxuu noqonayaa Maroodi jabay oo habar dugaag ka dhergo. Wuxuu u jabayaa Xassan Sheekha Xamar, Geelaha Djabuuti, Masar, kooxihii ku dagaalamay Laascaanood.

Haddiii uu guulaystana wuxuu noqonayaa boqor geeska Africa ka arimiya, geesi aan la loodin, iyo in uu noqdo shaqsi keena aqoonsiga Somaliland, wuxuuna kaa dhayaa guul taariikhiya oo ku sugnaata soyaalka siyaasadda geeska Afrika.

Dalka lubnaan Hogaamiyihii ururka xisbulah xasan Nasrulah ayaa la sheegayaa inuu geeriyooday Dilka xasan ayaa kusoo beeg...
28/09/2024

Dalka lubnaan
Hogaamiyihii ururka xisbulah xasan Nasrulah ayaa la sheegayaa inuu geeriyooday
Dilka xasan ayaa kusoo beegmaya
Xili wareero adag oo u dhexeeya Israel iyo kooxda xisbulah ee dalka lubnaan

26/09/2024

Kuwa maanta gabiley calanka kulmiye lasoo baxay
Gunbay ahaayeen
Aan raganimada waxba ka aqoon
Hadaan qabyaaladooda u raaco maanta madaxweyne biixi wuxuu joogey cadaadley
Sidoo kale cabdiraxmaan ciro wuxuu joogey gabiley
Midna sida gobta ayaa fadhiga looga kacay
Midna sida cunsuriyiinta ayaa calankale lagu soo dhoweyey

Tusaale ahaan maayarka ceerigaabo
Isagoo mucaarid ah ayuu Madaxweynaha hor cararayey

Waa ceeb
Hadii aad taageerin
Iska dhaaf oo gurigaaga iska joog

Laabsaaalax Dhiiqo ayuu cagaha kula jiraa Mid inadeertii ah ayuu ku sheegay Shuubadii sorta keeni jirtey Ilaahay bah gob...
26/09/2024

Laabsaaalax
Dhiiqo ayuu cagaha kula jiraa
Mid inadeertii ah ayuu ku sheegay
Shuubadii sorta keeni jirtey
Ilaahay bah gobo hakaa furfuro xasanow

Address

150 Street
Hargeisa
7ZIP

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdirisàaq dirir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cabdirisàaq dirir:

Share